Barlammaan keenna! Barlammaan
(Parliament) waa gole ama aqal awood sharci dajin leh oo dadwaynuhu soo
doorto, waxaa kale oo la yaqaan golaha shacabka (ummadda) ama golaha
shuurada. Qofka, barlammaan xubin ka ah waxaa loogu yeeraa; xildhibaan
(parliamentarian). Magacu wuxuu ka koobmaa laba eray oo kala ah xil iyo
dhibaan, haddaba xil waa: [1] xishood; sheex; sarriig. [2] wax ama hawl
la qabanayo, wixii ceeb ah, oo ka imaan kara hadii la hagrado ama lagu
gaboodfalo. [3] Ceebaal; fadeexo. Dhibaan oo ka soo jeeda, dhib oo ah:
arrin ama hawl adag; hawl aan qabashadeedu fududayn).
Qofka isaga oo intaa og xil dhabarka u rita oo si qumman uga soo
dhalaala ayaa ah, xildhibaan run ah. Xildhibaan nimadu ma aha, shaar
galtibbax loo xirto ama Yaambo maalintacab loo sito. Sidoo kale, ma aha
cirwayni dhinac kasta ah iyo hayeeshaale (yes man) in aad noqoto.
Barlammaan iyo nolol barlammaan ma aha tajriba soomaalida ku cusub.
Italian soomaaliland kolkii lagu wareejiyay maamulkii (AFIS) wuxuu
1956-dii dhisay barlammaakii ugu horreeyay oo ka kooban 70 Dubutaati
(Mudane) –magacyadii hore- soomaali tirdaa waxaa ka ahaa 63 inta kale
waxay ka soo jeedeen jaaliyadaha ajnabiga ah oo dalka ku noolaa, sida
Talyaani, Carab, Bakistaan iyo Hindi. Mudanayaasha qaar markay xilkaa
diideen waxaa lagu ogolaysiiyay; “duco iyo habaar mid dooro”. Sidoo
kale,1960-kii bishii febraayo, British soomaaliland, dawladdii Ingiriis
waxay ka dhistay Barlammaankii ansaxiyay waqooyiga iyo koofurta
soomaaliya in la isku daro, tiradiisu dhammayd 33 mudane, meelahaa.
Doorashadii xigtay waxay dhacday 1959-kii, wuxuuna ka koobnayd 121
kursi, kolkan Mudane nimadii –Dubutaati nimadii- waa la isla arkay oo,
rag ayaa guryo iibsada, baabuur N3-ah -kuwa xammuulka gabolada u
daabula- la soo dagay, xafiisyo Ganacsi furtay. Hotel Jubba iyo
Shabeelle waxay noqdeen goobo ay ku caweeyaan Mudanayaashu.
Barlammaankaa wuxuu ansaxiyay Dastuurkii 60-kii -dastuurkii wanllewayn
ku caanbaxday- wuxuu doortay Madaxwayne iyo dawlad u taliya dal xor ah
oo ururada caalamiga iyo kuwa goboleedka xubin ka ah, qawaaniinta dalka
lagu dhaqay badankood iyaga ayaa ansaxiyay.
Kuraasta Barlammaanka oo ahayd 123 kursi oo gobollaada iyo
dagmooyinka, loo qaybiyay, qabyaaladnna aan ka taganayn, ciddii buuxin
lahayd dorashadooda ayaa sannadkii 1964-tii la qaabtay, ifafaalo boob
iyo cod gadasho ayaa markan soo korodhay, Dubutaati nimadiina wax
qarqaraka la wada haysto ayay isu rogtay. Sidii tolka loogu kala dhawaa
oo loo kala lacag badanaa ayaa la isu khaarajiyay. Seejooyinkii
(xarumihii) doorasha boob ayaa ka dhacay qaarkood, raggii axsaabta
mucaaradka ah ka socday geedo salkood ayaa lagu qabbiray inta
sanaadiiqda la cabbaynayo. Sidaa waxaa horseeday xisbigii S.Y.L oo ahaa
xisbiga dawladda dhisay.
Doorashadii 1969-kii waa middii Kacankii 21 octobar dhalisay.
Xisbigii S.Y.L oo dadqaad u xuubsiibtay ayaa kuraastii barlammaanka oo
dhan 123 boobay. Cabdirasaaq Xaaji Xuseen oo kaliya ama nin iyo laba- si
fiican uma xusuusto- ayaa mucaarad iku haray. Waxaa soo baxay
hal-ku-dhag ah; “ama la idooray ama daaku iqaad”.Gogortankii doorashada
madaxwaynaha oo hawshiisa ugu badan ay ka dhacday “Baar Naaso Hoblood
Km4” wixii darteed Jeegag lacageed loo saxiixay nin nasiib leh oo hore
ka caddaystay mooyee ragga intiisa badan ma calfan.
Xukuumaddii Kacaanku, laba jeer ayay qabatay doorashada xubnaha
Golaha Shacabka. Golihii dhexe oo XHKS, isla markaana ah golihii
wasaaradaha iyo xubnno lagu kordhiyay oo magacaabid ku yimid, 171-tan
xildhibaan meelahaa ayaa Golaha Shacabku ama Golaha Sacabku, sida dadka
qaarki ku xanteen. Golaha Shacabku xukuumad shaqaysa ayuu qayb ka ahaa.
Tuulada Carta/Jabuuti sannadkii 2000-un waxaa lagu doortay Madaxwayne
iyo barlammaan tiradiisu dhantahay 245 xubin. Nasiib darro, iyada oo aan
dhinacyo kala duwan arrinta laga darsin ayaa madaxwaynihii, wasiirkii
koowaad iyo barlamaankii Muqdishow afka looga shubay. Mooryaan u
dhakatay ayaa sare ugu kacday oo waqti gaaban hareeraha kala soo
wareegtay. Dad iyo dal ay waxa taraan daaye, iyagii ayaa gacan ku gabbad
iyo reer (qabiil) isku leexin ka dhammaan waayay. Ilduufkaa waxaa wax
laga saaraa raggii mas’uulyidda soo qaaday qaarkood. Muddo gaaban
saddexdii awoodood oo kala duwanaa, waxaa laga dhigay tagoog muruqii
laga la baxay.
Magaalada Nayroobi xeradii Empagathi 2004-tii waxaa lagu dhoodhoobay
waxa barlammaanka loogu yeero oo ku ragaaday Baydhabo gobolka Bay.
Barlammaankan tiro ahaan waa kii ugu badnaa (275 xubin) oo shacabka
soomaaliyeed soo mara, tayo ahaanna waa kii ugu liitay oo arloda laga
dhiso. Qabqablle dagaal, oday dhaqameed, safiirka Itoobiya iyo safiirka
keenya ninkii ay ku tufaan oo qora ayaa xildhibaan noqday, marka laga
reebo dhowr ruux oo cadkooda la liqi kari waayay.
Haddaba, xubnaha barlammaanka midkiiba wuxuu fadhigiisa ku qaataa
1.200.00 oo dollar oo soomaaliya joogta. Cali iyo Caasho toona ma
masruufo oo carruutii iyo xaasakii ama waa qaxooti dibadaha ku nool ama
waxay joogaan gobollada kale oo dalka masruuf iyo marashi toona kama
sugaan xildhibaanka.
Qiimaha codku sicir joogto ah uma go’nna oo, waa sida Doollarka
Maraykanka mar waa hoos marra waa kor. Bal, soo qaado codkii kolsoonda
lagu siiyay dawladda Nuur-cadde; qiimuhu waa fiicnaa waxaase ka
siifiican mashruucii ay isaga hor yimaadaan madaxwaynaha iyo wasiirka
koowaad. Gorgortanku samada ayuu isku shareeraa oo, naadadu sare ayay u
kacdaa, kam yasiir iyo kam yaguul, dabadeed dhankii wax dheeraada ayaa
lagu baariyaa naadada. Laba canlayn lagama xishoodo waana fursad
dhaqaale badan lagu kasbo. Mashaariicda, sida qaanuunka saxaafadda,
qiimo saas ah ma laha, waa raashin ku sugid (antipasta), mana gooyaan
qayillaadda maalinkaa wax dhaafsan.
Ciriiri hoyga awgi ah, xildhibaanku wuxuu dagan yahay Hoteel, wuxuuna
saaranyahay miis cunno loogu kariyo oo dhawr qof ay ku shirkoobeen.
Maalin kasta miiska waxaa lagu bireeyaa neef ama laba neef oo ari ah.
Lacagta aan sare ku sheegay ama lacagtii ka soo gasha cod u gadmay; 2/3
waxay ku baxdaa jaad, dibnna waxay ugu laabataa Keenya oo ay fadhiyaan
haya’dihii laga soo shaxaaday.
Xildhibaan kasta wuxuu biil dayn ah ka saaranyahay mafrash haweeneey
xildhibaan ah u furan. Bishu 30 markay tahay mushaarka uu qaato, wuxuu
la dhex fariistaa mafrashka, halkaa ayuu ku kala qaybiyaa, haddii daalac
lagu yeesho, safar soo dhow ayuu ku ballamiyaa.
Xildhibaanka maalinkiisa shaqo wuxuu ka bilowdaa; hurdo dirqi looga
kacshay, indhaha biyo inta marmariyo ayuu bakhaarkii ADC-da isa
siitaagaa. Dhowr mir oo sigaar ah iyo kafee fara badan oo uu islee yahay
ku toos kolkuu isdabadhigo ayuu xoghaynta waydiiyaa; wax lacag ah ama
wax lacag gooya in ay soo dheceen?!. Wax-hel ama wax-waa, mid loogu
jawaababa, waa dhaqaajiyaa, intaan qorraxdu soo kululaan, miiskii
raashinka ayuu dul tagaa. Maraq kulul oo geedaysan, awlal suuf cad ah
iyo xeero bariis ah oo sabiib, qorfe, heyl iyo basal la kariyay la dul
saaray, deg-degg inta u mariyo ayuu isga oo findhicil ilkaha ku sita,
dharrag ba’an darteed neeftuuraya, iska xaadiriyaa mafrashkii heblaayo.
“Intaydi isugu soo kay xir’”; ayuu yiraahdaa isaga oo meel u cayiman
salka siidhigaya, sidiisaba wuxuu ka dakeeyaa midigta.
Durba waxaa soo gala wiil yar oo meheredda u tababaran aadnna u xoog
furan oo, isku sida; jaad shan ilaa lix marduuf ah oo haraaq cad ku
duuban, tarmuus shah ah, laba koob, mid biyo iyo mid shaaha, dambasqaad
iyo caag biyo ah. Jaadka inta uu haragada ka furfurayo wuxuu ku
ducaystaa;“maa saraqnaa, wamaa nahabnaa, walaa ishtaraynaahu bil
maalilqabiix, Ilaahoow waa quud Awliyee yuu na qoomin oo ah; (sooma
aannan xadin, sooma aannan boobin lacag meel xun ka soo jeedda kuma
aanan gadan, Ilaahoow waa quud Awliyee yuu na qoomin. Aamiin, Aamiin).
“Akram, waa laan boqor”; wuxuu ku tuuray xildhibaan hortiisa ka soo
jeeda oo Guddoomiye ka ah guddiga “Anshaxa Bulshada” oo barlammaanka.
Fadhi-ku-dirirkii halkaa uu ka bilaabo, wuxuu hakad galiyaa 2-da jeer
oo British Broadcasting Corporation soo gasho oo kaliya (salaad warkeeda
kuma jiro). Laba iyo tobanka habaynkii (00:00) waxaa bilowda
barnaamajkii nuska dambe iyo liilalaw-dii. Sacadahaa, hawlaha daca waa
kuwo shareecada islaamka meel ka dhac ku ah oo munkarra iyo fuxshi ku
salaysan, anshaxa bulshadana ka baxsan. Carruur yar-yar oo gaajo la
qooxmay (la gotay), rafaad iyo diif fara badanna dhafoorkooda ka muuqato
ayaa mafrashka lagu soo daayaa. Middi habaynkaa uu ku nasiibsaday, inta
gacanta ku soo dhago ayuu labadiisa bowdo dhex fariisiyaa:
“Xabiibiibii, laamo gaagaaban oo jilicsan afka iigu gur”, war iyo
waxtar halkaa ayuu ka bilaabaa!.
Adeer; “aabbe iyo hooyo halkee ku noolyihii?!”, ayuu waydiiyay isaga
oo fadhiga sallaxanaya.
“Adeer, labaduba waa dhinteen” ayay tiri iyada oo hoos eegaysa, illin
kululla indhaheeda yar-yar ka tiraysa.
“Maxay u dhinteen?!”, ayuu waydiiyay isaga oo aan wax danqasho ah u
muujin laamo cas-casna afka sii gashanaya.
“BM, BM, BM” aya israacisay iyada oo madaxa lulaysa codkuna sii
xirmayo.
“BM, saay ah, xabiibii?”, ayuu waydiiyay isaga oo xabad sigaar ah
afka u galinaya.
“Midka xabashidu soo ganto” inta tiri; ayay cantoobo jaad ah nacdiir
iyo ha kaa aamuso afka ugu galisay.
“Maxaad ku nooshahay?!” ayuu waydiiyay; isga oo jaadkii labada can u
qaybinaya, qaar afkiisa ka soo daatayna sacabbada ku celcelinaya.
“Barta aan aal, wixii aan ka helo”, labadiisa lugood oo ku
hareeraysan ayay u tilmaantay.
Tarmuuskii shaaha isaga oo laacaya ayuu yiri; “adeer, gabdho
quruxdaada oo kale leh ma kula dhasheen?.”.
Ficil iyo dhirif iyada oo muujinaysa ayay tiri; “wiilal amxaarta
bireeya ayaa iladhashay”.
Mar kale, waakan wiilkii mafrashka oo, dhowr marduuf oo uu doonaya in
uu khaarajiyo rogrogaya. “Yaroow sheen iyo suuldhabaale inta israacayay
ayuu yiri;“bal, saddexdaa sooduw, middan cesho, mise iskaddaa”.
“Ballo ku cuntay!, waa kii la yiri; ha la cuno!. Bal daya sida
laamihiisu u laalaab mayaan!, wallee, waa hubaa oo midkan beerta biddix
xigta ayaa laga soo guray”!
Bac wayn oo dhiniciisa tiil inta soo jiday oo is hordhiga ayuu
cajaladihii baaray, mid inta la soo booday oo lulay ayuu yartii inta ku
jeestay yiri; “canjalkan ma taqaan?, waa albumkii ugu dambeeyay oo
Lafoole, adeer, ku rid!”.
“Xabiibii jaadka ii dhil oo, inta cas oo jilicsan dhinac isugu leexi,
inta soo hartana ka dharag”, inta yiri; ayuu xuurtii oo neef-qabatoowday
soo jiitay qallacaadna ku taagay. Amminkaa ka dib; guux iyo reen wax
dhaafsa aaggaas kama soo bixin!.
Xildhibaanku, meermeerkaa (routine-kaa) wuxuu ku jiraa sannadka oo
idil, sida, rati macsaro shiida; wax ma arko, wax ma maqllo,, ma daalo,
ma shakiyo oo nolosha qaabkaa ku socota kama sheegto. Meherad intaa
dhaafsan Baydhabo uma fadhiyo. Xilkii dhibta badana, oo loo dhaarshay
wuxuu ku soo koobay; dhafar, fisqi iyo gorgortan (baayacaad). Barlammaan
keennu waa kaa, xildhibaanna waa kaa!. Runtii, kuwaas, waa u dhammatay.
Aadanuhu meel uu joogaba xoolaha oo ka liita in uu tilmaan (sifo) u
qaato ceeb uma yaqaan oo, waxaad maqashaa; hebel waa libaax libaax
dhalay, Good, Shinbir, heblaayo Qalanjo iyo axadku ballaranaa ma Maroodi
baa?. Sidaa darteed, la yaab ma ah haddaan idiin soo tabiyo sheeko, nin
oqoonyahan ah oo aan saaxiib ahaan jirray, aadnna u jecla in uu tilmaan
(sifo) lagu fahmo raaciyo, markuu arko dad doorsan. Farta inta ku fiiqo
ayuu oran jiray; “kuwaas ma u jeeddaan?!, waxay lee yihiin dhaqanka
Doorshaanka (xaarwalwaalka) oo kale”. Markii la yiraahdo, bal noo fasir
oo, maxaad ula jeedda?!, wuxuu oran jiray:
“Doorshaanku waa cayayaan ku nool wasakhda oo waxa udgoon neceb.
Wuxuu dheefsado wuxuu ugu xiisayn badan yahay wasakhda ka timaadda;
aadanaha ama xoolaha, sida; saxarada, saalada, digada iyo faantada ama
dhiriqda. Waxaas kolkuu helo, marka hore waa kuus-kuusaa, sida kubbadda
oo kale, markuu isu geeyo ayuu lugaha dambe oo ka dheer labada hore iyo
labada dhexe dib ugu dilin-dilleeyaa si uu godkiisi u gaysto. Inta
hawshaa dilindillaynta (riixidda) uu ku jiro, madaxa iyo qaarka hore
hoos iyo dhulka ayuu u laalaadiyaa oo, wixii uu walwaalayay xagga dambe
ayuu iska mariyaa (gadaal). Waxa uu riixayo, oo ah wax uu ka sii jeedo
meel ay ku abbaaranyihii iyo meel ay marayaan war uma hayo. Mar waxbaa
xanniba, marar badanna haadaan inta ka tuurro ayay kala lumaan. Baaris
hawl badan dabadeed, wuu soo helaa. Ha yeeshee, shilkii dhacay wax kuma
qaato oo, sidii iyo qaarka dambe ku riixid ayuu ku noqdaa. Silic iyo
kadeed isaga oo ka dhargay oo, faro maran ayuu gabbalku kolkuu sii
dhacayo godkiisi u galbadaa. Wasakhdii uu soo uruursaday mahayo,
rafaadnna waa kurorsaday!”.Wasakh quud in laga dhigto, hawlla qaabkaa
loo maareeyo ayaa ah; dhaqan Xaarwalwaal (Doorshaan).
Runtii, been idinku jalbeebin mayo, xin iyo cambaaraynna iga ma aha
oo, “Barlammaanka soomaaliyeed oo fadhigiisu yahay Baydhabo wuxuu
ansixiyay ama ka dooday mooshin la soo hordhigay”, kolkaan maqllo,
waxaan soo xusuustaa sheekadaa iyo saaxiibkay. Ragga iyo haweenka,
meeshaa fadhiya waxa ay qaayibeen (u bogeen) waxfoolxun oo jirku ka
jiriiricoodo, waliba sarriig waa la isdhaamaaye, waxaa ugu daran kuwa
gacan-taagga iyo hungurigooda isku xiray, inkaar bay qabaan.
Carrada wali rag iyo haween tilmaantaa aan mudnayn oo, xeel iyo awood
ay hagradeen aan lagu xaman oo ku xayiran Baydhabo, sababo kala duwan
awgood ayaa jira. Ikhyaartaa, ha ku lab dagaan halkoda iyaga oo jooga in
ay soomaali kolsooni buuxda ku dhex lee yihiin.
Ma illoobin karo, gacan salaameed in aan halkan uga diro
xildhibaannada dun wanaagga u dhashay, waddan jacaylkuna dhiiggooda ku
jiro oo, kolkay u soo urtay basar xumada la soo maagan yahay iyo dalkii
in cadaw-soo-jireen ah gacanta loo galinayo, gambiyay. Sidoo kale; “uf
yiri”, quursi iyo ihaano soo socota.
Ragga iyo haweenkaa tacabasho quursi leh waxay ka door bideen gaajo
xarrago leh, nolol gunnimo leh waxay ka soo dhawaysteen, geeri warsan
iyo magac ka haro. Raggaa iyo haweenkaa waa kuwa ku sifoobay
“Barlammaanka xorta ah” oo ku dhiirraday walaalahood; Midawga
Maxkamadaha Islaamiga, Qurbejoogta iyo Bulshada Rayidka ah oo intaba
dhabbaha halganku kulmiyo; in ay wada dhisaan: “Isbahaysiga
dib-u-xoraynta soomaaliya”.
Ruux walboow, waxaad ogaataa; Soomaali sida ay u indho-xuntahay in
aysan u Alle la’ayn, farajka Eebbana soo dhawyahay….
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan