SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOOMAALIYA OO DOORATAY INAY NOQOTO MAXMIYAD GUMAYSI.

Wadanka Soomaalya oo ah mid kamid ah wadamadii ugu horeeyay qaarada Afrika ee xoriiyadooda qaata ayaa hadda umuuqda mid lumiyay taas, kadib markii ciidamada Ethiopia ay galeen. Soomaaliya waxay dagaallo sokeeye kabilowdeen sannadkii 1990kii dagaalkaas oo sababay in afka ciidda loo daray dawladii uu madaxda ka ahaa alla ha unaxariistee Gen muxamed siyaad barre. Kadib waxaa adkaatay sidii loo dhisilaa dawlad soo celisa amnigii iyo kaladambayntii wadanka, taasna waxaa sabab u ahaa dadkii soomaaliyeed  oo dhexdooda heshiis gaari waayay.

Tan iyo wixii kadambeeyay markii ay dhacday dawladii hore ee soomaaliya waxaa marba marka kadambaysa isasoo tarayay faragalinta qaawan ee  Ethiopia kuhayso dhulkii jamhuuriyada soomaaliya, taasna waxaa daliin u ah majirin hogaamiye kooxeed ama dawlad goboleed  illaa Ethiopia ayaa hub siin jirtay shan iyo toban hogaamiye kooxeed, Somaliland iyo puntland midkasta gaarkiisa ayay utaageeri jirtay.

Sannadkii 2004 markii madaxweyne loo doortay Cabdullaahi Yusuf ee uu 20000 ee askari codsaday Ethiopia-na kamid ahayd dawladaha la codsaday ayaa sii xoojisay hamigii Ethiopia ee ahaa inay mar Soomaaliya qabsato, dabcan ayadaana kutiri ciidamo codso. Taasna waxay cadaatay markii ay  ciidamada Ethiopia weerarka balaaran kuqaadeen koofurta Soomaaliya ayagoo aan wax fasax ah kahaysan golaha ammaanka ee qaramada midoobay iyo midawga Afrika midna, soomaaliyana ay saarantahay cunaqabatayntii hubku. 

Ethiopia ma aqoonsantahay  dawlada kmg ah ee soomaaliya.  

Dad badan oo soomaaliyeed waxaa dhagohooda kubatay dad kudoodaya in dawlada kmg ahi keensatay Ethiopia ayadana amarkeeda kushaqeeyaan ciidamadeedu. Ciidamada Ethiopia waxay ku shaqeeyaan amarka ninka lagu magacaabo Gen gabre, gabrena wuxuu ku shaqeeyaa amarka Raisul wasaarihiissa. Ethiopia hadii ay aqoonsantahay dawlad soomaaliyeed yay uga amar qaatatay inay marti qaadyo ufidiso maamullada Somaliland iyo puntland, yaa amar usiiyay inay xarunteeda madaxtooyada kuqaabisho jufooyin kamid ah qabaa’ilka soomaaliyeed, yaa amar usiiyay inay xirto gudoomiyihii gobolka mudug ee maamulka puntland cabdi dhuubane, yaa amar usiiyay inay dad soomaaliyeed kaqabqabato garowe. Intaas oo arrimood markaad fiirisid waxaa kuu cadaanaysa in dhulkii jamhuuriyaddii Somalia uu gacanta ugalay gumaysi Ethiopian ah, soomaaliduna manta ay taagantahay shaloo aan tabar hayayna talo mahayn maantoo aan talo hayana tabar mahayo.

Maxaa sababay.

Ilaahay (S.x.w) wuxuu yiri ilaahay qoom mabadalo ilaa ay ayagu naftooda badalaan. Hadaba dadka soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwo dhibaato badan kazoo maray raadinta xoriyad, muqdishana waxay ahay meesha laga hago gobonimodoonka qaarada Afrika, laakiin manta waxay umuuqataa inay noqotay caasimaddii ugu horaysay ee gumaysi dib ugu noqota. Suaashuna waxay tahay maxaa sababy taas?. Suaashaan waxaan waydiiyay nin soomaaliyeed oo kamid ahaa dadkii joogay markii soomaaliya xoriyada qaadatay, wuxuuna yiri, dadka soomaalidu ma ahayn dad ubisil ama hanan kara dawladnimo iyo Madax bannaani qabiilkaana kaloa waynaa qaranka.

Laakiin anigu mid waan kaga duwanahay, soomaalidu way hanan kareen dawladnimo laakiin dhibku wuxuu kayimid qoys kasta wuxuu islahaa haddii xorriyad lahelay hasha dhinacaaga ayaad kamaalaysaa oo gaajo iyo dhib dambe arki maysid ama cid kaaga haboon majirto madaxtinimada qabiilkaagaana u xaqleh madaxtinimada. Taas waxay sababtay in nin kasta oo xil haya uu qabiilkiisa si gaar ah unaas nuujiyo ilaa markii dambe qabiilba qabiil cuno. Waxaad arkaysaa manta in dadkii soomaaliyeed  in badan oo kamid ah ayasan garanayn dawladnimada iyo madax bannaanida qaran iska leeyahay. Qoys kastana wuxuu kudadaalaa siduu Ethiopia uraalli  galin lahaa ayna ujeclaan lahayd . waxaa layaab leh ayadoo Ethiopia gacanta kudhigtay dhulkii jamhuuriyada soomaaliya laga bilaabo garoonka diyaaradaha Hargaysa ilaa dakada way nee Muqdisho  in dad kudoodayaan in soomaaliya xortahay , waayaabe goormay wax fahmayaan ma waxay wax fahmayaan marka Ethiopia ku dhawaaqdo in Soomaaliya ay tahay gobol kamid ah Ethiopia.  

WQ CALI MUXA,ED DIINI  (CALI DHUUX) NAIROBI KENYA.
Email: calidhuux20@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2008
 

BAARID | SEARCH


"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo"
sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xigeenka DGPL. Akhri

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS