SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maxamed Dheere: Axmed CabdiSalaan muqdisho marti ayuu ku yahay oo uma dhalan wuxuuna ka yimid meel kun kiilo mitir u jirta"

Gudomiyaha gobolka banadir Maxamed cumar xabeed "Dheere" ayaa ku gacan seyray hadalka ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Xigeenka Dowlada Somalia Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan oo sheegay in dowladu qorsheyneyso in ay bedesho maamulka gobolka banadir oo uu gudoomiyaha ka yahay maxamed dheere.

Gudoomiyaha gobolka banadir Maxamed Cumar xabeed (Maxamed Dheere ) ayaa si kulul uga jawaabay hadalka ka soo yeray raiisal wasaaraha xigaha dowlada fadaraalka KMG somaliyeed ahna wasiirka warfaafinta wuxuuna sheegay in arinta doorashooyinka iyo golaha deegaanka iyo maamul u samaynta gobolka banadir ay tahay arin ay horey u waday xukuumadii ee uu madaxda ka ahaa wasiirkii hore ee arimaha gudaha Maxamed Masxauud guuleed Gacmo Dheere wuxuuna ku tilmaamay in ay tahay arin ay soo dhaweynayaan sharciga dowlada KMG somaliya uu arintani dhigayo ayuu si kulul u yiri Maxamed Dheere

Gudoomiyaha gobolka banadir Maxamed Cumar Xabeed Maxamed Dheere ayaa sheegay in Axmed cabdisalaan xaaji adan uusan wax shaqo ah ku laheyn maamul u sameynta gobolka banadir wuxuuna ku eedeeyey raiisal wasaare ku xigeenka dowlada FKMG somaliya in wasaarada warfaafinta ee uu madaxda ka yahay aysan wax xafiis ah ku laheyn gobolka banadir Axmed cabdi salaana aanu gobolka banadir wax shaqo ah ku laheyn ,

Gudoomiyaha gobolka banadir Maxamed Cumar Xabeed Maxamed Dheere”talada uu ku yeelan doono gobolka banadir waxay noqon doontaa mida wasiirka daarood iyo digil iyo mirifle iyo midka beesha isaag ay ku leeyihiin in uunan ka sokeyn uuna ka yimid 1000 kun kilo mitir meel u jirto caasimada talada ma ugu jirtaa ? horta dalkuna fadaraal yahay ayuu isweydiiyey “

Intaa in aad sii gaarsiisiin ayaan jeclaan lahaa ayuu sii raciyey Maxmed Dheere oo hadalkiisa sii wato isaga oo si raciyey maamulka waa la dooranayaa shuruucdii doorashada ayaana socoto dalkuna waa fadaraal sharciga ayaa dhigaya waana soconaysaa somaliya nin walbo gobolkiisa in uu u taliyo isaga ayaa iska leh sidaa daraadeed Axmed cabdisalaan xaaji adan banadir yuusan ku noqnoqone in uu dhuusamareeb uu wax ka dhiso ayaa u fiicnaan laheyd

“Gobolka banadir meel fiican ayey maraysaa arintiisu axmed cabdisalaana mid qusayso maaha ee dhuusamareb ayaa qusayso ee maamul ha u so dhiso ka dibna dowlada ha u keeno ,

Duqa Magalada muqdisho sidoo kale waxaa wax laga weydiiyey hadii u soo dhaweynayo ama sida uu u arko in isaga maamulka laga bedelo isla markaana gobolka lo sameeyo maamul cusub oo uusan ka mid aheyn iyada oo dowlad aKMG somaliya ay bilihii ugu danbeysay ay waday arinmahaas maamulka wax loog abedelayo ,

“aniga hadii la I bedelo shiqa dowladeed waligeed ayaa la isbedeli jiray hadana gobol ayaa laiga so bedelay kan hadii la iga badalana mid kale ayaan tagi doonaa laakiin mid Axmed cabdi slaan ku xiran maaha arintasu “

“maamulaka gobolak banadir waa maamul shaqeeya oo miisaaniyad iyo sharci iyo wax walbo leh wxaana lag arabay axmed cabdislaan in uu xafiis yeesho oo u wasaradiisa u shaqeeyo oo habeeyo ayaa looga fadhiyaa ee gobolak banadir ha iska dhaafo shaqadiisa maahee “

Sidoo kale gudoomiyahay gobolaka banadir Maxmaed Cumar Xabeed ( Maxmaed Dheere ayaa ka hadlayey arimaha deegaan u sameynta gobolka banadir isaga oo sheegay in uu hubo in la dooran doono hadii uu isa soo sharaxo

MUUSEMAXAMUUD JIISOW

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2008

BAARID | SEARCH


"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo"
sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xigeenka DGPL. Akhri

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS