SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA

Ganacsade Soomaaliyeed oo u geeriyoodey dhaawacyo eey u geyteen rag Soomaaliyeed oo dhacayay dalka K/Africa.

Sida eey sheegayaan warar goordhaweyd nasoo gaaray, Khaliif Daahir Macalin Wali, oo 30 kii April rag la sheegay in Soomaali burcad ah eey dhaawaceen ayaa la sheegayaa in uu u geeriyoodey dhaawicii gaaray maanta.

Isbitaalka weyn ee Livingtone, oo uu khaliid daahir ku jirey ayaa galinkii dambe ee Isniintii ugu geeriyoodey dhaawac xabad ah oo soo gaaray, xilli eey dhac u geeysanayeen rag Soomaali ah oo burcadnimo lagu yaqaano.

Dhaqaatiirta isbitaalka ayaa xaqiijiyey geerida Khaliif, jaaliyada Soomaaliyeed ayaa aad oga murugeeysan falka dhacay, ee naxdinta leh, ee waliba ay geysteen rag Soomaaliyeed.

Raggii Khaliif gaarsiiyey dhaawac uu galabta u dhintey ayaa Isniintii lasoo taagay maxakamada Humansdorp, ee gobolka Eastern Cape, hase yeeshee dib loogu celiyey xabsiga, dacwaduna eey hakeedii kasii socon doontaa.

Waxaa la filayaa in galka dacwada ragaasi loo heysto lagu kordhiyo qodob dheeri ah oo dil ah, halka markii hore loo heystey qodobyo oo kala ah, dhaca iyo dhaawac iyo heysashada hub aana sharci lahayn. Qodobka dheeriga ah waxa uu noqon doonaa mid dacwadooda sii adkeeya, isla markaasina hoos u dhiga suurtagalnimada in ciqaab fudud eey maraan.

Dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee xubnaha jaaliyada oo falkani aad oga xun ayaa tacsiyo u diraya eheladii iyo qaraabadii uu Khaliif ka geeriyoodey, waxayna u balan qaadayaan in eey taageero doonaan ka mirro dhalinta dacwada ragaasi, oo eey xittaa suurogal tahay in la’is hortaago dadaal kasta oo laga yaabo in garyaqaano loogu qabto si eey banaanka ugu soo baxaan.

Aaska wiilka ayaa dhacay 24 saac gudahood sida eey qabto diinta islaamka, waxaana loo badinayaa in uu barri dhaco, laguna xabaali doono qabuuraha malarbo ee magaalada Port Elisaberth.

4 nin Soomaaliyeed oo Isniintii maxamada oga bilaabatay dalka K/Afrika

4 nin oo Soomaaliyeed oo lasoo taagayo maxkamad ku taala dalka K/Afrika , kadib markii eey dhac iyo dhaawac u geysteen nin Soomaaliyeed.

.Ciidanka Police-ka dalka K/Afrika oo ku jooga kolonyo baabuur ah, oo ay dul haadayeen dayuuradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka loo yaqaano, isla maraasina ku howl galayay raxan eeyo ah oo tababaran, iskaashina ka heleya xubnaha maamulka Jaaliyada Soomaaliyeed, ayaa goor habeen ah gacanta kusoo dhigey koox Burcad Soomaaliyeed oo dhac iyo dhaawac u geysatay nin ganacsade Soomaaliyeed ah. Maanta ayaa maxkamad lasoo taagayaa, waxaanan ka waraysanay Muxuyudiin Nuur oo SASA ka tirsan.

Mudane Muxuyudiin Nuur waa madaxa maaliyada iyo maareyta jaaliyada ee Soomaaliyeed ee gobolka Eastern Cape, waxa uu ka mid ahaa xubnihii madaxda jaaliyada ee ka qeybgalay soo qabashadii layaabka lahayd ee rag burcad Soomaaliyeed ah oo dhac iyo dhaawac u geeysatay Nin Soomaali ah oo hadda isbitaal ku jirra, wuxuu nooga sheekeeyey sida wax u dhaceen oo uu xog ogaal u ahaa, isla markaasina goob joog ka ahaa.

“Nimanka Burcada waa kuwa gobolka oo dhan laga yaqaano, waxa eey habeenkii ku hoydeen dukaan nin ganacsade Soomaaliyeed uu leeyahay oo ku yaala tuulada Humansdorp, bastoolado ayay ku qabteen ninkii dukaanka lahaa, waxa eey ka dhaceen lacag baddan iyo kaararka lagu hadlo, markii eey dukaanka kasii baxayeena garabka ayay ka toogteen, kadibna waa eey baxsadeen”. Ayuu yiri Muxuyudiin Nuur , “markiiba warkii ayaa nasoo gaaray, waxaan xariir la sameeynay ciidamada Police-ka gobolka oo aan leenahay xariir wadahsaqayn dhow , waxaana eey nagu soo dareen kolonyo baabuur ah oo illaa 40 gaaraysa, iyo labbo dayuuradood oo Helicopters ah, waxay wateen raxan eeyo ah, tuuladii ayaan tagnay oo badda u dhow, waxaanan ku raad joogsanay ragii baxsaday, midkood ayaa xeebta ku cararay, oo dhagax hoostiisa ku dhuuntey, waan arki weeyney, balse dayuurad Helicopterka ayaa naf ku ifisey kadib eeyo ayaa loo direy , weeyna soo qabteen, ninkii wuxuu noo horkacay kooxdii la socotay oo guri u firaashan ku qayileysa, waa uu u garaacay, iyagiina waa la qabtay”. Ayuu yiri Muxuyudiin (qofka sawirkiisa dusha ma muuqda” oo ii xog waramayay.

Intii lagu guda jirey baacsashada raga, waxaa dhacday in raggii Soomaalida ahaa ee meesha kusoo orday, in baabuurkiisa laga dhex heley qori sharci darro ah , isagiina eey Policeku qabteen, balse dib laga ogaaday in qorigu uu ahaa mid ka dhacay tuugadii baxsatay.

Dhamaantood Isniintii waxaa lasoo taagayaa maxkamad ku taala Humansdorp oo u dhow magaalada P.E.

Dhanka kale sida uu ii sheegey wariye madax banaan oo fadhigiisu yahay P.E oo lagu magacaabo Ismaaciil Turki, in raga maxkamada lasoo taagayo eeysan aheyn kuwa ku cusub falalka dhaca ah, wuxuu sheegey in habeen ka hor eey sidoo kale dhac u geysteen ganacsade kale oo soomaaliyeed oo macmacaan ku leh farasmagaalada P.E, kaasoo xili habeen goor dambe ah ka codsaday in eey u dhaweeyaan gurigiisa, balse nasiib darro eey inta bastoolad madax ka saareen ka dhaceen wixii uu watay, Wariye Ismaaciil Turki, ayaa intaasi raaciyey in mid ka mid ah raga uu sidoo kale sanad ka hor dhac ka geystey dukaan nin Soomaaliyeed uu leeyahay oo uu habeen ku hoydey.

Waa markii ugu horeysey oo eey sidani oo kale usoo shaacbaxdo fal ceykan oo kale ah, oo rag Soomaali ah eey dhac iyo dhibaato u geystaan Soomaali kale, waxaana jirta in kiiskani eey si weyn wax oga qortey saxaafada dalkani.

Jaaliyada iyo Soomaalida dalkani ayaa cambaareysay falkani waxayna ku tilmaameen fal ku tuntey sharaftii Soomaalida eey dalkani la lahayd.

C/Naasir Saxansoxo. Email: saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2008
 

BAARID | SEARCH


"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo"
sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xigeenka DGPL. Akhri

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS