SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Puntland ma heli doontaa fursad ay uga badbaado burburkay qarka u
saaran tahay ?

Maamulka Puntland ayaa markii la dhisay waxaa ka soo wareegtay ku dhowaad tobaneeyo sano iyadoo dhidibada loo taagay sanadkii1998, balse ilaa iyo hadda ayaa shacabka Puntland ayan maalina helin riyadii nololeed ee ay ku haminayeen taasoo ahayd inay ku naaloodaan nabadgalyo islamarkaasna ku tilaabsadaan horumar bulsho oo dhinac kasta ah.

Tilaabadii koowaad ee laqaaday ee wax ku xumaadeen maamulka xagiisa ayaa loo xusaa in ay ahayd markii si toos ah loogu dooray hogaaminta Puntland C/laahi Yuusuf oo loo caleemo saaray in lagu qanciyo jagadaas si loogaga nabadgalo dhibaato iyo kala qoqobid xiligaas ku timaada unkamida maamulka, iyadoo loo arkayey in uu isagu yahay qofka keliya ee shaqsiyaadka isu tiriya siyaasiyiinta deegaankaas aan marna cid kale u tanaasulayn.

Waxqabadkii C/laahi Yuusuf waxaa uu ahaa sida la wada xasuusto mid uu uga faa’iidaysanayey in uu mar ku gaaro meel uu maamul Soomaaliyeed uga tilaabsado, waxa uu Odaygu galay in uu diyaariyo ciidamo uu ku caburiyo shacabka sida khaldan ku doortay isaga oo ku beer laxawsanaya in uu u diyaar garoobayo sidii uu uga difaaci lahaa Puntland duulaan uga yimaada dhinacyada waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu daabacday lacago been abuur ah oo shilinka Soomaalida ah si uu dhaqaalo ugu helo gudbinta hadafkiisa mugdiga ku salaysnaa, taasoo uu dhinaca maamulkiisa uu u xushay xiligaas shaqsiyaad tiisa fuliya oo aan dan ummadeed ka fakirin kuwaas oo ilaa iyo maanta weli gacanta ay ugu jirto Puntland.

Dhamaadkii waqtigiisii xukun ee hore ayaa C/laahi Yuusuf waxa uu muujiyey sida uusan ugu qanacsanayn in uu jagada hogaamin baneeyo, waxaana uu dib mar kale ugu qabsaday xoog milatari markii uu meesha ka saaray maamulkii Jaamac Cali Jaamac oo xiligaas la doortay, taasoo uu garab milatari uga helay Itoobiya oo Odayga u xulatay qofka ay ku aaminto deegaankaas.

Waxaa la orankaraa C/laahi Yuusuf mudadii uu madaxweynaha ka ahaa Puntland maalina dhinac horumar lagama helin xag bulsho iyo xag baladba, waxaana bad iyo berri ka socday xaaluf qaangaaray taasoo dadka qiimeeya siyaasada Soomaaliya ay ku tilmaameen in uu ahaa hogaamiyaha keliya ee ka waxyeelada badnaa dagaal oogayaashii Muqdisho ee tiro beelka ahaa.

Tilaabadii labaad ee hog ku dhaca maamulka Puntland kadib markii C/laahi Yuusuf loogaga dhawaaqay madaxweyne ku meelgaar shirkii loogu yeeray dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ka socday dalka Kenya muddada labada sano ahayd, ayaa waxa shacabka Puntland is tuseen fursad rajo oo ay u arkayeen in cid walba oo timaadaa ay si u dhaamayso Odayga.

Nasiibdaro waxaa ku guulaystay hogaaminta Puntland Cadde Muuse oo loo arkayey in uu ahaa hogaamiye C/laahi Yuusuf ay si siman uga wada heshiiyeen iska hor imaadyadii ciidan ee garabyadii ay kala hogaaminayeen dagaalkii sokeeye ee ka dhacay deegaankaas Puntland, balse ay soo baxday in Cadde uu ahaa nin toos cudud iyo calaf wuxuu haystay isugu dhiibay C/laahi Yuusuf.

Cadde Muuse ayaa ogaal xumadii jirtay waxaa loo arkayey nin wax weyn ka badali kara mashaqadii maamul ee ka jirtay Puntland xiligaas, wax lala yaabo ayay noqotay markii durba laga dhadhansaday in uu yahay maamul ahaan gacan yare Odaygii hore toos taladiisa ku shaqeeya, waxaana loogaga niyad jabay dhismihii dowladiisii u horaysay oo sida la xaqiijiyey ahayd mid toos loogu soo yeeriyey.

Shacabka Puntland ayaa mar qura waxay noqdeen kuwo ku baraaruga in ay ku hoos nool yihiin madax ku noqotay Dulin ka dul baxay oo xaga dhibaatada iyo damiir la’aanta ayan jirin cid kula mid ah.

Waxaa degdeg u burburay dhaqaalihii gobalka ka dib markii shilinkii la helo uu noqday mid dhinaca Federaalka iyo C/laahi Yuusuf loo qaado iyo mid jeebka ay ka buuxsadaan ragga talowadaaga Puntland ku maamula.

Waxaa soo baxay xifiiltan dhaqaale oo mararka qaarkood soo kala dhexgala mas’uuliyiinta Puntland ee iyagu noqday kuwo aan laga daba hadlin, waxaana meesha ka baxay muuqaalkii dowliga ahaa ee markiisii horaba harka keliya ahaa, waxaana timid in baarlamaankii magac u yaalka ahaa iyo xukuumadii ay wada shaqeentoodii lunto islamarkaasna cid walba ay ku tagrifasho mas’uuliyadeedii shaqo dhinac kasta.

Cadde Muuse waxaa taas uu ka sii daray markii uu kala xushay raggii ay talo wadaaga ahaayeen isagoo sheegay in uu wax saxayo, waxaana uu qabtay oo keliya in wasiirkii arimaha gudaha Xaabasade uu meesha ka saaray isagoo kuwii la fiirinayey in uu wax ka badalo uu dib u sii magacaabay sida wasiirkii Maaliyada Gaagaab iyo kii horumarinta Awaare oo uu ka sii dhigay xiriirka caalamiga.

Tilaabadaan isbedel ee Cadde ayaa shaki ku abuurtay dhamaan dadweynaha reer Puntland oo dhaqan u lahaa ilaalinta nabadgelyada iyo midnimadooda waxayna u arkeen in tilaabadaasi ay tahay mid wax kala qoqobaysa oo Cadde uu wasiiradiisa u kala saaray kuwo uu badali karo iyo kuwo uu sharfi karo oo keliya.

Isbadalkii siyaasadeed ee hogaanka Puntland ayaa noqday mid keena isbedel deegaan oo wax weyn ka badala deegaankii Puntland, taasoo gobalkii Sool uu degdeg uguba darsamay Somaliland, ayna jiraan deegaano kale oo ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyo colaadeed.

Dhinaca kale noloshii ayaa sii xumaananysa idil ahaanba deegaanka Puntland kadib markii shilinkii uu hoos u dhacay uuna ku yimid sicir barar dhamaan maciishadii lama huraanka ahayd taasoo loo aanaynayo soo saarista lacago been abuur ah oo ay si xad beel ah u yaalaan warshadaha daabaca, waxaana hakad galay ganacsigii iyadoo ganacsatadu ay dadaal ugu jiraan sidii ay hantidooda u badbaadsan lahaayeen, waxaana yaraatay cuntadii taalay iyadoo meelaha qaar laba xiray goobihii wax lagu gadi jiray.

Waxaa bilowday socdana shirar ay beeluhu ku doonayaan sidii ay xal uga gaari lahaayeen dhibaatada maamul ee ku habsatay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in uu jiro diyaar garoow beelaha qaarkood ay ugu jiraan sidii ay gooni gooni aayahooda uga tashan lahaayeen mar haddii ay arkeen in waxyeelo uun noqotay waxa ay ka sugaan maamulka hadda jira.

Ilaa iyo hadda ma muuqato wax fursad ah oo laga sugayo in uu sameeyo maamulka Cadde si uu u badbaadiyo burburka Puntland ay qarka u saaran tahay, iyadoo la wada ogsoon yahay in uu xiligiisii dhamaaday maamulka Cadde isla markaasna ay luntay kalsoonidii shacabka ay ku qabeen dhismaha maamul u dhex ah oo baahidooda ugu adeega.

Shacabka Puntland oo ah runtii kuwo talowadaaga jecel isla markaasna dulqaad u leh dhibaato kasta oo la soo darista ayaa waxay maanta yihiin kuwo qaadan la’ in ay dhaxlaan baaba’ dhinac kasta ah, waxaana inta badan qof kasta oo Puntland ah hor imaanaysa dagaalka ka socda Muqdisho oo wiilashoodii laga dhigay kuwo ka dhinac dagaalama cadowga soo jireenka ahaa ee ummadda Soomaaliyeed ee Itoobiya oo maalin walba xasuuq u geysanaysa shacabkoodii.

Reer Puntland ayaa ah kuwo mar walba dhibsada raalina aan ka noqon Karin in xaluufo loogaga dhigo cadowga Islaamka iyo kan Soomaaliyeedba iyadoo ciidamo si gaar ah loo dhisay oo loogu yeero Ashahaado la dirir ay ka howlgalaan Puntland isla markaasna khalad kasta oo ku yimaada siyaasad xumida maamulka hadda jira loogu yeero mid ay soo abaabuleen urarada diiniga ah, si loogu ugaarsado dhalinyarada u heelan barashada iyo ku dhaqanka diintooda Islaamka.

Si kastaba xaalku ha ahaadee xaalada shacabka Puntland ay ku sugan yihiin ayaa ah mid lagu tilmaami karo maxay ku nuugaa maxayse ka nuugtaa mar haddii maanta wax u dhaqan ayan jirin dad iyo dalba taasoo ay u sii dheer tahay magac xumada ay sii dhaxalsiiyeen kuwa ay hogaanka u dhiibteen.

Ax’ed Ciise Qulaan
ahmeding@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com