Suldaanka Maxamed Suldaan Muuse Xaaji Barre oo ah suldaanka beesha
Sheekhaaleed oo ka war bixiyey xaaladaha guud ee dalka uu marayo....
Suldaanka Maxamed Suldaan Muuse Xaaji Barre.
suldaanka aabihii suldaan muuse |
Suldaanka Maxamed Muuse xaaji barre luga loox ayaa aad ugu fogaaday ka
hadalka dhibaatooyinka ay ka midka myihiin lacaga jeexjeexan, iyo bannaan baxa
rabshadaha watey ee maanta ka dhacay gobolka banaadir, taasoo sida uu sheegay ka
dhalatey sicir bararka baaxadda weyn ee dadla soomaaliyeed taabatey, waxaa kaloo
wax laga qiiroodo uu ku tilmaamay dhibaatadda ya leedahay diidista lacagta
shilinka ah taasoo bilowgeeda ay isugu soo biyo shubatey hal waraaq, waxaana
diidmadda lacagtaas uu ku sheegay guuldarro u soo hoyatey,
Dhanka kale Suldaan luga loox ayaa ka hadlay xiligii loo caleemo saaray in u
noqdo suldaanka beesha shiiqaal iayda oo xaflad balaran oo ka dhacaday hotelka
naasa habood ee Magaalada Muqdisho ay beeshu isku racday suldanimadiisa buuxdo
waxaana qalinka ku duugay xubno ay ka midyihiin Ugaasyada, Salaadiinta isimada
wabarada, boqorada, Malaaqyada, nabadoonada Beelaha Hawiye iyo dhamaan Beelaha
soomaaliyeed, halkaas oo si weyn loogu caleemo Saaray Suldaanka oo Aabihii ahaa
Suldaan si weyn looga yaqaano guud ahaan Dalka Soomaaliuya laguna Xasuusto
kaalintii uu ka cayaaray shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay dalka Jabuuti
gaar ahaan tuulada Carte.
Suldaanka mar uu ka hadlayey taariikhdii uu ka tagay aabihii ayuu xusay Suldaan
Muuse Xaaji Bare (luga loox) oo aabihiisa in 1933-uu ku dhashay Degmada
Ceeldheer waxa uu dugsi quraanka ka dhigtay Miyiga magaalada Baladweyne 1960 kii
waxa uu ku biiray Ciidamada Boliska Soomaaliyeed 1978 wuxuu ka fariistay shaqada
booliska wuxuuna ku biiray marxuumka howlaha nabadeynta isla sanadkaas waxa uu
ka mid noqdey Ganacsatada iyo nabadoonada dalka Soomaaliyeed waxa uuna safaro ku
tagay wadamo ay ka mid yiihiin kuwa qalijka 1989 waxa ay Beesha shiiqaal uu ka
soo jeedo u dooratay inuu noqdo Suldaanka Beesha,islamarkaana wax ka dhisay
dowladii Carte, isgoo waliba ku guulaystay inuu halkaas ku dhameeyo qilafkii u
dhexeeyay beesha hawiye.
Muuse Maxamuud Jiisow
Musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
0025215576666
002525907666
Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2008
|