SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Nuur Cadde oo ay garoonka Muqdisho kusoo Dhoweeyeen Saraakiil Itoobiyaan ah, Markii uu tegey Villa Somaliyana lagu garaacay Madaafiic...

  • Waddooyinka magaalada Muqdisho oo la xiray ka hor intii uusan Col. Nuur Cadde iman Muqdisho...

Maanta (Axad Jan 20, 2008) waxa garoonka magaalada Muqdisho ka degey ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde, xilli ammaanka aad loo adkeeyey. Waxaana garoonka kusoo dhoweeyey saraakiil Itoobiyaan ah oo ay weheliyeen Maxamed Dheere, Cabdi Qaybdiid iyo Warsame Darwiish.

Col. Nuur Cadde waxaa safarka ku weheliyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirada. Waana markii ugu horeysey oo uu tago Muqdisho tan iyo markii loo magacaabay ra'iisul wasaaraha, isagoo ka soo duulay Baydhabo.


Col. Nuur Cadde oo saraakiil soo dhoweyneyso: Muqdisho, Jan 20, 2008. Sawirka Reuters

Col. Nuur Cadde markii uu tegey Muqdisho waxa uu sheegay in uu wax ka qaban doono xaaladda ammaanka ee Muqdisho.

Isla galabnimadii maanta (Jan 20, 2008) ayaa madaafiic lagu garaacay xarunta Villa Soomaaliya oo uu ku sugan yahay Col. Nuur Cadde, xilli halkaas ay ka socdeen xaflado soo dhoweyn ah. Lama oga khasaaraha ay geysteen madaafiicdaasi ay soo ridayeen kooxaha iska caabintu.


Canug dhaawac ah oo lagu wado gaari-dameer, Jan 17, 2008, Muqdisho. Sawirka: reuters

Muqdisho waxaa toddobaadyadan ka socdey xasuuq ay ciidamada Itoobiya ku hayaan dadka shacabka ah. Dadka Soomaaliyeedna waxay rumaysan yihiin in DFKMG in ay tahay maqaar saar aan waxba ka qaban karin dhibaatooyinka ay Itoobiyaanku kuhayaan dadka shacabka ah. Maarka la weydiiyo su'aalo la xiriira xilliga ay Itoobiyaanku dalka ka baxayaana madaxda DFKMG waa ka warwareegaan jawaabtaas maadaama ay magan dalkooda ugu yihiin Itoobiyaanka.


Wiil Soomaaliyeed oo ku dhex lugaynaay waddo lafaaruqiyey
Wadadaas oo mar ahaan jirtey wadooyinka ugu camiran Muqdisho.
Jan 10, 2008. Sawirka: Reuters

EEG Booqo Bogga DoodFuran ee Ra'yiga Dadweynaha...

Wararkii saakay hoos ka akhri:

Ciidamada dowlada federalka KMG oo saakey xiray qaar ka mid ah wadooyinka magalada Muqdisho.

Ciidamada dowlada federaalka KMG ah ayaa saakay xayiraad ku soo rogey qaar ka mid ah wadooyinka magaalada muqdisho, xilli la hadal hayey in wafdi uu hogaaminaayo R/wasaare Nuur Cadde ay soo gaarayaan magaalada Muqdisho.

Wadooyinka saakay la xiray aayaa waxaa kamid ah wadada Makka Al-Mukarama, wadada isku xirta Airporitiga ilaa KM-4 iyo kuwo kale.

Wadooyinka la xiray ayaa halbowle u ahaa dhanka waxbarshaa iyo ganacsga magaalada Muqdisho, iyadoo dhamaan ardeydadii wax ka baran jirtey dugsiyada ku yaala agagaarka KM-4 aysan aadin goobihii waxnbarashada.

Saakay ayaa waxaa howl gab ah wadooyinkani, hase ahaatee waxaa jira gawaaridii istimaali jirtey wadooyinkaasi oo bilabay inay maraan wadooyin qardo jeex ah, inkastoo dadka rakabaabka ah ee raacayey gawaaridaasi ay cabsi iyo walwal ka qabeen maritaanka wadooyinkaasi qardo jeexa ahi.

Si kastaba ha ahaatee wararka qaarkood ayaa sheegaya sababaha loo xiray wadooyinkaasi inay tahay in la filayao wafdi uu hogaaminaayo raisul wsaare Nuur cadde oo dhawaan ku soo food leeyihiin magaalada Muqdisho.


Abdulkarim Mohamed Jim'ale
Mail:muxsin55@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 20, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com