Yaa ku haboon hogaanka Puntland?
Eng. Abdullahi Abdulkadir(Faatoxo) – UK Ilaah baa mahad idilkeed u sugnaatay, Nabi Moxamed nabad galyo iyo naxariis ha
gaarto, waxaan qirayaa in uu noo sheegay wax kasta oo badbaadadayadu ku jiro
aduunka iyo aakhiradaba, noogana digay wax kasta oo dhibi noogu jiro Aduun iyo
aakhiraba. Intaa ka dib Ber-yahaan dambe waxaa soo badatay inaan maqalo in rag badani ay
isu soo sharxeen, ama ay muujiyeen inay isu soo sharaxaan jagadda madaxnimada
Dowlad Gobaleedka Puntland; waxaan maqalnaa qarkood ay samaynayaan, falal
xunxun, iyo qaab qaldan oo wax magaratada bulshadda loo kicinayo si ay maamulka
hadda jira qalqal u galiyaan. Anigoo leh war bulshadda aad doonayso
hogaaminteeda, hagaarsiin meel aan wax ka qabad lahayn, tusaalooyin kugu filan
taariikhda yaa kuu sheegtay, eeg dowladii Soomaaliya ee nimankii qabiilka lagu
riday, qabiilkii meel laga qabto ilaa hadda waa la’ yahay. ogow waxaa jira qalad
aad bilaabi karto, laakiin aadan xakamayn karin. Markaan arkay ragaa badan ee
isa soo sharaxaya iyo xaaladda ay Puntland ku sugan tahay ayaan maqaalkan ugu
tala galay in bal bulshadu ila aragto oo ay hubiso ninka ay dooran hadii awood
loo siiyo. Dhimaha dowlad gobaleedka Puntland oo ku yimid wadatashi ay ku yeesheen
magaalada Garoowe isimada, siyaasiyiinta, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku
nool goboladda Bari, Karkaar, Nugal, Mudug ,Sool, Ayn,iyo Sanaag ayaa waxaa la
go'aansaday in la dhiso maamul dowlad goboleed; Hadaba sidaad u jeedo dhamaan
dadka dega deegaamada Goboladda Puntland waa dad ehel ah, oo waalid iyo walaal
isu ah, dabcan qofkii u dhashay Puntland, soo buuxiya shuruudaha nidaamka
hogaamiyaha waa uu noqon karaa hogaamiye. Laakiin su’aashu waa ma yahay
hogaamiye Waxqabad leh? waase maxay astaamaha aan ku garan karno hogaamiye
waxqabad laga sugi karo. Hogaamiye waxqabad lihi waa furaha horumarka bulsho, run ahaantiina u dhalasho
ma’ah, qof kasta waa uu baran karaa inuu noqdo hogaamiye waxqabad leh. waa laga
yaabaa inaad is waydiiso inay jiraan shaqsiyaad yar, sida Sayid Maxamed Cabdile
Xasan, Mahad Magandi, oo bulshooyinka ka soo dhex baxa, hadana taa waxaa la oron
karaa waa dhacdooyin gaara oo yar; sida caadiga ah ee dunidu ay isku maamusho,
Hogaanku waa barasho ee ma aha u dhalasho. Ma jiro hogaamiye xalad kasta ku
haboon; Hogaamiyaha saxda ahi waa kii aqoon iyo awood u leh marxalada la rabo in
laga gudbo, rabana inuu marxaladaa sida ugu haboon uga gudbo. Inaad hayso
hogaanku kaa dhigimaayo hogaamiye, waayo hogaamiyeyaashu iskama helaan si xad
la’aan aqbalaada iyo tixgalinta bulshadda; hadaba si ay arinkaa u helaan
hogaanka bulshadda waa inay bulshadda dhexdeeda ku lee yihiin muqaal fiican,
hogaamiyeyaashu waxay bartaan hab dhaqameed iyo xifado gaara. Qiimaha laga rabo Hogaamiye: Hogaamiyeyaasha waxqabadka leh oo dhami waxaa jira
arimo ay isaga mid yihiin amba ay isga eg yihiin, kuwaasoo la baran karo laguna
dhaqmi karo si loo noqdo hogaamiye qiimo leh, Waana: Daacadnimo: hogaamiyeyaasha waxqabadka lihi waa kuwo ay bulshaddu ku tilmaami
karto daacadnimo, taasina waxay sii naysaa inay bulshaddu aqbasho, ayna
tigaliso. Run sheeg: waxay qabtaan waxay ballan qaadaan samayntooda. Ogaanshaha Bulshadda: waxay hubiyaan markasta waxa ay qabanayaan in bulshaddu
raali ka tahay. waxay fikir cad ka haystaan waxa bulshaddu qiimayso iyo waxay
qaban karo. Dul qaad: waxay dulqaad u lee yihiin dooda, dacwadda, iyo dhaleecaynta uga
imaanaysa bulshadda. Waxay aqbalaan khaladkooda. waxay ogyihiin inay diidaan khaladkoodu inuu
qiimahooda ridayo. Waxay lee yi hiin hal abuur: waxay abuuraan bulsho is aaminta oo qalbi furan. Ma aha bakhaylo: waxay caawiyaan kalkaaliyeyaashiisa si ay u gaaraan horumar. Waa shaqo yahan: ma muujiyaan inuu amar bixiyo oo qura, ama uu go’aan gooyo,
laakiin shaqadda ayay gacmaha la soo galaan iday wax uga qabtaan, taasna tusaale
ayay ugu noqdaan shaqaalaha. Waxay ilaaliyaan sharafta shaqsi kasta: waxay iska dhowraan hadal xinif iyo
cocasho reebi kara inay ku hadlaan. Waxay dhagaystaan talada dadka: waxay aqbalaan dooda wax dhista, waxay
qiimeeyaan figradaha dadka kale. Waxay cadeeyaan yool cad oo ay hiigsadaan: waxay sameeyaan yoolal ay bulshadu
hiigsato iyagoo ku gaara waqtigii ay u qabteen. Baahinta fikirka san: Waxay caawiyaan in bulshaddu ay figradaha is
waydaarsadaan, in la xaliyo dhibaatadii soo wajahda bulshadda. Dhaqan la jeclaysto: waxay lee yihiin dhaqanka ugu wanaagsan oo ay bulshadu ku
jeclaato. Samaysi Wakiilo xildhibeen ah: wuxuu wakiilo iyo talo wadaag ka dhigtaa oo uu
xushaa, dad dhaqan wanaagsan waxqabadna leh. Qofkii intaa badan keeda laga helo, hadii uu iimaan iyo Alle cabsi ku darsado,
aduunka hadii uusan bulsho hogaamin waa hogaamiye qarsoon, bulshadii heshaana
liibaan tay . asaguna waxa uu helay guul aduun, tii aakhirana waa loo rajayn. Waxay taladaydu tahay qofkii reer Puntland ah oo leh awoodaas, ha u soo baxo, oo
ha u soo is taago hogaaminta bulshadda, sidii Nabi Yuusuf(CS)-ba uu u yiri ‘iiga
yeel masuulka khasnadaha dalka,waxaana ahay aamin cilmi leh’; waxaa kuu cad
marka Nabi Yuusuf(CS) uu xilka waydiistay in loo dhiibo waxa uu ku daray
warbixinta noloshiisa, oo ah inuu yahay aamiin aqoon leh, waana labada salka u
ah hogaamiye, dadka xili adag ka saara oo barwaaqo gaarsiiya. Waxaan dhaba
haddan dadka fiicani ay gadaal maraan bulshaddu kuwa isa soo sharaxa uun bay
kala dooran, hadhowna waxbaa la sheegsheegin. Wa bi Allahi Towfiiq. Eng. Abdullahi Abdulkadir(Faatoxo) – UK faatoxo@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan Faafin: SomaliTalk.com | Jan
30, 2008
|