SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaalidu Ma Waalatay ?

Soomaalidu wey waalatay


Duufaamaha siyaasadda ee burburiyay dalkeena hooyo wexey qaar ka mid ah indheergaradka soomaalida ku qasabtay inay soomaalida ku tilmaamaan dad waashay . Indheergaratada tilmaantan u isticmaashay bulshada soomaaliyeed waxaa ka mid ah qoraaga caanka ah Dr. Maxamed Daahir Afrax. Qoraagani wuxuu buugiisa Dal Dad Waayey & Duni Damiir Beeshay ... ku sheegayaa in soomaalidu u waalatay sida shakhsi aadane eh oo kale . Haddaba waa maxay caddeynta , ama caddeymaha uu qoraagu soo hordhigayo akhristayaasha si uu uga dhaadhaciyo ansaxnimada tilmaantan ( ama fiiradan ) ?

Sida ay wada ogsoonyihiin akhristayaasha buugga wuxuu Dr. Maxamed Daahir Afrax farta ku fiiqayaa buug uu qoray ku takhasusaha cilminafsiga mujtamaca Erich Fromm, magaciisanuna yahay The Sane Society. Buuga Mr Fromm waa buug ka hadlaya , ama akhristayaashiisa soo hordhigaya su'aashan ; Macquul ma tahay in mujtamac dhan uu wada waasho ? Jawaabta Mr Fromm uu bogagga ugu horeeya kaga horkeenayo akhristayaashiisa waa haa. Haddaba si aan uga salgaarno micnaha jawaabtani wexey mudan tahay inaan wax ka ogaanno dalka uu ka dhashay Mr Erich Fromm.

Erich Fromm waa nin ku dhashay, ku soo barbaaray, waxna ku bartay dalka Jarmalka. Sida aanu kor ku soo tilmaannay waa nin ku takhasusay cilminafsiga mujtamaca, waana qoraa buugaagta iyo fiirooyinka cilmiyeed ee uu soo saaray qiimo daran looga hayo dalalka galbeedka. Qoraalka buuga The Sane Society waa mid uu sameeyay ka dib dagaalkii labaad ee adduunka. Sida dadka taariikhda galbeedka, siiba taariikhda dalka Jarmalka u dhagdhigay ay wada ogsoonyihiin wuxuu dhammaadkii dagaalkii labaad maddaxa ku istaajiyay aragtida qaas ee ay iska qabeen dadka u dhashay dalka Jarmalka. Guuldarradii iyo burburkii kaga imaaday dagaalkii ay la galeen ciidammadii Xulufada oo ay hor-ordayeen dalalka Ingiriiska, Mareykanka, iyo Midowgii Soofyeet, waxaa u dheeraa dabool ka qaadiddii dambiyadii ciribtirka ama xasuuqa ee ay u geysteen dadka ay ugu horeeyaan juhuudda. Haddaba Mr Fromm oo ah nin cilmi iyo caqli lahaa oo isku dayaya inuu si maangal ah u fahmo sababta dadka uu ka dhashay ee jarmalka ay uga dabadhaceen ninkii burburka u keenay
(Adolf Hitler), ayaa wuxuu qoray buugga aan magaciisa kor ku soo tilmaanay .

Waalashada Shakhsiga

Intaanan Mr Fromm dib ugu soo laaban baan waxaan jeclahay inaan tilmaan gaaban ka qaadanno waalashadu waxa ay tahay. Akhristow sida aad adiguba qiyaasi karto waallidu wexey leedahay taariikh aad iyo aad u dheer. Waa jirro dunida oo idil laga wada yaqaanno, saa darraadeedna aragtiyada jinsiyadaha kala duwani ka qabaan jirradani waa kuwo tiro
badan. Taariikhda dadka shiineeska oo ka mid ah dad-dhaqameedka ugu taariikhda dheer ee dunida waxaa laga helaa sheekooyin ka hadlaya laba quwadood oo jidhka xukunta
( magacooduna la dhoho ying iyo yang ) , oo dheellitirkoodu muhiim u yahay caafimaadka jirka iyo kan maskaxda . Taariikhda jirradani ka leedahay dalkeenna hooyo ma aha mid sidaa u dheer. Sababaha ugu horreeya waxaa ka mid ah la'aanta qorraal-taariikheed la uruuriyay, magacyada iyo tilmaamaha kale ee dadkeennu ula baxo jirradan , iyo aqoonsi la'aanta jirradan loo aqoonsanayn in ay tahay jirro dhab ah .

Waalashada Bulshada

Haddaba Mr Fromm asigoo ka hadlaya waalashada bulshada buu wuxuu buuggiisa ku qiranayaa in fikradan ( waalashada mujtamaca ) ay tahay mid aanan ku taagsanayn cago ay ka soo deynsatay maadada cilminafsiga mujtamaca . Mr Fromm wuxuu buuggiisa ku sheegayaa in maadada cilminafsigu aynan aaminsanay waalasho dhaafsan shakhsiga. Micnaha ma aaminsana in mujtamaca oo idil u wada waalan karo sida shakhsiga. Asigoo aqoonsan xeerkan guud ee ay aaminsanyihiin inta ugu badan ee ka mid ah dhakhaatiirta cilminafsiga, haddane Mr Erich Fromm wuxuu ku adkeysanayaa fikradiisa ah in mujtamacu waalan karo, balse waalashadani ma aha waalashada caadiga ah ee inagu soo dhacaysa isla marka aanu maqalno ereyga waalasho .

Soomaalidu Ma Waalatay ?

Waalashada Mr Fromm uu ka hadlayo waa wax uu ku tilmaamayo waallidda caadinimada. Sidaanu wada garan karno waallidani ma aha midda caadiga ah ee sawirka ay maskaxdayada ku beerto badanaa ina tusayo shakhsi ildaran oo kaligii isla hadlaya. Haddaba su'aasha aanu is weydiin karno waa middan; Soomaalidu bulsho-ahaan ma lagu tilmaami karaa dad u waashay sida shakhsiga ildarada ka muuqato ee isla hadla
(ama "buufiska" qaba ) ? Jawaabtu sidaan u arko waa maya, soomaalidu ma aha dad waallidda noocan oo kale lagu tilmaami karo. Sida akhristow iska qiyaasi kartid aragtidaydu ma aha in waxyaabihii siddeed iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay soomaalidu isku sameysay aan u arko wax caadi ah, ama waxyaabo dad miir lihi ay isku sameeyaan. Burburka iyo xadgudubyada ka dhacay dalkeena wexey inagu qasbeysaa inaanu saxno tilmaamaha aanu isticmaaleyno markaan isku dayeyno inaan helno fiiro ama tilmaan si buuxda oo sax ah wax uga sheegeysa wixii ka dhacay dalka , isla markaana aragti cusub inaga siinaya sababaha ey u dheceen waxyaabaha ka dhacay dalkeenna hooyo.

Sidaan ku soo caddeyn doono qeybta 2-aad ee qoraalkan wata cinwaanka
" Soomaalidu Ma Waalatay ? " , dadkeennu ma fiyooba . Waxaan isku dayayaa caddeynta inaaney iska soo horjeedin gebaggebada aragtidayda koowaad, oo ah in soomaalidu mujtamac-ahaan aynan waalnayn, iyo aragtidayda labaad ee ah in bulshadu dhinaca
maskaxda ka caafimaad qabin. Waxaan kaloo falanqayn doonaa waallidda caadinimada, waxa ay ka dhigan tahay, iyo waxyaabaha ay tooshka uga iifin karto marxalladda adag ee dalkeenna iyo dadkeennu ku jiraan.


W/Q Mohammed Osman Yusuf (Shaarib)
Email: mohamed01278@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: