Mucjisada Qarniga: Sh. Shariif Vs Maslax M. Siyaad
Waxaa shidmay goobihii fadhi ku dirirka, waxaa samaysmay xulafooyin cusub, waxaa
burburay isbahaysiyo hore, waxaa farxay mucaaradkii, waxaa naxay muxaafadkii ,
waxaa wareeray indheergaradkii, waxaa quustay wadaniyiintii, waxaa yaabay
shacabkii.
Dad badan oo ka tirsan qurbajoogta ayaa doorashadii Jabuuti ka daalacanaysay
saxaafada la iska daawado , meesha qaar kalena ay boggaga internetka kala
socdeen habsamida doorashadaas. Kadib markii ay gabagabowday doorashadii ayaa
dadkii u kala qaybsamay kooxaha aan kor ku soo xusay.
Anigu waxaan ka mid ahaa dadka aan wakhtiba isaga dhumin la socodka howshaan.
Maxaa yeelay qofku haduu aad u daawado filimadda ama akhristo buugta waxaa uu
gaaraa heer uu xirfadaha saadaasha ku noqdo khabiir, kaas oo badanaa bilowga
filimka ama bilowga buuga odorasi kara sheekadu meesha ay ku socoto iyo
nahaayadu waxa ay noqon karto.
Sidaa awgeed dad badan oo indheer garad ah way u cadayd ciribta Riwaayadii
Jabuuti ka dhacday waxa ay noqon karto ciribteedu iyo cida meesha loo caleemo
saarayo intuba. Ruwaayada Jabuuti hadaan afka Reer Xamarka ku sheego waxay la
mid ahayd: nin Rigoore la yiri ku dhali gool aan Boortiyeeri lahayn. Waxaan
filayaa habar iishoba way dhalin kari lahayd goolka noocaasi oo kale ah.
Taas waxaan uga dan leeyahay, marka Sh. Shariif la yiri keenso 200 oo xubnood oo
aad adigu soo xulatay kuna kalsoon tahay, miyaysan akhristow kuu cadayn cida
guushu raaci doonto, marka lacag uusan abid ku riyoon lagu hurgufay laguna yiri
ku casum xubnaha baarlamaanka Hoteel 5 Star ah oo uusan abid habeen ku hoyan
miyaysan kuu cadayn cida guushu raacin, marka xubnihii kale ee awooda u yeelan
karay inay barnaamij dadku ku qanci karo soo bandhigaan kuna guulaystaan kursaga
Madaxweynenimo lagu yiri "ha isku dayina inaad masraxaba soo fuushaan" si loogu
firaaqeeyo atooraha jilaya riwaayada ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo"Central
Character" = "Sh.Shariif" miyaysan kuu cadayn cida guushu raaci.
Hadaba akhristow dulucda maqaalkaygani maaha inaan ka sheekeeyo taariikhda
kooban ee dhakhsaha badan ee Sh. Shariif, mana aha inaan raad arooryo dib u
dabagalo si aan idiinku muujiyo siday u dhacday alifaadii, isku dubaridkii iyo
jilistii Ruwaayadii Jabuuti, Maxaa yeelay dhamaantiid waxaad tihiin indheergarad
"Kor waayeel waa wada indho", balse dulucda qormadaydu waxay ku saabsan tahay
Atoore kale oo afka qalaad lagu yiraahdo "Opposition Character" = " Maslax
Maxamed Siyaad".
Maxaa yeelay Maslax maahayn nin saaxada siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhex
muuqday, maahayn Waranle iyo Wadaad midna, maahayn nin Mutacalimnimo iyo
thaqaafad Siyaasadeed siday. Balse wuxuu ahaa wiil ka mid ah caruurtii uu ifka
kaga tagay Marxuum Maxamed Siyaad Barre, wuxuu ahaan jiray Jeneraal ka mid ahaa
Ciidamadii Qalabka Siday ee Soomaaliyeed, wuxuu taliye Qaybeed ka ahaa aaga
Muqdisho haystayna Qaybta 77. Tan iyo intii xukunkii aabihii hogaanka u hayay
dhacayna wuxuu ku sugnaa Dalka Kenya. Isku soo duuboo Maslax wuxuu ahaa qunyar
socod aan cid dhibweyn ka sheegan kartaa jirin, marka laga reebo inuu ahaa Ina
Maxamed Siyaad iyo inuu ahaa Jeneraal hogaami ciidan ahaa.
Hadaba waxaa fajiciso ku noqotay dad badan is sharaxaadiisii, waxaa la yaab dad
badan ku noqday sacabka iyo isutaaga ay ku soo dhaweeyeen dadkii ama xubnihii
madasha shirka Jabuuti joogtay, waxaase isku fuuqso iyo dhabana hays noqotay
kadib markuu ku guulaystay cod aad u badan, isagoo banaanka mariyay Nuur Cadde ,
Cali Khaliif iyo rag kale oo hawo kaga jirtay kursigan, wuxuu Maslax noqday
fardigii waxiidka ahaa ee ay isku soo hareen Sh. Shariif. MALAX Vs SHARIIF.
Hadaba waxaa dad badan is waydiinayaan sababta uu ku mutaystay taageerada intaa
le'eg iyo guushaan uu soo hoyiyay waxa ay salka ku hayso.
Waxaan u aanaynayaa ama is leeyahay way sababeen guusha MASLAX labadda qodob ee
hoos ku xusan::
1- Inuusan dhiiqadii iyo dhiig daadiskii dagaalka sokeeye ka qayb gelin.
2- In loo boholyoobay Xukun iyo Dowladnimo, sidaa awgeed uu dad badan xusuusiyay
Aabihii.
Walow kan hore wax ka jiraan, hadana waxaan is leeyahay qodobka labaad ayaan
sababay guusha Maslax. Taasna waxaa kuu cadayn kara, kolkuu qaacadii shirka soo
galay xubno aad u badan ayaa istaagay oo sacab iyo mashxarad ku soo dhaweeyay.
Sababtay taasi ku dhacdayna waxay ahayd dadka meesha isugu yimid oo badankooda
ahaa kooxda loogu yeero "Haraagii Afweyne" ama dadkii xukunkii Marxuum Maxamed
Siyaad wax ka soo noqday sida Wasiiro, Jeneraalo, Agaasimayaal iyo
Diblomaasiyiinba. Tan kale oo sacabkaas sababtay waxay ahayd Maslax oo ah nin
aad ugu eg aabihiis dhinaca muuqaalka iyo codkaba, sidaa daraadeed dad badan oo
hoolka shirka joogay waxayba is yiraahdeen Siyaad Barre ayaa goobta soo galay
marka riyo inay ku jireen baybay u qaateen waxayna moodeen in uu dhacay waxa
afka qalaad lagu yihaahdo "INCARNATION" oo micnaheedu tahay qof dhintay oo soo
noolaaday ama ruuxii iyo jirkii dib u kulmeen.
Dhacdadaasi waxaan ka dhaxli karnaa darsin aad u weyn ee ah sida dadku ugu
boholyoobay DOWLADNIMO, waxaase nasiib daro ah kuwa saas u bururay ama inoo
muujiyay inay Dowlad jacayl u jiriiricoodeen inaysan hayn , kuna taagnayn jid
dowladnimo lagu gaari karo, balse waxaan oran karnaa waxay sababeen inay
fuliyaan dano shisheeye, inay garab mareen hanaanka dib u heshiis, iyo midka
lagu gaari karo dowlad loo dhan yahay, taas oo ka turjumi karta, rabitaanka
shacabka, muujin karta isu tanaasul, iyo tixgelinsiinta qabaa'ilada iyo gobolada
kala duwan ee Soomaaliya ka kooban tahay.
Maslax wuxuu noqday marsoobax, wuxuu ina wada xusuusiyay oo dadka qaar
jeclaysiiyay Dowladii uu aabihii hogaanka u hayay, Maxaa yeelay Dowlad Xumi
Dowlad la'aan ayay dhaantaa. Walow ay dhinaca kale dhici karto in dadka qaar
aaminsan yihiin in hadal Maxamed Siyaad loo nisbeeyo uu rumoobay taas oo ah inuu
yiri "Dal waa la iga dhaxlayaa dadse la igama dhaxlayo" taas oo dadka qaar
yiraahdaa wuxuu na baray wuxuu na baday ayaa nooga daran. Isku soo duuboo,
Maslax taariikh ka mid noqon doonta kuwa lagu dhigo dugsiyada siyaasada iyo
shucuubta ayuu baal ka galay.
Waxaan maqaalkayga ku soo gababagaynayaa tix gabay ah oo uu tiriyay Abshir Nuur
Faarax (Bacadle) , tixdaas oo uu kaga hadlayo sida loogu boholyoobay Taliskii
Maxamed Siyaad, iyo sida ay dagaal oogayaashii qabyaaladda waday u halaageen
dalkii iyo dadkii Soomaliyeed. Afka qalaad ayaa wuxuu ku maahmaahaa " History
Repeat Itself" ama taariikhdu way isku soo noqotaa, sidaa awgeed Markii lagu
fooriyay oo la yiri Cabdulaahi Yuusuf ayaa nabada hortaagan oo hadii uu meesha
ka tago malab iyo caano ayaa laga dhargayaa tolow maxaa laga dhaxlay, miyaysan
durba noqon mid laga shalaayo oo loo darsado, Tolow baarlamaanka geediga ah ee
uu Sh.Shariif soo diiwaan gashaday iyo "Haraagii YAY" xagay geediga ku furin
doonaan oo hoy ka dhigan doonaan. Looba joogee!!!
BACADLE WUXUU YIRI:
- Waa loo darsaday odayga wey nagu diraayeene
- Duqii lagama raysane afkaa diidayoo nacaye
- Ciilkii nadaa lamase helin dux iyo iidaane
- Dad weynow su'aal diirran baan idin dareensiine
- Gartii adiga kuu daadegtaa lagu dawoobaaye
- Dadkuna kuma qancaan been cadoo maro ku daahnayne
- Duqii hore maxaa loo eryoon kula dagaalayney
- Dalkii iyo dadkiyo diintii buu dumiyey sow maaha
- Ka daroo dibidhal baan aragnay iyo furuqyo daacuune
- Dagaal aan dhammaan waxaa ka roon dowlad jaa'irahe
- Duqii doona ducana ugu dara waad na dubateene
- Allow yaa inoo diga markaan duqa ku yaacayney
- Allow yaa dariis ciidan iyo dowlad mar u jeeda
- Dib wax ugama sheegeen askari daa'in abidkeeye !!
Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2009