SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Maraykanku Aqoonsan maayo Somaliland
  • Labo Nin oo ku eedaysan dil iyo dab ay qabadsiiyeen dad Soomaali ah oo lagu Qabtey K/Afrika
  • Sadex ruux oo ay Ciidamada DFKMG ka wateen masaajid ku yaal Degamda Xamar Jab Jab
  • Deeq la soo gaarsiiyay Aabe Curyaan ah oo dhalay 7 Caruur ah oo isu ma qado ah

"Maraykanku Aqoonsan maayo Somaliland"

Afhayeen u hadlay dawladda Maraykanka ayaa sheegay in xukuumadda Maraykanku aysan aqoosannayn madaxbannaani uu qaato Gobolka Woqooyi Galbeed ee Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibbadda USA (State Depatment) ayaa saxaafadda u sheegay in aan Maraykanku aqoonsanayn Somaliland.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay xilli uu Maraykanka ku sugan yahay Daahir Riyaale kaahin.

LABBO NIN OO KU EEDEYSAN DILKA IYO DAB QABADSIINTA DAD SOOMAALI AH OO LAGU QABTEY K/AFRIKA.

QABASHADA NIMANKANI AYA TIRADA RAGA LOO HAYO DILKII BISHAN 6-DEEDA LOO GEYSTEY LABBO DHALINYARO SOOMAALIYEED TUKANKOODA DHEXDIISA MAGAALADA EASTLONDON K/AFRIKA, KA DHIGEYSA 3 .

Labbdani nin ee eedeysanayasha ah ayaa la qabtey habeenkii khamiista ee lasoo dhaafey, kadib markii ciidamada amaanka eey helen warar sir ah oo ku sabsan meelaha eey ku dhuumaneyeen, waxana lala xariirinayaa dilkii labbo dhalinyaro soomaali ah oo bsiahn horaantedii dab la qabadsiiyey tukaan eey ku lahayeen xaafada Duncan Village ee magalo xeebeedka Eastlondon, dalka K/afrika. wiilasha geeriyoodey ayaa lagu kala magacabi jirey Qalif Jamac, 17jir, iyo Badal Sheikh Maxamed, 26 jir. wuxuuna dilkooda dhacay markii laga qaatey dhamaan wixii lacag cadan iyo alaabbo kale oo muhiim ahaa oo tukaanka u yiiley, kadibna inta gaas lagu bilbiley dab lagu qabtey oo halkaasi eey ku basbeeleen.


Sawir uu qaaday wargeys Koonfur Afrika

Sida uu saxaafada u sheegey Captain Stephen Marais in eey ragga guryahooda ka heleen badeecad iyo alaabo laga xaday tukaanka markii uu shilka dhacay, policekuna eey baarayaan illaa herka eey ku lug leeyihiin dilka ragga soomalida ah, alaabaha ragga lala qabtey waxaa ka mid ah, oo isugu jira kuwo tukaanka laga dhacay iyo kuwo meelo kale laga soo dhacay. dareeska ciidamada xooga dalka K/Afrika oo isku joog ah, DVD player (mashiinka cajaladaha vedio-ka lagu daawado). TV, dahab ama waxyaalaha eey dumarka qoorta ku xirtaan ama isku qurxiyan, iyo cajalado.

Ninkii soomaliga ahaa ee tukaanka lahaa oo isagu aanan tukaanka joogin markii uu shilka dhacayay 6/01/08. ayaa lagu soo wareejiyey badeecadii uu tukaanku lahaa, ninkani oo lagu magacabo Nuur Maxamed ayaa police-ka u mahadceliyey.

Dilka iyo dab ku qabshada raga soomaalida ah ayaa aad eey dadka deegaanka oga xumaadeen, kuna tilmaameen masiibo iyaga qabsatay, haweeneey daris la aheyd tukaanka ayaa ku tilmaamtey soomalida la diley sidii iyagoo walaalaheed oo kale ah, oo xittaa eey sheegtey in eey koronto ka siin jireen matoorkoodi yaraa, maadaa uusan gurigeda koronto lahayn.

Sadex ruux oo ay Ciidamada DFKMG ka wateen masaajid ku yaal Degamda Xamar Jab Jab

Sedex ruux oo uu ku jiray wadaad caan ka ahaa degamad Xamar Jab Jab ee Gobolka Banaadir ayeey ciidamada Dowlada FKMG Somalia ka kexeeysteen masjidkaasi salaadi qudbada kadib.

Shiikh Bakar Cali Shuqaale iyo 2 ka mida jameecada masjidka Xaaji Rajab oo ku yaala degamada Xamar Jab Jab ayeey ka kexeeyseteen cidmada Dowlada Somalia oo gudaha u soo galay masjidkaasi xili jameecada masjidkaasi ay dhegeeysanayeen tacliiqa Qudbada.

Argagax xoogan ayaa galay jameecada masjidkaasi kadib markii ay soo galayeen masjidka Askarta dowalada waxaana taa ay sababtay in guud ahaan masjidkaasi uu faaruqo oo ay jameecadii ka cararto.

Mid ka mida jameecada Masjidka oo lagu magacaabo Cali yare ayaa Saxaafad uga war bixiyay sida uu xaalku u dhacay waxaana uu sheegay in ciidamada ay soo galeen xili imaamka masjidkaasi uu fasiraaayay faa’iidada Bisha Ramadaan jamecadiina ay halkaasi ku kala dideen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Sheikh la kexeeystay uu ahaa macalim dugsi Qur’aan caan ka ahaa Degmada Xamar Jab Jab laabada kalena ay ka mid ahaayeen jameecada Masjidka Xaaji Rajab ee Degamdaasi.

Dhawaan ayeey aheeyd markii ciidamada dowalad FKMG ay ka kexeeysteen macali dugsi Qur’aan kadib howlgal ay ka fuliyeen degamda Xamar Jab Jab.

Waayahan waxaa sii kordhay howlgalada ay ciidamada dowalada Somalia iyo kuwa Ethiopianka ay ka sameeyaan masaajida iyo goobaha kale ee lagu cibaadeeysto iyagoo ka kexeeysta hadba ruux ay ka arkaan astaanta dimeed.

Abdulkarim Mohamed Jim'ale (Muxsin)
Mail: muxsin55@hotmail.com

Deeq la soo gaarsiiyay Aabe Curyaan ah oo dhalay 7 Caruur ah oo isu ma qado ah

Qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida ku dhaqan Qaaradaha America, Africa iyo Yurub ayaa kaalmo Lacageed soo gaarsiiyay nin Soomaaliyed oo Curyaan ah haystana Caruur tiro ahaan dhan 7 kuwaas oo aad u yar yar sida ka muuqda Sawirada guriga iyo Caruurtiisa.

Xuseen cisman geeseey waa nin curyaan ah oo leh todobo caruur ah da.doodune ay ka yartahay 12 sano jir,waxaana uu u baahan yihiin inay gacan ka helaan Walaalahooda Soomaaliyed ee ku kala nool Dibadda iyo gudaha.

Aabahan Caruurta yar yar haysta isla markaana uusan shaqeysan karin, kana mid ah dadka u barokacay duleedka magaalada Muqidsho oo aan heynin wax shaqo ah ayaa maanta la gaarsiiyay deeq lacageed oo ka timid meelo kala duwan deeqahaan ayaa dhamaantood ahaa mid ay ku sadaqeysteen jaaliyadaha somaliyeed ee ku kala nool dibadaha.

Dadkii ka qeyb qaatay bixinta sadaqadaan kaalmada ah ayaa waxaa ka mid ahaa Jaaliyadda Soomaaliyed ee ku dhaqan Mareykanka, gaar ahaan VIRGIINIYA oo uu wakiil ka ahaa Xuseen Khaliif Suudi ayaa soo gaarsiiyay deeq lacageed oo gaaraysa 350 Us Dollar, sidoo kale qaar ka mid ah Jaaliyadda London oo soo Wakiishay Faadumo Jaabir ayaa soo gaarsiiyay aabe Xuseen Cusmaan Geesay 330$.

Mid taas la mid ah waxay ka timid Dhool C/lle Daylaaf oo bixisay 156$ oo degan xarunta dalka Danmark Copenhegan, Ismaaciil Warsame Cali ayaa ka mid ahaa dadkii ugu deeqay odaygan Soomaaliyed lacag dhan 50$ isagoo jooga Magaalada Nairobi Xaafadda Islii ee Soomaalida u badan tahay.

Muuse Maxamud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
0025215576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com