SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SHACABKA AMERICA "LABBO DARAN MID DOORO?", DIMOQORAADIYADA AMERICA OO TIJAABO TAAARIKHI AH MARAYA.

Waa dalka aduunka ugu dimoqoraadiyadsan, ahna dalkii dimoworaadiyada eey ka dhalatay, ahna dalka u ololeeya nidaamka dimoqoraadiyada aduunka oo dhan, maanta waxa uu marayaa tijaabadii ugu weyneyd ee taariikhda soo marta oo eey tahay in dalka maraykanka eey ku muujiyaan illaa heerka eey u hogaansanyihiin dimoqoraadiyada eey daaciyiinta ka yihiin.

shacabka maraykanka ayaa waxaa hor yaala labbo dooq oo dacarta ka qaraar " MADAXWEYNIHII UGU HOREEYEY OO MADOW AH, AMA HAWEENEY AH", labbadaasi dooq ee horyaala shacabka america dabcan waxay la meel dhacayaan sida eey iminku xaaladu tahay, galinkii dambe ee Sabtida waxaa xubnaha xisbiga Democratic-ka eey u dareerayaan kala doorashada labbadaasi dooq, musharaxiinta kala Brack Obama (ninkii ugu horeeyey ee madow american ah), Hellarry Clinton (haweendii ugu horeysay ee xilkaasi isu sharaxda), iyo John edward oo gudoomiye gbol ahaan jirey. doorashadani waa tii ugu dambeysay ee isreereebka xisbiga dhexdiisa ah ka hor inta 2 Febroury illaa 20 gobol eeysan si rasmi ah ukala saarin cidda bisha Novembar xisbiga isu soo taagi doona.

Sida la filayo doorashadani oo lagu wado inuu ku guuleysto Brack Obama, maadaamaa dadka diiwaan gashayan kala bar ka badan eey yihiin dad madow ah, ayay tahay in Barack uu ku guuleysto haddii kale eey tahay in uu tartanka ka haro, waayo Helarry Clinton ayaa horey oga guuleysatay Hampshire iyo Nevada. sida eey sheegeyso saadaal lasoo saarey 39% ayuu horeeyaa Brack halka Helarry eey heysato 30%.

Brack Obama waxa uu rabaa inuu noqdo ninkii ugu horeeyey oo madow ah, tan iyo inyii uu tartanka galayna brack oo muujiyey awood siyaasadeed, arrinta midabka iyo jinsiyada waxa eey noqotey arrin xasaasiyad miiran ah oo doodo culculus dhaliyay, haddii uu guuleystana waxa eey noqoneysaa arrin taarikhi ah, oo laakiin dadka dajiya siyaasadaha amerika eey hubanti tahay arrin eeysan marnaba la dhacsanayn, in aragtidaasi eey shacabka la qabaan waxaa kala saari doona sida eey codka u ridaan, sidoo kale arrinta ku saabsan in haweeney eey america madaxweyne ka noqoto ma ahan arrin xasaasiyadeedu eey yartahay, walow dadka siyaasadaha america dajiya eey aduunka inbadan oo ka mid ah u sheegaan in haweenka eey xilkasta qaban karaan, haddana waxaa cad marka dib loo raaco taariikhda america in eeysan la dhacsanayn haweeney xilkaasi ka qabada dal sidaaa u baaxadweyn dhan kasta cadow baddana leh. arrintuse waxay ka laadlaadaa kaffada dadweynaha iyo sida eey codkooda u dhiibtaan iyo ciida eey u codeeyaan, waxaase xusid mudan in aduunka oo dhami uu indhaha ku hayo waxa america ka dhacaya, waxaana ka mid ah wadamada daqdiya daacadnimada america ee dimoqoraadiyada oo iyagu la filayo in eeysan codkooda la daahin marka laga hadlayo haddi waxis badalaan.

C/nasir axmed sh. (saxansoxo), Tell: +27767059384. somalitalk. Email: southafrica@somalitalk.com.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com