SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Senator Coleman oo codsaday in la kordhiyo waqtiga loo qabtay Soomalida magan gelyada ku joogto Maraykanka – waa sharciga Temporary Protected Status (TPS).

  • SomaliTalk.com | Jan 27, 2008 | Xogta: Xafiiska Senator Coleman

colemanKa dib markii ay la soo xiriireen Soomaali badan oo kala jooga gobolada Maraykanka oo ka walwalsan March 17, 2008 oo ah taariikhda uu dhacayo shaciga Temporary Protected Status Senator Coleman waxaa uu qoray warqad deg deg ah oo uu u diray gudoomiyaha hay’adda US Citizenship and Immigration Mr. Emilio T. Gonzales.

Senator Coleman waxaa uu warqaddiisa ku yiri. Anigoo ka wakiil ah bulshada Soomaalida maraykanka degto ugu badan waxaan kaa codsanayaa in dadka haysta magan gelyada ku meel gaarka ah ee ka yimid Soomaaliya waqtigooda loo kordhiyo sababtoo ah weli wadankoodii nabad ma helin. Sharciga TPS ayay noloshooda ku xirantahay sida: shaqooyinkooda, caafimaadkooda, safaradooda, iyo waxbarashadooda. Waxaan codsanayaa in loo kordhiyo TPS.

Soomaalida kala soo xiriirey gobollada ka baxdan Minnesota ayaa markii la weydiiyey sababta ay senatoradooda ula xiriiri waayeen waxay ku jawaabeen in aanay garanayn xaaladooda iyo arrimaha Soomaaliyaba mana aamin sana in aan culays codbixin leenahay. Waxaan ognahay in Senator Coleman u dhego nugul yahay Soomaalida iyo in awood codbixinta Soomaalida Minnesota la aqoonsaday.

Halkan ka aqri warqadda Senator Coleman oo dhamaystiran:


Xogta: Xafiiska Senator Coleman

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com