Deeq lacageed oo la gaarsiiyey Bukaanka ku jira Isbitaalka
Dayniile
Farxaan Ciise" waxaa naga Go’an in aan dadkeena Kaalmeyno"
Halkan ka daawo sawirada Cisbitaalka Deyniile
Iyadoo maalinba maalinka ka dambeysa ay sii kordheyso dhibaatada Soomaaliya
ayaa waxaa isa soo taraya kaalmada ay soo diraan qurba joogta ku nool dalka
Dibadiisa kuwaas oo ay ugu talagaleen dadka dhibaatada ku haysa dalka waxaana
kaalmadii ugu dambeysey ka timid Gabdho soomaaliyeed oo ku dhaqan wadanka Norwey
gaar ahaan Magaalada Kristiansands waxayna deeqdaas ka koobneyd 15 Milyanoo
shilin Soomaali ah waxaan la gaarsiiyey Isbitaalka Dayniile oo ay ku jiraan dad
ku soo waxyeeloobey dagaalada joogtada noqdey ee ka socda Dalka gaar ahaan
Magaalada Muqdisho
Deeqdaan lacageed ayaa waxaa isbitaalka gaarsiiyey Laba xubnod oo ay soo
wakiisheen Gabdhaha reer Norwey oo kala ah Maxamed Jirdde iyo Barqad Cawaale
Aadan kuwaas oo bukaanka mid mid u gudoonsiiyey
Dadkii la gaarsiiyey Deeqdaas lacageed ayaa ka mahadceliyey waxayna Ilaah uga
baryeen intii soo dhiibtey in mid ka khayr badan ugu badelo sidoo kale
Masuuliyiinta Isbitaalka ayaa iyana ka mahadceliyey Deeqdas lacageed waxayna u
soo jeediyeen dadka soomaaliyed ee ku nool dibadaha in ay sii laba laabaan
kaalmad ay siiyaan walaalahooda maadaama lagu guda jiro xilli adag
Gabadhihii soo dhiibey ayaa waxay deeqdaas u wakiisheen in ay dalka gaarsiiso
Gabar kale oo ku nool dalka Norwey oo lagu magacaabo Farxaan Ciise Xuseen
waxayna sheegtey in ay deeqdaan ugu talagaleen dadka soomaaliyeed ee waxyeelada
ka soo gaartey dagaalada ka socda dalka , waxa kale oo ay sheegtey in aysan
ahayn deeqdii ugu horeysey oo ay dalka gaarsiiyan waxay dhawaan gabdhahan deeq
la mid midaan gaarsiiyeen dad indhoolayaal ah oo wax ka barta Dugsiga
Indhoolayaasha ee Al-Nuur waxa kale oo ay sheegtey in ay sii laba laabi doonaan
deeqaha noocan ah maadaama dalka ka jiraan Dagaalo Abaar iyo sicir barar
Waxaa kaloo munaasabadii gudoonsiinta Deeqdaas ka Hadley Maxamed Jirdde Cilmi
oo sheegy in deeqdaan ay u soo dhiibeen Gabdho soomaaliyeed oo ku nool dalka
Norwey gaar haan Magaalada Kristiansands waxa kale uu sheegey in deeqdaan aysan
ahayn Deeqdii ugu horeysey oo ay soo dhiibaan Gabdhahaas balse waxaa ka horeeyey
deeqo kale oo ay soo dhiibeen kuwaas oo ay ugu tala galeen Dadka ku dhibaateysan
dalka gaar ahaan Magaaalada Muqdisho
Dhinaca kale Isbitaalka Madiina ayaa iyana la gaarsiiyey Deeq lacageed oo ay
soo dhiibeeen Gabdhahaas kuwaas oo ay ugu talagaleen Dadka dhibaateysan ee ku
jira Isbitaalkaas
Halkan ka daawo sawirada Cisbitaalka Deyniile
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2008
Sawirro:
Sawirada Maalintii Saxaafada - Soomaaliya...
Qoraal: Akhri qoraalka Maalinta
Saxaafadda - Soomaaliya
|