Ref. OSRSG/2008/17
6 May 2008
Baaq ku wajahan dhamman Ummdadda
Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddisa
Qoraalkaan waxaan ugu mahad celinayaa dhamman
dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ee
sida wadaniyadda leh mar walba ooga fakeraya
waddankooda. Waxaan in badan oo dadkan ka mid
ah kula kulmay dalka Djibouti, Dubai, Kenya,
Norway, Swiden, iyo dalka Maraykanka. Haddana,
waxaan wakhti dhow rajaynayaa in aan kuwo kale
kula kulmo dalka Ingiriisaka, Kanada iyo meelo
kale.
Aad iyo aad baan ugga helnay waraaqaha,
tala bixinta, iyo faalooyinka guud ahaan aad noo
soo dirtan,. madaama Qaramadda Middoobay ay ka
shaqayno qaabkii loo heli lahaa nabadda iyo kala
dambaynta Soomaaliya. Waxaa aad noo dhiira
geliyay taageeridda in badan oo idinka mid ah ay
uhayaan dadaalka nadabba ku aadan ee ka jira
waddankiina.
In taas waxaa dheer, in aan idiinku
hambalyeeyo in dhammantiin aad ka gudubteen
arrinta qabiilka ku saabsan, kana fekeraysaan
maslaxadda Ummdadda Soomaaliyeed oo dhan. iyo in
aad garwaaqsantihiin in wixii dhacay iyo waxa
dhici doonaba mustaqbalka ee waddankiina quseeyo
masul aad ka tihiin oo aydan ku eedaynaynin
qolo kale. Dhaqaalaha sida jogtada ah aad
wadanka dib ugu soo celisan aad ayuu u
haboonyahy madama uu qayb weyn ka yahy dhaqalaha
dalka.
Waxaan idinka codsanayaa inaad jobtaysaan
tageeridiina ku aadan nabadaynta socota iyo
daadalka aan ugu jirno in nabad iyo
kaladambaynba lagu soo dabaalo Somaliya si
Somalia ay bulshada caalamka ay mar labaad ugu
mid noqoto.
Sidaas darteed waxaan rabaa in aan idinla
socodsiiyo in aan ku guda jirno in 10ka bisha
May 2008 in aan shir ugu qabano waddanka Jabuti
xubno farsamo oo kooban oo ka kala socdo
Dowladda Federalka ku Meelgaarka ah iyo
Isbahaysiga dib u Xuraynta Dalka Soomaaliya.
Waxan idiinla socodsiin doonaa waxyabaha ka soo
baxa shirkaani, waxan hubba in taageridiina ku
aadan in shirkau miro dhalo ay kalmo u tahay
kaqaybgalayaasha.
Mar labaad waxaan idinku mahadcelinayaa
tagerida aad u haysaan wadankiina iyo gedi
socodka nabaddaba. Waxaan rumaysanahay in anagoo
garabsanayna wadaniyinta Somaliyeed in aynu
qayb-weyn ka ciyari karno sidii loo arki lahaa
Soomaaliya oo nabad, barwaqo iyo kala dambayni
ka jirto.
Walalkiin,
Ahemdou Ould-Abdallah