SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sool maxaa kaga aadan Maamulka Puntland iyo shacabkeeda?
Eng. Abdullahi Abdulkadir(Faatoxo)

Arar: Waxaan ku bilaabayaa magaca ALLE, mahad idilkeedna Alle ayey u sugnaatey, Alle ayaana badbaado waydiisanaynaa, Nabigeenii suubanaa Muxamed(SCW) nabadgalyo iyo naxariisi hagaarto.

Intaa kadib maqaalkani wuu ka madax banana yahay dhaleecayn shaqsi, ama koox, wuxuuna ku salaysan yahay aragti iyo himilayn sida ciwaanka ku xusaan waxa kala lagudboon xoraynta Sool, Maamulka Dowlad Gobaleedka Puntland(DGP) iyo waxa ku haboon bulshadda reer Puntland; Sidoo kale maxaa Maamulka Somaaliland la gudboon?. Waxaa muddo saddex bilood ku dhow gacanta maamulka DGP, ka maqan deegaamo Gobolka Sool, iyadooy awal horay uga maqnaayeen Deegamo ka tirsan Gobolka Cayn. Waxaa dhaba in shirkii III-aad ee magaalada Boocame ay ku qabsadeen Ismaddii beelaha Sool, Sanaag iyo Cayni ay ka soo gunaanadeen mowqif midaysan, oo ay kaga soo horjeedaan isbadalka maamul ee ka dhacay gobolka Sool, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay gardaro iyo dulmi loo gaystay dad maato ah, muujiyayna inay ka mid yihiin maamulka DGP. Waxaan naga dahsoonayn, in gobolka sool uu yahay gobol ka mid ah goboladda hoos yimaada maaulka DGP. Waxa hadda ka taliya oo qabsadayna Waa Maamulka dowladda isku magacawday Soomaaliland.

Waxaa Cad in ilaa hadda maamulka DGP uusan taalaabo la xusi karo oo ku wajahanxoraynta deegaamadaas ka qaadan. Waxaa ii muuqata in Bulshadda reer Puntland dhamaantood ay ka go’an tahay inay dhamaan deegamada maqan ay si degdeg ah u soo laabtaan, iyagoo abaabul wayn iyo guubaabo, isla dhexmaraya gudaha iyo dibadda Wadanka.

Hadaba kadib markaan arkay arimahaas oo dhan, yaan iswaydiiyay su’aasha ah, Waa kuma Cidda ay tahay inay xorayso Deegaamadaa? Maxaase dhacaya hadii Sool lagu xoreeyo hab beeleedyo?

Jawaabta su’aalahaas iyo kuwa lamidka ahi, waxay u baahan yihiin in loo yeesho fiiro dheer, maadaama waxa laga hadlayaa ay yihiin, maamul, xorayn, iyo difaac deegaan; waxa ku baxayaana uu yahay naf, maal iyo sharaf.
Hadaba Maadaama gobolka Sool uu hoos yimaada maaulka DGP, lagana qabsaday, uuna hadda ka taliyo Maamulka dowladda Soomaaliland. Waxaa haboon:

A. In maamulka Puntland ee deegaamada laga qabsaday, uu dib isu abaabulo, uuna guto xilka ka saaran, sababtii maamulka loo abuuray, tan ugu wayn oo ah, difaaca bulshadda ku hoos nool nidaamka.
B. Inay qadiyadda Sool ay noqoto, mid u dhaxaysa oo ay kawada xaajoon karaan labada maamul oo qura (Maamulka DGP iyo Maamulka Soomaaliland).
C. In Maamulka Puntland uu si dhaba ugu guulaysto Shacabka deegamadda Sool; inigoo huba in Shacabka deegaanka Sool wax yar ma’hee inta badani uu ka soo horjeedo isbedelka nidaamka ku yimid, oo joogidda maamulka Soomaaliland ay arkaan qasbid, ayna ku jiraan gadood.
D. In maamulka Puntland uu ka hor tago, samaysanka maleeshiyooyin beeleedyo ku wajahan xoraynta Sool; taasoo keeni karta dhuminta kalsoonidda maamulka DGP, iyo itaalkiisaba; horseedina karta burbur ku yimaada jirtaanka Maamulka DGP.

Hadaan itaa uga haro waxa la gudboon Maamulka DGP, maxaa la gudboon shacabka iyo bulsho waynta reer Puntland?; waxaa haboon:

In bulshadda reer Puntland, gudo iyo dibad, shacab iyo maamul ay taageero buuxda siiyaan maamulka DGP, sidii loo dhaafi lahaa xilagan adag, dibna loogu soo celin lahaa deegaanada maqan.

In taakulaynta bulshadda Puntland uu ahaado mid caawiya nidaamka Puntland, ha ahaato xoojinta dhismaha ciidanka difaaca, talo bixinta, iyo taakulaynta rayadka soo barakacay.

Inay ka digtoonaadaan samayn jabhaddo, ku salaysan jifooyin; taasoo keeni karta dagaal sokeeye, oo ku dhisan qabiil iyo aanooyin aan harin; umana arko in qabiil qaran difaaco. Ogow meesha waxa laga qaaday maamul, labada maamul hadba kii bulshaddu rabto ayaa guusha ugu dambaysa leh, hadaba maamulkaad rabto si dhaba u taageer.

Maxaa la gurboon Maamulka Soomaaliland? Anigu waxaan aaminsanahay in Soomaaliya mid qura tahay, shacabkeedu mid yahay, diinteedu mid tahay, midabkeedu mid yahay, ayna haboon tahay in xiligaan culus oo dagaalada sokeeye ee dabada dheer uu ku habsaday dhamaan gayiga Soomaaliyeed, aysan kooxi u haboonayn inay isku daydo goosho, dad darisa oo nabadana colaad ka aloosto, laakiin ay haboon tahay inay samaystaan nidaam inta ku soo hirataba gaarsiiya horumar; hadaanse fiiriyo fikirka Soomaaliland ee goosashadda ku salaysan waa la fahmi karaa ahmiyadda uu maamulka Soomaaliland siinayo deegaanadda Sool, haddana waxaa lagamamaarmaan ah inuusan marna moogaan rabitaanka shacabka inuu sal u yahay deganaanshaha, amniga iyo horumarka bulsho. hadaba waxa maamulka Soomaaliland ku haboon:

in daris wanaag loo soo jeesto, inay caqliga muruqa ka hor mariso, iyada oo ilaalinaysa nafta askarteeda iyo tan askarta Puntlanba, waayo dad ku diidan waxaad u talisaa waa wax yar.

Nabadda deegaanka horumar baa ku jira, bulshadu waa walaalo, kasbo reer Sool adoon laba jeeble soo marin.
Muuji maamul wanaag ay reer Sool, ku soo hiran karaan oo ha ku doorteen, waxaad hormarisaa hagaajinta iyo caddaalad u samaynta inta ku hoos nool maamulkaaga.

Markaad aragto inay Puntland diyaar u tahay inay dagaal ku soo dhaqaaqdo, xaq bay dareemayaan, shacabkaa taageersan, laba jeeble run buu arki; taladaydu waa yuu dagaal dhicin ee horayba fariisimahaagii u aad.

Wa bi Allahi Towfiiq.

Eng. Abdullahi abdulkadir Ali(Faatoxo)
Faatoxo@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 25, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com