WADAADOOW WARANLE NOQO - Qore: YUUSUF XIDDIG
Ilaah baa mahad leh, nabadgelyo iyo naxariis Eebe korkiisa ha ahaato
Rasuulkeenii Suubanaa MUXAMMED(nnk).
Waxaan bulshada soomaaliyeed ee damiirkoodu nool yahay kana gubanaya dhibaatada
loo geysto dadkooda , uga tacsiyaynayaa gumaadkii aan geedka loogu soo gaban ee
loo geystay Culimmadda soomaaliyeed, runtii maalinkasta waa nala gumaadaa, balse
midaan waxay uga kulushahay kuwa kale waa ayadoo gumaadka lala beegsaday qaybtii
ugu muhiimsanayd ee bulshada, oo haddii ayaga la waayo uu Ilaah noo balan qaaday
halaaga, ahna calaamadaha lagu garto dhamaashada dunidan haddii ayaga la waayo,
ee walaalayaaloow samir iyo iimaan Alaha nagsa siiyo, ayana shahiidnimadoodii
Alaha waafajiyo. kuwii dhibka geystayna ha sugeen ciqaadta ay leedahay, oo Ilaah
ha u soo dedejiyo asaa aweedee, hana dhadhansiiyo midaa mid la mida..
Marka haddaan usoo dego dulucda qoraalkeygan aan ku bilaabay "Wadaadoow waranle
noqo" ahna in bulshada soomaaliyeed waligeed loo qaybin jiray labadaa qaybood
Wadaad iyo Waranle. Fikradaasoo u cuntami weyday waranleyaashii soomaaliyeed mid
ka mida, oo u arkay meel ka dhac rag loo geysanayo inay tahay, oo rag oo dhan uu
yahay waranle, qaadan karona waranka, ayaa markuu la kulmay wadaad iska
laafyoonaya duur cidla ah oo howda oo kitaabka uun uu garabka ugu jiro ku yiri
"war wadaad waa sidee mee warankaagii" Wadaadkiina uu ku jawaabay " anagu Ilaah
kaliya uun baan ka cabsanaa, oo cid kale kama cabsano" Waranlihiina ayan qancin
jawaabtaa yirina "Wadaadoow mas'aladaa iima cuntamin ee bal isu kaayo keena
adiga iyo inta kugu raacsan in Ilaah kaliya laga cabsado. maalin hebla iyo
geedkii harka weynaa ee hebel hoostiis" Wadaadkiina uu ku dhex dhacay wadaadadii
yirina "Maantuu warale ninkii ahaa ugu balaayo batee, oo uguna daran yahay
share, ina mariya aan mas'aladaa meel cad kaga soo harnee" Laysugu yimid geedkii
lagu balamay, oo wadaadadii ayagoo sugaya waranle, oo kutubtoodii mid mid u
daalacanaya, isa soo hor taag waranle oo caraysan gafuurkana cirka u taagaya, oo
laba nin oo seefo wata geesaha ka joogaan, qabta yiri, lala bood labo wadaad oo
dhinaca soo xigay, oo inta aqal hoori geeskaa kadhisan lala galay qacda iyo
caacdu is raacday, seefihiyoo dhiigu tista hayo soo noqde labadii nin, saa waa
hadana qabta, sidiiyoo kale lala bood laba wadaad oo dhinaca soo xigay, aqalkii
dhexdiisii qacda iyo caacdu is raacday, soona noqde seefihiiyoo dhiigu tista
hayo. saa waa qabta haddana, sefleydii haday yiraahdeen la booda labadii idin
soo xigtay, waaba wadaadadii haddii hal meesha uu ku haray, oo oodey jabiyeen
isna buurteen, balse waa qorshe uu watay waranle, ee gidi la soo qabay oo
geedkii hoostiisa lagu soo celi, afmugii furte "War hana laynina war hana
laynina" Waranlena ugu jawaab "Maxaan mas'alo ka hadalnaa idinkaaba cadaystay
inay jirto cabsi ka sokeysa midii Eebe.
ee maan kala saarno cabsida Ilaah ee asalka ah iyo cabsida caadiga ah ee aad
iska caabin kartid iskana celin kartid, ee anigu wadaado ma aanan laynin, waana
kuwan afartoodii, ee waa wanankaan idinku casuumayay dhiigoodii waxaad ka
dideene, ee maanta ka dib yaan arag wadaad duur cidlo ah iska laafyoonaya"
dhacdadaa caan ka noqotay ee dhex martay Wiil waal iyo Wadaadada. ayaanba
wadaad laga waayi jirin ul gacan qabsi ah iyo aableey uu ku waliimaysto oo
hilibka ku goosto.
Marka maanta waxaa dhacdadaa igu dhaliyay waa dhibaatada loo geysanayo
culimadeenii. oo aan u xiriirinayo iyagoo isaga tagay taladaa wanaagsanayd ee
waranlahaa soomaaliyeed, dowlad bur bur sanayd dhowr iyo toban sano, oo intaa
qori laysu isticmaalayay, haday wadaadadii gacmaha ka laabteen , oo isku
dhiibeen tuug iyo damiir laawe inay qoryaha u qaataan oo danyarta baac sadaan,
mar hore ayay u ahayd inay hubka qaataan oo dadka iyo dalka badbaadiyaan, ileyn
ayagaa ugu dhaw cabsida Ilaah qorigana xaqiisa marin lahaa, ahna dad sharfan oo
aan qoriga magac iyo maal ku dooneyn, noqona lahaayeen badbaadiyayaasha dadka
iyo dalka, mana u suurto gasheen dowdar damiirlaawe ahoo dabadhilifa iyo duul
xunoo uu wato inay masaajid iska galaan oo culimo ku gumaadaan, haday og yihiin
dad wax iska celinaya inay halkaa ku jiraan, naftay u baqan lahaayeen ileyn
geeri ma rabaan oo dib bay u guran lahaayeen, balse midaa waxaa ku dhiiro
galiyay faramarida ay halkaa ku ogaayeen.
Mida kale ee uu ka faa'ideystay cadawgeenu waa tafaraaruqa ku jira culimadda
soomaaliyeed, oo markii ay iyagu is raaci waayeen maalinba mid loo baacsanayaa.
Waxay ahayd markii xabashigu isku diyaarinayay inuu weerar ku qaado dalka, inaan
ka daawanayay taleefishan waraysi fikrada uu ka qabo safiir maraykanka u fadhiyi
jiray xabashi maxaakimta islaamiga uuna yiri "Maxaakimta islaamigu waxay u qayb
samaan laba qaybood, kuwa ugu badan oo ah 95% waa dad Suni shaafici suufi ah, 5%
waa dad Suni salafi wahaabi ah. Taasoo anigu aan is iri war nacasku ma haduu na
rabaa inuu na kala qobqobo, waxa uu ka hadlayo sow uun Suni ma aha, ma shiicaa
meesha ka jirta iyo dad kale, uuna yiri' 95% maxaakimtu waxba kama qabaan in
xabashiyi ay dalka gasho, oo uma arkaan cadaw, waana lala heshiin karaa. Balse
waxa aan heshiiska rabin oo aan xabashi arki karin waa 5% oo ah dad argagixiso
ah, kuwaana wadanka waa laga sifeyn karaa, maadaama ay saa u badnayn. Beryo
kadibna aan garowsaday ereyada ninkaa, ka dib markaan web site yada soomaalida
ka aqriyay dad isku riix riixaya, iskuna eedeynaya Islaax, Itixaad, Ansaar,
Alshabaab iwm, oo kuli saan anigu filayo ah 5%uu ninkaa tilmaamay. Marka saan
arko dadkeygii waa la darsay, lana ogaaday waxay yihiin...
Ee culimadda soomaaliyeedoow ogaada intaad tafaraaruqa ku jirtaan, oo aad idinku
is haysataan in laydinka faa'ideysanayo.
Xabashiguna uu u yimid inuu idinka idin gumaado ileyn waa ashahaado la dirire,
ashahaadadana idinkaa dadka bartaan, ee idinkoo ashadaado dadka baraya see
ashahaado lagu tirtiraa, in idinka laydin tirtiro maahee EE WADAADOOW MAAD
WARANLE NOQOTID oo wax iska celisid yaan si fudud laguu gowricine.
WAA WALAALKIIN
YUUSUF CABDI SAHAL
YUUSUF XIDDIG
yussuf_hiddig@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2008
|