SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

NOQO HANAD LAGU DIIRSADOO HAAKA LA YIRAAHDO ! AAMIN ALLOW AAMIIN!! 
 
 

Ku bilaabid magaca Alle naxariistaaga naxariista badan 
 

Alle waa wadaan wada’e, wax ciddii diinta sheegataba lala diriro, wax hadba wadaad aan waxba dhimin la qafaasho oo gaalo laga gado, wax rag magac iyo mansab ku raadsadaan inay la diriraan diinta islaamka iyo ciddii laga dareemo inay diinta ehel u tahayba, wuxuu Alle maanta qaddaray in hoggaamiyihii ummadda Soomaaliyeed oo dhan loo doorto sheikh shalay loo doortay inuu madax u noqdo maxkamadihii ku midoobay hirgalinta shareecada islaamka iyo sugidda nabadda shacabka Soomaaliyeed ee koonfurta Soomaaliya ku nool siiba Muqdiisho iyo daafaheeda. 
 

Runtii waa arrin aan la filahayn laguna riyoonayn, in maanta madaxweynaha Soomaaliya loo doorto sheikh Asal raac ah oo rumaysan in xalka dhibaatada Soomaaliya uu ku jiro in kitaabka Alle lagu dhaqo. Waa guul ummadda Soomaaliyeed Alle siiyey, haddii aysan calfan waayin oo arrintoodu noqon maah-maahdii Soomaaliyeed ee ahayd 
 

“Tuke nasiib uu caano ku helo waa leeyahay laakin nasiib uu ku calfado ma laha”!! 
 

Guushaan waxaa lagu gaaray idanka Alle kaddib laba arrimood, tan koowaad waa fidaa’iyiinta gunnimada ka dhiidhiyey oo diiday inay gaalo isa soo bahaysatay gorodda u laad-laadiyaan, oo halgan hubaysan kala hortagay cadowyo isa soo bahaystay oo ku tala galay inay ummadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah dulleeyaan diintana ka fogeeyaan. Tallaabadaas millatari oo ay ka wada qayb qaateen in badan oo Shacabka Soomaaliyeed ka mid ah, oo ay horkacayeen culimadooda, iyadoo dadka Xamar degganaa ay dhiidhiyeen oo dhiig badan daadiyeen, dhiiggaas oo horseeday in laga quusto in Soomaali la gumaysto. Runtiina billad dahab bay ka mudan yihiin ummadda Soomaaliyeed culimadii halgankaas horkacday iyo shacabkii garab istaagay oo diiday inuu is dhiibo iyadoo marar badan xasuuq lagu sameeyey, intoodii geeriyootayna Alle shahaado ha siiyo oo Janno fardowso ha geeyee. 
 

Waxaa kaloo lagu gaaray guushaan halgan siyaasadeed oo ay ku dhaqaaqeen rag uu hormood u ahaa sheikh Shariif Sheikh Axmed oo runtii ku qanciyey aadane badan oo moodayey inay diinta islaamka iyo asal raacu yihiin dugaag aan si loola dhaqmo la aqoon isla markaasna aan nabad keeni Karin, si loo wada noolaadana aan aqoon. Sheikh Shariif Sheikh Axmed runtii wuxuu soo jiitay indhaha wixii samaan iyo khayr jecel oo Soomaali ah, iyo intii Soomaalida khayr la jecelba. Isagoo afkiisa ka dhawray hadal iin leh iyo carrab dalab leh.  
 

Waddadiisiisa isagoo aan ka bayrin buu haddana wuxuu ku guulaystay inuu hadal qabow dantiisa iyo ujeeddadiisa ku hiigsado. Dad badan baa moodaya inay kala hari karaan halganka millatari iyo halganka siyaasadeed, oo siyaasaddu tahay wax aan loo baahnayn, waana dad aan war hayn runtii kuwa sidaas qabaa. Wiilka qoriga sita oo goobta ka diriraya haddii aysan dhinac socon halgan siyaasadeed oo lagu taakeerayo laguna difaacayo ragga diriraya iyo mabaaddii’da dartood loo dirirahayo, yoolka la hiigsanayo lama gaareen, arrimmahana boqolkiiba sagaashan siyaasad iyo xeel bay ku fulaan oo lagu gaaraa tobanka hartayna tallaabo millatari baa lagu gooyaa. 
 

Ceelkii Xiima-caddo 
 

Laba hoggaamiye dhaqameed oo reer Mudug ahaa oo noolaa qarni ka hor oo la kala oran jiray sida warintu leedahay Axmed Saagil iyo Cigaal Caymo, baa maalin iyagoo laba faras ku jooga waxay dul yimaadeen ceel Xiima-caddo la oran jiray oo biyo booli ahaa, biyo booli waxaa laga wadaa ceel aan biyaha ceshan ee durba liqa. Waxay u yimaadeen Xiima-caddo oo inta Alle raxmad ku shubay buux-dhafay oo caaddaas maraya, markaas ayay ceelkii la hadleen oo ku yiraahdeen:  
 

“Xiima-caddow xilahaya dalaaqan baysan Rabbigay deeqi kuugu harsanayn ee biyahaas xagso ama iska liq” hadalkaas oo noqday maah-maah xigmad badan ku jirto oo aad loo soo xigto. 
 

Haatan waxaan maanta maah-maahdaas u soo qaatay oo ku dhaga hadlayaa bah-wadaaddood meel ay joogaanba, waxaanna ku leeyahay maanta waxaa idiin soo meertay fursad qaali ah oo ah deeq weyn oo Rabbigay Soomaali siiyey haddii aysan hanan waayin oo iska qubin, shalay argagax iyo  baqdin baa ku noolaydeen oo indhihiinana oo shan ah baa mu’miniin walaalihiin ah inta la qafaasho la qalanayey, idinkuna waxba uma aydan tarahayn ee nin walba lafihiisa ayuu la baqayey, idinkoo adduunyo jeclaaday oo ganacsi iyo hanti kala rogaya oo ku mashquulsan isla markaasna diyaar u ah inaad talis kasta hoos joogtaan oo dulliga dugsataan, waatii uu Alle idiin soo diray kuwii khasabka idinku kiciyey oo madfaca idinku garaacay, iyagoo si bareer ah u sheegay inay u adeegayaan gaalo soo kiraysatay oo xataa ka xishoon waayey inay gaalo u adeegayaan diintooda iyo dadkoodana la dirirayaan.  
 

Dabadeed markii aad nafta u yaabteen oo meel aad ku gabbataan weydeen waa idinkii dagaalka galay, oo geeri oggolaaday, taasna wax la soo kacaa-kufaba waatan maanta miraheedii la gaaray, marka waxaan idin leeyahay haddii aad asal raac tihiin dhammaan qaybihiinna oo dhan iyo aragtiyihiinna kala duwan oo dhan, waxaan idinkula talin lahaa inaad danniga xun iyo talaxumada iska daysaan oo Rabbigiin ka yaabtaan, oo aad taladiinna iyo tabartiinna isugu gaysaan dawladnimadaas maanta Alle idin siiyey ummadda idin aammintay oo idin dooratayna aad si fiican u horkacdaan oo si miyir ah uga walwaashaan meesha xilka leh ee ay taal. 
 

Haddii kale ogaada inaysan fursaddaasi dib idiinku soo noqon doonin, oo aad raciyad noqon doontaan, dadkuna idinka niyad jabayo oo taageerayo ciddii kale oo u baaqda, dabadeedna aad gunnimadii ku laaban doontaan iyo in la idiinku yeero magacyo kala duwan oo la idinku takoorayo, Alle hortiisna waa la idin weyddiin doonaa fursaddaas aad dayacdeen. Xinka iyo xasaradda iyo difaacashada aragtiyo kooxeed oo meel hoose ahna runtii meel ku gaari maysaan, male awaal been ah oo aydaan wax caddayn ah u haynna waa wixii Alle diintiisa ku reebay. Dhinaca kale dagaalkii la galay oo guusha lagu helay koox kaliyihi ma galin ee waa loo dhammaa, oo shacabka taageeradiisa baa qiimaha u weyn lahayd, shacabkuna dagaal dambe oo talo xumo iyo danaysi ku salaysan taageeri mayo, markaasna waxaa xaqiiqo ah in kooxdii cidla is xaruurta oo diidda heshiiska iyo nabadda hoggaanka cusub ku baaqayo inay tuke canbaar leh noqonayaan iyagaana is takoorayo, dagaalna meel ku gaari mayaan. 
 

Inta daacadda ahina markii ay arkaan dagaal aan ujeeddo lahayn inay ku socdaan waa ka tashanayaan oo isaga harayaan, inta soo hartaan markii ay rafaad iyo silic ku abaadaan bay kala habqamayaan oo dantu u run sheegaysaa. 
 

Waxaan idinkula talinayaa inaad isaga hartaan Muslim khilaafnimo iyo talaxumo oo guushii Alle idin siiyey aad iska daadisaan, halkaasna uu ka faa’idaysto cadowgii aad shalay midnimada uga adkaateen oo uu isku kiin jabiyo. Dabadeedna uu dhinac kale idinka soo galo, raggu waa inaysan ku dagmin gobollada iyo degmooyinka cidlada ah oo ay joogaan xoogaa malleeshiyo beeleedyo ah oo aan dagaal niyad u ahayn oo is dhiibaya ama cararaya. Dagaalku hadhow sidaas noqon mayo oo waxaa idinla diriraya rag dagaalka yaqaan, qalab cusubna haysta isla markaasna qaddiyad iyo mabda’ u diriraya.  
 

Waxaan idinkula talin lahaa quruurka iska jira, waa lagu jabaaye. Oo intaad Alle ka yaabtaan fidno iska ogaada oo culimada idinka waaweyn ee xilka qaadday taageera oo hawsha dhiniciinna ka qabta, xag siyaasad iyo xag millatariba, oo noqda ciidankii dhidibbada u aasi lahaa dawlad Soomaaliyeed oo haybad leh oo manhajka Alle ku socota oo tusaale fiican u noqota Muslimiinta kale. 
 

Shareecada islaamkana waxaa ugu horreeya caddaalad iyo run, waa in horta kala dambayntii dawladnimo la soo celiyo, oo hannaankii siyaasadda la saxo oo caddaalada wax walba lagu saleeyo, musuqmaasuq iyo danaysina lala diriro, oo danta guud la daryeelo, isla markaasna loo sinnaado dheefta iyo dhibka, iyo talinta iyo garsoorka iyo hantida ummadda, oo meesha laga saaro in koox tira yar hantida ummadda iska boobto, talada iyo awooddana ay koox yar sidii ay rabto ka yeesho. Markii caddaaladda la sugo oo runtu socoto, oo ammaanka la sugo, isla markaasna dadku sinnaado oo qabyaalad iyo eex meesha ka baxaan, waa in markaas wixii hoose loo soo jeensadaa, oo shareecada islaamka, qawaaniinta iyo nudumka lagu saxaa, dhaqaalaha iyo ciidankana la waafajiyaa shareecada islaamka. Ijtihaad iyo aqoonna waa lama huraan, iyo in arrimaha muhimka laga wada tashado. 
 

Tallaabooyinka la qaadayo iyo maraaxisha la marayana waxaa u xilsaaran madaxda la doortay iyo ciddii ay la tashanayaan ee waa in looga dambeeyaa oo lagu xaq dhawraa, talo soo jeedin iyo toosin usluub wanaagsan loo soo marayo baa dadweynaha u furan, iyadoo aan dadka talada loo dhiibay loo gacan dhaafahayn xilkooda iyo waajibaadkooda. Qof kasta haddii uu doonayo inuu madaxiisa ku socdo oo sidii la qumman uu ku dhaqaaqo, oo qof walba uu amiir yahay, waxba kala socon mayaan dawladnimo iyo karaamana jiri mayso. 
 

Dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan kula talinayaa inay garab istaagaan dawladda cusub oo hoggaankeeda loo doortay sheikh diinta islaamka yaqaan oo aan filayo inuu diintiisa iyo dalkiisa iyo dadkiisaba daacad u yahay, sida aan ku barannay waayihii kharaaraa oo la soo maray, sidaas waxaa iyana u taageeray oo ku tilmaamay sheikh Shariif Sheikh Axmed golaha culimada Muslimiinta adduunka oo Sheikh Yusuf Al-Qardaawi madax u yahay, iyagoo kula taliyey ragga culimada ah ee khilaafsan inay taageeraan taliska cusub. Iyagoo soo jeediyey inay diyaar u yihiin inay dhex-dhexaadiyaan. Culimadu waa inaysan noqon kuwa ugu horreeya ee dawladda Sheikhu hoggaaminayo ka hor-yimaada, oo waa inay Alle ka baqaan oo iska daayaan qiilasha aan xaqiiqada ku salaysnayn ee ay ku bannaysanayaan inay uga hor yimaadaan maamulka Cusub ee culimada diinta loo daayey, waa inaysan ragga diinta u doodayaa culimada ceebayn oo fidno horseedin, oo gacan siin fikradaha qaba inuusan wadaad dad dhiqi Karin madaxna noqon Karin. 
 

Waxa ay Sheikh ku eedaynayaan male awaal ku saabsan inuu heshiisyo hoose oo dan laga leeyahay la galay dad shisheeye ah, taas oo aan caddayn loo hayn, tan kale waxay Sheikha ku eedaynayaan inuu mabaaddii’dii la isku ogaa ka leexdahy taas oo aan iyana xaqiiqo ahayn, waxay Sheikha la garan waayeen xeeladaha iyo tabaha siyaasadeed ee hadba meel la galaya, iyo tanaasulaadka farciga ah ee aan taabanayn diintiisa, isagoo runtii ah hoggaamiye talo u dhalato oo go’aan gaara goorta ku habboon, isla markaasna u samaysan siyaasad iyo dad-dhiqid, aanna filayo inuu Soomaali caqabadda hortaagan ka tallaabin karo Alle idanki. 
 

La yaabna ma laha inay dhallin yarada yar-yar ee diinta u qiiraysan tillaabooyinka siyaasadda qaarkood u arkaan in diintii laga leexday, maxaa yeelay kuwo iyaga ka khayr badan baa kii dadka u khayr badnaa tanaasulaad siyaasadeed oo yar-yar oo uu sameeyey lagaran waayey, oo ka carooday, oo Abu Bakar ma ahee saxaabadii kale waxay ka xumaadeen, qaar ka mid ah qodobbadii uu nebigu scw ergaygii Quraysh la galay, heshiiskii Al-Xuddaybiya iyadoo rasuulku scw meel fog wax ka arkayey, oo tanaasulaadka hooseeya ee gaalada wax la ahayd isagu ka shisheeyey, oo ku mintiday inuu ujeeddada guud ilaaliyo. Saxaabadu inkastoo ay caroodeen oo arrinta ka xumaadeen haddana nebiga scw taladiisa kama ay hor imaan ee way u hoggaansameen, markii dambana waa la ogaa sidii guul looga gaaray heshiiskii nebigu scw gaalada la galay, iyadoo Muslimiinta fursad u siiyey inay Quraysh qudhooda kaga takhallusaan kaddib markii ay Muslimiintu ka takhalluseen cadowgii Yuhuudda ee Khaybar, dabadeedna markii Quraysh axdigii jabisay dharbaaxo ku dhufteen. 
 

Haddaba dhallin-yarada yar-yar arrinta samir ha ku liqeen oo saxaabadii ha ku daydeen Sheikha iyo culimada kale oo la shaqaynaysana Alle darti ha ku aammineen oo natiijada ha sugeen, duco iyo talo wanaagsanna ha ku taageereen, askarna ha u noqdeen. Alle waxaan ka baryaynnaa inuu Sheikh Axmed Sheikh Shariif nooga dhigo Imaam Caaddil ah oo Soomaali u horseeda tubtii ay aakhiro iyo adduunba ku bad-baadi lahayd…..aamiin. 
 

Sheikhana waxaan kula talinayaa inuu beel welwaal ahaado oo uusan habkiisii hore wax ka baddalin, dhallin yarada diinta u qiiraysan iyo ciddii kale oo mucaarad ahna uu geed kasta ugu tagaa oo si fiican qaddiyaddiisa uga dhaadhiciyaa, oo qanciyaa, sidii uu awalba ballan qaaday, waxaan filayaa marka uu qalbi daacadnimo ah kula hadlo inuu intii qalbigoodu daacad yahay qancinayo, ciddii dan kale lehna waa soo bixi doontaa oo Alle waa og-yahay addoommadiisuna waa arkayaan, meelna gaari mayaan. 
 

Talada iyo tawfiiqda Allaha na solansiiyo. 
 

Sheikh Mohamed Mohamud Abdi.  
 

Nakonde-Zambia.  Monday, February 02, 2009 

shmaxamed@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: