SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JABUUTI

  • Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la Dejiyey Madaxtooyada Dowlada Jabuuti.
  • Xildhibaan TFG ka tirsan oo yiri "TFI Waxaa Xukumayey oo ay Amarka ka Qaadan Jireen Wakiilada Deeq Bixiyayaasha, Hay'adaha UNDP, WFP iyo Shaqaalaha Baanka Aduunka…" wareysi gaar ah
  • Xildhibaanada Beelaha Direed oo si Weyn Isugu Raacey Qabashada Xilka Ra'iisul Wasaaraha In ay u Taagan Yihiin.
  • Dhamaan Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ayaa la filayaa in siminaar socondoona todobaad uu uga furmo Guriga Ummada ee caasimada dalka Jabuuti 05/02/2009, kaasoo ujeedadiisu tahay habka doodaha Baarlamaanka, is-barasho Xildhibaanada cusub iyo kuwii hore, sida aan ka helney xubno ku dhow dhow xafiiska gudoonka Baarlamaanka.

Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la Dejiyey Madaxtooyada Dowlada Jabuuti.

Madaxweynaha DKMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaarey 04/02/2009 caasimada dalka Jabuuti, Madaxweyne Sheekh Shariif oo ay diyaarad wada saarnaayeen Madaxweynaha dalka Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jabuuti iyo xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa la dejiyey Xarunta Madaxtooyda dowlada Jabuuti, halka wafidga kale ee la socdey Madaxweynaha loo oo ay ka mid ahaayeen Ra'iisul Wasaarihii hore ee DFKMG Nuur Xasan Xuseen, Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, Xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh iyo xubno kale loo gudbiyey Hotelka Kempiniski oo ay hore u deganaayeen.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo wax ka yar 24 saac loo doortey xilka madaxweynaha, islamarkaana loo dhaariyey 8 saacadood kadib ayaa wuxuu ka qayb galey shirkii 12-aad ee midowga Afrika, waxaa uuna kulamo kala duwan la soo qaatey madax kala duwan oo isugu jira madaxweynayaasha qaar ka mid ah wadamada Afrika, Diblamaasiinta dalallka caalamka, Wakiilada Ururada Caalamka.

Madaxweynaha ayaa waxaa hor yaala hawlo fara badan oo ay ka mid tahay ku dhawaaqista Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumada TNG-da, Ansixinta Golaha Xukuumada cusub oo Baarlamaanka la horgeeyo iyo Qorshe hawleedkeeda, dib ugu laabashada dalka Soomaaliya dhamaan Dowlada cusub sidey u dhan tahay, iyadoo ay jiraan is riix riix beeleed oo dhinaca qabashada xilka Ra'iisul Wasaaraha cusub, taasoo ay ka muujinayaan dadka arimaha siyaasada ku xeel dheer aragtiyo isugu jira talo bixin iyo handadaado fara badan oo ay ka imaanayaan Beelaha Soomaaliyeed, Halka xoogaga ka soo horjeed DKMG ay iyaguna diyaarinayaan qorshayaal cusub oo lagu wiiqayo awooda dowlada cusub ee aan wali saldhigin dhismo Xukuumadeeda cusub.

Xildhibaan TFG ka tirsan oo yiri "TFI Waxaa Xukumayey oo ay Amarka ka Qaadan Jireen Wakiilada Deeq Bixiyayaasha, Hay'adaha UNDP, WFP iyo Shaqaalaha Baanka Aduunka…" wareysi gaar ah


Mid ka mid ah xubnihii ugu cad cadaa Xukuumada TFG-da, islamarkaana xog-ogaalka ka ah waxa ka socday TFI oo codsadey inaan magaciisa la shaacin oo aan kula kulmey Hoteel Shariton ee caasimada dalka Jabuuti, wax ka weydiiyey waxyaabaha ay ku fashilantey TFI, sida ay isula shaqeyn karaan Xildhibaanadii hore iyo kuwa cusub, caqabadaha ka hor imaanaya dowlada cusub iyo sababihii dhaliyey khilaafka Cabdullaahi Yuusuf iyo Dowlada Ethopia ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaya waxaa uu yiri " TFI micnaheedu waxaa weeye, Madaxweynaha, Baarlamaanka, Xukuumada iyo Garsoorka oo dhan, dhamaantoodna waxaa xukumayey oo ay amarka ka qaadan jireen Wakiilada Deeq bixiyayaasha, Hay'adaha UNDP, WFP iyo shaqaalaha Baanka aduunka, TFG-na waxay isu haysatey iney u shaqeyso Hay'adahan oo ay mushaar ka qaataan, Afka Dowlada soomaliya waxaa ku hadli jirey Hay'adahan, TFG waxay ahayd shaqaalo" ayuu yiri Xildhibaankan, isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey

"marka shaqo la doonayo in laga fushado, mushaarka ayaa laga xanibi jirey, mudo kadib marka danaha laga fushado waa laga tegi jirey, Wasiirada TFG sababta ay xafiis u yeelan waayeen, waxaa ka mid ah laaluush ayaa la siin jirey si aysan xafiis u sameysan, sababtoo ah Hay'adahan ma ogoleyn in la sameeyo Miizaaniyada dowlada, Ra'iisul Wasaarayaashii TFG soo marey waxaa laga hor taagnaa inaysan miizaaniyad sameyn, si aan loola xisaabtamin Hay'adahan".

Xildhibaankan waxaa uu u soo jeediyey Xukuumada cusub in aysan ku dhicin khaladaadkii hore ay ugu dhacdey TFG-da " Xukuumada cusub waa iney sameysaa Miizaaniyad iyo in ay isku filneysiiso dhaqaalaheeda gudaha, lahaatana Talada dalkeeda oo ay noqoto dowlad laga amar qaato, lana xisaabtanto Wakiilada Hay'adaa Doonariska" ayuu yiri Xildhibaankan.

Mar uu ka hadlaayey sida ay isula shaqeyn karaan Baarlamaankan cusub iyo kii hore ayaa wuxuu yiri "Baarlamaanka cusub hadii uu noqdo mid isku xiran oo ka fikira danaha Ummada, wuxuu hogaaminkaraa kii hore meelaha haba isaga qayl qaylyeene, sababtoo ah Baarlamaankii hore malaha Mabaa'dii isku xiran oo uu ilaashado, wuxuuna ku shaqeeyaa Korabshin, marka Baarlamaanka cusub waxaa laga sugayaa in ay bedelaan shaqadaas adag, islamarkaana la helo Gudoomiye Baarlamaan adag oo la xisaabtama Xukuumada".

Sidoo kale mar uu ka hadlaayey xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda DKMG sida Uruka Al-shabaabo iyo dowlada cusub ayaa wuxuu yiri "Shariifka iyo Al-shabaab ma heshiinkaraan, Sheekh Shariif hadii uu qaraar ku gaaro inuu iska dhiciyo, isagaa adkaanaya ama awoodooda ayuu liciifinayaa, laakiin waxay ku heshiin karaan Al-shabaab oo Sheekh Shariif soo raaca, ninkan Daahir Aweys ee jooga Asmara Kursi doon buu ahaa, kursigiina shariif ayaa kala hoos baxay".

Xildhibaanku mar uu ka hadlaayey sababaha keeney khilaafka Cabdullaahi Yuusuf iyo Ethopia ayaa wuxuu yiri "Ethopia iyo Cabdullaahi Yuusuf waxay ku dirireen, Gabre ayaa diidey amarka Cabdullaahi Yuusuf, kadib markii Gabre lagu amrey in dalka xoog lagu qabto, taasoo Gabrena uu ka soo horjeestey yirina, Anagu awood uma lihin intaas ee ciidamo booliis gudaha ah sameyta, arintaas waxay dhalisey in Cabdullaahi Yuusuf uu u dacwoodo Dowlada Ethopia si looga bedelo, markii la bedeley Gabre isaguna wuxuu go'aansadey inuusan ka dambeyn sidaasna xilkii looga qaadey Cabdullaahi Yuusuf, marka Ethopia ma dooneyso in qalalaasaha uu dalka ka dhamaado" ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Xildhibaankan.

Xildhibaanada Beelaha Direed oo si Weyn Isugu Raacey Qabashada Xilka Ra'iisul Wasaaraha In ay u Taagan Yihiin


Xildhibaanada Beelaha Soomaaliya ee jooga Jabuuti ayaa si gooni gooni shir ugu leh Hoteelada caasimada dalka Jabuuti, waxayna si weyn ugu mash-quulsan yihiin ogaanshaha magacaabista magaca Ra'iisul Wasaaraha cusub iyo soo xulista xubnaha Wasiirada Beelaha dhexdooda oo la filayo in Madaxweynuhu uu ku dhawaaqo Ra'iisul Wasaaraha saacad kasta oo soo socota.

Arintan ayaa waxaa ka taagan is riix riix adag oo u dhexeeya Jufooyinka Beelo ka soo jeeda Daarood, waxayna qaarkood hadalo hoose iigu sheegeen hadii aan loo magacaabin Jufadooda in ay kalsoonida kala noqonayaan Dowlada cusub ee uu soo dhiso Ra'iisul wasaaraha la magacaabey, halka Xildhibaanada Beesha Direed siday u dhan yihiin shir gaar ah oo ay ku sheesheen Hoteel Lasestaa ee Magaalada Jabuuti ay go'aan ku gaareen in mar dambe aysan ogolaandoonin in siyaasada iska soo horjeeda ee Beesha Hawiye iyo Daarood ay uga aamusaan qabashada mas'uuliyada dalka. Waxayna si weyn ugu mash-quulsan yihiin xubintii iyaga matali lahayd.

Mid ka mid ah Xildhibaanada ARS ee Beesha Direen oo si gaar ah iigu waramey ayaa wuxuu yiri "mar dambe ogolaan meyno, inaan uga aamusno siyaasada iska soo horjeeda ee Beesha Hawiye iyo Daarood oo iyaga ay isku ugaarsanayaan, waana ka dhex bixineynaa xilkaas, waxaana jebineynaa tiirkii colaada horseedey, anagu waxaan dooneynaa Soomaalinimo ee ma dooneyno inaan dib dambe u eegano arinkan" ayuu yiri isagoo aad ugu xamaaseysan go'aanka ay gaareen iyo in la soo celiyo midnimadii luntey ee Soomaaliya

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS