SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Minnesota: Mahdi Mujaahid oo la kulmay Senator Norm Coleman

Mahdi Nuur (Mujaahid) ayaa la kulmay Senator Norm Coleman si uu ugu mahad celiyo qaybtii uu senatoorka ka soo qaatay keenista wiilashiisa kala ah Taarekaziz iyo Khaled. Mahdi Mujaahid iyo caruurtiisa ayaa sanado badan kala maqnaa. Halka Mujaahid uu ku sugnaa Minnesota wiilashiisa waxay ku sugnaayeen Hargeysa.


Coleman oo la kulmay Mahdi iyo wiilashiisa

Mahdi Mujaahid oo ay saaxiibadiis ku sheegaan inuu mucjiso yahay waxaa uu ka yaabsaday dad badan sababtoo ah Mahdi Mujaahid gacmo ma leh laakiin waxkasta waa uu qabsadaa oo xataa baabuur ayuu wadaa si sharci ah. Mahdi Mijaahid waa aabe dadaal ama shaqo badan iyo arday jaamacadeed oo dhowaan ka qalin jebin raba Jaamacadda St. Mary ee Minnesota asagoo barta culuumta Social Work..

Si aad u ogaato mucjisonimada Mahdi Mujaahid fadlan halkan aqri:
http://www.mrc-mn.org/MRC Summer 2005.pdf

Xogta: Xafiiska Senator Norm Coleman

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com