SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baaq taageero beesha yusuf darood (awrtable)

Shir Balaaran oo taageero ah oo ay isugu yimaadeen Beelwaynta Awrtable ayaa ujeedka shirkaasi lagu sheegay mid ah Taageero iyo Hanbalyo ay u dirayaan Hogaanka Cusub ee haataan ku guulaystay Xilka Madaxtinmo ee Somaliya, Mudane Shariif Sheikh Ahmed Beesha


Beesha oo Kulankaasi ay ka Joogeen Qaybaheeda kala duwan sida, Ganacsato, Aqoonyahano, Culumo, iyo Siyaasiyiin, ayaa si Cad u Qeexay inay soo dhawaynayaan Madaxwaynaha cusub ee Dowlada kumeel gaarka ah ee somaliya. kaasi oo ay sheegeen in lagu Doortay Doorasho Xalaal ah.

Beesha Awrtable ayaa si Buuxda uga dhawaajiyay inay la shaqaynayaan Madaxwaynaha cusub ee Somaliya.
iyaga oo xusay in ay Hor yaaliin Arimo badan, waxay sheegeen inay ilaahay uga Bar yayaan inuu shaqada Hortaala inuu u fududeeyo,
waxay kaloo sheegeen in Madaxwaynaha cusub inuu Noqdo, mid Somaliya walaaleeya oo ku dhaqa Cadaalad, Sinaan, Xaqsoor.waxay kula taliyen in Madaxweyne Shariif uu soo xulo qof uqalma jagada raysul wasare. kaas oo kamadax banan qabyalad,musuqmasuq iyo Eex.Aana Curyaaminayn Shaqada Dowlada.

Sidaas oo kale kulanka Beesha Awrtable waxa lagu cambaareyey Kooxda lamagc baxday Puntland oo ay ku tilmaamen inay caqabad kutahay hanaanka dibuheshisnta belaha somaliyeed.

Beesha Awrtable kulankeeda waxa lagu cadeeyey in Maamulka isku magacaabay Puntland uusan Mathalin Beesha ayna iyagu taagersan yahin Madaxwene Shariif Sheikh Ahmed sidaas oo kale taagersan yahin Shirka Jabuuti iyo Miraha kasoo baxay Taageerina doonan wax kasta oo Maslaxad u ah Umada Somaliyeed.
Kulanka Beesha waxa lagu sheegay Xubnaha Qaybsiga Beesha Daarod inay si Xalaal ah udhacday aysana Jirin beel xaqeeda lagu Xadgudbay.

Qoraalkan ayaa waxa ku saxiixan
Afhayeenka Beesha Awrtable Ee Kenya
Prof. Ahmed Abdishakuur Mohamed (Takhtar)
Tawakal577@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: