SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cadde Musse waa Aadan Cadde labaad

In adigoo Somali ah oo xukuma mandiqad qani ku ah macdanta,Shidaalka,Kaluunka,Beeyada, iyo dhaqaale kale sida Puntland oo kale way adagtahay in si fudud aad xukun aad ku qabsatay Nidaam Dimocrati ah oo aad cod kalsooni ah ka heshay Parlamankiisii in aad si fudud wax walbka ku wareejiso laakiin waxaa Ricordh-kaasi jebiyay Gen:Cadde Musse oo intuu mar labaad tartamay markii laga guulaystay u hanbalyeeyay Ninkii la doortay weliba ku darsoo amaanay kuna tilmaamay Doctor xirfadyaqaan ah oo samata bixin kara Puntland.

Intaasi kuma akayne wuxuu sharaxay waxyaabihii Maamulkiisa ka xumaaday iyo sababihii wuxuuna ilaahay uga baryay in aysan sidaasi oo kale ku dhicin Maamulka Cusub wuxuuna tilmaamay"kolba anaga naga xumaataye idinka ilaahay garabkiina ha galo"

Cadde Muuse wuxuu awal isku haystay labo Darajo oo kala ahaa Madaxwaynaha Mandaqada hodanka ah ee Puntland iyo Boqortooyadii xadaariga ahayd waxaa hada si wacan u muuqata in Boqornimada aysan dheel dheel ahayn oo dadka wax dheertahay waayo waxaa suurtagal ahaan lahay hadii jagada Cadde qof kale hayn lahaa in aysan suurtowdeen in sidaa quruxda badan wax u dhacaan.

Somalidu waa bulsho dagaal u joog ah qofka aan dagaalka iyaga ka badina waxay u yaqaanaan wax ma garad laga fiicanyahay Gen:Cadde eeda keli ah ee uu leeyahay waa in uu ahaa Nabadoon Dadkeena Somaliyeedna Nabaddoonka waxay u yaqaanaan Qolooyinka Guurtida beelaha ee la soco Madaxwayne Nabad doon ah ayuu ahaa Cadde hadii uu eeday nabadoonimadii ilaahay ha ina siiyo Madaxwayne Belo doon ah

Waxaa ii sheekeeyay nin Reer Ceerigaabo ah oo yiri"Abaartii Somalia ka dhacday dhamaan gobolada xoolihii waa dhamaadeen dadkiina wax badan oo ka mid ahi waa dhinteen laakiin Ceerigaabo iyo Tuulooyinkeeda wax badan ayaa u badbaaday waxaana sababtaasi lahaa ilaahay ka dib Gen Cadde Muuse oo xiligaasi Maayor ka ahaa Ceerigaabo

Wax Qabadkii Cadde Muuse iyo Afartii Sano

Ugu horayn wuxuu gacanta Dowlada ka wareejiyay xukunka Degmooyinka wuxuu dhisay Golayaasha Degaanka oo laga soo xulo dadka Magaaladaasi ku nool si ay Duq Magaalo u doortaan waxaana meesha ka baxday in Maalin kasta Duq cusub laga soo Magacaabo Madaxtooyo waxaana sidaasi ku curatay Dimocraatiyadii Puntland waxaana golayaasha deegaanka loo dhisay in ka badan 30 Degmo

Waxaa iyana jirtay waxyaabaha la xusuusan doono weligeeda riyadii shacabka reer puntland ee ahayd in laga kaaftoomo in transit ama safar lagu sii ahaado Jabuuti ama Adis oo wuxuu jananku hir geliyay Garoon Caalami ah oo aan Somalia weli laga dhisin xataa Caasimada la soco Dhaqaalihiisa oo dhan Dowlada ayaa bixisay waxaana ku talin lahaa in loo bixiyo Garoonkaasi Gen:Cadde International Airport waayo waa maskaxdiisii Maamulkiisii

waxaan ka qayb galay xaflad Wafti carab ah oo ka socda Imaarada Shaariqa ee UAE ka sheegeen in Madaxwayne Cadde oo la balansanaa Dhakhtarkiisa gaarka ah isagoo xanuusan in uu ka baaqday si uu u saxiixo Mashaariic Dan weyn ugu jirto Somalia guud ahaan gaar ahaana Puntland waa kee Madaxwaynaha sidaasi oo kale laga helaayo.

Waxaa iyana si weyn loogu xusuusan doonaa Maxjarka Caalamiga ah ee Duleedka Bosaso oo xoolihii somalida oo dhan ay ka dhoofaan waxaa iyana xusideeda mudan Macdan raadista iyo sahaminta shidaalka ee ka socota Dooxda laba rugoodle ee dooxo weynta Dharoor

Waxaa jira ku dhowaad 50 Ceelbiyood oo mid walba ku baxday lacag ka badan Hal Malyan iyo kuwo xiligan socday waxaa iyana jirta wadada marta Xeebta Bariga Fog ee lafa gorayo oo dowladu dadka deegaanka ku dhiira gelisay lacag badana ku bixisay waxaa intaasi oo dhan ka sii daran Wasaarada Dowlada Puntland waxay deganayaan Qolalka loo yaqaano Irid Banaanka ee Guryaha reer Garoowe ma jirin wasaarad dhisnayd xiligii Cadde Muuse xukunka la wareegay orod oo fadlan soo booqo Dhismaha wasaarada Maaliyada kan kaluumaysiga ee Dekada Bosaso ku dhexyaala orod soo indhodhee Dhismaha wasaarada Ganacsiga ee ka socda Bosaso soo Booqo Wasaarada haweenka Garoowe xaasidnimadu ma fiicna lagumana Aflaxo waa xaaraan walaalkayga Muslimka ahow qofku wuxuu qabtay ha dafirin si aadan u waayin ajar badan oo aad shaqaysatay

Maalintii ugu danbaysay ee xil wareejinta waxyaabihii la yaabka lahaa ee Madaxwayne Gen: Cadde Musse Sameeyay waxaa ka mid ahaa in uu gaarigiisii Quruxda Badnaa oo aanan laga iibin hantida dowlada oo ay Hadiyad u siiyeen Niman Carab ahi oo ahaa Nooca Xabadu aanay Karin in uu si qurux badan ugu wareejiyay uguna sharfay Madaxwaynaha Cusub

Maxamed Axmed Maxamed(Ilkacase)

Bosasonews@gmail.com

00 252 90 724507

Bosaso Punt-land Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: