Waxqabadkii Midowgii Maxaakiimta & Mustaqbalka Dowladda Cusub.
Siyaasadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay soo martay marxalado kala
gedisan oo aad u adag waxaase xusid mudan kacdoonkii Shacabka
Soomaaliyeed ee ay abuureen Midowgii Maxaakiimta Islaamka ee
Soomaaliya, waxaa ka dhashay nabad laga dareemay dhammaan Dalka
Soomaaliya xitaa goboladii kale ee Dalka ayaa soo Dhoweeyey una
riyaaqay guusha ay soo hooyeen Shacabka reer Muqdisho, kaddib
markii laga xoog roonaaday Qabqablayaashii Dagaalka ee Shacabka
Cadaadiska ku hayey mudadadii dheerayd ee ay Dagaaladu ka
socdeen guud ahaan Dalka oo dhan gaar ahaan Magaalo madaxda
Dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo ay ka barakiciyeen Dad fara
badan oo maati ah kana xanibeen adeegyadii Shacabka oo dhan.
Haddaba guulihii iyo waxqabadkii Midowgii Maxaakiimta Islaamka
ee Soomaaliya qoraal laguma soo koobi karo waxaase shacabka
soomaaliyeed ay ku noqotay wax aysan weligood illoobin Nabaddii
ka dhacday intii ay Xukunka hayeen oo ahayd lix bilood oo
qaarkood ay ku tilmaameen 60 Sano oo Nabad ah inay la mid ahayd
.sida ay Shacabku u soo dhoweeyeen darteed ayna u soo celiyeen
adeegyadii ay bulshadu u baahnayd iyagoon wax shuruud ahi aysan
ku xirin kana qaadeen Isbaarooyinkii u yiilay Qabqablayaasha
meelihii ay Bulshadu u baahnayd sida Waddooyinka ,Garoonkii
Diyaaradaha , iyo Dekadii Weynayd ee Muqdisho.
Midowgii Maxaakiimta Islaamku waxay kaloo Dib u Xoreeyeen Dalka
Soomaaliya iyagoo u adeegsaday Qori, Siyaasad, iyo Sharci
Caalami ah Ciidamadii Maxaysatada Itoobiya ee Dalkeenna sida
Sharci darrada ahi ugu soo duulay kuna kallifay inay si deg-deg
ahi uga baxaan iyagoon wax shuruud ahi ku xirin kaddib markii ay
ku guul darraysteen Siyaasadoodii ahayd Qaybi oo Xukun ,isla
markaana ay fashilantay inay ahaayeen kuwa ay ujeedadoodu tahay
inay Soomaaliya Gumeystaan Dunida Caalamkuna ay u arkayeen inay
yihiin kuwa u yimi Soomaaliya inay Caawiyaan kaddibna la ogaaday
Khiyaamaada ka dambaysay Xasuuqii ay geysteen iyo Barakacii ay
wuxuu noqday mid Dunida ku abuura walwal iyo walaac kaddibna
Sharci lagu soo robay.
Madaxdii Sare ee Maxaakiimtii Islaamka waxaa ka dhex muuqday
Mudane Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa Halyeygii
Horseedka u ahaa Aasaaskii Isbahaysigii Dib u Xoraynta Dalka
Soomaaliya oo aannu wada garanayno mirihii uu dhalay oo ah Dib u
heshiisiintii Jabuuti oo iyaduna noqotay Natiijo ay Shacabka
Soomaaliyeed ee Nabadda jecel ay ku farxaan kana soo baxday
Himilooyinkii laga filayey oo ah in lagu doortay Dowlad Xaq ah
oo Dalka ku Maamulaysa Shareecadda Diinta Islaamka ee ay
Shacabkeenu ay
rumaysan yihiin 100% taasina laga sugayo in ay Shacabku
Taageeraan Dowladan Xaqa ah ee la doortay.
Mustaqbalka Dowladan cusub ayaa saadaasheedu wuxuu yahay inay
noqon doonto mid u adeegta Shacabka Soomaaliyeed kana shaqaysa
Dib u heshiisiinta iyo Nabadaynta dhammaan Beelaha Soomaaliyeed
ee ku kala tegay Dagaaladii Sokeeye iyo abuurid Bulsho Walaala
ah oo is jecel oo leh Midnimo Qaran hal meelna uga soo Wada
jeeda Gumeystaha iyo kuwa uu ku adeegto , Dowladani oo ay
Hoggaaminayaan Madaxdii Sare ee Midowgii Maxaakiimta Islaamka
ayaa waxay u muuqataa inay Nabadda ay u sahlan tahay inay
abuuraan maadaama ay hore u haystaan khibrad ku filan sida ay
Shacabka uga kasban lahaayeen Nabadda horseedna ay uga noqon
lahaayeen geedi socodka Nabadda oo ah hal ku dhigga Dowladdani
lagu Aasaasay .
Waxaa is weydiin mudan maxaa keenay inay weli Dagaalladu ka
socdaan Gobolo ka mid ah Dalka ?waa jahli iyo aqoon darro
baahday oo aan xad lahayn , haddii Gumeysigii lala Dagaalamayey
Dalka laga saaray maxaad Walaalkaa oo Soomaali ah aad u Dilaysaa?
waa kula Diin ,waa kula Af ,waa kula Dhaqan Midnimadeenu waa
Guul ,Soomaaliyeey Qoryaha dhigga oo Qallinka qaata, Qabiilka
Aasa, oo Khayrka iyo Xalaasha Khuuta
Dagaalladani Diimeed waxay kaloo keeni karaan in Cadaab Alle uu
inagu habsado ka jooga oo Alle u noqda.
Waxqabadkii Midowgii Maxaakiimta Islaamka ee Soomaaliya ee
Sanadkii 2006- ilaa iyo 2009:-
1. Midowga Maxaakiimta Islaamku waxay abuureen Kacdoon ka
guulaystay Dhammaan Qabqablayaashii
2. Waxay ku guulaysteen inay Shacabka reer Koonfur gaarsiiyaan
Nabad iyo Horumar Wanaagsan
3. Waxay Dib u fureen Dekadii Muqdisho iyo Garoonkii Diyaaradaha
oo 19-Sano Xirnaa
4. Waxay soo Celiyeen Nabaddii iyo kala dambayntii uu Dalku hore
u lahaa
5. Waxay Difaaceen Sharafta iyo Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed
wayna u Dhinteen
6. Waxay ka qayb qaateen Dib u Heshiisiintii Dalka guulo wax ku
ool ahina way ka soo hooyeen
7. Siyaasadda Caalamka iyo tan Soomaliduna kalsooni ayay ka
kasbadeen
8.Waxay Dib u Xoreeyeen Dalka kaddib markii Itoobiya ay sharci
darro ku qabsatay
9. Waxay Xiriir la Sameeyeen DFKMG ah si ay u Badbaadiyaan
Shacabka Soomaaliyeed
10. Waxay ka qayb qaateen tartankii Doorashada Madaxweynaha
wayna ku guulayteen
Gabagabadii iyo Qoraalkani waxqabadkii Midowgii Maxaakiimta
Islaamka ee Soomaaliya iyo Mutsaqbalka Dowladda cusubi waxaannu
ku tilmaami karnaa mid rajo wanaagsan oo laga sugayo guulo iyo
yididiilo farxad leh oo Dalka ku soo dabaali doonta Horumar iyo
Barwaaqo waarta iyo Dib u Heshiisiin dhexmarta Shacabka
Soomaaliyeed ee Walaalaha ee Gumeystayaashu isku Gubayaan ,Dowladda
cusubi waxay guul u tahay waa Ummadda Soomaaliyeed meel waliba
oo ay Dunida ka joogaan Dalka Gudihiisa ama Dalka Dibadiisaba.
Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com