SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Culimaa'udiinka Iyo Waxgaradka Magaalada Muqdisho Oo Isniintii Dadka La Hadlay Bananbixii....

Mudaharaadyadii Isniintii [May 5, 2008] ka socdey magaalada Muqdisho ee lagaga soo Horjeeday lacagta kunka shilin ee duuga ah ee la diiday ayaa Waxgaradka iyo Culimo Udiinka Magaalada Muqdisho qaarkood waxay dadka kula hadleen barxada weyn ee suuqa bakaaraha iyagoo sheegay in lacagta la qaato islamarkaana ay ALLE subxaana Watacaala ay u Noqdaan dadku .

Mid kamid ah Culimo Udiinka taageersan in shareecada islaamka in dalka lagu dhaqo oo diidey in magaciisa shaaciyo ayaa dadweynaha u sheegay inay ka weyn tahay Lacagta oo la diidaa arintani ,balse ay tahay Mid Lagu diidan yahay kutubka ALLE islamrkaana ay dadku Ogaadaan in loo diidan yahay in islaamnimada taasna lagaga Gudbi karo ayuu yiri in sharciga islaamka la taageero ilsmarkaana ALLE loo toobad keeno .

Sidoo kale dadweynaha oo ahaa kuwo ay ka muuqanaysay caro xoogan ayaa bur buriyey baabuur iy dukaamo islamarkaana joojiyey Ganacsiga suuqyada caasimada Muqdisho oo dhan gaar ahaan Suuqa bakaaraha iyadoo waxgaradka iyo culimada qaarkood ku Boorinayeen dadweynaha inay dhagaxa Joojiyaan islamrkaana ku Dhawaaqaan ALLAAHU AKBAR.

Dibad baxan oo ka duwanaa kuwii Hore uga dhici jiray magaalada Muqdisho ayaa kusoo Beegmay xili ay ganacsatada magaalada Muqdisho diideen Lacagta kunka shilin ee Duuga ah isamarkaana ay hore magaalada muqdisho uga jiren sicir barar iyo amaan xumi isbiirsaday .

Ugu dambayntii Banaanbaxyada lagu diidanaa Diidmada lacagta kunka shilin soomaaliga ah oo Kiligiis u haray umada soomaaliyeed gaar ahaan magaalada muqdisho ayaa waxgaradka iyo culimo udiinkii dadka la hadlayey waxay Go,aamiyeen in la socodsiiyo lacagta islamrkaana aan la kala soocin ,balse ma jiraan dhinaca dowlada KMG ah wax masuul ah oo ka Hadlay arintan waloow Mar hore oo la go,aamiyey in lacagta la qaato maalmo kadib ay sideedii loo diidey

May 5, 2008: Banaan Baxyo Rabshado Wata Oo Lagaga Soo Horjeedo Kunka Shilin Ee La Diidey Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Mudaharaadyo rabshado wata Oo Lagaga soo Horjeedo Lacagta kunka shilin soomaaliga ah ee la Qaadan waayey ayaa maanta ka dhacay Guud ahaan caasimada Muqdisho iyo hareeraheeda iyadoo ay isugu soo baxeen Kumanaan dad ah oo gacanta ku wata Kunka shilin soomaaliga ee duuga ah islamarkaana ku Dhawaaqayey Doonimeyno Kunka diide ,Lacagteena hala qaato iyo Erayo ka dhan ah Ganacsatada iyo Dowlada KMG ah iyo Ciidamada Ethiopia .

Banaanbaxan oo ay Dhigayeen dadweyne caraysan ayaa taayiro ku gubayey Qaar ka tirsan wadooyinka magaalada muqdisho kuwaasoo ay kamid ahaayeen wadada maka-almukarama ,wadada wadnaha ,wadada KM-4 ilaa degmada wadajir ,wadada shirkadaha ee suuqa bakaaraha iyo meelo kale .
Sidoo kale arintan ayaa ka dhalatay kadib markii laga qaadan waayey magaalada caasimada ah ee muqdisho Lacagta Duuga ah ee shilinka soomaaliga ah islamrkaana ay dhacday in Qoysas haysta lacagta duuga ah ee shilinka soomaaliga ah ay baahi lasoo deristo iyagoo waayey Cid ay wax kaga iibsadaan lacagtii duuga ahayd ee ay haysteen .

Hooyo Xulbado ibraahin oo ah Hooyo soomaaliyeed oo da,a ah oo ku nool magaalada muqdisho ayaa saxaafada u sheegtay kadib markii ay gaajo lasoo deristay in gurigeeda ay yaalaan lacag dhan 450.000 oo shilinka soomaaliga ah oo Duug ah ilslamararkaana ay weydey meel ay wax kaga gadato oo looga diiday dukaamadii iyo meelaha laga adeegto .

Hooyadan oo run ahaantii qof islaamnimo iyo wadaninimo soomaaliyeed ku jirto hadii uu maqlo codkeeda ay murugo qabanayso ayaa ku Calaacashay waxaan Qatanaa labo maalmood waxaana waayey xataa kun shilin oo aan Qaxwe siisto kadib markii lacagtii aan haystey ay wada Noqotay Mid Duug ah Oo laygu diidey.

Si kastaba ha ahaatee Banaan baxan rabshadaha watey ayaa keenay inay istagaan dhamaan gawaarida gadaadiidka dadweynaha ee isaga kala Goosha xaafadaha magaalada muqdisho iyadoo dhamaana la xiray suuqa bakaaraha oo ahaa ilaha dhaqaalaha ee magaalada iyo dukaamada waaweyn ee ku yaala magaalada inteeda kale .


yaasiin faytaan
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2008
 

BAARID | SEARCH


"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo"
sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xigeenka DGPL. Akhri

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS