Gumaadka Gaza iyo Waji gabaxa CarbeedGorfayn kooban;
Ku dheeraan maayo tibaaxida xaddiga xasuuqa Gaza ka dhacay,oo
idaacadaha layska arko ayaaba intiina badani kala socoteen.Si kasta oo
la isugu dayona, qoraal kooban lagagama bogan karo gumaadkaas.
Sidaas daraadeed,waxaan kor xaadis ku eegi doonaa qodobo kooban,oo
aan is leeyahay waxay u fududayn karaan akhristaha Soomaaliyeed;arkida
muuqaalka guud iyo duruufaha ku xeernaa dhacdadan.
Waxaynu abaarri doonaa dhcdadaas, doco kala gedisan:
Mawqifka dalalka Carbeed iyo aduunwayanaha kaleba
Maxa galabsatey,ee lagu galayaa Xamaas
Saadaal iyo gabgabo kooban
Hadaan ku horeeyo dunida Carabta iyo dareenkooda ku aadan gumaadka
iyo mashaqada Gaza.Gaar ahaan mawifyada dawladaha Carabta u tunka
wayn(dhaqaaale iyo siyaasadba) ama hor booda.
Masar;
“Waa in Xamaas laga adkaadaa, oo aaney dagaalkan ku guulaysan”
Sidaas waxa madal ka yidhi Xusni Mubaara madaaxwaynaha Masar.
Soohdinta Masar iyo Falstiin wadaagaan,daanta Masaarida ,ciidamo
Mareekan iyo Masaari isugu jira,ayaa si wada jir u haya, hawl galo lagu
duminayo marinada qarsoodiga ah,ee dagaalyahanada Xamaas hubka ka
helaan.Bal ka akhri xiriirkan :http://www.aljazeera.net/NR/exeres/EF0A3794-B2D0-4A60-BA01-946FD876EB2C.htm
Waxa jira tuhun aad u xoogaysanaya,oo ah in dawlad Masar gacan
siyaasadeed siisey Israa’iil,dhinaca kalena,kala dhantaashey dadaalada
taakulaynta reer Gaza.
Tuhunkaas,waxa carabka ku dhuftey,madaxwaynaha hadalka cadcad ee
wadanka Iraan,Axmedi Najaad,oo badheedhihiisa ka dhiibtey arintaas”
Masar waxa dul heehaabeysa daruur tuhun ah,oo ku saabsan kaalinteeda ku
aadan Xasuuqa Gaza” ka akhri xiriirkan hoose warkaas oo dhamaystiran
http://aawsat.com/details.asp?section=4&issueno=11005&article=502827&feature
Sucuudiga;
“Xamaas uma qalanto hogaanka Falatiin,waxay muujisey xilkasnimo daro
wayn”
http://www.alquds.co.uk/index.asp?fname=latest\data\2009-01-07-12
Sidaas waxa yidhi boqorka Sucuudiga,oo la kulmey culimo Muslina ah oo
ugu
tagay sidii iska Caabinta reer Falastiin gacan loo siin lahaa.Waxayse
kala kulmeen af kala qaad iyo quus.
Sucuudiga iyo Masar waxay si toos gaashanka uga daruureen ka qayb
galka,kulan madaxeedka Carabta ee dawlada Qatar ku baaqdey.Labadaas dal
waxay wada jir u maleegeen dadaalo shirka Qatar(Gadar) lagu
mijaxaabinayo.
Waxa jira dalal Carbeed,oo u xusul duubtey,garabsiinta iska caabinta
reer Gaza.Dalalkaas waxa laga magacaabi karaa Suuriya iyo Qatar(Gadar).
Waxa la qabtey shirar heer madaxeed is garab yaac ah,uu u danbeeyey
shirkii Kuwayt ka dhacay 19-1-09.Waxaana ayaan daro ah,in shirkaas xataa
laysku maandhaafey war murtiyeed,lagu taageerayo iskaa caabinta iyo
kaalmo dhan 2000 milyan Doolar,oo loo qoondeeyey reer Gaza, cidii
kaalmadaaas la gudoonsiinayo,Xamaas mise,taliska fadhiidka ah ee
Maxamuud Cabaas!
Arintaasi waxay muujinaysaa qotodheerida khliaafadaaka xukuumadaa
Carbeed iyo sida dalal Carbeed u xagal daacinayaan iska caabinta
Xamaas
Dhanka kale waxay ka markhaati kacaysaa,maqnannshaha talo iyo dan
Carbeed,oo meel looga wada jeedo,wadajirna loo qabyo tiro.
Waxa muuqatey in siyaasada dawladaha Carbeed ku soo gororto ilaalinta
talsiyadooda ilka dhacsdey.
Maxay qaban karaan,dawladaha Carbeed?
Dhawaan markii Ruushka iyo dawlada Ukrain isku maan dhaafeen
ganacsigii shidaalka,ee ka dhaaxeeyey.Waxa gabaabsi wayn galay
shidaalkii dawladaa Yurub ka heli jireen labadaas dal,oo iibiya shidaal
aan sidaa u badanayn.Waxay qaylo dhaan afka kala waaxay dalal badan oo
reer Yurub ah.
Hadaba saamayn intee leeg, ayey yeelan karta hadii hakad galo
shidaalka Carabtu dhoofiso, oo lagu qiyaaso 70% saliida sayladaha
aduunka.
Dhanka kale,xayiraada ganacsiga ay la wadaagaan wadamada Israa’iil
taageera,waxuu saari karaa dalakaas culays dhaqaale,oo saamayn kara
mawqifkooda siyaasadeed iyo garab istaagooda Israa’iil.
Waa hadii aynu meeshaba ka saarno ciidamada Carbeed oo Israa’iil
weerar ku qaada ama ku goodiyaba!
Waxa kale,oo ku yaala degaanada Carbeed iyo xayndaabkooda marinada
ganacsiga aduunku goosho,kuwooda ugu mudan.Sida marinka Suways,Jabalu
Daariq iyo Dardaniilka.Iska dhaaf wax kale, hadii ay wadhaf la istaagaan
marinadaas,waxay keeni kartaa culays siyaasadeed oo aan dhagaha laga
furaysan karin.
Halkaasi waxa inooga cadaanaysa,in aan Gaza loo hiilin kari
waayin,balse ay jirto hagrasho iyo habacasaaan kale.
Dalal kale;
Raysal- wasaaraha Turkiga ayaa isna la yimid dadaal wayn, oo ku aadan
sidii loo joojin lahaa gumaadka ciidamada Israa’iil,isla markaasna
muujiyey hiil amaan mudan,oo laga waayay dalal uga ood dhaw Falastiin!
Dhawaan shirkii ganacsiga aduunka ee ka dhacay magaalada Dafos,waxa
uu ka baxay shirkii isagoo ka xanaaqsan been uu shubayey Shamon Perez oo
ah madaxwaynaha Israa’il,oo dooney inuu ka galgasho masuuliyada xasuuqa
Gaza.
Ardogan waxa uu ka baxay madasha isaga oo leh” Israa’iil waxay dili
taqaana caruurta!”
Dalalka Boliifiya iyo Finzuela ayaa xidhiidka dublamaasiyeed u gooyey
dawlada Israa’iil.Si ay u muujinaya mawqifkooda ku aadan Xasuuqa
Gaza.Xili calanka Israa’iil ka dul babanayo caasimado dalal Carbeed,oo
ku dhici waayay talaabooyinkaas oo kale.
Mashaqadan ka aloosan Gaza,waxa kale,oo xitaa ka qayliyey Kiniisada
Rooma!
“Gaza waxay noqtey Xasbi wadreed lagu ciqaabayo rayid”
Sidaasi waxaa yidhi Kardinal Rinato Martino,oo ah wasiirka garsoorka
Dawlad diimeedka Fatikaankahttp://www.aljazeera.net/NR/exeres/FD7A2DB2-73C8-487E-9FA6-243902F7305E.htm
Dhanka dalalka reer galbeedka,wakhti badan ku lumin mayno.Waayo?
Aragtidooda siyaasadeed ee xasarada Bariga dhexe iyo Gazaba,waa mid
dhinac u xaglinaysa.
Waxa kale oo arinta Gaza ku ceeboobey warbaahinta madaxbanaanida ku
andacoota ee reer galbeedka.
Sida idaacada BBC,oo diidey inay baahiso baaq ama ii dheh gargaar
aadaminimo loogu ururinayo dadkii Reer Gaza,ilaa saacadan la jooganna
waxa arintaas ka aloosan muran aad u balaadhan.
Maxay galabsatey Xamaas ee lagu galay?
Waxaynu odhan karnaa waxa jira sababo badan oo is biirsdeyoo oo lagu
bar tilmaamsadey Xamaas;
Barnaamijkeeda Siyaasadeed oo ka shidaal qaata aragti Islaami ah,isla
markaas dhiira galiya fikrada u dhabar adayga iyo iska caabinta
Israa’iil.
Ku adkaysiga in Qudus noqoto caasimada dawlada Falastiin,arintaas oo
Israa’iil si wayn u diidantahay.
Ku dheganaanta gurya noqoshada qaxootigii reer Falastiin,ee Israa’iil
ka bara kicisay degaanadii ay u dhasheen,oo haatan isu rogey dhul
Yuhuudu ku dhaqantahay.
Doorshada Israa’iil iyo tartanka u dhexeeya xisbiyada siyaasada
Israa’iil,oo mid waliba doonayo inuu u muuqdo xisbi laysku halayn
karo,markey noqoto wiiqida iyo muquuninta Falastiiniyiinta.
Xamaas oo xukunka ku hanatey doorasho xor ah, tartan xaashi tiris
galay iyo hufnaan siyaasadeed,oo uu goobjooge ka ahaa Jimmy
Carter(Madaxwaynihii hore ee dalka Mareekanka) iyo ururkiisu
doorashooyinka indha- indheeya.
Taas oo ah bidco iyo dhaqan ay shareysteen dhamaan dawladaha Carbeed
ee madaxdoodo kursiga ku daxalaysteen.
Sidaas,awgeed ayay dalal badan oo Carbeed Xamaas dhabarka ugu
jeediyeen,oo xataa aqoonsi siyaaseed ugala masuugeen.
Xamaas,oo ka biyo diidsan in wada xaajood siyaasadeed lagu baadi
doono dawlad Falastiiniyiintu leeyihiin iyo laalista hanaanka Iska
caabinta.
Sidaas daraadeed,Israa’iil waxay mudo ku taamaysay mijaxaabinta
xukunka Xamaas,iyadoo qayb libaax ka qaadatey murankii ururka Fatax,ku
diidi inuu xilka ku wareejiyo xukuumada Xamaas, ee dooarshada kaga
guulaysatey.
Isla markaasna Israa’iil waxay dabada ka riixaysaa maamulka Maxamuud
Cabaas,oo ay ku tilamaanto qun yar socod dabacsan,oo ajandaheeda
siyaasadeedna meel marin kara.
Dhinaca kale,waxay is tustey Israa’iil iyadoo ka shidaal qaadanaysa,
gacan saraynteeda ciidan iyo hubeed,inay muquuniso,oo afka ciida u darto
taliska Xamaas,inta aanu xafiiska la wareegin Madaxwayne Obama,ee
Mareaykanu ku jiro kala guurka siyaasadeed.
Gabagabo iyo saadaal
Waxa hubaal ah,in Israa’iil gaystey danbiyo dagaal,oo buuraha ka
waawayn isla markaasn ay mudanyiin madaxda dalkaasi in lala beegsado
maxkamad caalami ah,laguna soo oogo danbiyo dagaal iyo xasuuq wadareed.
Iyadoo taasi jirto,ayaa hadana waa la wada ogsoonyahay inaan dalka
Israa’iil dhaqan galin ama ka habran xeerarka jimciyada quruumaha iyo
xeerka aduun waynahaba.Codka diidma qayaxan ee Mareenka iyo taageerada
buuxda ee uu mar walba la daba taagnayahay awgeed.
.
Hadaba,inkasta oo ay Israa’iil ku dhawaaqdey xabad joojin dhinac
kaliya ah.
Waxa is waydiin leh,inIsraa’ii hanatey yoolkii Siyaasadeed ee
dagaalkan ka lahayd iyo in kale?
Hadaba,hadii hadafkeedu ahaa dilista tirada ugu badan ee reer
Falastiin iyo gaadhsiinta khaasaraha mood ee ugu balaadhan.Haa;wax wayn
baa uga hirgalay ujeedadaas!
Inta la hubo waxa la sheegay,dhaawac gaadhaya 534o iyo dhimasho ah
1317.
Fiiri xiriirka hoosehttp://www.aljazeera.net/NR/exeres/0BA9192A-4BE5-4511-AC08-11FB6422343B.htm
Hadiise hal-beegeedu ahaa;ridista talsika Xamaas iyo joojinta
gantaalada dagaalyahanadeeda.
Maya; may gaadhin guul lagu naalloon karo,oo arintaas kaa aadan.
Kaliya,waxa abuurtey beero cusub oo nacayb ah.Waxaaney samaysay jawi
aarsi doon ah,oo dhali kara kumanaan naftood hurre,oo ku kici kara fal
celisyo aan la sadaalin karin.
Dhanka kale,waxay xoojisay dooda iyo aragtida kooxaha lagu tilmaamo
mayal adkaanta ee jihaad doonka ah,meel kasta oo ay joogaan iyo cid
kasat oo ay ku foogan yihiinba.
Waxa kale oo xabaashey rajadii laga qabay,nabad iyo waan-waan wax ku
ool ah,oo xasilooni ka abuurta Bariga Dhexe.
Waxa ay xoojisay Xamaas iyo kaalinteeda hormoodnimo(waa ujeedo ka
dhan ah,midi Israa’iil uga gol lahayd gulufkan).
Waxa ay galaafatey saamaynta siyaasadeed, ee uruka Fatax iyo Maxamuud
Cabaas oo u muuqdey,daba dhilif shacabkiisa aan dan ka lahayn,oo kursi
dhiig leh u haliilaya.
Waxay waji gabax dhaxalsiisey dalwaladaha Carbeed ee xiriirka tooska
iyo midka dadban la lahaa Israa’l.Waxaana si toos u soo shaac baxay kala
taganaanta talisyada Carbeed iyo dadkooda.
Isla markaasna,waxa aad loo saadaalinayaa,in xiisada dagaalkani ku
noqon doonto talisyada Carbeed raran siyaasadeed,hadiiba aanu isu rogin
duufaan la taga madaxwaynayaal sheeggan.
Dagaalkani waxa uu saansaan colaadeed,oo dihin ka abuurey Barigii
Dhexe,ee awalba xasilooni darada la ciirciirayey.
Gumaadkani,waxa uu miino iyo qoon siyaasadeed u aasey, madaxwaynaha
cusub ee Mareenka Brack Obama,oo aad loogu hanwaynaa inuu nabad ku soo
dabaalo xiisada kacsan ee Bariga Dhexe.
Iskata,oo uu Obama hadalkii caleemo saarkiisa ku baaqey’inuu
tixgalin iyo iskaashi kula dhaqmi doono dunida Muslinka”.
Hadana, ma cadda sidaa arintaasi suurtagal u noqonayso,marka la eego
raadka dagaalka Gaza iyo gocashooyinkiisa.
Ugu danbayn,dagaalkani waa ragaad iyo qodax ku mudan jiritaanka iyo
aayaha danbe dawlada Yuhuuda qudheeda.
Qalinkii : C/raxmaan.M.Muuse
cgurmad@yahoo.com