Miriha Jihaadka, Islaam Moderne ah iyo Qabiil midoobay ma ahee maxaa
qaldan?
Bismilaahi Raxmaani Raxiim:
Cimrigaa dheeraada geel dhalaaya ayuu ku tusaa ayay Soomaalida ku maahmaahdaa,
maantase ku darso cimrigaa dheeraada, Islaam moderna ah iyo qabyaalad midaysan
ayuu ku tusaa.
Ayaan daranaa qof soomaali oo gumaysi haysta soo gaaray oo halgan xornimo
bilaabay markii xoriyadii soo dhowaatay uu gumaystihii rumaysan waayay in uu si
fudud gacantiisa uga baxo wadankaa qiimaha leh oo dadkiisuna intiisa badan
jaahiliin yihiin oo aan garanayn in ay ka faa.iidaystaan khayraadka wadankooda
iyo cimilada aan wadan la mid ah dunida ka jirin,ayuu si fudud xilkii wadnka
gacanta ugu geliyay kuwii isaga u adeegayay ee la gumaadi jiray dadkooda ka
dibna wadankii maamul xumo iyo ku takri falid hantidii qaran iyo siyaasadii
gumaysiga oo ahayd qaybi oo xukun ku sii waday ugu dambayntii waxay dhaleen
xukun milateri oo hantiwadaaga cilmiga ku dhisan ka doorbiday ku dhaqanka
shareecad islaamka, muddo dheer ka dib isagana waxay mirihiisii noqdeen
curashada qabqablayaal dagaal oo dalka iyo dadkaba dhulka la galay oo wax walba
oo diinta islaamka iyo dhaqanka suuban raali ka ahayn baday.
Kuwaasoo doonayay in qabiil xil doonkooda waalida ah ku gaaraan, mase dhicin.
20 sano oo dagaal ah qolo walba xeesheey doonta adeegsatay si ay hanato xukunka
loo wada waashay ayaa iyagana maanta waxy noo dhaleen. Islaam moderno ah iyo
qabiiliistayaal isku dhafan kuwaas ay si aad ah raali uga yihiin wadamadii isku
bahaystay burburinta Soomaaliya iyo titirida diintooda iyo dhaqankooda suuban
kuna tilmaameen koox moderen , qunyar socod ah oo fulin karta danahooda muhiimka
ah, burburinta xoogaga islaamiyiinta,iyo tirtirida ku fikirka in mar uun lagu
dhaqo shareecada islaamka dalka soomaaliya.
Waxaa ninka gumaysiga iyo dawladahaa aan shareecada islaamka ku dhaqmin soo
joogay ka sii ayaan daran maanta ninkii shahiiday ajarkiis ilaah buu ka helay oo
cid uu u baahan yahay ma lehe, kumanaanka maanta xabsiga Itopia dhex fadhiya oo
nolol iyo geeri u dhexeeya, habeen iyo maalin aaneey u kale baxsanayn godka uu
ku jiro aawgii, ragii shalay jihaadka ugu baaqay oo ku dagaal galiyay ku
dhaqanka shareecad Islaamka, taasoo asal u ah cdaalad waarta iyo barwaaqo,
mantana isagoo xabsi ku jira ogaaday in laga tala baxay balantii loo dagaalamay
dastuur dad qoreen oo aan qiimo lahayn dhaar lagu maray in la ilaalinayo, kii
ilaah soo dejiyayna daaqada laga tuurayo, wliba ragii qaar ka mid hoteelada
Raaxada Itopia dhex dangiigaan oo aan haba yaraatee arintooda marna soo qaadin
weliba dalab cusub u gudbiyay, wadamadii caadaystay burburinta dalkeena iyo
gumaadka dadkeena si mujaahidiinta harsan iyagana loo laayo ama xabsiga godadka
dhaadheer ka samaysan ee itopia loo dhigo.
Guntii iyo gabagebadii arinta maanta dhacday waxba kama duwana arintii
gumaystayaashu sameeyeen markii ay Soomaliya ka tagayeen si ay weli gacata ugu
sii hayaan arimaha wadanka ayay adeegayaashoodii, maamulka wadanka faraha u
geliyeen. Maantana markii ay cadaatay in ay guul daraysatay siyaasadii
burburinta Soomaaliya iyo tirtirida diinta Islaamka ayaa Islaam moderen wax ay
ugu yeereen iyo qabyaalad la isku dhafay oo lagu yiri Soomaaliya inta dhiman
gacmahiina ku sii dhamaystira anagana dhaqaale ayaan idinku siinaynaa koleey
dabinadeena kama bixi doontaan, waxaase tihiin doqomo ilaah jecel yahay oo dabin
kastoo aan idin dhigno ilaah baa idinka bixiya, midanse waa dhagartii inoogu
dambaysaye nag qabta.
Waxaa hubaal ah in dawladihii faraha badnaa ee lagu soo dhisay dibadaha jidkeey
mareen mid la mid ah ama ka sii liita, ayay moderen islaamiyiin mari doonaan
hadii aaneey jidkan ay cagta saareen ka leexan oo raali gelinta eebe iyo
rabitaanka ummadda Soomaaliyeed oo ah ku dhaqanka shareecad Islaamka u noqon
kana tala bixin raali gelinta cadwga ilaah iyo burburiyayaasha dalkeen iyo
gumaadayaasha dadkeen iyo kuwa u soo tafa xaytay tirtirida diinteena iyo
dhaqankeena suuban ee soo jireenka ah, waxaase maskaxdayda ka degi waysan Miraha
jihaadka, marna ma noqon karaan Islaam moderen ah iyo qabyaalad midaysane sida
uu ilaah inoo cadeeyay, maxaa ummad yahay naga qaldan oo loo baahan yahay in aan
saxno.
Wabilaahi tawfiiq
Mohamed Duale(Wish)
xolod@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2009