SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Senator Barack Obama Waa Nin Ceynke ah !!!!

Hordhac.

Tan iyo markii u bilowdey tartanka doorashooyinka madaxtinimada( presidential election) wadanka maraykanka ayaa Tv yada caalamka si wayn u hadal hayaan cida ku guulaysan doonta labada senator barack obama iyo hillary Clinton oo labadu ka wada tirsan xisbiga Democratic. Habada guula isdaba jooga ah ee uu gaadhay obama marqudha ayaa dadka faaleeyaa siyaasada maraykanku ku sheegeen inuu obama helay fursado badan oo ay dadku aad uga soo horjeedaa maamulka hada jira taasi oo sii dheeri galisay inuu obama ilaa heerkaasi gaadho, isagoo dadka ugu baaqayo isbedel ka dhaca dalka maraykanka .

Hadaba dalka maraykanka oo xukunkiisa qaban jireen dadka erishka ah oo aanu ninkale qaban jirin jagada madaxtinimada ayay tani wax wayn ka bedeli doontaa habkii loo soo dooran jiray cida madaxtinimada qabaysa, waxaanan odhan kartaa waxaa meesha ka baxday cunsuriyadii iyo kala soocii lagu hayay dadka madow ah ee dhibaatadu badan la soo kulmay , waxayna noqon doontaa mid ay ku daydaan dawladaha duni oo dhan inay jirin wax la yidhaahdo cunsuriyad midab ama mid qabiil oo ay fahmayaa waxay tahay democraticyadu

Waa Kuma Barack Obama ??


Barack Obama

Baracka Hussien Obama wuxuu ku dhashay magaalada Hunolulu oo ka tirsan gobolka Hawai ee dalka maraykanka bishii August 4-teedii 1961-kii, waxaana kala dhallay Baracka Obama Sr Husien oo ahaa aabihii oo asal ahaan ka soo jeeda deegaanka Nyangoma-Kogelo ee dalka Kenya iyo hooyadii oo ahayd caddaan oo magaceeda la odhan jiray Ann Dunham oo ka soo jeeda magaalada Kuchita ee gobolka Kansas ee dalka maraykanka.

Obama ayaa hooyadii iyo Aabahii waxay is guursadeen iskuna barteen iyagoo labadooduba wax ka dhiganaya jaamacadda Hawai (Hawai University), sannadkii 1960-kii, halkaasi oo aabahii ku joogay dal ku gal (American Visa).

Obama hooyadii iyo Aabahii ayaa kala tagay isagoo afar sanno jira ah waxaana ay hooyadii Ann Dunham sannad ka dib guursatay nin kale oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Indonesia Lolo Seotoro oo isaguna wax ka baran jiray isla jaamacadda Hawai.

sannadkii 1965-kii ayey Obama hooyadii iyo odaygeeda cusub Lolo Seutoro u guureen dalka Indonesia, waxaana sannadkii 1967-kii uu Obama waxbarashadiisii hoose ka bilaabay dugsi ku yaalla dalka Indonesia magaalo madaxda dalkaasi ee Jakarta, waxaana uu wax ka baranaayey dugsigaasi ilaa iyo intuu ka gaadhaayey 10 sanno jir, isagoo wakhtigaasi wixii ka danbeeyeyna ku soo laabtay dalka maraykanka isla gobolkii uu ku dhashay ee Hawai wuxuuna kula noola Ayeydii dhashay hooyadii wuxuuna halkaasi ka bilaabay waxbarashadiisii dhexe iyo sare oo uu ka dhamaystay dugsiga caanka ah ee ku yaalla magaalada Hunololu ee Penahou School sannadkii 1979-kii.

Sannadkii 1980-kii ayuu Baracka Obama waxbarasho sare u tagay gobolka California magaalo madaxdiisa Los Angeles halkaasi oo uu ka gallay kulliyadda tababarka dadka dhimirka qaba, isagoo baranaayey muddo ku siman 2 sannadood.

laba sanno ka dib ayuu Obama usoo wareegay Jaamacadda Colombia University oo ku taalla magaalada Newyork isagoo ka dhamaystay waxbarashadiisii heerka jaamacadeed wuxuuna Obama ku qaatay shahaadada sare ee Master Degree cilmiga siyaasadda (Political Science), isagoo weliba takhasus ku qaatay aqoonta xidhiidhka caalamiga ah (International Relations).

Sannadkii 1989-kii ayuu Baracka Obama shaqadiisii ugu horaysay ka qabtay magaalada Chicago, isagoo guddoomiye ka noqday urur si mutadawcnimo ah dadka danyarta ah ee darbiyada jiifsada ugu shaqeeya, wuxuuna ururkaasi guddoomiye ka ahaa ilaa sannadkii 1993-kii isagoo ku noqday jaamacadda Chicago kana bartay cilmiga Sharciga, uu uu takhusus labaad ku sameeyey.

Obama Iyo Xaaskiisa Michelle Obama

Sannadkii 1993-kii ayuu Baracka Obama la kulmay xaaskiisa Michelle

Robinson wuxuuna guursaday isla lix bilood ka dib waa bishii May isla sannadkaasi, Baracka Obama wuxuu u guuray gobolka Ilinios ee dalka maraykanka halkaasi oo uu ka bilaabay nolol cusub.

Obama Waa Xaaskiisa lagu magacabaa (Michelle Obama) waxaana uu leeyahay Laba gabdhood (Malia Obama iyo Natasha (Sasha) Obama.

Obama isla laba sannadood ka dib waxaa loo doortay inuu ku soo biiro golaha senateka ee gobolka Illinios isagoo laba jeer loo doortay maayorka magaalada chicago, isla markaana noqday guddoomiyaha qaybta sharciga ee Senate-ka Illionios.

dadweynaha ku nool gobolka Illionios ayaa si weyn ula dhacay hawlkarnimada Obama waxaana inbadan bilaabantay in dadku ay magaciisa isla dhex maraan isla markaana saxaafadda guud ee dalka maraykanku ay magaciisa qabsadaan, waxyaabaha sida weyn usoo shaac saaray Obama waxaa ka mid ahaa inuu ka aas aasay gobolka Illinios shariikad weyn oo kala talisa dadka arrimaha sharciga

ku saabsan gaar ahaana ku dhiiri gelin jirtay dadku inay codkooda ka dhiibtaan doorashoyinka gobolada, degmooyinka iyo weliba doorashooyinka guud, iyo weliba isagoo ka caawin jiray dadka si bilaa lacag ah arrimaha khuseeya sharciga.

Soo Koritaankiisii Masraxa Siyaasadda

Baracka Obama wuxuu go'aan ku gaadhay sannadkii 2004-tii inuu isku taago xilka musharaxnimada golaha senate-ka maraykanka isagoo iska soo sharaxay gobolka Illionios ee uu degena, iskana soo sharaxay xisbiga dimuqraadiga wuxuuna doorashadii si weyn uga adkaaday musharaxii kula tartamaayey ee ka soo jeeday xisbiga Jamhuuriga oo muddo 6 sannadood ahaa gobolka u matalaayey Senate-ka maraykanka.

Hase yeeshee Senator obama xubnaha Xisbigiisa ee la tartamay waxa uu dheeraa hal faa’iido oo ah inuusan marna taageersanyn una codeyn dagaalka Ciraaq intii uu Congress-ka Mareykanka ku jirey, halka ay Hillary Clinton ay iyadu u codeysey isla markaana taageertey dagaalka Ciraaq. Weliba Senator Barack Obama waxaa uu soo diyaariyey oo uu horgeeyey Aqalka Congress-ka Mareykanka qaraar ku baaqaya in kasoo bixidda ciidamada Mareykanku ay billaabato waqti aan ka damabayn 1-da bisha May ee sanadkii 2007.

Muddadii afarta sannadood ahayd ee Obama uu ku jiray golaha Senateka maraykanka ayaa wuxuu door weyn ka cayaaray guddi hoosaadyada golaha sare ee dalkaasi maraykanka wuxuu guddoomiye ka noqday guddi hoosaadka arrimaha siyaasadda wuxuuna laba jeer u codeeyey mooshin ku saabsana in cunaqabatayn

dhinaca dhaqaalaha ah lagu soo rogo dalka Iran, wuxuu sidoo kale xubin ka noqday guddidii daba galka arrimaha Ciraaq oo wax ka weydiinaysay madaxweynaha maraykanka 2006-dii natiijadii dagaalka Ciraaq.

Baracka Obama wuxuu sidoo kale xubin ka noqday guddida arrimaha dibadda ee senateka maraykanka isagoo laba jeer ku booqday ciidamada maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq, wuxuu ka codeeyey kana soo hor jeedsaday mooshin uu Madaxweyne Bush ku doonaayey in ciidamo dheeraad ah loogu diro dalka Ciraaq, wuxuuna Obama aaminsanyahay in ciidamada maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq si dhakhso ah looga soo saaro.

Baracka Obama iyo Go'aankiisii U Tartanka Guriga Cad

Baracka Obama oo sumcadiisa siyaasadeed cirka isku shareertay ayaa isagoo tallo iyo tusaale badan ka helaaya Senator Kennedy oo ay walaalo ahaayeen Madaxweynahii hore ee maraykanka JF Kennedy wuxuu go'aan ku gaadhay inuu isku soo taago xilka musharaxnimada xisbiga dimuqraadiga, wuxuuna olole balaadhan ka gallay gobolada koonfurta iyo galbeedka maraykanka oo uu sumcad balaadhan magaciisu ku lahaa.

bilood oo uu Obama tartan hoosaadka is reeb reebka musharaxiinta xisbiga dimuqraadiga ku jiray ayuu guulo balaadhan ka soo hooyey, wuxuuna hadda haysta 1620 ergooyinka xisbiga dimuqraadiga halka haweenaydii hore ee madaxweyne Clinton oo iyadu la tartamaysa ay quus ka joogto in ay la sii tartanto Obama.

Dhinaca kale waa markii ugu horaysay taariikhda Dalka maraykanka in ruux dumar ah iyo nin asalkiisu yahay dadka madow ay u tartamaan mansabka jagada madaxwaynimada . gabadha tartanka kula jirtay senate obama ayaa iyadu waxay tahay xaaska madaxwaynihii hore ee dalka maraykanka clinton. Hillary clinton oo iyadu dadaal ugu jirta dhinaceeda sidii ay madaxwayne ku noqon lahayd ayaa ilaa hada waxaa ka delegates horeeya obama ilaa hada states badan kaga guulaystay hillary clinton.

Hadaba obama ma noqon karaa mid mideeya bulshawayna maraykanka ee dhaqanka iyo diimaha ku kala duwan aaminsan.?

Shaqsiyadda Baracka Obama

Senator obama oo ah nin aad u firfircoon karti iyo aqoona u leh howlaha horyaala,Obama ma ahan oo kaliya nin da’yar oo Isbedel doon ah, ee waxaa uu Diyaar u yahay inuu dalka Mareykanka uu ka dhigo Taariikh cusub,Obama ayaa hore u ahaa Macallin Jaamacadeed oo dhiga Sharciga,

Senator Barack Obama waa ninkii ugu horreeyey ee Madow ah ee si run ah ugu dhow inuu Madaxweyne ka noqdo Dalka mareykanka.,isagoo xalay si weyn u helay Musharaxnimada Xisbiga Democraticiga

Senator Barack Obama oo Habeenimadii Xalay ahayd ku Guuleystay Musharraxnimada Xisbiga Dimoqraadiga isagoo kala hadley fagaare ku yaalla Xcel Energy Center in St. Paul Minneapolis MN Shacab isugu soo baxay oo lagu qiyaasey 20,000 oo qof si ay u dhegeystaan qudbaddiisa, isagoo markaas sheegay inuu yahay Musharaxa Xisbiga Democraticga ee utaagan Madaxtinimada Dalka Mareykanka ee dhicidoonta Bisha November ee sanadkan.

Baracka Obama ayaa lagu wadaa inuu kula tartami doono doorashada madaxtinimada dalka maraykanka Senatorka gobolka Canniticut John McCin oo ay xisbiga Jamhuurigu hore ugu caleemo saareen musharaxnimadiisa bedelina doona Madaxweyne Bush bisha November ee sanada 2008.

doorashada dhex mari doonta Baracka Obama iyo John McCin ayaa lagu wadaa inay yeelan doonto mucjisadii koobaad ee maraykanka waa midda koobaad eh Obama oo noqon doona ninkii madooba ee ugu horeeyey ee u tartama hogaanka dalka maraykanka, iyo Senator Mccain oo noqon doona ninkii ugu da'da weyna ee xilkaasi u tartama.

Baracka Obama ayaa cododka dadka maraykanka laga qaado wuxuu 10 dhibcood ka horeeya hadda Senator Maccain waxaana bilaaban doonta in labada nin ay saxaafadda iska weeraraan.

Si Kastaba ha ahaatee Senator Barack Obama ayaa ah ninka da’ahaan ugu yaraa musharrixiinta ka tirsan Xisbiga Democraticiga ee u sharraxnaa Jagada Madaxweynenimada Mareykanka. Waxaa kale oo qorshe-siyaasadeedkiisii ku jira inuu wax ka qabanayo Adeegyada Daryeelka Caafimaadka, Waxbarashada, Isbedelka Cimilada Adduunka, hoos u dhaca Miisaaniyadda dhaqaalaha Mareykanka iyo qodobbo kale.

Mohamed Ismail

Email:-mismacil@Live.co.za

Johannesbrug

South Africa

Source:

  • www.starpulse.com
  • www.politicalgateway.com
  • en.wikipedia.org/wiki/Barack_Obama
  • www.rollingstone.com
  • www.Starware.com/Reference
  • www.barackobamacandidate.org

obamaBarack Obama oo Ku Guulaystay Musharaxnimadii Madaxweyne ee Xisbiga Dimoqraadiga ee USA... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | June 4, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com
IIDHEH
XAYAYSIIS