Sidee ayaa looga hortagi karaa Afarta cadow
ee Soomaaliya?
Qabiil, Qaad , Qabqable dagaal iyo Qori.
Fariin Ku socoto Guud ahaan, inta weli uu
damiirkooda nool yahay.
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah,
naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii Muxammed ahaa ayeeey
korkiisa ahaatay. Kadibna akhristayaasha sharafta lahow iga
gudooma salaanta Islaamka (A.C.W.B).
Dhibaatooyinka iyo masiibooyinka Soomaaliya ku
habsaday waxa ay dad baddani ka muujiyaan inay ugu wacan yihiin
arimo baddan iyagoo aalaaba fikradaha ku kala duwan. Laakiin
sida ay dad baddan oo wax ka qora Arimaha Soomaaliya, oo weliba
aan oran karo waa kuwooda ugu rug caddaasan markey noqoto
qoraalada Soomaaliya, ayaa waxey isugu soo urriyeen
dhibaatooyinka Soomaaliya inay asal u yihiin afarta caddow ee
kala ah { Qabiil, Qaad, Qori, iyo weliba qaqable dagaal }.
Haddaba qoraalkeyga maanta waxaan diirada ku saarayaa bal marka
hore inaan mid mid uga hadlo afartan qodob, kadibna aan wax iska
weydiino bal sidi leysaga qaban lahaa.
Bal marka hore aynu isla eegno Qabiil iyo sidii
uu Soomaali meel uga soo haray. Soomaaliyeey qabiil sida uu
Rasuulkeenii Muxammed noogu sheegay axaadiista mar uu la
hadlayey saxaabadda waxaa uu sheegay in qabiilku uu yahay wax
uraya ee ay isaga tagaan. Sidoo kale waxa uu noo sheegay
qabiilku inuu yahay sida basasha oo kale, oo ah lakabyo kala sar
sareeya, oo markii lakab la qaadaba lakab kale loo tagayo, oo
ayan dhammaaneyn. Annagu Soomaali haddeynu nahay kolkii ay
bilowdeen dagaaladi sokeeye waxaa markii ugu horeysaysay ba
leysu dagaalay caam ahaan, kadiba waxaa leysugu soo noqday reer
reer, kadib jufo jufo illaa salkii la soo taabtay. Soomaaliyeey
bal ila eega ma jiraan maanta reer Soomaaliyeed aan iyaga
dhexdooda isu heysan qabiil qabiil iyo laf laf. Qabiilku waxa
hadaf ah ama aydiyoolajiyo ah uu ku dhisan yahay ma jirto,
kaliya waa wax ku dhisan xasad, xin, xaqiraad iyo weliba see
reer hebel ay wax u qabsan karaan.
Qaadka oo ah maandooriye ka mid ah
maandooriyayaasha kuwooda ugu qatarsan, sida ay caddeeyeen
quburo ku xeel dheer sayniska oo arintaas baaritaan dheer ku
sameeyay. Qaadku dalkeena waxa uu ku hayaa dhibaatooyin aan
lasoo koobi karin, haddii ay noqota xag dhaqaale, caafimaad,
qoys iyo weliba sharafti iyo karaamada uu ka qaaday bulshada
soomaaliyeed. Qoys kastoo soomaaliyeed oo duma waxa asal u ah
Qaadka. Dhaqaalihii Soomaali ay laheyd waxa uu gacanta u galaa
waddamada deriska, kuwaasoo aan si xad laheyn ugu soo daabulaya
Soomaaliya diyaarado fara baddan oo keena qaadka. Caafimaad
ahaan waxaad meel walboo aad tagto ku arkeysaa dhalinyaro yar
yar oo aan weli gaariin Soddonkii oo iyagoo waalan ama isla
hadlaya dariiqyada waaweyn ee magaalooyinka dhex socda, laguna
leeyahay waxaa sidaa u galay waa qaadka. Waxa aan aad iyo aad
uga naxay warbixin ay soo diyaarisay haweeney u shaqeysa
hay’adda caafimaadka Ingiriiska (NHS) oo ku sheegtay in dad u
baddan dhalinyaro Soomaali ah ay ka buuxaan isbirtaalada
dhimirka ee Ingiriiska, kuwaasoo ay u ugu wacan tahay qaadka iyo
qayilaada dhafarka. Habeen iyo maalin qoysaska waxa ay ka
calaacalyaan waa dhibaatooyinka qaadka, iyadoo aad maql;eyso
odeygi reerka lama araga 2 ama saddex todobaad amaba kasii
baddan, oo goobihii qaadka ayuu seexdaa. Lama soo koobi karo
sida uu waqtiga uga dilay bulshada soomaaliyeed. Soomaali wixii
ay sharaf iyo karaamo iska laheed waxa meel uga dhacay Qaadka.
Haddii aan is iraahdo ka hadal dhibatooyinka qaadka runti maaha
arin lagu soo koobi karo hal qormo kaliya, ee waa arin u baahan
in maalmo baddan lagaliyo.
Qabqable Dagaal ama dagaal ooge, oo aynu oran
karno waa nimanka iyagu asalka u ah burburkii ka dhacay
Soomaaliya, iyagoo ummadda ugu beerlaxawsada reer hebel ayaanu
idinka difaaceynaa. Nimankaas oo aanan u aabo yeeleyn qaran,
shacab, qowmiyad iyo weliba dhul soomaaliyeed, ayaa mar walba
waxey wax walba ka hormariyaan danta iyaga ay leeyihiin. Nasiib
darada jirta ayaa waxey tahay iyagoo dadka qaarkood ay ku
oranayaan, waan ogahay inuu qabqable dagaalka reerkayaga uu
qaldan yahay, laakiin ha iska noolado oo reer hebel ayuu naga
hor jooga. Soomaaliyeey aynu dib isu eegno, oo dhexdeena aynu
xisaabtanno, ma isku diidanahay in reer walba ninka hor boodayaa
uu yahay kii reerka ugu shar badnaa, ugu mujrimsanaa, ugu
dhiigyo cab badnaa. Miyuusan aheyn kii reerka kala reebay. Waxa
wax lala yaabo ah in reer walba ay arkaan boogaha reerka kale ee
ayan iyagu hoos isu eegin. Arinta ugu naxdinta badneyd waxa ay
aheyd, dunidoo idil marka la arakay qaabka ay Soomaalidu u
fekereyso ayaa waxaa la yiri bal halasoo dhiso dowlada ka kooban
qabqablayashi dagaal, oo iyagu ayeey talada ka go’daaye.
Arintaas oo ayan jirin cid ka dhiidhisay oo ka hadashay, leysma
weydiin maxaa ka dhalan doona Mustaqbalka, oo waalasoo wada
dhaweeyay iyadoo reer weliba ay ku xisaabtamayeen inuu
qabqablahooda dagaal bal fursad halkaa ka helo. Maanta ayaa la
hayaa marka wixii ay kheyr iyo shar ba laheyd.
Qoriga, oo aan runti kusoo hal qabsanay ulana
jeedno hubka Soomaaliya kusoo qulqulaya ayaa iyadana ah
caqabadaha ugu waaweyn ee Soomaali hortaagan, kaasoo uu gacantii
u galay waxmagarato aan u naxeyn shacabkii. Waxaad arkeysaa wiil
dhalinyaro ah oo aaminsan inaanay nolol jiri karin haddan qori
la heysan. Immisaa Soomaali ay gilaafatay xabado leyska ridayo,
immisay qaxooti ka dhigtay, immisay sababteed darteed xabsiyo
dunida ah u gelisay, immisay la kacday Madfac aan loo meel
dayin, immisay indhaha tirtay, immisa ku curyaamay, immisay
gablan ka dhigtay, maxey hanti burburisay, aaway kaabiyadihii
qaranka, aaway hantidii guud ee ummadda. Xayawaanka Raha ayaa
laga sheegay inuu yiri { haddii ay biyo faa’iido leeyihiin, bal
halaga eego dabadeyda}, haddaba Soomaliyeey haddii uu hub
faa’iido leeyahay bal siduu Soomaali u galay hala arko. Dagaal
wiil baa ku dhinta, ee wiil kuma dhasho, waa xigmad hore ay
Soomaali horey u tiri.
Qormadeydan intaas ayaan kusoo afjarayaa maanta
ee la soco qeybta labaad iyo sida arimahan wax looga qaban
karo.
Wabilaahi toofiiq
Qalinkii:- Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com