Maraykan, Meles iyo Midowga Yurubba na taageeree maxaa qaldan
oo aan u sugi la’nahay Ammaanka Muqdisho???
Waxaa mahadleh Ilaahay. Waa yaabanahay oo ma aqaan wax inaga
qaldan. Haddaannu Dowladda iyo taageerayaasheeda nahay, waxaan
muddo ku taameynnay inaan dalka qabanno. Inaan Waddanka
xasilinno. Inaan sida u dhaanno oo bulshada nabad dhadhansiinno.
Si walba waa yeelnay, geed yar iyo mid dheerba waxaan u fuulnay
sidiii Min raas ganbooni iyo ilaa raas casayr la isugu keeni
lahaa, loogana dhigi lahaa hal waddan, Hal Calan iyo hal Dad,
sidii aan awalba ahayn. Nagama maqna awood, mid millatari, mid
dhaqaale iyo mid siyaasadeed toona. Waxaa na taageeray Dowladda
ugu weyn Adduunka, oo waliba nasiisay Hubkeeda iyo kuwa ugu
casrisan Dayuuradaheeda. Intaas kaliya ma ahane waxay nagu
dartay Xabashida aan jeensan ee Itoobiya, waxay sidoo kale
aqoonsi nooga raadisay Midowga Yurub iyo Qolyaha Carabta.
Howshu waxay u muuqataa inaan dhan walba ka dharagsanahay oo
ay isugu kaaya duba dhacsantahay. Laakiin haddana dhib baa jira.
Annagoo intaas oo Tabar iyo tayo ah haynna baan haddana qaban
wayney Magaaladii Xamar. Xaruntii Soomaaliya oo aan xataa Maalin
galinkeed gacanta ku dhigi waynay Ammaankeedii. Dadkii baa
le’anaya. Maalin walba boqol baa dhimanaysa. Xataa shacabku haba
iska le’deen hadday rabaane, laakiin Madaxdii iyo dowladddii baa
iyagana la dilayaa. Madaxwaynihii iyo wasiiradii baa gacan ku
kabada. Iyadoo ay Tobannaan kun oo ilaalo ah joogto baa qaraxyo
looga soo dusinayaa.
HADDABA XAGGEE MUSIIBADU KA TAAGANTAHAY?!!!!!!.
Xaggee Salaaddu iska qaban la’dahay. Maxay 50-ka kun oo
Itoobiyaanka ah wax uga qaban la’yihiin Ammaanka Muqdisho. Maxaa
dhaqaalihii Reer Galbeed wax u tari la’yahay. Maxay nataraysaa
inaan Alqaacida iyo Al-itixaad Waddanka ka saarno haddaanaan
annagu nabad ku joogi karin?... Alleelehe waa yaab mana yara!!!.
Is daji, ha dagdagin kuna dadaal inaad bal wakhti yar siiso
maskaxdaada si ay jawaab waafiya kaaga siiso su’aalaha kor ku
xusan.
Ugu horreyn aan eegno oo isla meeldhigno ereyga Dowladnimo si
aan tooshka ugu iffinno mushkiladda taagan maanta.
Soo dowladnimadu ma ahan badbaadinta dhibic walba oo kamida
Dhiigga shacabka. Soo dowladdu ma ahan tii u horseedi lahayd
shacabkeeda horumar ballaaran iyo hannaan sare. Ujeedada loogu
baahanyahay dowlad soo in sidii hore laga fiicnaado oo kaliya ma
ahan?
Hadday sidaas tahay, Maxay Dowladda Soomaaliya kusoo siyaasiday
waddanka tan iyo intii la dhisay Dhowr sano ka hor? Keebaa badan
dheefta iyo dhibta ay u keentay dhulkii ay dowlada u ahayd?.
Sida ay qoreen goobaha wararka ee ay leeyihiin Reer Galbeedku
sida Reuters iyo associatedpress waxaa Magaalada muqadisho isaga
baxay Dad lagu qiyaasay 1 Million oo qof, waxaa ku dhintay in ka
badan Tobannaan kun, waxaa sidoo kale aan qiyaas lahayn dhaawaca
aan la tirinin ee shacabka Muqdisho wada gaaray.
Inkastoo aan la beenin Karin oo Intii aan dowladdu imaan Dad
lagu dili jiray Magaalada Muqadisho, haddana taariikhda kama
dhicin waxa ka bilowday Muqdisho laga bilaabo tan iyo markii ay
Dowladdu timid.
Inkastoo Gaajo iyo dad tabaraysan jireen, Haddana intaan
dowladdu imaan Muqdisho waxay lahayd mid kamida suuqa ugu
lacagta badan Qaaradda Africa. Bakaaraha waxaa Ilaahay og yahay,
Qof walba oo muqdisho ka warqabayna markhaati ka yahay,
inaykusoo xiranjireen Maraakiib iyo Ganacsi aan la keenin in
badan oo kamida Waddamada Africa. Waxaa sidoo kale jirtay
Horumar Layaable oo ay Reer Muqdisho ka sameeyeen Dhinacyada
Tacliinta , Warbaahinta iyo Isgaarsiinta, taasoo keentay inay
Soomaaliya noqoto waddanka saddexaad ee ugu horreeya
isgaarsiinta Qaaradda Africa. Markaan sidaas leeyahay ma ahan
inaan buun buuninayo sawirka Magaalada Muqdisho ee Dowladda ka
hor, Laakiin waa warbixin xaqiiq ah oo aad ka eegi karto inta
badan Meelaha warka lagu kaydiyo ee Reer Galbeedka.
Oran mayo Magaalada Muqdisho Qori iyo qalalaaso kama jirin
Muddadii aysan dowladdu imaan, laakiin ugu yaraan Shacabka
muqdisho waxay haysteen Horumar iyo Hub wada socda. Labo iyo ama
Shan Qof baa la dili jiray maalintii balaayo soo dagto, markii
kalena hal iyo ka yar bay ahayd.
Haddaba Maxaa maanta dhacay? Suuqii Bakaaraha ee Muqdisho
seeyahay? Maxay ku danbeeyeen Idaacadihii iyo saxafiyiintii
tiroda badnaa ee Muqdisho. Soo lama waayin Boqollaalkii kun ee
arday oo subax walba u jarmaadi jiray Iskoolada kala duwan ee
Magaalada. Soo Hal Million oo qof kama cararin Magaalada?
Hadaba yey Dowladdu u tahay Dowlad? Maxay tahay ceebta ka wayn
Dowlad ay ka carareen Hal million oo qof oo kamida Shacabkeedii?
Maxay xukuntaa dowladdu haddii shacabkii noqday wax dhintay, wax
dhaawacmay iyo in hadda dhuumaaalaysi ku jirta? Dowladda
Soomaaliya xataa Boqol kun oo dollar ma u qorshaysay shacabkii
soomaaliyeed ee dabaysha iyo daacuunku ku laayey bannaanada
cidladaa?
Muuse Suudi waxaa laga sheegay, Ar hooy xaan u daaweynayaa
minaan markii horeba laayey, soo ficilka dowladdu uma eka
hadalkaas, Hadday xalaal yihiin oo damiir dhaqaaqa ku jiro
masuuliyiinta Dowladda, May Boqolllaalkii million ee dollar oo
loogu deeqay waxyar ka siiyaan dadka ay dowladdu u yihiin? Xataa
hadday run sheegayaan, may xoogaa shilimaada siiyaan gawaarida
gurta qashinka, si ay maydka iyo dhiiga daadsan magaalada uga
qaadaan. Ilaahey baan idinku shaarshaye sidaas ma tahay
dowladnimo?.
Walle Aadanow waxaad maaggantahay Adiyo Maankaagu, Iyo meel
Ilaahay ku dhigin kala mid weeyaane.
Waxaa muuqata inaysan Masuuliyiinta dowladdu damiir lahayn, inay
cabbayaan dhiig saafi ah oo laga soo miiray Malaayiinta shacabka
ah ee ilaahay la maagay Imtixaanka. Waxaan shaki ku jirin
inayAmeerica Ujeeddo leedahay, Yurub iyo Itoobiyana dan wataan.
Laakiin wixii aan Rabbi rabin ma runoobaan. Waa taariikh soo
jireen ah oo aan cidina baddali Karin.
Hadalkayga waxaan kusoo gunaanadayaa Masuuliyiinta leh magaca
Dowladdu ha ogaadaan inuu xalku ku jiro aan heshiinno iyo aan
wax wada qabsanno. Waxaad si fudud Muqdisho iyo Guud ahaan dalka
ammaan u yeeli kartaan markaad xoolaha idiinku jira jeebka u
celisaan Shacabkii lahaa.
Mahadsanidin.
Bishaar C/risaaq Cabdi
Seattle ,Washington, USA
Bishaar100@yahoo.com