SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Baaq & Canbaareyn: Falkii Maamulka Puntland Ku Kacay

Anagoo ku hadleyna magaca Jaaliyadaha Soomaalidda Ogaadeenya ee Scandinevia (Finland, Sweden, Denmark, Norway) waxaan si qoto dheer uga xunahay kuna tilmaameynaa naxariis-daro, si buuxdana u cambaareyneynaa falka ka baxsan Biniaadamnimada, Soomaalinimadda, Islaanimadda iyo Derisnimada ee Maamulka Puntland uu kula kacayo muwaadiniinta la gumeysto ee Ogaadeenya, isagoo si naxiis-daro ah cadowga shacabka Ogaadeenya ee Itoobiya ugu gacan galiyey muwaadin shacabkaas ka tirsan, kuwaas oo dano kala duwan oo noloshoodda la xiriira ugu sugnaa dhulka uu maamulkaasi ka taliyo.

Falkan foosha xun wuxuu Garowe ka bilowdey 22kii Abriil 2008, xiligaas maamulka Puntland wuxuu cadowga shacabka Ogadenya u gacan-galiyey labo muwaadin oo shacabkaas ah, falkaasna wuu socdaa isagoo si aan loo miidaan dayin loo xir-xirayo cadowgana loogu gacan galinayo muwaadiniinta ka soo jeeda dhulka Ogadenya ee halkaas ugu sugan dano shaqo, waxbarasho, caafimaad, ganacsi kuwo qoys iwl. Maamulka Puntland, isagoo taliska dhiigya-cabka ah ee Addis Ababa ku raaligalinaya ayuu gacanta cadowga gumeystaha naxariis-laawaha ah geliyey muwaadiniintaas Soomaalida Ogaadeenya ka tirsan oon wax dambi ah ka galin. Waxaa kale oo Maamulka Puntland xabsigiisa Boosaaso horey si silic ah loogu dilay muwaadin ka tirsan jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee Bosaaso, qaar kalena si sharci daro ah ayuu maamulku u xir-xiraa si joogto ah. Wuxuu maamulkaasi iska indho saabay xidhiidhka maslaxada labada shacab ee deriska ah, waxaa muran ma doonto ah in dhacdooyinka noocan oo kale ah in ay dhaawacayaan xiriirka labada shacab iyo derisnimadda.

Taliska gacan ku dhiig-laha ah ee Addis Ababa marna kama oomana kamana gaajeysna dhiiga shacabka Soomaalida Ogaadeenya. Wuxuu si raxariis darro ah u gumaadaa shacabka aan difaaca lahaeyn ee Ogaadeenya. Waxaa xabsiyada gumeysiga ka buuxa kumaan-kun oo Soomaalida Ogaadeenya ah, ujeedada uu gumeysaha Itoobiya ka leedahay in masuul ama muwaadin shacabka Ogaadeenya ah laga soo qabto Puntland ama gobol gobolada Soomaaliya ka mid wuxuu uga dan leeyahay:

1. In marka koowaad colaad la dhex dhigto labada shacab ee deriska ah, si la mid ah sida ay Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya isugu hubaysay ee colaadda sokeeye u dhex-dhigtay.

2. In marka labaad gumeystuhu ku guuleysato isku daygiisa ah in Soomaalida loo kaashado burburinta halganka xaqa ah ee shacabka gobonimo doonka ah ee Ogaadeenya iyo dadaalkiisa uu ugu jiro xaqa aayo ka talintiisa, taas oo gumeystuhu horey ugu dhaqaaqay kuna guul dareystay.

Waxaa muuqata in maamulka Garowe iyo Puntland in aysan ka fiirsanin natijada ka iman karta falalka noocan oo kale ah, maamulka Puntland waxaa cad inaysan ku baraarugin xaqiiqada ah inay Itoobiya tahay cadowga koowaad shacabka Soomaaliyeed. Waxaa kale oo iyana muuqata in aysan fahmin in Taliska Addis Ababa waqtigiisii maalmo la tiriyo ka hadhay oo uusan mudneyn in maanta loo hogaansamo, kabahana loo qaado maamulka falkan geysteyna uu ku khasaarayo tala xumaddiisa, ka fiirsasho la’aanta iyo qar iska tuurka ay ku doonayaan in labada shacab colaad laga dhex alooso.

Maamulka Puntland waxaan u sheegeynaa in talaabadaa uu qaadey aysan marna hakinaynin halganka Gobonimadoonka shacabka Ogaadeenya. Waxaan u soo geedineynaa shacabka Puntland iney si buuxda u cambaareeyaan, kulana xisaabtamaan talaabadaas khaldan ee maamulkoodu qaaday lana joojiyo ka ganacsiga, dilka & xabsiga uu maamulka Puntland ku hayo shacabka Ogaadeenya ee soo magan galay cadowga aan naxariista laheyna ka soo cararay.

Anagoo ku hadleyna magaca iyo masiirka Jaaliyadaha Ogaadeenya ee Scandenevia, waxaan cambaareyneynaa falkan foosha xun ee maamulka Puntland ku kacay.

Waxaan maamulka Punland u cadeyneynaa in aan garab taaganahay mar walba halganka xaqa ah ee shacabka Ogaadeenya ee geesiga ah uu ugu jiro xaqa aayo-ka-talintiisa. Waxaa u sheegaynaa Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa garabka siinaya ee taladiisa ku shaqeeya intaba in Guusha kama dambaynta ah uu leeyahay xaq-u-dirirka Ogaadeenya, cid kastana waxay kasbato ayey heli, ha dhawaato ama ha dheeraatee’ Waxaan caalamka & shacabka Soomaaliyeed oo idil ugu baaqeynaa inay cambaareeyaa falka xuquuqul insaanka ka dhanka ah ee Maamulka Puntland uu ugu gacan-galiyey cadowga dad aan dambi ka galin maamulkooda una istaagay oo kaliya in ay ka dhiidhiyaan gumeysiga & gumaadka dadkooda lagu hayo.

Midnimo Mintid & Isku tashi
Jaaliyadaha Ogaadeenya ee Scandinevia
oca@wippies.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS