SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

prime minister Nuur cadde hadal wanaagsan wax ma kuu wehliyaan ?

Ilaah baa awood iska leh , nabigeenii suubanaa muxamed csw nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato aamiin aamiin aamiin .

Akhiyareey asalaamu calaykum .

Afka hadal ka soo baxay aduunyada dhamaanteed kama bi'iyo oonkee oksoonoow, runta lagama hiishee asaageen ma raacnaa , ereyadaa oo runtii aan ka soo minguuriyey hees aad u wanaagsanayd oo berisamaadkii ay ku luqayn jirtay fanaanaddii xaliima magool naxariistii janno alaha siiyee , waxeey heestu tilmaamaysay sida aysan bulsho baahideeda wax qabad hadal wanaagsan oo lays yiraah aanu tacabkeeda wax soo saar ama nabadgalyo waxba ugu biirinayn, oo ay tahay waxa loo baahan yahay wax qabad ficil leh , arimahaa weeye dulcda hadalkayga aan doonayo inaan pm Nuur cadde ku weydiiyo aragnay inaad tahay shaqsi aad u hadal wanaagsan aad u miisaaman ,og baaxadda dhibaatada umadda gaartay ,waxaad u muuqataa mas'uul barnaamij qorshaysan wata waana middaa rajada yar ee igu tiri hadalka wanaagsan nuur cadde tolow wax ma ' u whehliyaan .

Nuur cadde mr brime minister dadka intiisa badan waxeey leeyahiin inkaar oo idil waa dhimo , waxaa ku macne noqonaya dhibaatada somaliya haysata oo idil waa ETHIOPIA (tigree) oo duliga jiraa oo idil aabaha u ah, sidee marka rabtaa in duligaa oo socda oo xamar yuurura inaad noqoto shaqsi hadaladiisa wanaagsa la sii aamino ?...

Koleey hadal wanaagsan in uu wax daweeyo mooyee marna fidno ma biiriyo , runtii marka nuur cadde laga faloonayo shaqsiyadiisa dadku kuma qaybsana in uu yahay shaqsi aad u wanaagsan ,laakiin waxaa durba kugu soo dhacaysa sidee shaqsi fiican loo soo xushay? , maxeey ka wadaan ?.
miyaa nala wareerinayaa ?, mase waxuu noqonayaa sifihii waa hore la oran jiray dhurwaaga ciya iyo kan aamusan kee daran .?

Su'aalahaa jawaabtooda waxeeey ka soo baxayaan safarkiisaan cusub ee uu pm nuur cadde xamar ku yimid , waxaana si weyn isha loogu hayaa go'aanka uu ka qaadan doono warloryada xamar weli ku haray oo saxiibadoodii hore laga faaruqiyey dawladda , waxaa mr nuur cadde lagu qiimaynayaa sida uu awood ugu yeesho in uu xoriyadiisii u soo celiyo Axmed diiriye cali afhayeenkii odayaasha dhaqanka beesha hawiye.

Dadka qaar baa oranaya maxaa nuur cadde durba mortarka loola dhacay oo maa odayga hadalkiisaa wanaagsan waxa uu xanbaarsan yahay laga warsugo , oo xaata la baxnaaniyo safarkiisaan cusub oo ah markii ugu horeeysay xamar intii xilkaan uu qabtay , laakiin fakradaas waxaa si weyn uga xoog badan kuwa qaba awalan xabad joojin ma dhicin , xasuuqii shacabkuna maalmahaan ayuuba ugu darnaa , oo anaga iyo vila somalia asxaan nama dhax-yaalo , waana xaruunta uu fadhiyo jeneral gabre iyo odayga dhaqtarka jira ay isku taleefoon warsadaan sidii xasuuqa , bara kicinta iyo dhaca intaa looga sii badin lahaa .

Runtii waxaan si leeyahay shaqsiyadda nuur cadde hadii aan isla garanay in uu yahay shaqsi ilaa xad wanaagsan waxaa suurtagal ah in uu haysto damaanad ku tiri sidaa u shaqee , asaguna koleey markii la soo xulanayey wuu iska eegay barnaamijka loo soo dhiibay waana taa rajada aan ka qabo mr nuur cadde in uu daaqad yar inoo furay .

Waxaa muuqata in saaxiibo badan oo arimaha somalia wax ka qori jiray ay ka gaabsadeen faalada mr nuur cadde oo dadka qaar waxeey is leeyahaan yaan lagu dag-degin ninkaa faaladiisa ,qaarna waa reer buthland oo waxeey u arkaan ninkaan nin khatar ku ah taladii socotay iyo hawlahii ayaga iyo xabashida ka dhaxeeyey ,kuwa kalana waxeey weli la jiraan warloryada xamar dadka ku gumaada oo waxeey u cabsi qabaan in uu xilka ka qaado waxeeyna isku qanciyan xilkaan waxaa naga qaadi kara maraykanka oo anaga waxaa na magacaabay la dagalanka argagixisada .

Ilaaheey uun weeye midka garan kara xalka somaliya iyo goorta uu saldhigan doono , waxaana hubaa hadaan la xoojin dagaalka lagula jiro cadawga xabashida oo aan cadawga dharbaaxyo xoog leh loo gaysan in aan xalka somalia marna ku imaanayn si sahlan ama hadal layska yiraahdo , xataa hadalka waxuu cadawgu ogolaanayaa marka la xanuujiyo , waxaan qoraalkayga ku soo xirayaa hadalka wanaagsan ee mar nuur cadde waa hadal u baahan in lagu daro sida wqtiga dhaw u noqonayo mid fula (bractical) ,waxaana hubaa in asaga iyo mr yuusuf aysan wada joogi karin ,geedina loo darsan maayo wabilaahi tawfiikh Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Bashir Dirie | bdirie@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 22, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com