SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muqdisho Maalin Uun Waad Xoroobi!!! 

Ilaahbaa Mahad iska leh, Naxriis iyo Nabad gelyo ha ahaato Nebi Muxamed korkiisa. 

Muqdisho waxay aheyd goob xor ah laga soo bilaabo 1960-2006-da wixii intaa ka dambeyeyna waxay ku dhacday gacanta ciidamada gumeysiga Itoobiya oo gacan ka helaya dowladda Mareykanka. 

Muqdisho ayaa waxa ay aheyd goobta aan ku barbaaray oo aan waxbarashadeyda inta badan ku qaatay iyada oo xor ah. Aniga oo xilligaas u xanqal taagi jiray in waxbarashadeyda ka dib meel kale aanan aadin ee dalkeyga aan wax u qabto. 

Waxaan ka mid noqday intii Muqdisho xor aheyd Machadka SIMAD ee ku yaala magaalada Muqdisho qeybtiisa IT-ga, aniga oo ka qaatay Shahaadada Becholar, markaas ka dibna waxaan bilaabay inaan u shaqeeyo mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho. 

Muqdisho waxaan ku lahaa asxaab aad u tiro badan oo isugu jira dhalinyaro xaafadeed, arday iyo kuwa aan isla shaqeyn jirnay, iyada  oo asxaabta inta badan aan kulmi jirnay maalinta Jimcaha. 

Maxaa is bedelay? 

Ka dib markii dalku uu gacanta u galay gumeysiga ayaa waxaa dhacday in asxaabtii ay u kala qeybsamaan sidan:- 

  1. Qaar ka barakacay magaalada Muqdisho, una barakacay duleedka magaaladaasi.
  2. Qaar kale waa ay ka firxadeen dalka iyaga oo gaaray dalalka deriska nala ah, halka  kuwa kalena baddu ay laqday wixii intaa kasoo harayna waxay u gudbeen dalalka ku yaala qaarada Asia iyo Uerope ka dib markii dhibaatooyin aad u adag ay mareen.
  3. Kooda ugu dambeysana markii uu ku batay dhibka gumeysiga waxay ku biiraan xoogaga Muqaawamada, iyaga oo iminka door wanaagsan ka ciyaaraya Jihaadka ka soconaya Soomaaliya.

Is bedelka kuma ekeen intaa oo kaliya, waxaa dhacday in qof kasta uudareemo cidlanimo ka dibna uu soo xusuusto asxaabtii ama qaraabadiisa oo uu ka hayaamay amase howdka uu ka joogo, iyada oo arrintaasi oo dhan ay mas’uul ka yihiin ciidamada gumeysiga Itoobiya oo gacan ka helaya dowladda Mareykanka. 

Sidee Muqdisho loo xoreyn Karaa? 

Muqdisho waxaa lagu xoreyn karayaa haddii la helo qodobadan soo socda oo aan is leeyahay waa muhiim:- 

  1. waa in ay midoobaan dhamaan kooxaha kasoo horjeeda joogitaanka ciidamada gumeysiga Itoobiya dhulka Soomaaliya, hadafka ugu weynna uu noqdo Alle dartii in loo jihaado, waayo qof kasta Soomaali ah 95% wuu neceb yahay gumeysiga balse waxaa meesha ka maqan wadadii la igu midoobi lahaa.
  2. Soomaalida Qurbaha Joogta waa in ay ugu qeyb qaataan Jihaadka dhan walba, ha ugu badnaadee dhinaca dhaqaalaha.
  3. Inaan wax wada hadal ah lala gelin koox kasta inta hal askari oo ka tirsan ciidamada gumeysiga Itoobiya uu ku sugan yahay ciida Soomaaliya.
  4. In Culumaa’ udiinka ay bilaabaan buraarujinta shacabka, iyada oo la sheegaya faa’idooyinka Jihaadka iyo hagardaamooyinka gumeysiga.

Ugu dambeyn waxaan filayaa haddii la helo qodobadda aan soo sheegay iyo kuwa kale oo meesha ka maqan in Muqdisho Maalin Uun ay xoroobi doonto Insha Allah. 
 

Naasir Max’ed Muse (Aw-Naasir) 
Naasirsom@gmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2008
 

BAARID | SEARCH


"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo"
sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xigeenka DGPL. Akhri

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS