Waxqabadka Hay’ada Samafalka ADT sadexdii bilood ee ugu danbaysay
Sawirada halkan ka daawo.... Guji..
African Development Trust (ADT) waa hay’ad gargaar oo ka diwaan gashan cariga
Ingiriiska, hay’ada waxa la asaasay 2004, waxaana ay xooga saarta wax ka qabadka
musiibooyinka,abaaraha iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Hayadu waxa ay fulisaa mashaariic joogto ah oo ay ka faa’iidaystaan dadka
tabarta daran ee dagaalada sokeeye aafeeyeen,waxqabadkii ugu danbeeyay ee
Hay’ada waxa ay meelo kala duwan ka hir galisay mashaariic kala duwan
sida: xoolo dad cayroobay loo qaybiyay,beeraro dad tabaalaysan loo falay iyo
Mashaariic caafimaad,iyo kuwo dacwadeedba,hadaba warbixntooda oo kookooban
waasida tan soo socota:
mashruuca xoolo qaybin:
hayada ADT mar kasta waxay u taagan tahay wax u qabadka umadda soomaaliyaad
sidaa darteed ayaa markay ay dhibaatada baahsan ku dhacaday shacabka soomaaliya
gaar ahaan dadka xoolo dhaqatada ah - oo aysan waxba u qabanin hay,adaha
samafalka-waxay garatey in ay kala qayb qaadato sidii wax looga gaysan lahaa
dhibaatadaasi ku habsatey reer guuraaga.
hadaba ADT iyadoo ka duulaysa ulajeedooyinkii loo aasaasay ayaa waxay ka
fulisay gobolka sh/hoose mashruuc loogu magacdaray (qoyska tusaalaha ah).
ADT iyadoo u kuur galaysa hadba meelaha baahida ka jirto ayaa waxay ka
fulisay mashruuc xoolo qaybin ah oo ka kooban sac irmaan ah oo wato weeshiisa
yar gobolka sh/ hoose gaar ahaan baadiyaha qoryoolay madaama ay dadkii reer
guuraaga ahaa ay xoolilhii ka baaba,een bal in ay isku dayaan dadkaassi reer
guuraaga ah in ay dib u soo kabsadaan mar labaad.
hay,ada ADTwaxay gudoonsiisay ilaa iyo labo qays xoolo irmaan ah si ay
nolosha ula qabsadaan.
dabcan ADT waxay halkaasi ku soo aragtey dad aad u dhibaataysan ha ahaato xaga
caafimaadka ,dhaqaalaha intaba.
mashruuca Beera qodida
mashruucan labaad waxay ADT ay ka fulisay gobolka g/hoose waxaan dadka degan
meeshaasi ay u falaysay beeraha madaama uu soo dhawaa xiligii beeraha la
beeranaayey.
waxaa mashruucaan ka faa”idastey dad gaaraaya ilaa 75 qays oo loo falay
beerahooda.
Mashruuca Caafimaadka ( qaafilo dhibiyah)
dabcan caafimaadka waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu wayn ee uu qofka u
baahan yahay hadii uu waayana ay soo wajahayso dhibaatooyin waa wayn, sidaa
darteed ayaa ADT sidii looga bartey mar kasta in ay u gargaarto dadka
tabaalaysan ayaa waxay fulisay mashruucan caafimadeed waxayna ka fulisay
xirooyinka ka samaysaymay jidka u dhexeya magaalada muqdisho iyo afgooye.
waxa uu socday mashruucaan ilaa sadex maalmood oo maalin kasta la daawaynaayey
300 oo qoys,guud ahaanintii ay socotey howshaasi waxaa la daaweeyey dad gaaraaya
900 ruux.
dhaqaatiirka howsha fulinaayay waxay kala ahaayeen dhaqtarka ilmaha ,dadka
waawayn iyo haweenka .
Shirar wacyi galin ah diini iyo bulsho iskugu jira oo dadwaynaha dibada lagu
wacyi galinayay inay kaqayb qaataan gargaarkadadkoodatabaaleysan loo samaynaayo.
waxa intaas dheer in Hay’adu ku talaabsatay in ay u gudubto waxkaqabashada dadka
gobolada kale ku tabaalaysan,iyada oo dhawaan xafiis laga hirgaliyay Maamul
goboleedka Puntland dhawaana shaqadiisa uu bilaabi doono insh alah,sidoo kale
waxa qorshiheedu socdaa sidii mashaariic looga hirgalin lahaa Gobolada
Somaliland hadii ilaahay idmo.
Dhamaan walaalaha akhristayaashawaxana ugu baaqaynaain ay hay’adaku kaalmeeyaan
sidii ay shacabka Soomalaiyeedee taabalaysan wax qabadkiisa gacan uga gaysan
lahaayeen.
Sawirada halkan ka daawo.... Guji..
Hay’ada waxa aad kala xiriiri kartaa ama aad waxugu soo hagaajin kartaa Adreska:
African Development Trust (ADT)
Tel+ 44(0)207 9938 685
Mob:+ 44(0)79 8542 4058
E-mail:info@africandt.org
www.africandt.org
Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2008 |