SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

IToobiya Waa ka Maaranaa Ee ARitreeya Ma Ka Maaranaa

Col Nuur Xasan Xuseyn (Nuur Cade) Wasiirka koowaad waxaa laga hayaa, "Itoobiya waa laga maarmaa" ,waxaa haray iyada oo hadalkaas ficil loo bedelo ,waxaase su'aal weyn ka taagan tahay sidee lagu heli karaa arrintaas oo dhab noqoto, maadaama ay taa tahay, tan Soomaali mar kale u horseedi karto in ay dib ugu is-taagaan lugahooda. jawaabta sua'aashan waxaan ka dhax doonaynaa, iyada Aritree ma laga maarmaa, su'aashan jawaabteedase si cadaan ah, ma u bixin karaa Shikh Sharif Shikh Axmed oo isaga madax u ah, kooxda isbahaysiga dib xoreynta dalka Soomliyeed oo iyaga ajandahooda ugu horeeya yahay xeel iyo xoog tay ahaataba, sidi ay dalka Soomaaliyeed uga bixin lahaayeen ciidmada Tigreeda ee dalkeena ku soo galay dalab garab siin oo ay ka codsadeen koox gaar ah oo aanan iyada sinaba u mathalin danaha Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaanba.

Itoobiya, qaawanaanta fara gelinta arrimaha Soomaaliyeed waxaa kala siman dalka Aritree oo aanan iyada wax badan uga duwanayn dowlada Itoobiya, xaga hub ku soo daabulida gacmaha kooxaha isku haysato maareynta halbowlaha maamul dhaxe oo dalkeena Soomaaliyeed yeesho in mudaaba. IToobiya waxay qabtaa laba cudur oo uu mid yahay sidi Ay gacan weyn ugu yeelan lahayd fargelinta arrimaha Soomaaliyeed dhan walba iyo Cudur la yiraa neceebka Aritree ,Aritreena waxay qabtaa nabar ku taagan oo ay ka baqayso in uu ku dilaaco haddii ay Itoobiya ku guulaysato, curinta dowlad Soomaaliyeed oo aan iyada xoog lahayn, kuna taagan raalinimada dowlada Xabashida.

Hadaba su'aasha uu xalka gadaasheeda ku imaan karo waxay tahay, Dolwadda uu Nuur cade madaxda u yahay iyo kooxda Fadhigeeda yahay Aritree ma wada fadhiisn karaan, iyaga oo aanan marnaba ka tala qaadanayn Itoobiya iyo Aritree toona. ilayn labadoodaba dhibka ka taagan dalkeena sida uu noo haayo uma saameeyo iyaga.culaysna kuma haayo qaran Soomaaliyeed oo dib loo arko, haddii dowladahan mid walbo qarankaas aynan ka dhax arkeyn danaheeda gaarka ah,taana in ay dhacdo waa mustaxiil beryahan, amaba waxaan dhihi karnaa, waa sacabada oo tima ka soo baxaan labadooda(Itoobiya iyo Aritree) oo isku afgarto in ay arrimaha hoose ee Soomaalida faraha kala baxaan.

Laakin inta aanan gunta hadalkayga hoos ugu daadegin ayaan waxaan rabaa in aan su'aal iska weydiino, waayo kooxda Al Shabaab ,kooxdansa diyaar ma u tahay in ay kooxahaas oo madaxbanaan meel la soo fadhiisato ,kooxda Shabaabsa yaa u madax ah marka laga gudbo Abuu Mansuur iyo Shikh Fu'aad oo iyaga beryahaan si aad ah uga muuqday mediyaha, miisaanka ay kooxdooda ku dhax leeyiihiina uu shaki badan ka jiro ,marka xaaladooda laga fiiriyo dhinaca dagaalka ka socdo Magaalada Muqdisho iyo iyaga gobalada ay ka soo jeedaan.

Kooxda Al Shabaab marka aan mabda'ooda hoos u aqrino waxay ku shaqeeyaan awaamiirta kooxda Al-Qaacida,taana iyaga ayaa qirsan-oo ma'ahan mala-awaal, laakin markaan ficilka al Qaacida hoos u fiirino ,Al-Qaacida madaxdeeda maahan mid is qariso ilaa iyo xad,kooxda Al Shabaabna marka laga gudbo xanta ah waxaa madax u ah Aadan Xaashi Ceyrow ,warka ma cado iyo yaa u madax ah kooxdan ,koox ay madxdeeda is qarinaysana, hadafkeeda wuxuu u egyahay mid aanan saliim ahayn oo ujeedooyin badan. kooxdan diyaar uma ahan wada xaajood ay la gasho Soomalida intooda kale, si dib loogu doono soo celinta qaranki soomaaliyeed .kooxdan waa mid doonayso inay ku guulaysto xukun aanan looga danbayn, cid kalana aynan la qeybsanayn,taana ma'ahan mid Soomaaliya beryahan ka shaqaynayso marka laga reebo in dad badan raali ka yihiin si ku meel gaar ah, dagaalka ay dhinac uga haayaan ciidanka Tigreeda waqtigan xaadirkaa, oo uunan iyada jirin Soomaali nadiif ah oo raali ka ah in ay ciidanka xabshida nabad ku joogaan dalkeena.

Run ahaanti waxaa kooxda Shabaab aad ugu dhow xaga kali talisnimada, Col Cabdullahi Yusuf madaxa kooxda Mabagathi oo isaga qabo cudur xukun jeceyl ah iyo in uunan rabin cid la qeybsato awooda sare ee dalka Soomaaliya ,caqabana ku noqon karo Soomaali in ay ka madaxbanaanaato Itoobiya, laakin isaga dhibkiisa beryahan waxaa looga gudbi karaa,Ciqaab xag allah uga timid oo iyada ah, kolki loogu yeeray madaxweyne oo uu raadinayay mudda dheer,ayaa waxaa ku soo baxay dhib la yiraa "xukuna ha hayn ,godkana ha jirin " .

Aan u soo noqono xalka wadankeena xagee ku jiraa ,wuxuu ku jiraa DFKM gaarka ah(Wasiirka koowaad iyo dowladiisa) oo go'aan cad ka qaadato bixitaanka Itoobiya, ka horna aad ugu dadaasho sidi loo soo dhamaystiri lahaa ciidamada Amisom iyo kuwa kala oo ka yimaado addunweynaha kale, iyaga oo taa la kaashanayaan aduunweynaha ,gaar ahaan dalalka reer galbeedka oo iyaga arrimahan u heelanaa beryahan. dhinaca kalana waa kooxda fadhida Aritree ,iyagana waa in ay go'aan cad ka qaataan sidi ay u aqbali lahaayeen ciidamada Amisom iyo ciidama kale oo ka yimaado addunweynaha kale oo la keeno dalkeena iyo waa kooxda joogto Aritreeye oo iyaga markaa keddib u dhaqaaqo bedelaada xarunta ay ku leeyihiin Aritree, si aan uga gudubno dagaalka Soomalida u dhaxeeyo oo isaga ah xarbi u dhaxeeyo Itoobiya iyo Aritree oo aan annaga wakiil uga nahay iyaga.midda kale fursadan waqtigeeda waa gaaban yahay,waxaana labada kooxba laga rabaa in ay si dhaqsiya go'aan uga qaataan arrima badan oo sahli karo wada xaajoodkooda, Soomalina u horseedi karo Qaranimadeedi oo ay dib u soo ceshato, isla markaasna hor-istaagi karo in wada xaajoodkooda carqalad uga timaado dhanka al Shabaab iyo Madaxweynaha DFKM oo iyaga labadoodaba ka siman doonista xukun kalitalisnimo.

Waa guul iyo qaranimo oo la gaaro ,marka la helo wada xaajood salka ku haayo madaxbanaani ay la yimaadaan kooxaha Soomalida, waana markaa marka ay Soomalida gaari karto in ay meel wax isla dhigaan.waana markaa marka aan ka maarmi karno Xabashi iyo Aritree oo iyaga dagaalka u dhaxeeyo u soo wareejiyay gudaha Soomaliya.

Kooxaha Soomalida ma jirto koox aanan ogayn halka uu ku jiro xalka Soomaaliyeed, xalka runta ah wuxuu ku jiraa doorasha xor ah oo dalkeena ka dhacdo ,wuxuu ku jiraa ninkiba hal cod, si aan uga gudubno musiibada 4.5 ,sida uu ka dhawaajiyayba Mudane Nuur Cade oo isaga ku dhiiraday si geesinima leh dhihida aan ka guurno 4.5, isago oo weliba og in nidaamkiisa ku tiirsan yahay ciidamada Tigreeda oo iyada la hubo in ay taa aad uga carasysiinayso, maadaamo qaabka ay waddankeena ku joogaan uu yahay qeybi oo xukun. 21/01/2008

Abdallah Moallim Mahamud (Abdullahi siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 22, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com