SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Madaxweynaha Soomaaliyeed Oo Meerto Noqon Doona Armaad Mooday Maal Aad Dhaqdoo Lagugu Maagaayo - Waraysi Maxamed Saleebaan Bootaan (gaadh-haye )

Yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Waxaa waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya aan la yeelanay siyaasiga soomaaliyeed ee Maxamed Saleebaan Bootaan (gaadh-haye ) waxuuna u dhacay sidan

S/ Sidee u aragtaa Isku darka Parlamaanka Tfgda iyo Isbaysiga ee Madaxweynaha u doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

J/ waxaan ka rajaynaynaa khayr saadaal badana kama bixin karo waayo arimo badan ayaa jira, Waxaana ka mid ah Feragelinta Caalamku sida ay ka yeesho Dhismahan, Raʼislwasaraha uu soo magacaabo iyo Xukumadda uu soo dhiso iyo sida Soomaalidu ula shaqayso Dhismahan Cusub.

S/ Ma waxay kula tahay Dhibaatada ugu wayn ee Dowlad Soomaaliyeed ka u dhismi wayday in ay ugu horayso Fara gelinta Caalamka?

J/ Haa sidaas ayaan u arkaa in ay ugu horayso iyo dadka Soomaaliyeed oo weli ka daba wareegaya wixii ay ku baʼeen oo aan waxba u soo kordhinayn oo aanay wax horumara samaynayn .

Su/ Dowladaha aad is leedahay way ugu horeeyaan Faragelinta Soomaaliya kuwee ayaad ka tilmaami kartaa ama ugu horeeya.

J/ arintaasi tilmaamis uma baahna dadka soomaaliyeedna waa xog ogaal waqtigan oo waa ka dheregsan yihiin in ay ugu muhiimsan tahay Dowlad laʼaanta iyo dhibaatada dalka ka dhacaysa in ay inta badan Faragelinta Dibadda iyo siday ugu kala horeeyaan.

Su/ Caalamku illaa 15 ayey u qabteen Soomaalida waxayna leeyihiin Soomaalida iyadaan waxba Qabsanayn marka eedda aad u soo jeedinaysaa maxay tahay?

J/ Dadka Soomaaliyeed waqtigan waa ka dhereg san yahay waxa Caalamku taray iyo waxa uu yeelay arintaas aad sheegtayna waxay u arkaan Murtidii ahayd Baadida Ninbaa kula daydaya daala kaa badane oo aan doonahayn inaad heshana daayin abidkaaye.

Su/ Caqabada ugu waaweyn ee aad is leedahay waxay ka hor imanayaan dhismahan cusub ee Djbuti lagu soo dhisay maxaa ugu waaweyn?

J/ Waa badan yihiin waayo dhulka soomaalidu wuxuu ku fadhiyaa 637.657 Km2 marka
27.6 km2 waxaa ka taliya Somaaliland 32.46 km2 waxaa ka taliya ururka Alshabaab 24.15 km2 waxaa ka taliya Puntland iyo Maamulka Galmudug 15.79 km waxaa ka taliya Maxakamadaha oo ah qaybo meelo kala gaar ah kala Taageersan. Iyo faragelinta dibadda hadii aan wax iska bedelin arimaas oo dhami waa caqabado waaweyn, tusaale ahaan Shirkii Carta waxaa ka qaybgalay Bulshada Soomaaliyeed oo dhan siyaasiin, Culimo, Aqoon yano madax dhaqameedka Soomaaliyeed oo dhan waxayna ka socon wayday ka hor imaadkii Maamulada Puntland, Somaliland iyo Hogaamiye Kooxeedyadii Xamar kala gobo goobaystay. Shirkii Kenya wixii ka soo baxay 2004kii waxay ahayeen wax 24 hoggaamiye Kooxeed iyo baalashoodii soo samaysteen Bulshada Soomaliyeedna raali kama ahayn mana soo dhowayn sababahaas ayeyna u shaqayn wayday.

S/ Sidee u aragtaa Barlamaanka tiradiisa laga dhigay 550 xubnood iyada o Barlamaankii TFG o ahaa 275 uu waqtigiisii ku dhamayey muran iyo is qabqabsi oo ay ku kala taageersanaayeen khilaafyadii Joogtada ahaa ee madaxdii TFGda.

J/. Waa arin dhib badan soomaaliya oo dadkeeda lagu qiyaaso 7-8 milyan ahna dalka adduunka manta ugu faqrisan in barlamaan intaas leʼeg loo sameeyo iyada oo 550 xubnoodna ay u badan yihiin ama la oran karo 95% maha dad u bisil shaqada ama Xilka barlamaanimo marka ma aha arin caawinaysa soo nolaynta Dowladnim,adii Soomaaliyeed waxaanna u malaynayaa inay ka khilaaf badan doonaan kii TFGda.

Su/ miyanay u muuqanayn Dadka soomaaliyeed oo aad ugu suxul duubayey helitaanka kuraasida Barlamaanka arimahan aad sheegtay?

J/ Waxaan u malaynayaa in ay garan karaan oo ay u muqato marka duruufona waa iska jiraan dadka soomaaliyeedna waxay ku qamaamayaan helid kursi aan loo sahamin meeshii lagu fadhiisan lahaa iyo sidii ummadda loogu shaqayn lahaa uuna u noqon lahaa kursi sharaf leh.

Su/ Dhowaan maamulka Puntland wuxuu Doortay Madaxweyne Cusub iyo Madaxweyne ku Xigeen ma kula tahay in ay wax ka bedelayaan wixii ka jiray maamulka Puntland iyo sidii ay u maamulayeen madaxdii ay Bedeleen?

J/ ma filayo in ay qoladan cusubi wax is bedel ah keenayaan oo awalba ka mid bay ahaan jireen Mamulkaas soo jiray meeshaasina waa meel Musuq maasuq, Cadaalad daro Maamul xumi,Burcad Badeed,dad intii halkaas laga qaado badaha lagu daadiyo iyo wax u qabad laʼaan bulshada ku can baxday marka ma garanayo sida ay wax isaga bedalayaan.

Su/Maamulka Puntland Waxay sheegeen in haddii ayna iyagu qorin Xubnaha ka gelaya Isbahaysiga Barlamaanka ee deegaankooda ka soo jeeda ayna aqoon sanayn wixii halkaas ka soo baxa arinkaasi ma yahay mid Puntland xaq u leedahay?

J/ maya wax xaqa uma laha Puntland waxay tiraahdaa waxaanu nahay Dowlad Goboleed ka tirsan Dowladda Federalka markaas iyaguna dowlad goboled ma aha ee waa Maamul ay ku heshiiyeen Beelaha halkaas dega Dowlad federal ah oo Soomaaliyeedna ma jirto ee Hoggaamiye Kooxeedyadii Hoggaaminayey Shirkii Embagathi Axdigii ay soo dhigteen ayaa wuxuu sheegayaa in Soomaaliya lagu dhaqi doono Nidaamka Federaalka Markii Dastuur la sameeyo dadkana Cod laga qaado intii Dowlad goboleed isla ogolaataana is raacdo taasina ma dhicin,Maamulka Puntlandna Dowladdii Carta lagu soo dhisay oo ay ka qayb galeen Isimada reer Puntland iyo dhammaan Bulshada Puntland waxaa ka hor yimid Maamulkii oo uu markaas Madax ka ahaa Cabdillahi Yuusuf Axmed heshiiskii Beelahaasi ku heshiiyeena wuxuu ahaa in uu Maamulku yahay in Dowlad Soomaaliyeed lagu sugo.Shirkii Dalka Kenya lagu qaybtay 2004 lagu soo dhisay TFG waxaa aan si aan kala har lahayn ugu ololaynayey Maamulkii Puntland ee uu Cabdillaahi Madaxda ka ahaa Puntlandna Burbur ayey ku sigatay Maadaama dhaqaalhii ka soo baxayey loo xawili jiray Kenya, Markaas haddalada hadda ka soo yeedhaya Maamulka Puntland wuxuu u eg yahay Gabay abwaan Soomaaliyeed tiriyey oo ay ku jirtay Madaxweynaha Soomaaliyeed oo Meerto noqon doona armada mooday Maal aad dhaqdoo lagugu magaayo.marka haddii ay dhisanto dowlad Soomaaliyeed Puntland,Soomaaliland iyo cidii kale ee wax sheeganaysaaba waxay ka mid noqon doonaan Jamhuuriyada Soomaaliya haddii taa la waayana iyaga iyo kuwo kaleba maamulo ayey samaysan.

S/ Ma kula tahay haddii nin ka soo jeeda Puntland Raʼiisal wasaare lagu magacaabo waa ka noqonayaan hadalkaas ka soo baxay?

J/Horta Somaliland iyo Puntland wuxuu ku dhow yahay kala badh dhulka soomaaliya dadka tirade Soomaalidana waxaa lagu qiyaasa in ay ku nooshahay 44% markaas ma qurux badnaanayso in Sadexda kursi ee ugu sareeya Dalka laga qadiyo Soomaliland iyo Puntlandba.

Su/ Ugu Dambayntii Sidee u aragtaa Codayntii doorashada Madawaynaha ee 30 Bishan ka dhacday Dalka Jabuti ee uu ku guulaystay Sheekh Shariif Sheekh Axmed?

J/ Hadii aan soo qaato labadii isku soo haray waxay iigu muuqatay in Shekh Shariif Sheekh Axmed ay ahayd arintiisu mid laga soo shaqeeyey, ninka kale oo Maslax maxamed Siyaad waxay ahayd mid ku timid qiimayn ay u arkeen Mudanayashii Codka Bixinayey,


Yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: