SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

KALA DAADSANAANTA DADKEENA IYO DANEYSIGA SHISHEEYE.

Ilaa iyo xiligii Soomalida ay ka heleen xornimada Gumeeystayaashii talyaaniga iyo ingiriiska ayaa soomaaliya qilaafkeeda ayada dhexdeeda ah bilaawday taasi oo uu kashaqeeynayay cadawga soomaaliyed, dadka uu cadawga u isticmaalayay fulinta danaha gaarka uu ka leeyahay ciidda soomaaliyeed ayaa aha kuwa damiirkoodi laga dilay lagana dhaadhaciyay fikrado aanan hore usocod aheen, waxaa dhacday in shucuub weeynta soomaaliiyeed qaab qabiil wax loogu sheegay oo ah cudurka ugu weeyn ee soomaali ay kakici la’dahay una diiday horumarka, midnimada iyo doowladnimada,

"Adigaa qabyaaladeey bulsho qoys walaalo ah, waligeed aan kala qaxin, iskuqeeybin qolo qolo, adigaa isku qaadoo qaxarkaan adaa biday, adigaa qabyaaladeey qaran baaxad weeynaa, quwad iyo awood lahaa, aduunku qadarin jiray, qaxarkaan adaa biday qaxootigana adaa biday".
xili walba oo wanaagsan soo mara soomaliya waxaa dhexda ka kala jabin jiray cadawkalkaal kuugu midab, dal iyo diin ah. Waxay soo abaabuleen soona hubeeyeen jabhadihii kiciyay dagaalka sokeeye.

Iyagoo ku soo qalabeeyay hub cul culus si ay isugu xasuuqaan. Ka dibna
ay iyagu si fudud u gaaraan ujeedadooda xaaraanta ah.

Markii uu dhacay dagaalkii sokeeye waxay la safteen qaar ka mid ah
qabqablayaashii soomaalida gaar ahaan kuwii ugu damiirka xumaa . waxay
la garab istaageen taageero militari oo baaxad weyn si ay fuliyaan danahooda.
Waad wada xasuusataan xukuumaddii kacaanka aheed ee madaxa ka haaa allaha unaxariistee jaalle maxamed siyad barre in ay aheed dadkii riday soomali aynan ayagana wadanin ajandayaal ay kubadalayaan haddii ay ridaan doowladaan lakiinse wax layiraahda hayaacda ayaa lagu kaciyay dowladii xiligaasi jirtay wax walba halaga sheegee lakiin cadaw masoo hunguriyeen jirin ciidda soomaaliweyn, lakiin madaxdii afganbasiyay dowladaasa ayaanan wax nidaam ah kadhisin soomaaliya oo usabab ah in ay gasho xaaladaa hadda taagan ee taangiga uu maamula soomaliya , aan idiin xasuusiya qudbad uu jeediyay madaxweeyne siyaad barre sanadkii 1974, isna bar bardhig masuuliyiinta soomaliya hadda iyo kuwii hore iyo sida uu nooga digay waxa hadda jira “ Umadda soomaaliyeed dhamaantood waa ay wada fahmeen in uu qarmuun yahay gumeysiga, calankaliya oo meel kalushaa xornimo lama yiraahdo, gumeysigu waxuu ku fadhiyaa dhaqaalaha, mabaadi’da marka lagaa dilo qoowmiyadda iyo dadnimada, waxuu kaloo ku fadhiyaa marka mindida la’isku kiin dhiibo oo laisku kaa diro kuwa ka indhaxiran indhahooda, maskaxdooda,iyo quluubtooda kadaloolantahay nuurka weeyn ee ifaaya oo soomaali oo dhan u ifaaya xornimadooda dadnimadooda, weerarka aduunku naguhaayana waa ay muuqataa waxaan idinkaga digayaa soomaaliiyeey tafaraaruq iyo cadaw udhaga nuglaanshaha, waxaan idiin balanqaadayaa soomaaliyeey ilaa dhibicda ugudanbeesa dhiiga inaanan dib unoqoneeynin wadada xalaasha ah oo aan hayno ilaa soomaali oo dhan ay wada xoroowda, soomaaliyeey meel kasta joog waxaan kuusoo jeedinayaa hurdadii laidin seexshay aan ka toosna aynu utoosno nolosheena, midnimadeena, gobanimadeena,waxqabsigeena iyo dhaqaalaheena".

Kadib xukuumaddi kacaanka, waxa kadhacay soomaaliya waa laga wada dheregsanyahay
Wadankeena marxalad xun ayuu marayaa oon Afrika aan kadhicin, somaaliyoo dhan ayaa la inkiray waxaana loo sameestay magaca Argagixiso, mar hadii lagaa xoog badan yahay, magacyo badan ayaa laguu bixinaa iyo eedo badan ayaalaguu sameeynaya, waxaa soo baxay kadib markii loo adkeesan waayay dhibka lagu jiray dhowr iyo tobanka sano ahaa iyo shirar badaan iyana ilaa dhowr toban ah oo lasoo maray waxna soo kordhin waayeen ayaa midoowga maxaakimta islaamka ay soomaaliyee inteeda badan oo laxalin waayay xaliyeen kana dhigeen meel aad unabdoon,

Maxaakkiimta wexey wax kabadaleen wadcigii jiray wexeyna fureen garoonkii diyaaradaha iyo dekadii weeyneyd ee muqdisho, wexey soo celiyeen nabadii, waxeyna isku fureen wadooyinkii kala xirnaa ee caasimadda, shacabkuna wexey u arkeen maxaakiimta iney maslaxadooda kashaqeynayaan iyo horumarkooda saas ayeyna ku taageereen waayo wexey heleen nolol iyo nabad,aduunkana qof nabad keenay wax lagu abaal mariyaa waa waxa ugu qiimo badan aduunka laga baxsho,nasiib darase waxaa la yiri waxaad tageertaan argagaxisada ama hooy siisaan sidaasina beesha calamka kutilmaamtay maxaakimtii islaamka,

kadib waxaa geed dheer iyo mid gaabanba ufuleen maxaakimta in shacbi weeynaha soomaaliyeed laga badbaadiyaa dagaal iyo barakac danbe ayeey maxaakimta kulama layeesheen madaxda ugusareesa doowladda kmgf somaaliya labo xili kana dhacay wadanka aan walaalaha nahay ee suudaan kaasi oo lagu guuldareestay iyadoo uu sheegay masuulki maxaakimta hogaaminayay sh.shariif sh. axmed in uu kulan layeesheen masuuliyiin ethiopian ah si loo baajiya dagaal, lakaiin intaasi oo dhan waa ay fashilmeen ethiopia waxaa u go’aansanaa in ay gudaha ugalaan dalka soomaaliya tasoo loo adeegsanayay magaca doowladda federaalka soomaaliya afhayeenadana ay ahaayeen soomaali taasi oo kutusineesa “kalaadaadsanaanta dadkeena iyo danaysiga shisheeye”, haddaba soomaaliyeey waxaa wanaagsan danina idiinkugu jirtaa iskuduubnida iyo iskaashiga kana taga waxa qabiilka ah ee nadaashaday, Walaalayaal ma hadda iyo waxaannu dib ugu noqonnay intii ka horraysay (1960) kii, waamaxay ayaan darradani? Yaase sabab u ah, waa inagga oo kaliya cid kale ma eedeeyno, madawbaa soomaaliyeey in maalin walba shacabkeena ku waabariistaan ama gabbal-dhacsadaan dhibaato joogta ah aanan dhamaaneenin, aynan heleeynin nabadgalyo waxay cunaan waxa ay xirtaan iyo dawo midna, danaha cadawga ayey fulinaysaa xoogga ay garabsaneysana waa itoobiya waxaa layaab ah doowlad iyo shacbigeeda lakala ilaalinaayo,shacbi doowlad aysan rabin lagu qasbaayo iyo doowlad laga ilaalinaaya shacbigeeda wax kastoo dhacana soomaaliya soomaali baa leh gumeystaha soo duulay iyo ninka dhulkiisa iyo diintiisa daafacaya, guusha waxaa ay raaceeysaa wadaniga xaq udirirka ah, xaaqin iyo dhulna xaaqinka ayaa dhamaada wayaanigana waa xaaqinka dhulkana ninkii lahaa ayaa u haraya. Waxba yaanan qoraalka idinku daalinine iskuduubniyaa lagu helaa xornimo.

Qore: Qadar xasan
E-mail: xaydar@live.com
Dhaka/ Bangladesh

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com