SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qaar Ka Tirsan Xarumihii Ay Ciidamada Ethiopia Fadhiyeen Oo Qaarkood Ay Ka Guureen Iyo Wadooyin Xirnaa Oo Furmay.

Jan 30, 2008: Xalay Saqdii dhex ayaa waxaa bilaamay ka guuritaanka ay ciidamada Ethiopia baneeyeen meelo kamid ah xarumihii ay fariisinka ku lahaayeen ee magaalada muqdisho kuwaasoo aan la ogayn halka iyo meesha salka dhigteen waloow wararka qaar sheegayaan inay banaanka magaalada uga bexeen.

Xaruntii hore ee wasaarada gaashaandhiga ,Barxada Tirabuunka ,Isbitaalka Digfeer,iyo agagaarka jaamacadaha ayay baneeyeen ciidamada ethiopia kuwaasoo ka Rartay Baabuurta dababaadka iyo qalabkii ciidanka ee halkasi u yaalay islamrkaana lagu arkayey baabuurta dagaalka ee ciidamada Ethiopia oo halkaasi kolonyo ahaan uga baxaya islamrkaana ay gelbinayaan baabuurta yar yar ee saraakiisha ay wataan

Qaar ka tirsan dadka ka ag dhowaa deegaanadasi ayaa waxay saxaafada u xaqiijiyeen inay xalay ilaa saaka waaberigii arkayeen ka sokow baabuurta dagaalka ee ciidamada ,baabuur yar yar oo halkaasi ka daad guraynaya qalabka ay kamid yihiin joodariyada ,iyo qalab kale oo ay ciidamada Ethiopia kala bexeen Guryaha laga qaxay ee deegaanada ay xarumaha ka dhigteen.

Dhinaca kale waxaa saaka dib u bilowday isu socodka gaadiidka wadooyinkii xirnaa ee wadada jidka sodonka ,wadada ,wadnaha iyo meelo kale oo saaka ay isticmaalayaan gaadiidka sida gaarka loo leeyahay iyo weliba kuwa dadweynaha .

Dadweynaha magaalada muqdisho ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka ay kamid yihiin wadada Tirabuunka ,,jidka sidonka iyo meelo kale kuwaasoo ay weji yadooda farxadi ka muuqatay islamrkaana ku faraxsan Guuritaanka ay ciidamada ethiopia baneeyeen gudaha magaalada muqdisho waloow aan la ogayn halka ay u diga rogteen.

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa kusoo Beegmaysa xili uu Raysal wasaaraha dowlada KMG ah Nuur Cade uu dadaalo ugu jiray sidii uu u yarayn lahaa colaada ka oogan magaalada muqdisho islamrkaana ay Odayaasha dhaqanka beesha hawiye ,bulshada rayidka ah iyo waxgaradkuba ka codsadeen in ciidamada Ethiopia ay ka baxaan caasimada muqdisho.

Dibad Baxyo Lagu Taageerayo Ka Bixitaanka Ay Ciidamada Ethiopia Faaruqiyeen Meelo Kamid ah Fariisimadodii Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Dibad Baxyadan oo lagu Muujinayo sida loogu faraxsan yahay inay ciidamada Ethiopia ka baxaan dalka soomaaliya ayaa ka dhaca y meelo kala duwan oo magaalada muqdisho iyo weliba duleedka caasimada ee wadad dheer ee isku xidhta Afgooye iyo muqdisho oo ay Daadsan yihiin dadkii ka barakacay dagaalada magaalada muqdisho.

Farxadan keentay isu soo baxa ayaa waxaa ka qayb galay Kumanaan dad ah oo isugu jira wax garadka ,aqoonyahanada ,culumo udiinka ,Haweenka Iyo Caruurta Oo aan ka maqnayn kuwaasoo muujinayey sida ay ugu faraxsan yihiin inay ciidamada Ethiopia iskaga baxaan dalka soomaaliya islamrkaana ay ku dhawaqayaan halku dhegyo ka dhan ah xukuumada Ethiopia.

Sidoo kale Isu soo baxan ayaa ka dhacay deegaanada degmada Hodan , Wadada Sodonka ,Deegaanka Ceelasha Biyaha ,Lafoole ,dayniile iyo meelo kale oo kamid ah Caasimada iyo Nawaaxigeeda .

Dadkan banaanbaxayey ayaa watey Astaanta Calanka Soomaaliya Ee Buluuga Xidigta dhexda ku leh Kuwasoo ku dhawaaqayey Hanaga Baxdo Ethiopia ,Doonimayno cadowga Ethiopia iyo Erayo kale oo Lidi Ku ah Xukuumada ethiopia iyo Ciidamadeeda jooga dalka soomaaliya .

Majiraan Ilaa iyo Iminka Cid ka Hadashay Oo Masuuliyiinta Xukuumada FKMG ah xaalada isbedelka leh ee Saaka ay ku waaberiisatay Caasimada Muqdisho.

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Ma Dhabaa Inay Caqabado Kaga Imaanaya Raysal-wasaare Nuur Cadde Dhinaca Ciidamada Ethiopia Ee Ku Sugan Caasimada .

Raysal wasaaraha dowlada KMG ah Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde ) ayaa dhowaanahanba ku mashquulsanaa sidii uu Hanaan Dib u Heshiisiineed uga abuuri lahaa magaalada caasimada ah ee muqdisho oo ay ka jiraan dhibaatooyin dagaal oo daba dheeraaday.

Col,Nuur Cadde ayaa shirar Hoosaadyo la yeeshay Odayaasha dhaqanka beesha hawiye ,waxgaradka iyo aqoonyahanada kuwaasoo uu dhamaantood ka codsaday inay la xoojiiyaan nabada gobolka si loo helo Nabad islamrkaana loogu talaabsado Horumar.

Raysal wasaare Nuur Cadde ayaa sidoo kale saraakiisha Ciidanka ee dowlada KMG ah ku amray inaysan Qaadin Howlgalo Abuuri kara saan saan colaadeed islamarkaana keeni kara isku dhac ku yimaada iyaga iyo kooxaha kasoo Horjeeda si loo yareeyo colaada ka oogan casimada Muqdisho.

Dhinaca kale Tan iyo Intii laga soo daayey xabsiga Odayaasha Dhaqanka beesha hawiye Ayaa Waxaa Isa soo Tarayey Duqaynta xoogan ee ay Ciidamada Ethiopia ku Hayaan Caasimada Muqdisho iyadoo hab yaraatee aysan Jirin wax Dagaal ah ,iyo Weliba dilka dadka rayidka ah oo sida ula kac ah ay u dilayaan ciidamadaasi kuwaasoo maanta ku diley Labo qof oo rayid ah deegaanka xaruntii hore ee ciidanka asluubta soomaaliyeed ee Ex-cantarool afgooye iyadoo ay Baabuur Nooca dadweynaha ah kala soo degeen islamrkaana madaxa kala beegsadeen Rasaas.

Labada Nin Ee la diley ayaa la sheegay ay ciidamada Ethiopianka ee ku sugan xaruntii hore ee ciidanka asluubta ay saarnaayeen baabuur nooca gaadiidka dadweynaha ah islamrkaana uu ku halaabay gaarigaasi meel kamida agagaarka xaruntaasi ee wadada isku xirta magaalada muqdisho iyo afgooye kuwasoo ay kula keceen dil fool xun islamrkaana ay dadkii kale ee saarnaa baabuurkaasina ay howdka ugu kala Eryeen rasaas.

Ilo wareedyo Lagu kalsoonaan karo ayaa Saxaafada u xaqiijiyey in sarkaalka ugu sareeya ciidanka Ethiopia ee magaalada muqdisho uu diiday inuu la kulmo raysal wasaaraha dowlada KMG ah Taasoo lagu macneeyey inuu ka xun yahay nabadaynta uu ku talaabsaday raysal wasaare Nuur Cadde.

Dagaalo Goos Goos ah Oo Ka Dhacay Meelo Kamid Ah Caasimada Muqdisho.

Tacshiirado ay is weydaarsanayaan ciidamada dowlada KMG ah iyo kooxaha kasoo horjeeda ayaa saaka barqanimadii ka dhacay isgoyska Kaas bobolaare ee degmada Hodan kuwaasoo gaystay Khasare nafeed oo dhimasho iyo dhaawacba gaystay .

Dagaalkan oo laysu adeegsaday Hubka darean dooriga u dhaca iyo kan cul culusba ayaa waxaa ku geeriyooday sida ay saxaafada u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahi 2-qofood oo mid kamid ahi yahay Askari ka tirsan dowlada halka qofka kalena lagu sheegay nin rayid ah ,dhawaca ayaa lagu sheegay inuu yahay 3-qofood .

Dhinaca kale dagaal socdey ku dhowaad nusa saac ayaa ka dhacay deegaanka suuqa xoolaha dafgaalkaas oo u dhexeeyey ciidamada Ethiopia iyo kooxaha kasoo horjeeda ,halkaasoo dadka badankiisu iskaga qaxeen marka laga reebo waxoogaa dad ah oo iyagu ilaashanaya hantidooda maguuraanka ah .

Si kastaba ha ahaatee dagaalada u dhexeeya kooxaha kasoo hor jeeda dowlada iyo ciidamada ethiopianka iyo ciidamada isku dhafka ah ee dowlada iyo Ethiopia ayaa noqday kuwo joogta ah oo dhaca maalin iyo Habeen kasta kuwaasoo Gaysta Khasaaraha labada dhinac ee dagaalamaya iyo weliba midka dadka Rayidka ah.

Dagaal Xoogan Oo Ka Qarxay Agagaarka Magaalada Beledweyne Ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalo kafool kafool ah ayaa saaka barqanimadii ka qarxay deegaanka Xajuub ee gobolka Hiiraan dagaaladan oo u dhexeeya kooxaha kasoo horjeeda siyaasada dowlada KMG ah iyo weliba Joogitaanka ciidamada ethiopia dalka soomaaliya iyo ciidamada dowlada FKMG ee ku sugan gobolka Hiiraan .

Dagaalka oo ka bilowday weerar ay soo qaadeen kooxo hubaysan oo ay adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan ay kusoo qaadeen fariisin ay ciidamada dowlada FKMG ah ay ku leeyihiin deegaanka xajuub oo dhowr iyo toban Km kaga beegan galbeedka magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Sida ay dad goob joogayaal ahi u xaqiijiyeen shabakada afnugaal oo khadka tetefonka aanu kula xariirnay ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia oo ku sugnaa deegaanka Kala Beydh kuna hubeysnaa illaa 12-tikniko ah oo gawaarida dagaalka ah ayaa ka gudbay halka loo yaqaano Janta Kun disho, iyagoo ku sii jeeda goobta uu dagaalku ka socdo oo ah halka loo yaqaano tuulada Xajuub, waxaana markii ay ciidamada Ethiopianku gudbeen laga maqlayey goobtaas hubka cul culus oo si weyn u diryamaya halkaasi.

Macada khasaarha ka dhashay dagaalkaasi oo ahaa mid aad u culus taasoo aan la ogayn halka uu ku biyo shubtay dagaalkaasi oo la sheegay inuu u dhexeeyey kooxaha diidan joogitaanka ciidamada shisheeye iyo weliba siyasada dowlada iyo ciidamada Huwanta ah ee ethiopia iyo kuwa dowlada KMG ah.

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com


Gudoomiyaha Xisbiga S.Y.U.P Mr.Maxamed Deeq oo Wadanka Turkiga kula Kulmay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Wadanka Turkiga.

Dhawaan ayaa Waxaa ka dhacay Gobolka KONYA ee ku Yala Bartamaha wadanka Turkiga Kulan Dhex Maray Mas.uulyiin ka socotay Soomaalida iyo Xubin ka tirsan Baarlamaanka Wadanka Turkiga.

Gudoomiyaha Xisbiga Mideeynta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Marka Magaciisa La soo Gaabiyo loo Yaqaano S.Y.U.P Md: Maxamed Abuukar Sh/Xassan (M.Deeq) iyo Wafti uu hogaaminayo oo Baryahaanbo Booqash ku Joogay Wadanka Turkiga ayaa Waxaa uu Gobolka KONYA ee ku Yala Bartamaha Wadanka Turkiga kula kulamy Xidhibaan Orhan Erdem oo ah Xildhibaan laga soo Doorto Gobolkaas isla Markaana ka Mid ah Xildhibaanada ka tirsan Xisbiga Talada wadanka Turkiga Haya ee Marka Magaciisa la soo Gaabiyo loo Yaqaano AK Barty.

Kulankaan oo ka Dhacay Xaruunta Xisbiga AK Bartay ee Gobolka KONYA ayaa Labada Mas.uul waxaa ay isla soo Qaadeen Qodobo ay ka mid tahay Xaaladda uu Wadanka Soomaaliya Ýminka ku suganyahay iyo sidii Dawladda Turkiga ay Kaalin Balaaran ay uga Qaadan Lahayd dib u soo nooleynta Qarankii soomaaliyeed ee Bur buray.

Xidhibaan Orhan Erdem ayaa u sheegay Mas.uuliyiintii Soomaalida ee uu Qaabilay in dawladooda ay mar waliba ka go.antahay Garab is taagidda Shacabka Soomaaliyeed waxaana uu sheegay in ay ku garab is taagayaan Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya sidii ay wax uga Qaban lahayd dib u dhiska Wadanka Bur Buray isagoo sheegay mudadii ay Soomaaliya ku jirtay Dagaalada Sokeeyay in Dawladooda ay ku dadaaleysay garab is taagidda Shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa ku wax yeeloobay dagaalada Sokeeyay isagoo sheegay in dadaalkaas la sii laba jibaarii doono dhawaan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Xisbiga Mideynta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee S.Y.U.P Md: Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq) ayaa isagana kulankaas ka sheegay in Dawladda Turkiga ay ka mid tahay Wadamada ugu Waa weyn Caalamka islaamka sidaasi daraadeedna loo baahanyahay Mar Waliba in ay garab joogsadaan Shacbka Soomaalida oo Haatan aad moodo in uu ka soo Kabsanayo Dagaaladii Sokeeyey ee uu Mudada ku dhxe jiray.wuxuuna Xildhibaanka u gudbiyay War bixin dheer oo Xisbigooda ka soo diyaariyay Xaaladda Soomaaliya Gaar ahaan Dhalinyarada wuxuuna Maxamed Deeq u sheegay xildhibaanka in Haatan Wadanka uu ka jiro is badel ayna dawladad Federaalka KMG ee Soomaaliya ahna ay Dadaalo ka wado dhanka Dib u hishiisiinta haatana ay Meel wanaagsan u Marayaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Mideynta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee S.Y.U.P Md:Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq) ayaa Xidhiban Orhan Erdrm waxaa uu kala Hadlay Sidii Dawladad Turkiga ay wax uga Qaban lahayd Qaxootiga Soomaalida ee Jooga Gudaha Wadanka Turkiga iyo sidii wax looga Qaban lahaa Soomaalida Faraha Badan ee ka Tahriiba Wadanka Turkiga iyaga oo beegsanaya wadanka Gariiga kuwaas oo ay soo wajahaan Dhibaatooyin iskugu jira Dhimasho iyo Xarig.waxaana uu Orhan Erdem balan qaaday in Soomaalida ku nool Wadanka Turkiga ay Dawladiisu wax ka Qabaneyso sidii loo wanaajin lahaay Xaaladahooda ayna Dawladad Turkiga awood u leedahay arinkaas.

Wadanka Turkiga ayaa hatan Waxaa ku nool ku dhawaad laba kun oo qofood oo Qaxooti Soomaali ah oo Badankood wadankaas galay dhawrkii sano ee la soo dhaafay iyaga oo damacsan in ay uga sii gudbaan Wadamada kale ee ku Yala Qaaradda Yurub .

Kulankaasna waxaa uu ku dhamaaday Jawi is af garad leh iyadoo labada dhinacna ay isku waafaqeen dhamaan waxyaabahii ay ka wada Hadleen.

Gudoomiyaha Xisbiga Mideynta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee S.Y.U.P Md:Maxamed Abuukar Sh/xasan (M.Deeq) ayaa isagu iyo wafti uu hogaaminayo waxaa ay intii muddo ahaydba ku sugnaayeen Wadanka Turkiga iyagoo u yimid sidii ay u kororsan lahaayeen Cilmiga libraaliayadda iyagoo Marti galina ka helay Machadyo ku yala wadanka Turkiga oo lagu Barto Cilmiga libraaliayadda

Xisbiga Mideynta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee S.Y.U.P ayaa isagu waxaa la aas aasay sanadkii 2004ta iyadoo lagu aas aasay Magaalada Qaahira ee xaruunta Wadanka Masar Waxaana aas aasay Qaar ka tirsan Dhalinyarada Qurba Jooga ah ee Dalkooda Nabadda iyo Wanaaga la jecel.waana Xisbi Siyasi ah oo Libral isla Markaana Taageersan Xukuumadad Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

Warkana Waxaana ka soo Xiganay Wargayska Warsan ee ka soo Baxa Qaahira.
www.warsan.tk


Barnaamijkii Radio Xoriyo
29 Jenuary 2008.

Dagaallo cadowga lagu jabiyay.
Dil iyo xidhay gumaysigu dadwaynaha u gaystay.
Ururka Ardeyda Ogadeniya ee San Diego oo kulan yeeshay
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Shacabkeenu qadiyadiisa fahan)
======================

Dagaallo cadowga lagu jabiyay.

Wariyaha RX ga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo tabiyay dagaallo badan oo si wayn loogu naafeeyay ciidammada maxaysatada ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

26/01/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan magaalada Dhuxun, waxayna gaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

24/01/08 Barraajisaale waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay 1 Baabur oo Uuraal ah, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan 50 askari oo baabuurkaas saarnaa.

22/01/08 dagaal ka dhacay Walfa, oo Fiiq ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

21/01/08 dagaal adag oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex-maray Gunburka Xaajiga, oo ka tirsan degmada Wardheer, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 27 askari, 12 kalana waa lagaga dhaawacay.

20/01/08 Qudhac-maydal, oo degmada Fiiq ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

17/01/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan Gasaangas, waxaana weerarkaas lagaga dilay inta la ogyahay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

16/01/08 dagaal aad u adag oo ka dhacay meesha lagu magacaabo Ina-doonyaale, oo ka tirsan degmada Wardheer, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 37 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 16/01/08 Dameero-hargaysa, oo degmada Fiiq ka tirsan, waxaa weerar mir ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay o halkaas hawlgal u tegay, waxaana weerarkaas lagaga dilay 2 askari.

Isla 16/01/08 dagaal isaguna ka dhacay Simane, oo Fiiq ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

15/01/08 Gabiib, oo iyaduna Fiiq ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

14/01/08 dagaal isaguna ka dhacay Carra-jiif, oo ka tirsan degmada Dannood, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 18 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

12/01/08 dagaal ka dhacay Xamudhka, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/01/08 ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Xamaro ayaa dagaal dhexdooda ah waxaa kaga dhintay 5 askari, 4 kalana way kaga dhaawacmeen.

05/01/08 weerar mir ah ayaa lagu qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugana Bashuuro, oo Fiq ka tirsan, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

04/01/08 Tuulo-oon, oo Fiiq ka tirsan, waxaa lagu miray ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal halkaas u tegay, waxaana weerarkaas lagaga dilay1 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

02/01/08 Jeerinka waxaa weerar mir ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, waxaana laga dilay 2 askari, 1 kalana waa laga dhaawacay.

Sidoo kale 02/01/08 dagaal ka dhacay Jalawaydh, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 5 askari 2 kalana wa lagaga dhaawacay.

30/12/07 dagaal ka dhacay Tuulo-oon, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada lagaga dilay 5 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dil iyo xidhay gumaysigu dadwaynaha u gaystay.

Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa dhibaatooyin kala duwan oo sigu jira dil, xidhay, kufsi, jidhdil iyo dhac u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Dhibaatooyinkan ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo gobollada Ogaadeenya ka mid ah.

28/01/08 Qarruud, oo degmada Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin rayad ah oo lagu magacaabo Hire Cabdi Sugaal. Waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale isla meeshaas ku kufsadeen gabadha la yidhaahdo Damac Gamaadiid.

Waxay sidoo kale jidhdileen oo hanti ka dhaceen labada qof ee kala ah Axmed Sh Xuseen oo ay 10.000 oo Bir ka dhaceen iyo Shariifo Shugri oo iyadana ay 1000 Bir ka dhaceen. Waxay sidoo kale la tageen C/nuur Cabdi Sugaal iyo Maxamuud Cali.

26/01/08 Yaxoob, oo isaguna degmada Fiiq ka tirsan, wxay ciidammada gumaysigu sidoo kale ku dileen nin rayad ah oo lagu magacaabo Fataax Axmed Tafe.

24/01/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Garbo ee gobolka Nogbeed ku xidhxidheen dad badan oo rayad ah, waxaanan magacyadood helnay dadka kala ah;
1- Aaden yuusuf
2- C/risaaq Islaan
3- Nuriye Sh Cali
4- Maxamed Cabdi Salal
5- Maxamed Cali
6- Damac Maxamuud Faarax
7- Axmed Nuur iyo
8- Wali-dheere oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin

Isla 24/01/08 Qarjajabo, oo Dhuxun ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Cabdi Asad Makhtal iyo
2- Khadar oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin

23/01/08 magaalada Sagag waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad badan oo rayad ah. Dadka aan magacyadooda helnay waxay kala yihiin;
1- Cabdi Samsam
2- Mahad Maxamed Muxumed
3- Sulub Maxamed Ibraahim
4- C/llaahi Aaden Dalab
5- Mukhtaar Cabdi Xarbi
6- Cali Dayib Cabdi
7- Maxamed Xuseen Gurey
8- C/llaahi Maxamed Shaacib
9- Shkuri Cabdi Cali iyo
10- Shiine Cumar Nuur

21/01/08 Tuulo-oon, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku kufsadeen gabadha la yidhaahdo Faadumo Cabdi Wali Xayi.

20/01/08 ciidammada gumaysiga ayaa magaalada Wardheer ku xidhxidhay dadwayne rayad ah oo tiradoodu ay 40 qof gaadhayso. Dadka aan magacyadooda helnay waxay kala yihiin;
1- Cusbur Sh Muuse
2- Ardo Sh Muuse
3- Hibo Sh Muuse
4- Cabdi Bir-Jaamac iyo
5- C/llaahi Mukhtaar Aw Yuusuf

16/01/08 magaalada Fiiq waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad aad u badan oo rayad ah, waxaanan magacyadooda helnay;
1- Dhuug Cabdi Shuun
2- Beeleeye Sh Maxamuud
3- Cabdi-dheere Shukri Cabdi
4- Maxamed Askar
5- Siyaad oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin
6- Khaliif Maxamed Geeddi
7- Muqaddin Gaas
8- Maxamed Cali Hurre
9- Cabdi-laangadhe oo magaciisa aanaan wada haynin
10- Asad Cali Koodey
11- Tamaan Shukri
12- Ardo Gaas iyo
13- Ubax Tamaan.
Afarta qof ee ugu denbeeye intii mar la soo daayay ayaa haddana xabsiga dib loogu celiyay.

15/01/08 Ceel-dhiig, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Axmed Yusuf Cumar iyo
2- Faarax Wali
Waxay sidoo kale jidhdil ba’an gaadhsiiyeen Raabi Cabdi Yuusuf

Isla 15/01/08 waxay ciidammada gumaysigu Dusmo ku qasheen 60 Neef oo Adhi ah oo dadka shacabka ahi lahaayeen. Dadka Adhigaas laga qashay waxaa ka mid ah Cabdi Koosaar Dhagawayne.

11/01/08 Dheemaha, oo ka tirsan degmada Galaalshe, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen dadka kala ah;
1- C/salaam Ismaaciil iyo xaaskiisa oo magaceeda aanaan haynin iyo
2- Maxamed Macalin Muxumed

10/01/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Sagag ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Cali Sh Maxamed
2- Faadumo Muxumed iyo 3 carruur ah oo ay dhashay
3- Sahra Sh Mukhtaar iyo 3 carruur ah oo ay dhashay
4- Cadar Cali Daahir iyo 1 ilmo ah oo ay dhashay iyo
5- Shariif Axmed Xabiib

Isla 10/01/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Ayaanle Maxamed Dhuule
2- Xasan Bahal
3- Maxamed Xirsi
4- Faysal Daa’uud iyo
5- Xuseen Maxamed Xasan.

09/01/08 degmada Xamaro waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Cabdi-raaxo Cumar Daahir
2- Nuur-madoobe
3- Daba-geel Axmed Nuur
4- Hinda Cabdi Mawsar
5- Sabaad Maxamed Muxumed iyo
6- Faadumo Maxamed Cilmi

Ururka Ardeyda Ogadeniya ee San Diego oo kulan yeeshay

Jan 26, 2008 Ururka Ardeyda Ogadeniya ee Magaalada San Diego, California ee cariga Maraykanka ayaa shalay shir weyn ku yeeshay Magaalada San Diego ee Gobolka California.

Shirkan oo ayey ujeedadiisu ahayd sidii ay dhalinyaradu isu baran lahayd ayey waxay uga wada hadleen kaalinta dhalinyarada kaga aadan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatada ka aloosan Ogadeniya iyo xadgudubyada ka baxsan bani'aadamnimada ee ay Xukumada Itoobiya ku hayso shacabka Ogadeniya.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Professor wax ka dhiga Jaamacada San Diego iyo laba Wariye oo ka kala socda Wargeyska Los Angles Times (LA Times), iyo Quest oo ka doo baxa San Diego.

Professor-ka iyo Wariyayaasha ayaa iyaguna ka hadleyd dhibaatada ka taagen Ogadeniya, iyaga oo Ardeyda u balan qaadey in ay siin doonaan tababaro la xiriira sidii ay u horumarin laahayeen wax qabadkooda.

Dhinaca kale: Warar naga soo gaadhay magaalada Jigjiga ayaa waxa ay shegayaan in dad reer miyi ahi ay sheegeen in 5 ruux oo mayd ah ay ku arkeen duleedka Xerada ciidanka Tigreega ee loo yaqaano Garabcase ee Magaalada Jigjiga.

Sida la filayo Maydadkan ayaa waxa ay kamid yihiin maxaabiistii badneyd ee ay la ciirciirayeen xabsiyada magaalada Jigjiga, waxa ayna dadku aaminsan yihiin qaar badan oo kamid ah dadkaasi la laaya.

Maydedkan ayaan ilaa hada la kala garaneynin lab iyo dhedig waxa ay yihiin iyo inta maalmood ee ay banaanka yaaleen.

Dhanka kale, waxay habeenadan magaalada Jigjiga Tigreegu ka wadaan baadhid habeenkii ah oo dadka si hayb-raac ah loo xidhxidhayo, qofka waxaa lawaydiinayaa gobolka uu kasoo jeedo, iyaga markaas dadka gobolada qaarkood sheegta xabsiga u taxaabaya.

Sidoo kale, waxaa aad u dhacda in dad muddo xidhnaa inta lasii daayo, kadibna saacado gudohood hadana dib loo soo xidho, arintaas oo noqotey nidaam caado u noqotey askatta Tigreega iyo gacan yarayaashooda.


Radio Xoriyo
29 Jenuary 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM –5:30 waqtiga Afrikada Bari


Ciidamada puntland oo hub sharcidaro ah ku qabatay magaalada Garoowe.

wararka laga helayo magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ay ciidamada DGP ee amaanka ay hubab kala duwan oo sharcidaro ah ay soo qabteen.

Taliyaha Booliska ee Magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay qateen Hubkaasi ,ayna wadaan baaritaano kala duwan oo ku wadaan dadkii lugu qabtey hubkaan Sharci darada ah.

Taliyuhu wuxuu sheegay in ay ciidamadu soo qabteen hubkaan markii ay xoojiyaan amaanka wadooyinka soo gala Magaalada Garoowe ee caasumada Puntland.

Hubkaan waxaa ka soo baxaya warar kala duwan ,waxa ayna wararka qaar sheegayaan in uu sheegtay Nin Ganacsade ah oo sheegaya in uu ganacsade ahaan uwatey halka warar kalena ay sheegayaan in siyaabo kale hubkaan loo watey.

Baaritaanada kala duwan ay wadaan ciidamada amaanka ee Puntland ayaa ku soo beegmaya xili ay ciidamadu sugayaan amaanka magaalooyinka Guud ee Puntland ayna muujinayaan Feejignaan dheeri ah.


bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com

Xaflad furitaan dhisme cusub oo uu leeyahay Dugsiga Sare ee Cumar Samatar oo maanta ka dhacay Gaalkacyo.

(Jan 28, 2008) Xaflad aad u ballaaran oo lagu furayey dhisme cusub oo lagu siyaadiyey dugsiga sare ee Cumar Samatar ayaa maanta ka dhacay xarunta iskuulka ee magaalada Galkacyo, taasi oo ay ka soo qayb galeen mas'uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka Puntland.

Xafladaan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu muujinayey horu kaca dugsiga sare ee Cumar Samater, taasi oo maamulka iskuulku ay ka warbixiyeen hanaanka waxbarasho ee iskuulka mudadii uu shaqaynayey.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Maxamuud Bile Dubbe oo xarigga ka jaray dhismaha cusbaa ee lagu kordhiyey dugsiga Cumar Samater ee magaalada Gaalkacyo ayaa ugu mahad celiyey maamulka iskuulka oo uu sheegay in ay wax badan dadka iyo dalkaba u qabteen.

Goobta xafladdu ka dhacday oo ahayd xarunta iskuulka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirkada wasaaradda waxbarashada Puntland Maxamuud Bile Dubbe oo isagu lahaa furitaanka xafladda, kormeeraha guud ee waxbarshada gobolka Mudug Maxamuud Macalin Nuur, Maamulka iskuulka, Xubno ka tirsan golihii hore deegaanka degmada Gaalkacyo iyo marti sharax kaleeto oo aad u tiro badan.

Dhismahaan danbe ee haatan lagu kordhiyey iskuulka waxaa maalgalisaya hay'adda DRC oo iyadu gacanta ku haysay mudadii uu dhismuhu socday, hase ahaatee haatan si rasmi ah ugu wareejisay maamulka dugsiga sare ee Cumar samater, iyadoo ay halkaasi u joogeen wakiilo u matalayey.

Dhamaan mas'uuliyiin xafladaasi ka soo qayb gashay ayaa ku dheeraday hanaanka waxbarashada Puntland gaar ahaan tan gobolka Mudug oo ay sheegeen in loo baahan yahay dar dargalin xoog leh, si sare loogu qaado aqoonta dadka.

bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com


Deeganada ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Hiiraan oo laga mamnuucey xaalufinta dhirta

Maamulka degaanada Dhusamareb, Guriceel iyo Matabaan oo ka kala tirsan gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa manata waxay soo saareen go’aano lagu mamnuucayo xaalufinta dhirta laguna badbaadinyo, iyagoona sheegay in cidii lagu arko iyadoo jarayso dhirta ama dhuxul ka samaynaysa inay mutaysan doonto ganaax iyo ciqaab.
Degaanadaan iyo dhamaan tuulooyinkaana hoos taga ayaa manta gabi ahaanba laga mamnuucey jarista dhirta,iyadoo qofkii lagu hela falkaasi uu ganaax iyo ciqoab kala kulmi doono maamulka degaanadaasi.
Degaanada iyo tuulooyinka laga mamnuucey xaalufinta dhirata ayaa manta waxaa dhexmaraayey gawaarida ay leeyihiin maamulka degaanadaasi oo ku wargelinayay dadka inay mamnuuc tahay jarista dhirta laga bilaabo maanta 26-Jan-08
Arinkani ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili si ba’ani loo dabar gooynayo dhirta degaano ka tirsan gobolka Galgaduud iyo gobolada kale ee dalka somalia, dhirtaani ayaa laga sameeyaa dhuxul si loogu dhoofiyo dibada, xaalufinta dhirtana waxay sababtaa nabaad guur ku dhaca dhulka iyo abaaro ba’ani oo aan laga soo kabsoon.
Si kastaba ha ahatee arinkaani ayaa waxaa aad usoo dhaweeyey ganacsatada, odoyaasha, iyo dhamaan dadka ku dhaqan degaanadaas.

Abdulkarim Mohamed Jim’ale (Muxsin)
Somalitalk
Guriceel


Soo Dhaweyntii Cali Mahdi ee Minnesota

Gobalka Minnesota ayaa waxa si aad ah loogu soo dhaweeyey Jan 26, 2008 qolka
shirarka ee Universitiga, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali
Mahdi oo soo gaarey dhawaan gobolka Minnesota. Xafladaas ayaa waxa soo
qaban qaabiyey dumarka Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota,
dumarkaas oo iyagu marwalba soo dhaweeya madaxda Soomaaliyeed kuna
dadaala in wadanka Soomaaliya ay ka hirgasho dowlad dhab ah.
Ururka caanka ah ee la magac baxay Somali Civil War Survivals oo ay
dumarku ka hirgaliyeen gobolka Minnesota, ururkan oo ay madax ka tahay
Dr.Luul Xasan Laari ayaa si weyn u guntadey sidii ay u soo dhaweyn
lahaayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Cali Mahdi, isagoo ay
dhinac fadhiyeen madaxweynihii hore ee Puntland mudane Maxamed Cabdi
Haashi iyo Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya mudane Cabdirisaaq Durqun
oo isgana soo booqdey magaalada Minnesota.

Xafladaas ayaa waxa ka soo qayb galay madax badan oo ka kala socdey
gobolka Minnesota iyo madaxdii hore ee dowlada Soomaaliya. Waxa sidoo
kale ka dhex muuqday Fanaaniinta Soomaalida iyo wariyaasha gobolka
Minnesota. Waxa kala oo xaflada goobjoogayaal ku ahaa musharaxiin u
ordayey gobolka Minnesota siyaasadooda iyo musharixiin u ordayey
wadankii Soomaaliya. Musharixiinta u ordayey gobolaka Minnesota ayaa
waxa ka mid ahaa nin u ordayey in uu noqdo Senator ka gobolka Minnesota
oo Soomaalida ka codsadey in ay u codeeyaan, iyo dad ka socdey labada
musharax ee u ordaya madaxweyne nimada Mareynkanka waa Obama iyo Hilary
oo ay joogeen dad ka socda xisbigooda oo ka codsadey in ay Soomaalida ka
helaan cod buuxda marka ay doorashada dhow ee Bishan soo socota
Feberuary 5, 2008 oo lagu magacaabo Caucus ka. Waxa sidoo kale goob jog
ahaa musharaxa madaxwene nimada Puntland u ordayey oo lagu magacaabo
Shancad (Sancad).

Mas’uuliyiinta gobolka Minnesota ayaa waxa ay ku soo dhaweynayeen
qudbado, quraan, wacyi, heeso iyo buraanburo madaxweynihii hore ee
Soomaaliya mudane Cali Mahdi, waxa kale oo ka hadley kana warbixiyey
marxaladii dowladu ay soo martey iyo heerka ay taagan tahay hada
Abdirisaaq Durqun oo isagu madax ka ah Agaasimaha Madaxtooyada ee
dowalada Federaalka.

Sidoo kale waxa qudbad qiima leh ka jeediyey madaxweynhii hore ee
Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ka hadley marxaladii Puntland
iyo heerarkii ay isla soo mareen Mudane Cali Mahdi. Gebogabadiina waxa
uu ku soo dhaweeyey makarafoonka Mudane Cali Mahdi.
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya mudane Cali Mahdi ayaa ka hadlay
heerarkii uu wadanka Soomaaliya soomarey iyo hada heerka uu u socdo.
Waxa kale oo uu ka raali geliyey dadka Minnesota in uusan u soo dirin
warqadihii casuumada ee shirkii dibuheshiisiinta sababtoo ah lacagta oo
nagu yareyd awgeed. Waxa kale oo uu mahad u celiyey dumarkii soo
abaabuley shirka iyo in Soomaaliya hada u diyaargarowdo in dumarka loo
dhiibo xilka, waxana uu tusaale u soo qaatey wadanka Ruwanda oo ay hada
dumarku gacanta ku hayaan hadey noqon laheyd ka qayb qaadashada
baarlamaanka oo ay ka yihiin 100/40, meelaha daqliga soo gala oo ay
dumar wada maamulaan iyo dibuheshiinsiintii oo ay gabadh madax ka ahyad,
waa wadanka Ruwande.
Gebogabadii ayaa waxa uu mudane Cali Mahdi u duceeyey Soomaalida in
dhamaan ay walaaloobaan, Alle subxaana watacaalaana ay dib ugu noqdaan.
Fadlan halkan ka fiirso sawiradii oo dhan:

Abdimalik Askar
Somali Media
aabdimalik@hotmail.om

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com