SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xukuumadda Nuur-Cadde: Xiisow Xamar Nagee!!!.

Laga soo billaabo markii loo magacaabay xilka Ra'isul wasaarenima dhammaadkii sanadkii tagay oo ku beegan 22/11/2007-dii, wuxuu ku howlanaa Ra'usul wasaare Nuur-cadde soo xulidda, suul dhabaalinta iyo kala shaandhaynta magacyada uu u dhiibayo jagooyinka, xulisashadaan waxay qaadatay xilli aan yarayn, Nuur-cadde wuxuu ku hundhuro waraaqyada ay ku qoran yihiin magacyada lala doonayo xilalka, ugu dambaybtii wuxuu soo saaray 10/12/2007 xubno gaaraya ilaa 73, qacdii hore waxay seeftu la tagtay dad badan oo shaashadda iska waayey, haba ugu badnaadeen taageerayaashii Ra'isul wasaarihii hore ee Cali Maxamed Geeddi, isla habeenimadii ay soo baxday magacyada wasiirada waxaa iska huguntay Magaalada Baydhaba, waxaa gees-ka-gees isla dhawaaqay dadyowgii iska waayey shaashadda iyo kuwo saluugsanaa saamiga la siiyey, dhanka kale wuxuu Nuur-cadde in badan ku celceliyey inuu ku qanacsan yahay habka uu wax u soo xulay iyo jaangoynta xilalka.

Balse ka dib markii uu ka qayb galay kulan madaxeedkii Afrika iyo Yurub ee ka dhacay Magaali madaxda Dalka portugues ee Lisbon iyo booqasho uu ku tagay Dalka Ingiriiska kulanna uu la qaatay Bukaanka Jiif C/laahi Yuusuf oo markaas ku Xanuunsanaa Isbitaal walina ku jira!, waxaa is bedel aan la filayn dhacay markuu ku soo laabtay gudaha Dalka gaar ahaan xarunta Dawladda ee Baydhaba ee uu ku dawaaqay inuu kala diray Xukuumaddii uu soo dhisay 05/01/2008-ka, uuna ballan qaaday inuu soo magacaabayo Xukuumad tiro yar tabarna leh!, tashiyo badan ka dib Nuur-cadde wuxuu soo magacaabay Xukuumad ka kooban 18 wasiir taariikhdu markay ahayd 16/01/2008-ka.

Wasiiradaan oo la is dhihi karo waxaa laga fogeeyey wajiyadii soo daashaday Soonmaaliya marka laga reebo dhowr ka mida oo qayb ka ahaa Xukuumado dhowr ah oo soo maray Dalka, sidoo kale waxaa caynka loo jiray birtana loogu dhuftay Qabqablayaashii iyo Qawaaradii Qaribay Dad iyo Duunyaba, iyadoon gabi ahaanba laga qadin xilalka Xukumaddaan cusub, arintaan oo liddi ku ah qaab dhismeedkii Xukuumadihii Cali Maxamed Geeddi oo idaylkood tin iyo cirib ahaayeen Xukuumado Qabqablayaal.

Dhismaha Xukuumaddan cusub sidoo kale waxaa la fal galay war saxaafadeedyo ay soo saareen qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo ku dooday in laga qadiyey ama lagu yareeyey Saamigii ay ka leheed Xukuumaddii hore ama ay ka heshay Xukuumadihii kala duwanaa ee uu soo dhisay ama uu isku dhaandheeyey: Cali Maxamed Geeddi, sidoo kale waxaa warar ka soo saaray qaar ka mid ah Qawaarada iska waayey Xilalka Xukuumadda, balse markaan waxaad moodda in Nuur-cadde uusan dheg jalaq usiin hadaladaa dhan kasta haka soo baxeene, lana hor dhigay Xukuumadda Golaha Baarlamaanka iyadoo la siiyey Kalsoonidii lana dhaarshaay.

Nuur-caddde wuxuu Baydhabo dhex muturo ama dhex yuuraro wuxuu u socdaalay 20/01/2008-ka Magaalada Muqdisha(Unugga Dhibka Soomaaliya) isagoo ay wehliyaan qaar ka mida wasiirada Xukuumaddiisa, waxayna ka degeenka garoonka Magaalada Muqdisha, booqashadaan oo haray loo sii qorsheeyey ayaan haddana la shaacin ujeedkeeda dhabta ah iyo waxa ka dambeeya, balse waa booqashadii ugu horaysya ee uu Nuur-cadde ku tago Magaalada Muqdisha tan markii loo magacabay xilka Ra'isul wasaarenimada.

Nuur-cadde wuxuu meeroo muruurufaba maanta wuxuu dhex jooga Magaalada Muqdisho, oo run ahaantii isu rogtay Magaalo Hummaag ka gadaal markii ay ka qexeen kala bar Shacabkii ku noola ama deganaa!, isla maalintii uu gaaray Nuur-cadde waxaa hoyga Villa Soomaaliya lagu garaacay Hoobiya yaal gaaraya ilaa 10 madfac, taas oo u noqotay soo dhawayntii ugu horraysay iyo farriin ku saabsan xaalka dhabta ah ee Magaalada ka jira, balse waxaa is waydiin mudan Nuur-cadde sidii Cali Maxamed Geeddi ma lala beegsan doonaa weeraro la isku dayayo in lagu qaarijiyo?!, sidoo kale waxay ku soo beegantay Booqashada Nuur-cadde ee Muqdisha xilli ay Xabashida laba maalin ka hor ku dileen ku dhawaad 60-dan qof boqol kalana ku dhaawacmeen!.

Tagitaanka Nuur-cadde ee Xamar ma Xiisaa? Mise qorshe Nabadeed ayuu Xambaarsan yahay? Waxaa hubaal ah Xamar inuusan xarun Tamashle iyo hawa gaddis loo aado, Xamar wuxuu xilligan u Xumaaday Xabadda Xabashida iyo Xagjirnimada aan Xigmadda lahayn ee Wadaadada, Nuur-cadde wuxuu marti u yahay General Gabre oo ah Guddoomoyaha Gobalka Banaadir ee dhabta ah, Gabrana warkiis waa cad yahay marka la soo gaabshana waa: Xamar Shacabka ku haray halla Xasuuqo!!, Gabre wuxuu rabaa:

  • ü Barakicin dheeraad ah!
  • ü Boob Dheeraad ah!
  • ü Bililiqo Dheeraad ah!
  • ü Bam garayn Dheeraad ah!
  • ü Baabi'in Dheeraad ah!
  • ü Baylihin Dheeraad ah!
  • ü Xasuuq dheeraad ah!
  • ü Xabadayn Dheeraad ah
  • ü Xirxird Dheeraad ah!
  • ü Xasarado Dheeraad ah!
  • ü Xaalufin Dheeraad ah!

Waan arki doonnaa waxa ay kala helaan Nuur-cadde iyo Gen: Gabre?!, markaan aan soo gudbiyo Maanso Deel Qaaf ah, ama Qalin-Ku-Qorka Qaraaga, oo ku saabsan Gabra waana tan Maansadii:

  • Gardarraan arakaa
  • Galac baan ka siin
  • Gabroo taliya
  • Gawaari Militari iyo,
  • Gaashaan qaad iyo,
  • Guutooyin wata
  • Garwadeen ahoo
  • Gudduunkiisu fulo
  • Gobalada Dalkana
  • Galid iyo bixidba
  • Gaar ka hayee
  • Gamuunada mariidka leh
  • Gantaalaga Riddida dhexe
  • Garba siman ridkoodii
  • Geeri badan timaaddee!
  • Gacaloy Soomaaliyeey
  • Gunnimdaan xumee
  • Guntigeen ku xiranee
  • Garka noo suraneee
  • Gafkaan yaa leheey?
  • Goormaan baannaabkiyo
  • Gego hufan helaynnaa?!

Maano Deel Qaaf ah, ama Qalin-Ku-Qorka Qoraaga.

Nuur-cadde Xamar wuxuu yahay wuu u joogaa loogana sheekayn maayo, balse ujeedka uu Xamar u tagay waxay ka soo caddaan doontaa Dadka uu la kulmo, Goobaha uu booqdo iyo Hadallada uu ku hadlo iyo dareenka uu kala soo laabto!.

Nuur-cadde inta uu Xamar joogo wuxuu u dhexeyn doonaa: Amar ku taaglaynta Xabashida iyo fulinta Ujeedooyinkooda gurracn, Beegsiga Wadaadada xagjirka ah sida weerarkii lagu qaaday Villa Soomaaliya oo ah hoygiisa oo degan yahay, iyo Maatada Marasta ku tabaalaysan gudaha xamar iyo Xamardayaba, dhaawacyada yaalla Isbitaalada Madiina, kaydsanay, laasareeti iyo kuwa gaarka loo leeyahay, Dadka barakacay ee ku dacdaraysan daafaha Magaalada Muqdisha!.

Bashiir M. Xersi.

Brdiraac@hotmail.com .

Tripoli-Libya,

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com