SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOSAASO

Boosaso College oo ay Maalgelinayso Hay'adda Muslim Aid oo Boosaso lagu dhagax dhigay.

Munaasabada dhagax dhiga Boosaso College oo ka dhacday Boosaso ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka socota Dowlada Puntland,Hay'adda Muslim Aid iyo Marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Golaha Degaanka ahna Duqa Boosaso C/risaaq Xareed Ismaciil oo dhagax dhiga sameeyay ayaa kadib hadalo uu halkaasi ka soo jeediyay u Mahadceliyay Muslim Aid iyo Dadaalka Waxbarasho ee ay ka wado Magaalada Boosaso.

Duqa Boosaso waxa uu sheegay inay taagersanyihiin cid walba oo Waxbarashada Degaanka hormarineysa balse uu codsanyo in Dadweynaha loo khafiifiyo qiimaha lacageed ee laga qaado.

Maxamed Cali Faarax oo ka socday Muslim Aid oo hadalo kooban ka soo jediyay Munaasabada dhagax dhiga ayaa ka warbixiyay Boosaso College iyo qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay.

Mr: Maxamed Cali Faraax waxa uu hoosta ka xariiqay in Musilm Aid ay gacan ka siineyso Reer Boosaso sidii waxbarashadooda kor loogu qaadi lahaa.

Munaasabada dhagax dhigay oo ay ka soo qaybgaleen Dadweyne badan ayaa dhamaantoodba waxay u riyaqeen dhismaha Boosaso College ee la bilaabayo.

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2008
 

BAARID | SEARCH


"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo"
sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xigeenka DGPL. Akhri

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS