SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Puntland, Badbaadiya inta ay Bidhaan leedahay.

Maamul Goboleedka Puntland ee Jamhuuriyada Faderaalka ah ee Soomaaliya waxaa beryahan ka dhacayey shaqaaqooyin aan dhaqan iyo caado toona ku laheyn dhaqanka shacabka reer Puntland.

waxaa is weydiin mudan in dhaqanka cusub mid u qarsoon ahaa reer Puntland mise waa mid nooga yimid meel kale, Puntland lagu aqoon afduub. ee Puntland waxa lagu yaqaan nabad jecel, Soomaali jecel iyo shacab qiimeeya xaquuqda qofka insaanka ah.

Sababta keentey in ay afduubka dhaca iyo qarixinta ku soo bataan Puntland waxa keeney waa qodobada soo socda. Dowlada Puntland oo aan xakameyn karin nabada Puntland Dhaqaalaha Puntland oo si qaldan loo maamulo Musuqmaas fara badan oo Puntland ka jiro Siyaasada Puntland oo aan lahayn Hadaf cad Shacabka reer Puntland oo aan aheyn wadaniyiin. Dowlada Puntland oo aan xakameyn karin nabada Puntland.

Dowlad waxa ay dowlad ku tahay marka ay nabad ka balanqaado shacabkeeda, dowlada hada ka jirta Puntland ee Madaxweyne ka yahay Cadde ma ahan mid mudnaanta koobaad siinaysa nabada iyo kala danbeyinta. Afduubkaan iyo qaraxyadan dhacaya maa ahan waxa istaagaya hadii uusan maamulka madaxweyna Cadde uusan sida ugu dhaqsaha badan talaabo cad oo fal iyo afkaarba leh uusan u muujin. Waa muhiin in shacabka Puntland fahmo in ay dhaqan nugu cusub uu yahay mid xaaraan ah, oo marnaba aanan raalin ka noqon in qof bin-aadan ah oo ku nool gobalada maamul goboleedka Puntland xaquuqdiisa la afduubo oo la waydiisto madax furasho.

Dhaqaalaha Puntland oo si qaldan loo maamulo.

Miisaaniyada Puntland waxa lagu qiyaasaa in ka badan $ 40.000.000,00 suurto gal miyaa in shaqaalaha dowlad goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo aan dhamiyn 20.000 in loo waayo mushaar ay qaataan bil walbo. Haa oo waa hub- aal in dhaqaalaha Puntland laf dhabar u yahay mida DKFS, laakiin xaq miyaa in sanad walba la kabo dhaqaalaha DKFS? si kasta u qaado jawaabta su'aashan, laakiin waxa fiican in la helo dariiqo muhiim ah oo aad dhaqaalo ku bixiso, waxa aan u maleynayaa in waqtigii la gaarey ay DKFS ay raadsen lahayd sidii ay dhaqaale ku heleyd, Puntlad ay u yareyn lahayd kabida ay kabso DKFS.

Musuqmasiqa iyo Puntland

Mushaar la'aanta ka jirta Puntland waxa ugu cawan musuqmasiqa faraha badan ee ka jira Puntland, warqadahan kurikuteenka ah ee uu saxiixo masuul walba ee ka mida ah maamulka Puntland ee uu ku dalbanayo in la bixiyo intaas oo lacag oo aan meel ay ku socoto aaney cadayn ma la joojin karo miyaa? wadan uu corruption ka jiro ma hormaro, cadaaladna kama jirto. Marka waxaa haboonaan laheyd in aan musuqmaasuq kor laga joojiyo. tusaale ahaan: wasiir walba waa u in uu helaa mushaar wanaagsen oo ka sareeye scale ay ku noolyihiin dadka shacabka ah, ma laga yaabo in wasiirka xaq daro kale sameeyo oo uu wax is daba mariyo. marka ujeedayda waxa weeye wasaarodo yar, wasiiro xul ah oo tayo fiican leh karti iyo aqoona leh oo u hufin maamul iyo maareyn waanagsen. Intaa hadii la helo waxaa hubaal ah in ay miro fiican la hilo karo oo yidiilo wanaagsan lagu riyoon karo.

Siyaasada Puntland oo hadaf laheyn.

Puntland waxa loo yagleelay in ay ka badbaado darxumadii ka socotay Soomaaliyada koonfureed, shacabka reer Puntland nabad ku heelaan loo sameeyna maamul ay isku abtirsadaan. Hadafkaa isaga ah waa mid la gaarey oo dagaal iyo barakac ka dhacay oo buuran ma jiro, laakiin siyaasad waa is badashaa dagaal qabiil oo Soomaaliya ka socda ma jiro. Waxaase socod dagaal ay ku dhimanayaa shacab Soomaaliyeed, muhiimada dagaalka socodna qofba si ayuu u sharaxdaa. Mida u fahmaya waa dagaal jihaad ah oo u baahan in ay Soomaali oo dhan ka qeyb qataan, kuwa kale waxa ay leeyihiin hadii ay Maxakamadihii midoobay ay dagaalka joojiyaan oo ay doortaan mid af iyo siyaasad ah waxaan aan shaki ku jirin in naf iyo hanti badan badbaadeyso, xabashida wadanka timid ay isaga bixi doonto. Anigu waxa aan raacsanahay talada danbe. Aan u soo laabto siyaasada Puntland ee ku aadan xargufta ka socota Muqdisha waxa weeye in ay si toos ah u taagerto DFKS oo kaliye ee waa in ay si aan hagar iyo mudnaan mudan loo taageero shacabka reer Muqdisho la tusana in ay Puntland aanay raali ka aheyn dhitba, barakaca, dhimashada iyo burburka ka socda magaalada madaxda Soomaaliya ee Muqdisha. Kooxaha ka soo horjeeda DFKS si toos ah loogu tago oo laga dhaadhiyo in ay dhinaca siyaasada u maraan hadafka ay ka leeyihiin Soomaaliya ee ay joojiyaan in ay dagaal iyo qori caaradii wax ku helaan.

Dhinaca SSC ee dowlada goboleedka Puntland waxa iyadana mudun in labada maamul ee ka jira Somaliland iyo Puntland ay bataatanba joojiyaan wax dagaal danbe in uu san ka dhicin Laascaanood. Maamulka reer Somaliland uu si toos ah ugu baxa Laascaanood ka bacdina afti laga qaado dadka reer SSC meesha ay rabaan in ay ku biiran ha doortaan. Himilooyinka iyo sharaxaadaan waxa looga fadhiyaa in uu ku dhaqaaqaan maamulka Cade Muuse, perche qofka siyaasiga waxaa lagu qiimeeya waxa uu qabtey shacabkiisa. Waxtarka uu qabtana waxa ugu xasuus badan midka miro waare leh oo taariiqda siyaasigaas dib u xusta had iyo jeer.

Shacabka Puntland iyo qurba jooga reer Puntland.

Shacabka reer Puntland intooda badan waxa aad moodaa in ay u joogaan Puntland si ku meelgaar ah, qof walba waxa uu ku doodayaa waxa aan ka imid Muqdisho, Marka ama Kismaanyo.Waxa aan sugayaa inta nabad ay noqanayaan. Oo waan laabanaya, ma xuma in aad meesha aad ku dhalatey aad u hilowdo oo aad ku riyooti maxay nabad u noqon la'dahay. laakiin ha iloowbin in aad dhalasho ahaan aad ku soo jeedo Puntland waxa aan mudan in aad hantidaa iyo muruqaaga aad maalgaliso oo aad ka qayb qaatado hormarka iyo dhiskaaga dhulkaaga. ma u maleyn lahayd hadii aanan shacabka Puntland Boosaaso dhisi laheyn in ay sidaan maanta u dhisnaan lahayd? jawaabtu waa maya.Shacabka reer Puntland waxa ku jirta karti farabadan laakiin ma u istimaalaan sidii loogu bahnaan. Marka shacabka reer Puntland boorka is jafo oo ka qayb qaata dhismaha dhulkiina iyo generation-ka soo socda.

Waxa aan shaki ku jirin in qurbo jooga reer Puntland ay kaalintooda ka gabeen dib u dhiska Punland, hadii ay noqon laheyd xaga nabada, siyaasada, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada. Bulsho waxaa hormarka u horseeda umadeedda siiba kuwa wax bartey ama dhaqamo kale la soo koro. Waxa la gaarey waqtigii aan iskaashen laheyn hadii aan aheyn laheyn mid jooga mandaqadii ama qurbo jooga ahba.

Talobixin.

Talobixin ku socota maamulka dowlad gobeeldka Soomaaliya ee Puntland.

Talooyinka soo socda oo aan u arko kuwo muhiim ah oo in badan oo reer Puntland aan u maleynayo in ay ila qabaan ayaan si kal iyo laab ugu soo jeedinayaa dowlada Puntland.

  • Adkeynta Nabada iyo xasiloonida
  • Furitaanka xisbo siyaasadeed
  • Tirokoobka shacabka Puntland
  • Dib u habeynta Xarumaha dowlada. Baarlamaan, Maxkamada sare, Madaxtooyada Puntland.
  • Dib u habeynta ciidamda Daraawiishta, Booliska iyo Ciidaamada deegaanka.

Talobixin ku socota Shacabka reer Puntland.

  • Ilaallinta Nabada
  • Adeecida awaamiirta dowlada gobolkaaga iyo mida guudba
  • Danta guud ka hormari midaada gaarka ah
  • U diyaar ahow dhiinba canshuuraha
  • Ka fowog qabiil iyo qabyaaled
  • Ka qeybqaado hormarka dhulkaaga Gabogabo.

Dowlad waxa ay jirtaa marka ay hormar gaarsiiso shacabkeeda, tiigsatana hadaf cad oo leh oo ay ka dhabeyn karto. Midaas ayaa lugu xasuustaa dowlad fiican. Dowlad fiican waa tii dalkeega ku soo rog hormar la taaban karo hadii ay aheen laheyd dhinacayada shaqada, dhaqaalaha iyo waxbarashada. Maanta ma dhihi karno oo kuma faani karno arimahan aan soo sheegay, laakiin waxa aan ku faani karnaa in ah rajo jirto. Oo Puntland barwaaqo gaari karto hadii ay si kaashadaan shacabka iyo dowlada. Qofka bini aadamka ah intuu uu rajo hayesto waxa aan shaki ku jirin uu gaari karo oo uu ka dhabeyn karo yoolkiisa.

Yoolka Puntland ha noqdo mid cusub oo aan ku tashano in Dooroosho la qabto, la doorto maamul ka madax badnaan musuqmaasuq iyo qabiil. la yimaada yididiilooyin iyo himilooyin la tiignas karo waqtiga dhow iyo midka dheerba. Lamo joogi waqtigii aan gacan shisheeya(NGO) dhihi laheyn kaalaya oo deeq noo keena.

Hormarka bilowgiisa gacantaada ayuu ku jiraa, hormar sidiiba unug waxaa u ah bulsho is biirsato si toos ahna u hogaansata awamiirta iyo nidaamka ay doortaan. Gunaanad: Nabad iyo Hormar waarta ILAAH ha na siiyo.AAMIIN.

Ahmed Abdi Ali(Ciloon)
a_abdi@wanadoo.nl

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 22, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com