Shareecadu
Makala Taqaan
Shariif &
Shaydaan
W/Q: Cali-Daahir
X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com
بِسْمِ اللهِ
الرَّحْمَنِ الرَّحِيْمِ الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ
والصَّلاةُ
والسَّلامُ عَلَى نَبِيّناْ مُحَمَّدٍ وَآلِهِ أجْمَعِيْنَ.
La jiifiyaana
bannaan
&
jaantaa rogan!
Sida lawada
ogsoon yahayba sharecada islaamku waa mid ku dhisan caddaalad u wada
dhaxaysa makhluuqa Alle SW. Sidaa darteed shareecada akteeda kama
shaqayso wax layiraahdo la jiifiyaana bannaan iyo jaantaa rogan.
Haddii
maanta uu shariifkii maxkamadaha uu ogolaaday in ciidamo aan kala sooc
lahayn la keeno wadanka, shalayna ay gaalnimo ahayd markii dowlad ku
sheega iyo baarlamaankeeda ay lahayeen waxaa loo codeeyay in lakeeno
ciidamo aan kala lahayn saf hore iyo saf danbe uuna ku dhawaaqay
shariifka hadda isku magacaabay baarlamaanka xorta ah. Taa macnaheedu
sow ma’ha lajiifiyaana banaantii aan dusha kusoo xusay.
Sidaa
darteed haddii aad ku adkaysataan mowqifkaa baadilka iyo gaalnimada ku
dhisan shaki waxaan lahayn in xukumka shareecada aad u siman tihiin
idinka hadda raba in aad gaalo wadanka kusoo hogaamisaan iyo kuwii hore
ee ilaa iyo hadda xal loo la’ yahay dhibaatadii ka dhalatay soo gelintii
ay gaalada wadanka soo geliyeen.
Waxaan
walaalaha muslimiinta ah ee soomaaliyeed gaarsiin lahaa in mar walba oo
guushu soo dhawaataba aadan ogolaan in si sahal ah aad uga tanaasushaan
mirihii ka dhashay halgankii lala galay gaalada dibna aan laidinku celin
god dheer oo laguugu maquuniyo dastuur ku dhisan cilmaaniyad kasoo
burqata kufri iyo ilxaad.
Qofka wadan
islaam kusoo hogaamiyo gaalada xukumkiisa inuusan shariif iyo shaydaan
kala lahayn kitaabka aan ka qoray isaga oo kooban hoosta ka aqriso.
يَاْجَاْلِبَ
الْكُفَّاْر ِكَفَرْتَ
Gaalo Soo
Geliyow
Waad
Gaalowday
وَمَنْ
يَتَوَلَّهُمْ مِِّنْكُمْ فَإنَّهُ مِنْهُمْ / الآية
المائدة
/
51
W/Q: Cali-Daahir
X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com
Kitaabka Oo
Kooban
بِسْمِ اللهِ
الرَّحْمَنِ الرَّحِيْمِ الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ
والصَّلاةُ
والسَّلامُ عَلَى نَبِيّناْ مُحَمَّدٍ وَآلِهِ أجْمَعِيْنَ.
Kitaabkan
waxaan kaga warami doonaa haddii Alle idmo mowduuca beryahan danbe sida
xawliga ah ku socda ee loo yaqaan:
موالاة الكفار
Taa oo ah in
gaalada la jeclaado, saaxiibo iyo xigtana laga dhigto, loogana hiiliyo
dadka muslimiinta ah isla markaana gaashaan buur lala samaysto iyada oo
lagu waxyeelaynayo dad muslimiin ah, mar walbana la fulinayo danaha
gaarka ah ee ay gaaladu ka leeyihiin wadamada islaamka, hadday ahaan
lahayd xag diin iyo xag aduunba.
Kadib markii ay
gaaladu ku fashilantay dagaalkii foolka-foolka ahaa ayay waxay qaadeen
dariiq kale oo ah in la adeegsado kuwo wax ma garato ah danna aan ka
lahayn diin, dad iyo dalba. Taa oo u suurta gelisay inay kaga filnaadaan
wixii dhibaato ahaa ee kasoo gaari jiray intii lakala soocnaa ee
muslimiin iyo gaalo lakala ahaa. Horaana loo yiri: Gudiney Ima Goyseen
Hadduusan Gabalkay Kugu Jirin.
Inta hawshaa is
gaashaan buursiga baadilka ku dhisan lagu guda jirana wixii dhibaato ah
ee dhimasho ama dhaawac ee shacabkaa muslimiinta ah soo gaarana laisma
waydiiyo, haddiise dhanka gaaladu wax yar soo gaaraanna waa loo baroor
diiqi warbaahinnadana waa lagu buun-buunin. Waana siduu shaacirku yiri:
Hal qof oo lagu
dilaa hawd (duur cidla ah) waa danbi wayn oo aan la dhaafi karin, dilse
loo geystay shacab idaylkii waa arin ka fiirsasho leh.
Marka ugu
horaysa haddii la waydiiyo kuwaa wadanka gaalada soo geliyay. Maxaad
wadanka gaalada kala soo doonteen oo aad dadka muslimiinta ahna aad ugu
baabi’seen? Jawaabtoodu waa wadanka ayaan amnigiisa ku sugaynay gaaladaa
IWM oo been iyo waxba kama jiraan ah.
Waxaase dhab ah
qof walibaana uu garan karaa in nabaddii jirtay xilligii aad gaalada
wadanka soo geliseen aysan ebad soo marin Soomaaliya. Laakiin qof waliba
oo raba inuu xumaantiisa qariyo magac qurxoon ayuu ku shaabadeeyaa.
Waana middii uu Rasuulku SCWW uu inoogaga waramay inay imaan doonaan dad
u bixiya waxyaabaha aan shareecada ku banaanayn magacyo wanwanaagsan si
loo aqbalo. Wuxuuna Rasuulku SCWW uu yiri:
إِِنََّ نََاْساً
مِنْ أُمَّتِيْ يَشْرَبُوْنَ الْخَمْرَ يُسَمُّوْنَهَاْ بِغَيْرِ اسْمِهَا
.
رواه أحمد / صحيح
/ الصحيحة / 414
Dad ummadayda
ka mid ah ayaa cabi doona khamriga waxayna u bixin doonaan (oo ay Ku
magacaabi doonaan) magaceeda magac aan ahayn.
Balse sida aad
filayseen oo aad jeclaydeen Alle SW arinta kama dhigin. Qorshihiinuna
wuxuu ahaa qof kasta oo astaan diineed leh in wadanka laga tir-tiro si
inta hartana lagu yiraahdo kaalaya oo gaalada dhaantada u ciyaara
kadibna Allow i bixi ay ka dhacdo. Waana muhimmada ugu wayn ee gaalo
idiin soo maal gelisay, rag baase Alle SW tala saartay oo gaashaanka
idiin daruuray.
Sidaad u
lahaydeen waa afar wadad ee hala soo qab-qabto ayaa waxaa idinku dhacay
wax aydaan fillayn. Siduu shaacirku yiri:
إذا رأيت نيوب
الليث بارزة فلا تظنن أن الليث مبتسم
Haddaad aragto
miciyo libaax soo muuqda
Ha moodin
libaaxu inuu dhoolla cadayn
In gaalada
looga hiiliyo dad muslimiin ahna waa arin gaalnimo iyo diin kabax ah.
Siduu Allaah SW uu yiri:
يَا أَيُّهَا
الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاء
بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ
مِنْهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ /
المائدة / 51
Mu’miniineey
haka yeelanina Yuhuudda iyo Nasaarada sokeeye ( Aad jeceshihiin ) (
Maxaa yeelay ) qaarkood qaarka kale buu xigaa, qofka ka yeesha sokeeye
oo idinka idiinka mid ahna iyaguu ka mid yahay, Allana ma hanuuniyo dad
daalimiin ah ( oo gaaloobay )
Sh. C/Casiis
Ibnu-Baaz RC wuxuu aayadan kala soo dhex baxay fatwo aad cabiri karto
fiqiga Alle SW uu ku manaystay Sheekha RC wuxuuna yiri:
وقد أجمع علماء
الإسلام على أن من ظاهر الكفار على المسلمين وساعدهم بأي نوع من المساعدة
فهو كافر مثلهم كما قال تعالى: يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ
تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاء بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء
بَعْضٍ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ
يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ /
المائدة / 51
فتاواه / 1 /274
Waxay ku
ijmaaceen ( Oo ay ku kulmeen iskuna raaceen ) culimada islaamka ruuxii
gaalada uga hiiliya muslimiinta ( Oo gaalada la jirsada ) isla markaana
taageera ( kaalmeeya oo u gargaara ) nooc walaba oo kaalma ah ( Af, adin
ama dhaqaale ) qofkaasi waa gaal iyagoo kale ah ( Gaalka uu
taageerayo iyo isaga taageerayaba waxba kuma kala duwana oo waa isku mid
). Kadibna aayadii buu akhriyay sheekhu RC.
Waana fatwadii
uu cuskaday Sh. Albaani RC kolkii Wax laga waydiiyay dagaalkii khaliijka
ee ciraaq lagu duulayay 1990kii wuxuuna yiri fatwadan toosan ee sh
Ibnu-Baaz RC waxaa laga qaadanayaa laba arin midood. Wuxuuna yiri
sheekhu RC:
إما أن يكون
الذين استعانوا بالكفارليسوا مسلمين ، وإما أن يكون المستعان بهم هم من
المسلمين.
أشرطة الشيخ /
461
In kuwa
kaalmaystay gaalada ( kuwaa uu sheehku sheegayana waa xukuumada
sucuudiga ) aysan muslimiinta kamid ahayn, ama kuwa la kaalmaystay ( Oo
ah Ameerikaan Iyo Ingiriis ) ay muslimiinta kamid yihiin ( Labadaa
arimood waxba kama dhaxeeyaan )
Waliba Sh.
Naasir wuxuu intaasi raaciyay: Hadduusan muwaalaadkii lagu gaaloobaayay
uusan midkaan ahayn, maba jiro muwaalaad lagu gaaloobo. Haddii Alle
idmana fatwadii oo dhammaystiran kitaabka dhexdiisa ayaad ugu tagi
doontaa.
Xattaa haddii
ay hadda soo islaamaan Ameerikaan iyo Ingiriis u shafeeca qaadimayso
xukuumadaa Sucuudiga marka miisaan la saaro fatwada sh. Naasiru-Diin
Albaani RC, maxaa yeelay shardigu wuxuu ahaa kolkii ay kaalmaysanayeen
Ingiriis iyo Ameerikaan muslimiin ma ahaayeen labadaa dowladood ee
kufaarta ah? Jawaabtu waa maya. Sidaa darteed ma naqaan meel qiil looga
raadiyo xukuumadaa uu ridada ku xukumay Sh Albaani RC. Taana kama
dhalanayso in ay shacabka xukuumadaa hoos tagta ay gaaloobeen sida
khawarij ama takfiiriyiin qolada loo yaqaan ay tiraahda oo
kale:
إذا كفر الراعي
كفرت الرعية
Hadduu xaakimku
gaaloobo bulshada uu xukumaana way la gaaloobi
Waxaa sidoo
kale horay u daliishaday Ibnu-Xazam RC aayadaa inay ijmaac tahay qofka
gaalo taageera oo muslimkana ka hiiliya. Wuxuuna yiri Sheekhu
RC:
صح أن قوله تعالى
: ومن يتولهم منكم فإنه منهم : إنما هو على ظاهره بأنه كافر من جملة
الكفار , وهذا حق لا يختلف فيه اثنان من المسلمين
/ المحلى / 11/138
Sida saxda ah
waa in aayadaa daahirkeeda
loo daayo ( Oo aanan waxba laga leexinin tafsiirkeeda ) Maxaa yeelay (
Waxay aayadu tilmaamaysaa qofkaa gaalada ka wali yeeshay inuu yahay )
gaal duu-duub ahaan usoo hoos galaya gaalada ( Oo iyaga gaalada ah ka
tirsan ) Waana xaq ay laba muslimiinta kamid ah aysan isku khlaafin.
Sh Axmad M
Shaakir RC baa sidoo kale fatwo ku dhisay isla aayadaasi:
يَا أَيُّهَا
الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاء
بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ
مِنْهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ /
المائدة / 51
Wuxuuna soo
saaray Risaalo uu ku magacaabay:
كلمة الحق
Kalimaddii Xaqqa
Ahayd
Risaaladaa uu
ku caddaynayay dadka lasocday ingiriiska iyo faransiiska oo xilligaa
masar iyo buldaan kale oo muslimiin leedahayba duulaan ku ahaa inay
diinta ka baxeen. Wuxuuna Sheekhu RC baabkaasi uu cinwaan ugaga dhigay:
بيان إلى
الأمة المصرية خاصة وإلى الأمة
والإسلامية
عامة / 149
العربية
Bayaan ku socda
ummadda reer masar gaar ahaan, ummadaha carabta iyo muslimiintana caam
ahaan.
Kadibna Sheekhu RC wuxuu yiri:
أما التعاون مع
الإنجليز, بأي نوع من أنواع التعاون, قلّ أو كثر, فهو الردّة الجامحة,
والكفر الصّراح, لا يقبل فيه اعتذار, ولا ينفع معه تأول, ولا ينجي من حكمه
عصبية حمقاء, ولا سياسة خرقاء, ولا مجاملة هي النفاق, سواء أكان ذلك من
أفراد أو حكومات أو زعماء. كلهم في الكفر والردة سواء, إلا من جهل وأخطأ,
ثم استدرك أمره فتاب واخذ سبيل المؤمنين, فأولئك عسى الله أن يتوب عليهم,
إن أخلصوا من قلوبهم لله لا للسياسة ولا للناس.
In la
kaalmaysto Ingiriiska nooc walba oo kaalmaysi ah ha yaraado ama ha
badnaado waa diin kabax aad u daran, iyo gaalnimo cad, aanan aqbalaynin
cudurdaar, aanan anfacaynin tafsiir ( khalad ah oo aad adigu ka fahantay
) kumana badbaadayo qofka ay ku xambaartay qabyaalad doqonnima ah, iyo
siyaasad indha la’aan ah, mujaamalo ( isjeclaysiin aan waxba ka jirin )
oo munaafaqad ah, waana isaga mid arinkaa qof-qof ama dawlado, ama madax
( noocuu doonno ha ahaado, sida madaxda qabaailka ama xukuumadda )
dhammaantood gaalnimada iyo diin kabixiduba way u siman yihiin, oo aan
ka ahayn qofka jaahilka ka ah ee khaladamay kadibna isdaba qabtay ee
tawbad keenay kadibna qaaday jidkii mu’miniinta kuwaasu waxaa suurowda
in Alle uu ka tawbad aqbalo haddii ay Alle u khaalis yeelaan
quluubtooda oo aysan ka ahayn mid siyaasad ku dhisan ama dad ku raali
garayn. Wuxuu intaa sii raaciyay:
Waliba Sheekhu
RC wuxuu aad uga waaniyay muslimiinta rag iyo dumarba inay ogaadaan
kuwaa gaalada soo raacay ay xaasaskii kala furmeen oo halkaasi
nikaaxoodii uu ku buray wax ka dhaxeeyaana ma jiraan haday ahaan lahayd
nasab iyo dhaxal midna kama dhexeeyaan. Qofkase tawbad keena oo iyaga
kamid ah isla markaana cadawga la dagaalama ummadana u gargaara wali
isuma ahaanayaan reer is qaba ilaa la sameeyo nikaax cusub. Iyo waliba
inay iska hubiyaan inta aanay guursan inuu kamid yahay qoladaa la tuuray
ee ridoday. Wuxuu kaloo sheegay Sheekhu RC haddii qof dumar ah ay ku
raali noqoto sidaana xaas ugu ahaato iyaduna way raaci oo diinta way ka
bixi. Alle baan nabad waydiisanaynaa. Fatwadaa iyada oo dhammaystiran
waxaan kusoo guurin doonaa haddii Alle idmo isla kitaabkan gudihiisa.
Inta yare ee aan idiin soo koobayna waa tan hoosta ku qoran. Qofka
dheeraad rabaana websaydyada soomaalida baan u diray hadda ka hor qofkii
rabaana xagaa haka raadsado maqaalka aan ku magacaabay:
Way Gaaloobeene
Kala Guura.
ألا فليعلم كل
مسلم وكل مسلمة أن هؤلاء الذين يخرجون على: دينهم ويناصرون أعدائهم, من
تزوج منهم فزواجه باطل بطلانا أصليا, لا يلحقه تصحيح, ولا يترتب عليه أي
أثر من أثار النكاح من ثبوت نسب وميراث وغير ذلك. وأن من كن منهم متزوجا
بطل زواجه كذلك, وأن من تاب منهم ورجع إلى ربه وإلى دينه, وحارب عدوه ونصر
أمته, لم تكن المرأة التي تزوج حال الردة, ولم تكن المرأة التي ارتدّ هي في
عقد نكاحه: زوجا له ولا هي في عصمته وأنه يجب عليه بعد التوبة أن يستأنف
زواجه بها, فيعقد عليها عقدا صحيحا شرعيا, كما هو بديهي واضح.
ألا فليحتط
النساء المسلمات, في أي بقعة من بقاع الأرض, وليتوثقن قبل الزواج من أن
الذين يتقدمون لنكاحهن ليسوا من هذه الفئة المنبوذة الخارجة عن الدين, حيطة
لأنفسهن ولأعراضهن, أن يعاشرن رجالا يظنونهم أزواجا وليسوا بأزواج, بأن
زواجهم باطل في دين الله.
ألا فليعلم
النساء المسلمات, اللائي ابتلاهن الله بأزواج ارتكسوا في حمأة هذه الردة,
أن قد بطل نكاحهن, وصرن محرمات على هؤلاء الرجال, ليسوا لهن بأزواج, حتى
يتوبوا توبة صحيحة عملية, ثم يتزوجوهن زواجا جديدا صحيحا.
ألا فليعلم
النساء المسلمات, أن من رضيت منهن بالزواج من رجل هذه حاله, وهي تعلم حاله,
أو رضيت بالبقاء مع زوج تعرف فيه هذه الردة: فإن حكمها وحكمه في الردة
سواء.
ومعاذ الله أن ترضى النساء
المسلمات لأنفسهن ولأعراضهن ولأنساب أولادهن لدينهن شيئا من هذا.
Sidoo kale
haddii aad u fiirsato gabayadii Sayid M. C/lle Xasan RC ee uu ku kufri
xukumayay qolooyinkii raacay ee ka garab dagaalamayay Ingiriiska iyo
Talyaaniga waxaad garan kartaa in uu ku xukumay aayaadan aan soo
sheegnay iyo kuwa lamidka ah. Waxaana gabayadiisii kamid ahaa:
Nin aqdaamo
Faranjiya, maantiyo abuurin Ama aaladda u sida, ama awrtaba u rara Ama
arigaba u qala, ama laba ugaarsada Ama uba ilaala ah ama uurka kala
jira Ashahaado beeniyo, islaannimo ha lagu dhaqo ILaahayna nama oran,
anna ma ogolaan karo
Sayidku RC dad
Soomaali gala-raac ahayd buu ku xukumay inay gaaloobeen wuuna ku
jihaaday umana kala soocnayn iyaga soomaalida ah iyo kuwa ay raaceen,
waxayna ukala ahaayeen gaal cad iyo gaal madow.
Sayidka RC oo
isticmaarka ku jihaaday wixii raacay isticmaarka ee daba dhilif u ahaana
intuu moorada islaamka ka saaray oo ku yiri: Gaalo baad tihiin lana
jihaaday, soomaali aad bay u qadirisaa ilaa maantana wanaagiisa waa la
xusaa intaa iyo in ka badana wuu inaga mudan yahay sayidka RC waliba
soomaalidu taalo bay u dhiseen, waxaase layaab leh raga hadda cadawga
wadanka soo galay ka dhiidhiyay ee halganka kula jira maxay Soomaali u
qadarin la’dahay?. Haddaad ku andacoon lahaydeen nimankan dadka bay
gaalaysiiyaan, haddii uu arinku sidaa yahay sow tuu sayidkuba RC uu
gaalaysiiyay nimanka gaalada la saftay. Waxaan shaki lahayn Sayidka RC
iyo raga hadda halganka kula jiraba iskama aysan gaalaysiine xujo iyo
baraahiin cad-cad bay u haystaan arintaa, waxaadna ogaataa islaanimadu
ma’aha xabag kugu dhegan oo aan kaa fuqayn ee waa inaad ogaataa in sida
ay waysada u jabto oo kale islaamnimadana u jabi karto haddii aad la
timaado wax buriya islaamnimadaada.
Waxaan shaki
lahayn in Soomaalidii hore ay ahaayeen dad aan runta ka war wareegin
soomaalida waqooyi iyagu wayba kasii xag jireen xaga saraaxada waxaana
taa kuu caddaynaya, mar ay diinta ka baxday haweenay da’ ah oo u
dhalatay goboladaa waqooyi xilligii iticmaarka, ayaa kolkii ay dadku
maqleen inay haweynaydaasi gaalowday halkii ay ka baroordiiqi lahaayeen
bay waxay yiraahdeen: Alla maxay islaamka foolxumo kala dhex baxday!
Haddana isaga oo qofku la taagan gaalnimo cad ayaa maro islaam oo been
ah la huwinayaa. Waana arinta uu la yaabay saxaabigii jaliilka ahaa
Xudayfa Ibnul-Yamaan RC kolkuu la yaabay dad gaalnimo ku dhaqmaya
muslimnimana loo wato ayaa wuxuu yiri:
الْمُنَاْفِقُوْنَ الّذِيْنَ فِيْكُمُ اليَوْمَ شَرٌّ مِنَ
الْمُنَاْفِقِيْنَ الّذِيْنَ كَاْنُواْ عَلَىْ عَهْدِ رَسُوْلِ اللهِ
صَلّىْ اللهُ عَلَيْهِ وَآلِهِ وَسَلَّمَ.
Munaafiqiinta
maanata idinla joogta ayaa ka shar kadan munaafiqiintii joogtay xilligii
Rasuulka SCWW.
Kolkaa bay waydiiyeen sababta?
Kolkaa buu ugu jawaabay:
إنَّ أولاء
كَاْنُواْ يُسِرُّوْنَ نِفَاْقَهُمْ ، وَإنَّ هؤلآءِ يُعْلِنُوْنَ / رواه
البخاري.
Kuwaa (
Munaafiqiinta ahaa ee joogay xilligii Rasuulka SCWW ) way qarsan
jireene, kuwanise wayba caddaysteen.
Waqtigii ay
saxaabo noolayd buu layaabanaa Xudayfa RC. Hadduuse maanta ina arki
lahaa Xudayfa RC waxa aan ku sugan nahay moorada yaa ku hari lahaa?.
Sh Muxammad A.
Rooble ( Boqol-Soon ) RC wuxuu yiri: qof aan muslim ahayn ma islaamin
karno.
Alle SW wuxuu
inoo caddeeyay inay munaafiqiintu ay had iyo goor dhaqan u tahay inay
gaalada is xejiyaan oo ay jeclaadaan sokeeyana ka dhigtaan:
تَرَى كَثِيرًا
مِّنْهُمْ يَتَوَلَّوْنَ الَّذِينَ كَفَرُواْ لَبِئْسَ مَا قَدَّمَتْ
لَهُمْ أَنفُسُهُمْ أَن سَخِطَ اللّهُ عَلَيْهِمْ وَفِي الْعَذَابِ هُمْ
خَالِدُونَ / المائدة / 80
Waxaad arkaysaa
qaar badan oo iyaga ( Munaafiqiinta ) kamid ah inay gacal ( Iyo xigto )
kayeelanayaan kuwa gaaloobay, Waxaa baas lahaaday waxa ay naftoodu u
hormarisay ee ah carra Alle oo dushooda ku dhacda
( Maalinta khiyaamana ) cadaabka dhexdiisa ay ku
waarayaan.
Kadibna Alle SW
wuxuu inoo caddeeyay in gaalada ay waliga ka dhigteen ay daliil u tahay
inaysan mu’miniin ahayn. Wuxuuna Alle SW uu yiri:
وَلَوْ كَانُوا
يُؤْمِنُونَ بِالله والنَّبِيِّ وَمَا أُنزِلَ إِلَيْهِ مَا اتَّخَذُوهُمْ
أَوْلِيَاء / سورة المائدة/81
Haddii ay ahaan
lahaayeen ( Munaafiqiintu ) kuwo rumeeyay Alle iyo Nebiga SCWW iyo
wixii lagu soo dejiyay ( Ee waxyi ah ) gaalo gacal kama yeesheen.
Sheikhul-Islaam
Ibnu-Taymiyah RC wuxuu kala dhex baxay aayadan:
فدل على أن
الإيمان المذكور ينفي اتخاذهم أولياء ويضاده ، ولا يجتمع الإيمان واتخاذهم
أولياء في القلب---إلخ / كتاب الإيمان / 13
Aayadan waxay
tusinaysaa in iimaanka la sheegay uu anfinayo ( uu
Diidayo ) ka yeelashada ay gaalaga gacal ka yeesheen wuuna ka hor
imanayaa ( IImaanka ), kumana kulmaan iimaan iyo in gacal laga
yeesho ( gaalo ) qalbiga
Rasuulkuna SCWW
wuxuu yiri:
إنا لا نستعين
بمشرك .
Ma kaalmaysano
Gaal
رواه أحمد وغيره
عن عائشة / صحيح / الصحيحة / 1101
Waliba Rasuulku
SCWW wuxuu u diiday rag doonayay inay ka dhinac dagaalamaan iyagoo aan
muslimiin ahayn ilaa ay ka islaamaan wuxuuna ku yiri Rasuulku SCWW:
إنّالا نَستَعينُ
بالمُشركينَ عَلَىْ الْمُشْركِيْنَ)
Uma-kaalmaysano
gaal gaal kale.
رواه أحمد
والبخاري في التّاريخ/ عن خُبيب بن يساف / صحيح.
الصحيحة / 1101 /
وصحيح الجامع / 2292
Kol haddiiba la
diiday in gaal loogu kaalmaysto gaal kale sidee bay suurtogal ku noqon
kartaa in gaalo loo kaalmaysto oo lagula duulo si loo dhibaateeyo dad
Muslimiin ah.
Dad badan baa
waxaa ka dhaadhacsan inaan marnaba diinta loogaga baxayn si walba oo aad
gaalada u daba orodo oo aad ula jaan qaado. Taasoo ay ula jeedaan mar
haddaad xerada islaamka soo gasho inaadan gaaloobi Karin si walba oo aad
gaalnimo ugu dhacdo. Allana SW wuxuu inoo caddeeyay haddaan gaalada
warkooda yeelno inay ina gaalaysiinayaan:
يَا أَيُّهَا
الَّذِينَ آمَنُوَاْ إِن تُطِيعُواْ فَرِيقًا مِّنَ الَّذِينَ أُوتُواْ
الْكِتَابَ يَرُدُّوكُم بَعْدَ إِيمَانِكُمْ كَافِرِينَ / سورة آل
عمران/100
Mu’miniineey
haddii aad adeecdaan (Aad yeeshaan oo aad aqbashaan baadilkooda) koox ka
mid ah Yuhuud iyo nasaaro waxay idiin celin doonaan iimaankiinna dabadii
gaalnimo.
Waliba wuxuu
Alle SW uu inoogu bayaaniyay aayad dhexdeed inaysan marnaba ka suulaynin
inay nala dagaalamayaan ilaa ay ina gaalaysiiyaan hadday awoodaan:
وَلا يَزَالُونَ
يُقَاتِلُونَكُمْ حَتَّى يَرُدُّوكُمْ عَنْ دِينِكُمْ إِنِ اسْتَطَاعُوا
وَمَنْ يَرْتَدِدْ مِنْكُمْ عَنْ دِينِهِ فَيَمُتْ وَهُوَ كَافِرٌ
فَأُوْلَئِكَ حَبِطَتْ أَعْمَالُهُمْ فِي الدُّنْيَا وَالآخِرَةِ
وَأُوْلَئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ.
البقرة / 217
Kama suulayaan
inay idinla dagaalamaan ilaa ay dib idinka celiyaan diintiina hadday
karaan, qofka idinka mid ah ee diintiisa ka laabtana ee ku dhinta
gaalnimo kuwaasi way burtay acmaashoodii adduun iyo aakharaba, kuwaasina
waa ehlu naar, dhexdeeda bayna ku waarayaan.
Rasuulkuna SCWW
wuxuu inoogaga waramay in ummadiisa dad badan oo kamid ah ay gaaloobi
doonaan. Siduu xadiis dhexdii ku Yiri:
ولا تقوم الساعة
حتى تلحق قبائل من أمتي بالمشركين، وحتى تعبد قبائل من أمتي الأوثان،
رواه أحمد وغيره
/ صحيح / الصحيحة / 1683
Dhicimayso
Saacadda ( Qiyaamaha ) ilaa ay haleesho qabaail ummadayda kamid ah
gaalada, walibana ay caabudo qabaail ummadayda kamid ah sanamyada.
Sidoo kale
Imaamu Tabaraani RC ayaa wuxuu warinayaa in saxaabigii jaliilka ahaa
abuudardaa RC in uu saxaabada Rasuulka SCWW uu ka maqlay xadiis kadibna
wuxuu u yimid Rsuulka SCWW kolkaa buu Abuu-Dardaa RC wuxuu yiri:
قلت يا رسول الله
زعموا أنك قلت : سيكفر قوم بعد إيمانهم قال : أجل ولست منهم
رواه الطبراني في
الكبير
Waxaan iri
Rasuul Allow waxay sheegteen ( Saxaabadii RC ) inaad tiri: Bulsho dhan
baa gaaloobi doonta iimaankooda dabadii. Wuxuu Rasuulku SCWW uu yiri:
Haa adiguse kamid ma tihid
Riwaaya kale oo
xoojinaysa xadiiskaasina waxay leedahay:
ليكفرن أقوام بعد
إيمانهم / رواه ابن عساكر عن أبي الدرداء
Wallee waxa
gaaloobi doona bulshooyin dhan iimaankooda dabadii
Abuu-Dardaa RC
wuxuu yiri:
وَالّذِيْ
نَفْسِيْ بِيَدِهِ مَاالإيْمَاْنُ إلا كَالْقَمِيْصِ يَتَقمَّصُهُ مَرَّةً
وَيَضَعُهُ مَرَّةً أُخْرَىْ.
رواه أبي بكر
الفريابي في كتابه صفة النفاق وذم المنافقين / 40
Allihii
Naftayda Gacantiisa Kujirtaan Ku Dhaartaye iimaanku Ma’aha oo aan ka
ahayn sida Qamiiska oo Kale, uu marna xirto marna uu iska siibo.
رواه أبي بكر
الفريابي في كتابه صفة النفاق وذم المنافقين / 40
Iskaba daa in
gaalo lasoo geliyo wadamada muslimiinta si ay u qabsadaan ee waxayba
culimadu ka digeen in loo ogolaado wadamada islaamka gaar ahaan
Jaziiratul-Carab kuwa gaalada ah ee ku andacooda hawl iyo wax soo-saar
baynu u joognaa IWM. Maxaa yeelay Rasuulku SCWW wuxuu yiri:
اليهود والنصارى
من جزيرة العرب حتى لا أدع إلا مسلما
لأخرجن
رواه مسلم عن
عمربن الخطاب
Wallee waan ka
saari yahuud iyo nasaaraba jaziradda Carabta ilaa aan ka tagin muslim
mooyaane.
1347 Hijriyadii
oo ah muddo hadda laga joogo 82 sano maadaama aan hadda ku jirno 1429
Hijriga ayaa culilmadii xilligaa joogtay waxay ka war heleen in boqor
C/Caziiz Al-Sucuud oo ahaa boqorkii Sucuudiga ee xilligaa uu damacsan
yahay in uu la galo heshiis sharikado ay gaalo leedahay oo soo saarta
shidaalka kadibna waxay u direen bayaan ay ku xaqiisanayaan arintaa iyo
fatwo ay ku caddaynayaan inay xaaraam tahay in Jaziiratul-Carab meel
kamid ah aan manaba loo ogolayn qof gaal ah inuu soo galo. Haddii Alle
idmana fatwadii oo sideeda u qoran isla markaana af-Soomaali ku tarjuman
iyo masdarka aan kasoo qaatayba kitaabka gudihiisa ayaad ugu tagi
doontaa iyo fatwooyinka culimada kale ee isugu jira culimadii hore ee
safka, kuwo dhexe iyo kuwa xilligeenna ahba.
Sidoo kale Sh
C/Caziiz Ibnu-Baaz RC iskaba daa gaalada iska leh sharikadaha booba
hantida muslimiinta ee wuxuuba ka digay shaqaalaha aan muslimiinta ahayn
ee ka shaqeeya guryaha, iskuulada IWM. Fatwadaa oo qoran iyo
masdarkeeduba kitaabka ayaad ugu tagi doontaa haddii Alle idmo.
Sidoo kale Sh.
Naasiru-Ddiin Al- Albaani RC markuu sharxayay xadiiskii Rasuulka SCWW ee
lafdigiisu ahaa:
سَتَكُوْنُ
مَعَاْدِنُ يَحْضُرُهَاْ شِرَاْرُ النَّاسِ رواه أحمد/ صحيح / الصحيحة /
1885
Waxaa jiri
doonta macaadin (sida dahabka, shidaalka IWM ) ay soo saari doonaan
dadka kuwa ugu sharka badan).
Ayaa Sheekh
Naasir RC wuxuu ku yiri silsalatu-saxiixa:
وَمِمَّاْ لا
شَكَّ فِيْهِ أَنَّ شِرَاْرَ النَّّاْسِ إِنَّمَاْ هُمْ الْكُفَّْاْرُ،
فَهُوَ يُشِيْرُ إِلَى مَاابْتُلِيَ بِهِ الْمُسْلِمُوْنَ الْيَوْمَ مِنْ
جَلْبِهِمْ لِلأوربِيِّْينَ والأمْريْكَاْنَ إلا بِلادِهِمُ
الْعَرَبِيَّةِ، لإسْتِخْرَاْجِ مَعَاْدِنَهَاْ وَخَيْرَاِتَهَاْ. وَالله
ُالْمثسْتَعَاْنُ.
Waxaan shaki lahayn inay
kuwaasu yihiin gaalada, Rasuulkuna SCWW
wuxuu
tilmaamayaa waxa lagu ibtileeyay muslimiinta maanta joogta taasoo ah
inay keenaan Yurubta iyo Ameerikuba buldaantooda Carbeed, si ay ula soo
baxaan macaadintooda iyo khayraadkooda Allaah baana ah mid lamagan galo.
Waxaa sidoo
kale isagana ka dhiidhiyay sheekheena Shariif C/di-Nuur Xafidahullaahu
wacaafaah, markii ciidamadii gaalada ahaa ee UNISOM ay imanayeen
Soomaaliya 1992kii iyagoo kusoo gabbanayay dadka abaaraha ay aafeeyeen
baan quudinaynaa ayuu sh. Shariif C/di-Nuur XFL wuxuu dadku ku booriyay
in aan lasoo dhawayn gaaladaa mucaawanada kusoo gabbanaysa, wuxuuna
qabtay muxaadaro uu ku magacaabay:
لا مَرْحَبًا
بِهِمْ إِنَّهُمْ صَالُوا النَّارِ / سورة ص / 59
Soo dhawayn
maleh ehlu-naarka
Waana tii uu ka
shirbay Abshir bacadle Allaha Dhowree markuu arkay cunto mucaawano lagu
sheegay oo hub iyo ciidanna ay garab socdaan. Kolkaa buu wuxuu yiri:
Ganley Gaduuda
Waan Gartee
Garnayl Miyow
Goosaar Noqdaa
Sidaa bayna
culimada iyo wax garadkuba weligood ahaayeen oo wixii khatar ah ee kusoo
fool leh umadda intaynan dhibaatadaa ku dhicin bay uga digi jireen.
Maxaa yeelay iyaga ayaa ugu fiira dheer in la garto khatar walba oo
ummada loo maleego. Waana sida uu yiri Al-Imaam Xasan Albasri RC:
إذا اقبلت الفتنة
عرفها كل عالم , وإذا أدبرت عرفها كل جاهل
Goorta ay soo
qaabisho fitnadu waxa garta caalim kasta, marka ay fitnadu ( dhacdo ) oo
ay dhabar jeedisana waxaa garta qof kasta oo jaahil ah
Kolka warkoodii
la yeeli waayayna waxa hadda socda ee dulli iyo dan dara ah baa umadda
ku habsaday.
Markii ay
gaaladu kusoo duushay muslimiinta iyaga oo kaashanaya kuwo muslim ku
sheeg ahna culimadu waxay qaateen mamawaaqif cad-cad oo ka tarjumaysa
dhiiranaantooda iyaga oo dhaqan gelinaya adillada kusoo aroortay ee aan
kor kusoo xusnay iyo kuwo kale oo fara badanba ee mamnuucaysa gaala daba
orodka iyo kusoo hogaaminta wadamada muslimiinta, umaddana u caddeeyay
in gaala u hiilintu ay tahay diin kabax.
Su’aal
Culimadii
xilkoodii waa ay guteen ducaada masaajidda haysataa maxaa helay.
Masaajidadii iyo kutubtiiba way inoo dhan yihiine maxaa looga hadli
la’yahay arintan iska cad ee qof walbaaba uu fahmi karo qatarteeda?.
Wadaadadu
waqtiga ay u hayaan inay kaga waramaan suufiya iyo wixii lamid ah, kuwa
soo geliya wadamada islaamka gaaladana laga warwareegto maxaa daliil ah
oo aad u haysaan?
Shaki maleh
inaad ku sifowdeen ninkii la oran jiray Abul-Calaa Al-Macari. Wuxuu
noolaa xilligii cabaasiyiinta ayaa wuxuu aaminsana waxyaabo hadda waxa
loo yaqaano faylisoofnimada. Waxyaabihii uu aaminsanaana waxaa kamid
ahaa, in aan xoolaha la qalin maxaa yeelay adiguba ma ogolid in lagu
qasho, waxaa kaloo kamid ahaa in digaaga aan ukunta laga cunin maxaa
yeelay waxay u dhashay ukuntaa inay ilmo ka hesho. Sidoo kale in loo
daayo xoolaha caanahooda, maxaa yeelay waxay ugu tala gashay in
dhasheedu u cabto, wuxuu kaloo oran jiray, haddii aakharo la tago
ilaahay waxba I waydiin maayo maxaa yeelay anigu ma guursan sidaa
darteed waxa caalamka ka dhacaya ee dagaalo iyo dhiig daatayba waxa la
waydiin doonaa inta guursatay ee wax dhashay. Kadib wuu xanuunsaday
waxaana lagu yiri: waa inaad digaag cuntaa haddii kale wad dhimanaysaa,
waxa sidaa ku lehna waa dhaqtarkii dawaynayay. Kolkaa buu diiday. Kadib
baa lagu celceliyay inuu cuno digaagaddaa, kadib wuu ogolaaday oo wuxuu
yiri ii keena, markii loo keenay buu wuxuu billaabay in uu lahadalo
digaagaddii oo shiilan oo hortiisa taala. Wuxuuna ku yiri digaagaddii:
استضعفوك فوصفوك
، هلا وصفوا شبلي الأسد
Way ku
yaraysteenoo kolaa bay ku ishaareen, hadday run sheegayaan may ishaaraan
ilma libaax
Maxaa yeelay
way ogyihiin ilma-libaax inaan lasoo qaban Karin si walba uu daawo u
noqdo.
Wadaadada waxaa
u sahlan inay maanta oo dhan suufi la cayrsado kuwa ka daran ee gaalada
wadanka soo geliyayna laga warwareego. Su’aashaasi jawaabteeda idinka
ayaan idiin daayay maxaa yeelay waan ku wareeray.
Waxaan walalaha
war gelinayaa inay fasax idiin tahay oo aad ka koobi-garaysan kartaan
walaalaha kalena aad gaarsiin kartaan idinka oo xifdinaya maadaama uu ku
qoran yahay kalaamkii Alle SW iyo Axaadiistii Nabiga SCWW iyo fataawada
culimada ay kasoo qaateen kitaabka iyo sunnaha.
وبالله التّوفيق
وصلّى الله
وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين.