SHAN MADAXWEYNE SOOMAALI AH
Waxaa dhacay in Ciidii Fidriga iyo tii Carafo ee sannadakan 1428H - 2007
ay shan madax weyn oo soomaali wada ah ay u direen hambalyo dunida
Isalaamka, waxaanay kala ahaayeen:
. Ismaaciil Cumar Geelle
. Daahir Riyaale Kaahin
. Cadde Muuse Xirsi
. C/llaahi Xasan – KILILKA SHANAAD
. C/laahi Yuusuf Axmed
waxaana laga yaabaa in sanooyinka soo socda ay ku soo biiraan
madaxweynayaal kale oo gaaraya ilaa tobaneeyo.
Ilaa hadda waxaa la soo hadal qaaday waa:
1- Gal mudug state
2- Midland State.
3- Ex.Banaadir State.
4- Awdal State.
5- Juba land State.
6- Ogadenyea State.
7- Somali galbeed State.
8- Galbeed state.
9- Digil iyo Mirifle State.
10- Makhir State.
Laakiin maddaxda badan Soomaalidu ma ku kala
tegaysaaa ummad ahaan?.
Marka waxaan ku baraarujinayaa dadka u damqanaya soomaalinimada inaanay
quusan ama aanay qalbi jabin, waxaan xusuusinayaa in qarnigii 19naad ay
jarmalka iyo talyaaniguba lahaayeen tobannan dawladood oo boqorro iyo
amiirro iyo konteeno ah, waxaana lagu hayey fara gelin joogto ah lagu
kal qaybin jirin, hubka la isugu dhiibi jiray waxaa fara gelinta ku
hayery dawladahii dariska la ahaa sida Farnsiika iyo Imbardooriadii
Ustriya. Europe
waxa u kacay rag ku qanciyey dawladihii yaryaraa inaanay qaybsanaata iyo
iska horjeedka meel lagu gaareen magac maal midna ku helayn, waxaaa ka
mid ahaa raggaa u kacay Kaafuur oo talyaaniga mideeyey iyo Bismaarik oo
jarmalka mideeyey.
Marka tabanaankii dawladood ee yaryaraa waxay u noqdeen hal dawlad oo
Magac iyo miisaan ku leh dunidaoo dhan loona taxgeliyo kaalintooda.
Waxaana caawiyey inay umma ahaan ku midaysnayeen xaga laqada iyo
dhaqanka. Waxay ku kala tagsanaayeen siyaasada arka madaxdoo dii waxay
ku mideeyeen ummadoodii xagii syasada.
Haddaan soomaalida u soo naqonno , waxaa loo baahan yahay in la kala
garto qaranimada iyo Ummadnimada. Maxaa yeelay qarannimada dadkaa
samaysta ummadnimadnimaduna waa abuurista Ilaahay.
Marka xaga ummadnimada oo waxaa Ilaahay ku mideeyey Soomaalida: Luqada
Diinta Haddaha, waxbarashada asaasiga ah oo ilma kasta oo Soomaali ah
waa in dugsi quraan la geeyo sido kale xaga dhaqaalaha maxaa yeelay waa
isku cunto ,isku dhar isku suuq marka kuleyba soomaali waa kalama
maarmaan.
Marka waxaa muqda in soomalidu marayso marxalad taariikhi ah oo kala
guur ah: marxalad lagu daminayo jahliga, tacasubka, eexda iyo damaca
Sad-bursiga iyo kala qoqobida qoysaska.
waxaase hubaal ah in dhamaan dawlad goboleedyada iyo dawlad beeleedyadu
ay gaari doonaan heer ay ku qancaan inaanay wax qiimo ah iyo qadarin
midna kaga heleen dunida una wada baahan doonaan inay iskaashadaan
dawlad goboleedyada la dariska ah, waxay gaari doonaanaan mar ay
shacabkoodu oodaha jabsan doonaa iyogoo leh naga hor dhaqaaqa hanaga
faquuqina walaalahayaga kale een isku danta nahay, waana laga guuri
doonaa dowlad goboleedyada iyo dowlad beeleedyada.
Waa la gaari doonaa in Ummadada soomaalidu dhisato qaranimo oo dhamaan
beelaha iyo gobolada wada deeqi doona, waxaa la gaaridoonaa soomaali
midaysan oo dunida ku leh miisaan iyo taxgalin, marka waxaa loo baahan
yahay dadka u ololaynaya dawlad goboleed ama dawlad beeleed, ha u
qaateen marxalad looga guurayo ilaa midnimo qaran ee ha ka qaateen
kaalintooda dhismaha guud ee loo socdo, hana ogaadeen dawladaha yaryar
ee deeqaha ku nool waxaa loo arkayaa dawlado daciifa laangaab, wax
qadarin, qiimayn, iyo miisiinan midna lagu tixgelinayn.
Marna yaan laga qalbi jabin ama laga daalin in loo halgamo qaranimo
awoodi karta inay qaadato kaalinta ay dunida ku leedahay marka la
qiimeeyo goobta ay dunida kaga taallo oo wadnaha dunida ka mid
Soomaalidu waa ummad u abuuran inaanay madaxa hoos u dhigin una
hogaansamin dulmi iyo dulli . waxaad moodaa inay ku qanacsan yihiin
Fikrada gabayaa soomali ahaa oo ku guubaabiyey beeshiisa gumaysi diidka
oo Yiri : Haddi luqunta la idinka jaro Lugaha meermeersha.
Mana ah in loo halagamo qarannimo iyo midnimo Soomaaliyeed ee waxaa la
higsanayaa geeska afrika oo midasan iyo Afrika oo midaysan oo ka xorowda
tuugsiga, qaxotinimada iyo quursiga.
Waxaan ugu ducaynayaa ummadda soomaaliyeed in Ilaahay garansiiyo
awoodooda, kartidooda, dadnimadooda iyo meesha Ilaahay kaga abuuray
dunida iyo inay qaataan kaalinta ku haboon xasiloonaanta iyo
nabadgalyada caalamka.
By: Adv. A/ Rahman Abuxamsa.
odowa40@hotmail.comAfeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Europe in the nineteenth and twentieth centuries
By: Grant & Temberly