Cambaarayn ka timid Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee Koonfur
Afrika
22 kii April 2008 ayay maamulka Puntland qabteen labo nin ka tirsan
dadka Ogaadeenya,waxayna isla markiiba ugacan galiyeen Ciidamada
Tigreega,waxaa kale oo ay isla bishaas April dhexdeeda Maamulka Puntland
ku suneeyeen xabsiga dhexdiisa Cabdullaahi Cali Maxamed oo isaga iyo
islaantiisaba ay booliska Puntland dhaawac u gaysteen iyagoo aan waxba
galabsanin.
Marar badan waxaa la xidhay dhalinyaro udhalatay Ogadeenya oo aan wax
dambi ah ka galin maamul goboleedka Puntland balse sababta xidhaygoodu
ahay in ay yihiin dad reer Ogaadeenya oo kasoo cararay hagardaamooyinka
Tigreega,si loo muujiyo saaxiibtinimada Tigreega,Waxaa kale oo iyaguna
jiray ihaanaysi fara badan oo ay qabeen dadka Ogaadeenya ee kunool
Puntland,balse aan cidina waxba kasoo qaadi jirin.
Cambaarayn
Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee Wadanka Koonfur Afrika waxay si wayn
u cambaaraynaysaa talaabada uu qaaday Maamulka Puntland ee uu cadawga
Itoobiya ugu gacan galiyay muwaadhiniinta udhalatay
Ogaadeenya.Talaabadan ayaa dhibaatada ka dhalan doonta uu masuul ka
noqon doonaa maamulka Puntland ee sida xishood darida ah uqaaday wadadii
uu jideeyay Cigaal.
Baaq
Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee Wadanka Koonfur Afrika Waxa ay ugu
baaqaysaa shacabka mitidka ah ee gaadeenya in marna ayna uliicin
qaniinyada dhabarka kaga dhacaysa ee ka imaanaysa kuwo dub muslin
leh,taalaabadan dhiibataanka ah ee dadka Ogaadenya soo haysatay 12 ka
sano ayaanan waxa saamayn ah kuyeellanin horusocodka halganka,dada
Ogaadeenyana xanuunka gaadha kuma habradaan ee way kusii xanaaqaan.
Waxaa kale oo ay jaaliyaddu ugu baqaysaa dadka Ogaadeenya in ayna
fiirinin meel ka sokaysa meeshii yoolkeenu ahaa ee ahayd in dhulka
Ogaadeenya laga daahiriyo gumaysiga Abasiiniya.
Maamulka Puntland iyo dhamaan soomaalibada waxaa usheegaynaa in hadda
wixii ka dambeeya cid waliba talaabadda ay qaado mid udhiganto uu qaadi
doono shacabka Ogaadeenya ee looga bartay dulqaadka.
muddo 17 sano ah ayay Soomaalidu dhabrka naga qaniinsanayd oo ay noo
mijin qabanaysay cadawga,laakiin hadda wixii ka dambeeya uma dulqadan
doonno in dhiigga dulmanayaasha lagu raalli galiyo Itoobiya.
Shacabka Puntland ee aan walaalaha nahay waxaan ugu baaqaynaa in ayna
iskaga qasmin saaxiibtinimadooda Itoobiya iyo ehelnimada dadka
Ogaadeenya oo ay maamulkooda ku qasbaan in uu dib uraad gobo raggii uu
ugacan galiyay Tigreega,laakiin hadii lagu waregaysto waxaan macna
lahayn wax dawo ahi ma imaanayso.
Gagagabo
Haday Soomaalinimadii dhimatay, islaanimadii dhimatay wax lasii
biciidsadaaba majiro,marka waa in xumaanta loo tartamaa sida hadaba
taalla,qof walbaa meeshuu uhaabo uu moodo in reerkoodii jiro.
Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee Koonfur Afrika
ogadenscsa@gmail.com