SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Jaaliyada beesha Habargidir ee Barriga iyo Bartamaha Afrika oo taageertay madaxweyne Shariif
  • Golaha Wadatashiga iyo Midnimada Beelaha Isirwadaagta Jaberji.

Jaaliyada beesha Habargidir ee Barriga iyo Bartamaha Afrika oo taageertay madaxweyne Shariif

Jaaliyada beesha habargidir ee bariga iyo bartamaha Afrika ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Nayroobi ku taageeray madaxweynaha cusub ee dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Gudoomiyaha Jaaliyada Axmed Salaad Caynte oo bayaanka ay soo saareen u aqriyey warfidiyeenada, iyadoo bayaankuna uu u qornaa sida tan:-

BAYAAN AY SOO SAAREEN JAALIYADA BEESHA HABARGIDIR EE BARIGA IYO BARTAMAHA AFRIKA

Anagoo ah Jaaliyada Habargidir ee Bariga iyo Bartamaha Afrika waxaan la socod siinaynaa Beesha Caalamka, Qaramada Midoobay iyo dhamaan umadda Soomaliyeed meel kasta ay joogaan inaan si buuxda u taageersanahay dowladda uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed taasoo ah mirihii ka dhashay shirkii Jabuuti ee mudada dheer socday waxaana rajaynaynaa dowladda inay gudato waajibaadka ka saran Diinta, Dadka iyo dalkaba kuna soo dabaasho dalka Soomaaliya nabad iyo xasilooni waarta soona celisa magacii ay Soomaalida ku lahayd caalamka.

Waxaan ka codsanaynaa wiilashayada, walaalahayada, muqaawmada iyo dhamaan inta kasoo qayb qaadatay halgankii dib u xoraynta dalka inay dhigaan hubka una soo jeestaan sidii ay u fulin lahaayeen ujeedooyinkii halgankooda oo ahaa sida tan:-

In la helo sinaan iyo cadaalad ku salaysan diinta Isaamka.
In la helo nabad waarta.
In dib loogu soo celiyo dadkii ka barakacay guryahoodi.


Waxaan ka codsanaynaa beesha Caalamka, Qaramada Midoobay, Jaamacada Islaamka, Midawga Afrika, Midawga Yurub iyo dhamaan hay'adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn in taageero dhab ah lala garab istaago dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa waxaa goob jog ka ahaa odoyaal dhaqameed, culumaa'udiin, waxgarada, ganacsato iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Jaaliyada Barriga iyo Bartamaha Afrika ee Beesha Habargidir.

Abdulkarim Mohamed Jimale (Muhsin)
Muxsin55@gmail.com
Tel: +254-727965067
Nairobi - Kenya


Golaha Wadatashiga iyo Midnimada Beelaha Isirwadaagta Jaberji.

Annagoo ah Golaha wadatashiga iyo midnimadda Beelaha Jabarji oo wakiil ka ah Bulshada deggan degaanada Puntland, Jubba land, Geddo, G/galgaduud sare, iyo degmooyin ka mid ah gobolka bakool ( Yeed iyo Ceel berde ).
Ku: Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.


Ku: Urur Goboleedyada IGAD, Arab legue, Islamic Organization, AU, and EU.

Ku: Safaaradda mareykanka ee Jabbuuti

Ku: Madaxweynaha dawladda Jabbuti

Ku: dhammaan Diblamaasiyiinta Dawladaha ee joogo shirka dib-u-hishiinta Ee Jabuuti.

Og: Maamul Goboleedka Puntland

Og:Isimada Isirwadaagta Beelaha Jaberti

Ujeeddo: BAAQ

Annagoo ah Golaha wadatashiga iyo midnimadda Beelaha Jabarji oo wakiil ka ah Bulshada deggan degaanada Puntland, Jubba land, Geddo, G/galgaduud sare, iyo degmooyin ka mid ah gobolka bakool ( Yeed iyo Ceel berde ).

Ka dib shir ay yeesheen golahaasi oo lagu falan qeeyey xaaladda guud ee wadanka soomaaliya iyo shirka dib u heshiisiinta somaaliyeed ee ka socda dalka Jabbuuti is markaana aan dib u dheehaney hannaanka geeddi socodka nabadda ee somaaliyeed iyaddoo aannu soo qaadaney waxyaabihii tariihkiga ahaa ee ay soo martey arrita nabadda iyo dawladnimadda soomaaliyeed ilaa xilligii gobonimadoonka soomaaliyeed waxaa noo soo baxey arimahaan.


· Markaan dib u eegney laga soo bilaabo xilliyaddii kala duwanaa ee gobonimodoonka soomaaliya iyo dhammaan shirarkii kala duwannaa ee xilligii burburka sida shirarkii ( Jabbuut 1,2,3, Imbigaati/eldoret ) waxaa noosoo baxdey in dadka deggan degaanadan kor xusani aaney aheyn dad ka ay wax ka socon waayeen, is la markaana markastaba danaynaayey Midnimadda, Madaxbanaanada, Qaranimada iyo xal u helidda arrimaha soomaaliya, kana tanaasulayey xuquuqda beeleed si loo gaadho midnimo qaran oo huwan kalsooni. Tusaale waxaan u qaadan karaa : 1) Beelahani waxey sharraxeen laddii Madaxweynihii ee ugu horeeyey ee xilligii daakhiliga iyo xorriyaddii (c/laahi ciise iyo Aden C/dulle Osman ) oo ka mid ah beelaha soomaaliyeed, sidoo kale beelahani waxay aqbaleen caasimadda kowaad iyo labaad inaaney noqon dagaankooda.


· Waxaad wada ogtihiin 1991dii burburkii qaranka soomaliya waxey beelahani ahaayeen beelaha sida khaaska ah ay ugu dhacayeen barakaca iyo isir xasuuq oo ay u geysteen beelaha soomaaliyeed oo aan u kal hadhin xiligaas oo aaney ka hadlin beesha caalamku iyo cidkaletoona, hadana beeshu ay hayd beelaha ugu xasiloon degaankooduna uu marti geliyey beelihii dhibaatada u geestey oo si takoor laa’aan ah ugu noolyihiin illaa iyo hadda, taasina ay tusaale u tahey midnimo jaceylka beesha .


· Marka dib loo Milicsado taariikhda shirarka xal u helidda dhibaatada soomaaliya meesha ay beelahani ka taagnaayeen waxaa marag ma doonto ah in beelahan hadafkoodu uu ahaa midnimo qarran oo Soomaaliyeed sidii loo heli lahaa, una doorteen shirarkii Jabuuti1iyo Jabuuti 2 Madaxweynayaashii Cali Mahdi iyo C/qaasin salad, iskana reebtey in ay u tartamaan Madaxweynanimadda Soomaaliya xiligaa.



· Waxaa kaloo xusid mudan suurta galnimada iyo mira dhalinta shirkii imbigaati ee lagu soo dhisey dawladda federalka ay beelahani ahaayeen beelaha u dhabar adeygey gogoshii nabadda soomaliyeed una hurtey waqtigoodii iyo maalkooddiiba si soomaaliya u soo ceshato sharafteedii iyo karaamadeedii.


· Halbeegga soomaaliya wax ku qaybsato 4.5 ma aheyn mid xaq ku ah beelahan hase yeeshee beelahani waxey u aqbaleen sidii xal loogu heli lahaa is maan dhaafka siyaasadeed.


Hadaba, iyaddoo beelahani tariikhdaa u leh midnimo jaceylka soomaaliya, oo ah kuwo aan la dafiri karin, Golaha wada tashigu markuu dhageystey go’aanka dawlad goboleedka Puntland ee ku wajahan shirka Jabbuti, markii ay la teshadeen hogaamiyaasha dhaqanka iyo maamulada kala gedisan ee Gobollada iyo Degmooyinka kor ku xusan, markii uu tixgeliyey talooyinka Jaliyadda debadda, markuu tixgeliyey talooyinkii xubnaha baarlamaanka iyo siyaasisiinta beelaha, islamarkaana dhegeystey dareenka ururada bulshada ee isirwadaagta ah waxuu go’aan ku gaadhey arrimahan soo socda

:
1. In shirkaasu yahey mid aan ka tarjumeyn dareenka iyo maslaxadda soomaaliya isla markaas u muuqdo maamul loo dhisayo beelo khaas ah, oo aan lagu tilmaami karin mid soomaalidu wadaagto, haddii aan wax laga bedelin qaabka uu hadda u socdo ay Masuuliyadiisa qaadi doonto Cidii soo Abaabushay Shirkaan


2. In xilka Madaxweynaha ee soomaaliya ee xilligan uu yahey saamigii ay beelahan ka heleen shirkii imbigaati laguna soo doorankaro sidii ay usu dhaxleen labaddii guddomiye ee baarlamaanka iyo labadii raysal wasaare.


3. In xubnaha baarlabaanka lagu kordhinaayo aanney noqon kuwa loo soo xulo beelahan, aneyna u aqoonsaneyn beehani kuwa iyaga metela.


4. Waxaan cambaaraynaynaa wax laga naxo oo laga xumaadna ah in Ergayga Qaramada Midoobay Axmed Walad Cabdala uu jeclaystay in Ummada Soomaaliyeed aysan ka bixin dhibaatada ay hadda ku jirto,rabana Dagaal Sokeeye oo danbe inay ku noqoto Isagoo Eegayo Danihiisa Qaaska ah


5. Waxaan Beesha Caalamka u sheegaynaa inaan la inkiri karin talada ay beesha ku leedahay Madal kasto oo ay Soomaali aayaheeda uga tashanayso


6. Ugu danbeyn waxaan usoo jeeedineynaa xubnaha baarlamaanka ee Dawladda federalka ah eek u meel gaadhka ah, haddii aaney la fulin taladda beeleha jabarti, iney ka soo baxaan shirka dib u heshsiinta ee Jabbuuti.


7. Waxaan Ummada Soomaaliyeed kula dardaarmeynaa inay Gacmaha is qabsadaan oo Midoobaan kana fiijignaadaan Fidnada iyo isku dirka cusub ee lagu soo dhex wado Umadda Soomaaliyeed.

Sidaadarteed, waxaan beesha caalamka la socodsiineynaa haddii aan la tixgelin dareenka iyo soo jeedinta Beelahan kor ku xusan iyo maamuladooda sida Puntland inaan wixii halkaas ka soo baxa laga aqoonsan doonin dagaannada ay lee dahey beelahani, isla markaasna halkaa ay ku afjarantey waxii Imbigaati ay Soomaalidu ku heshiisey, muqdishana aysan aheyn caasimadda Soomaliya, ayna noqon doonto magaala madaxda Soomaaliya meesha ay soomaali ku heshiiso waqtiga ay habboonaato.



WABILAAHI TOWFIIQ
GUDDOOMIYAHA GUDDIGA FULINTA GOLAHA WADATASHIGA ISIRWADAAGTA JABARTI
DR. C/QAADIR GEELLE KANEEC
golahawadatashigajabarti@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: