SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Qaar kamida ciidanka Puntland oo weerar kuqaaday bangiga Garoowe.
  • Nabadoon Axmed Diiriye Oo Sheegay Inuu Sii Wadan Doono Howshiisa Kadib Xabsi Ka Badan 80-Cisho Kolkii Uu Qaatay.
  • Warqado Digniin ah Oo Ay Saaka Ku Waaberiisatay Degmada Buur-hakaba Ee Gobolka Baay.

Qaar kamida ciidanka Puntland oo weerar kuqaaday bangiga Garoowe.

Qaar ka tirsan ciidamada Puntland ayaa weerar ku qaaday bangiga dhexe ee magaalada Garoowe ,ayagoo kacabanaya musha'har la'aan balaaran oo aysan dawladu bilihii lasoo dhafay wax musha'hara yasan.

Ciidamadan oo saacado heystay Bangiga dhexe ee Magaalada Garoowe ,ayaa saaka halkaasi waxaa loo qaaday Baraha ay degan yihiin ciidamada amaanka ee dowlad gobaleedka Soomaaliyeed Ee Puntland.

Qeybaha ku dhow dhow Bangiga dhexe ee Garoowe ayaa xalay la xirey , ka dib markii ay ciidamadan amaanka ee Magaaladu isku dayeen in ay halkaasi ka dhaqaajiyaan ciidamada Daraawiishta ee Puntland ,kuwoodan qabsaday Bangiga.

Mushaar la'aan baahsan ayay ciidamadan ka cabanayeen , ka dib markii sida ay sheegayaan warar ka soo baxayaa ay ciidamadan ka codsadeen masuuliyiinta howlaha ciidamada in la siiyo Mushaaradkooda ayna mudo dhowrayeen.

Waan- waan iyo wada hadal dheer ka dib ayaa ciidamadan waxaa laga qaaday Bangiga dhexe ee Magaalada Garoowe ,waxaana ciidamadan la dhigey Control-ka Magaalada Garoowe ee Caasumada Puntland.

Ciidamadan ayaa maanta la filayaa in loo qaado goobaha ay joogaan ciidamada kale ee Daraawiishta ee Puntland sida Deegaanada ay ka socdaan Xiisadaha dagaal ee ay iska soo horjeedaan Puntland & Somaliland.

Mahan markii ugu horeysay oo ay ciidamadan gadoodsan qabsadaan Bangiyada lacagaha ee Puntland ,waxa ayna inta badan dadku ku dhaliilayaan Xukuumada Cadde Muuse sida ay umaamusha dhaqaalaha faraha badan ee ka soo xarooda Ilaha dhaqaalaha ee dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com


Nabadoon Axmed Diiriye Oo Sheegay Inuu Sii Wadan Doono Howshiisa Kadib Xabsi Ka Badan 80-Cisho Kolkii Uu Qaatay.

Afhayeenka Golaha dhaqanka beesha hawiye axmed diiriye cali oo xabsiga ku qaatay in ka badan 80-Cisho islamrkana maalintii shalay galab lasoo daayey ayaa saxaafada u sheegay inuu howlihiisii ku aadanayd nabadoonimada uu halkiisii kasii wadan doono oo uusan ka cabsan doonin caga juglayn iyo xabsi lagu xiro waa siduu hadalka u dhigaye.

Axmed diiriye ayaa intaasi ku daray inuu markiisii horeba uu u ololayn jiray nabada islamrkaana uusan wadin wax dhibaato ah oo ka dhan dowlada KMG ah balse uu dadka iyo shacbiyada beesha hawiye ku boorin jiray sidii ay dowlada ula heshiin lahaayeen oo ay u joojin lahaayeen dagaalka waa siduu hadalka u dhigaye ayaa xusay inuu halkiisii kasii wadan doono nabadoonimadii uu beesha u hayey .

Nabadaoon Axmed diiriye ayaa carabka ku adkeeyey mar la weydiiyey yaa ka dambeeyey sii dayntaada ayuu sheegay ALLE subxaana watacaalaa ayaa isii daayey waxaana dadaal dheeraad ah muujiyey dadka shacabka ah ee dalka iyo dibadiisa kala jooga .

Axmed diiriye ayaa ka hadlay la kulanka Raysal-wasaaraha dowlada KMG ah iyo waxii ay kawada hadleen, isagoo sheegay nabadoonku inay kawada hadleen sidii dalka loo nabadayn lahaa islamrkaana loo joojin lahaa dagaalka taasina ayuu yiri axmed diiriye WaaTii aan horeba u wadey .

Afhayeenka dhaqanka beesha hawiye xmed diiriye cali ayaa meesha kasaaray In lagu xiray si Cadaalad ah islamrkaana ku Tilmaamay xiritaankiisa mid Cadaalada ka Fog iyadoo uu sheegay In kadib markii wax lgu waayeyna Lasoo daayey .

Warqado Digniin ah Oo Ay Saaka Ku Waaberiisatay Degmada Buur-hakaba Ee Gobolka Baay.

Degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay ayaa saaka ku waaberiisatay Digniino Ku Astaysan Warqado Lagu Daadiyey bartamaha iyo suuqyada magaaladaasi kuwaasoo digniinta loogu jeednayo Masuuliyiinta dowlada ee ku sugan degmadaasi iyo weliba ganacsatada iibsata waxyaalaha maandooriyaha ah .

Warqadahan Digniinta ah ee loo jeedinayo ganacsatada Mukhaadaradka iyo weliba Masuuliyiinta dowlada KMG ah ayaa la sheegay inay sheegteen koox isku magacaabay AL-mujaahidiinal Islaam Fil Soomaal oo aan la ogayn halka iyo meesha uu fadhigoodu yahay .

Sidoo kale warqadahan ayaa la sheegay inay ku xusanaayeen digniinta loo jeedinayo oo macanahoodu yahay in masuuliyiinta dowlada xiriirka la leh hadii ay iskaga bixi waayaan dowlada inay la kulmi doonaan dil loo ugaarsado Mid mid taasoo ay raaciyeen in ganacsatada ka ganacsada waxyalaha maandooriyaha iyana ay u jeediyeen digniin culus islamrkaana ku sheegay hadii ay ka wantoobi waayaan Mukhaadaraadkaasi inay la kulmi doonaan cawaaqib xumo ku timaada naftooda .

Dhinaca kale Masuuliyiinta dowlada KMG ah ee ku sugan degmada Buur hakaba oo ay saxaafadu la xariirtay ayaa sheegay inaysan saamayn ku yeelan doonin warqadaha la daadiyey islamrkaana ay sii wadan doonaan howshooda ,waloow aan war toosa laga helin ganacsatada iyagu ka ganacsada waxyaalaha mukhaadaraadka ah .
Dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada buur hakaba ayaa iyagu arintan ku abuurtay cabsi xoogan waloow ay qarkood soo dhoweeyeen joojinta ganacsiga Maandooriyaha .

Si kastaba ha ahaatee arintan digniinaha ah ee lagu muujiyey waraaqaha ayaa kusoo beegmaysa xili la sheegay inay deegaanka gobolka Baay ay ku sugan yihiin kumanaan la sheegay inay ka tirsan yihiin Xoogaga Al-shabaab ee sida weyn uga soo Horjeeda joogitaanka ciidamada Shisheeye iyo weliba siyaasada dowlada KMG ah .

Xubno ka tirsan Golaha Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed Oo Soo Dhoweeyey Nabada Uu Wado Raysal Wasaare Nuur Cadde.

Gudoomiyaha kacdoonka diinta Iyo Difaaca Dalka Axmer Qare ahna xubnaha sar sare ee golaha maxakiimta islaamka soomaaliyeed ayaa sheegay in ay nabadu dalka iyo dadka dan u tahay islamarkaana ay soo dhoweynayaan xiligan siyaasada Raysal wasaare Nuur Cadde .

Axmed Qare Oo u Waramayey Qaar ka tirsan Warbaahinta Muqdisho ayaa xusay inay dalka soomaaliyeed Gaar ahaan caasimada ay Joogaan Ciidamo cadow soo jireen ah oo ah ayuu yiri ciidamada Ethiopia Taasina ay ragaadinayso nabada gaaeska Afrika waayo ayuu yiri waxaa haboon in dalka iyo dadka soomaaliyeed ay iyagu wada hadlaan taas ayaana xal ugu dhow ,isagoo meesha kasaaray fara gelin dibadeed .

Mar la weydiiyey dhowr iyo toban shir ayaad yeelateen adinka iyo dowladu xiligii dagaalka ka hor maxaad ugu heshiin weydeen ? ayuu waxuu ku jawaabay axmed Qare waxaa xiligaasna nagu dhex jiray siyaasad shisheeye sida hadana waxba kama duwanayn oo waaba kasii darayd taasna waata keentay dalka cadowga qabsaday ee ciidamada Axmarada .

Hadalka Gudoomiyaha diinta iyo difaaca dalka ayaa kusoo beegmaya xili xabsiga ay xirnaayeen laga soo daayey xubno sar sare oo kamid ah Odayaasha dhaqanka Beesha hawiye islamrkaana loo aanaynayo sii dayntooda Siyaasada isbaedelka Leh Ee Raysal wasaaraha dowlada Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Oo U Muuqata mid wax ka bedelaysa kacdoonka dadka ku dhaqan caasimada Muqdisho.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Gobolka mudug oo dusha looga tuuray xaalad cusub.

wasiirka Amniga iyo hubka dhigista &dhaqancelinta Maleeshiyaadka faarax cabdi doorshe ayaa ku dhwaaqay in xaalada cusub lagu soo rogay gubolka mudug oo idil,taas oo amaanka magaalada gaalkacayo qayb kanoqonaya.

Wasiirku xigeenku wuxuu sheegay in looga baahan yahay dhamaanba ciidamada kala duwan ee Puntland in ay fuliyaan amarada ka soo baxa Wasaarada Amniga ee Puntland.

Warqadan ayaa sidoo kale lugu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan lugu fuliyo amaradii ka soo baxay Wasaarada Amniga ,hubka dhigista iyo dhaqancelinta Maleeshiyaadka Puntland.

Warkan ka soo baxay Wasaarada Amniga ,hubka dhigista iyo dhaqancelinta Maleeshiyaadka Puntland ayaa ku soo beegmaya xili maalmahaan ay Magaalada ka dhacayeen kulamo iyo shirar kala duwan oo ay leeyihiin Masuuliyiin kala duwan.

bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com
janan@live.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com