SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRICA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

INKA BADAN 60 SOOMAALI AH OO HABEENKII LABAAD KU HOYANAYA SALDHIG POLICE-KA K/AFRIKA.

KADIB MARKII DAD CARAYSAN EEY BOOBEEN ILLAA 40 TUKAAN OO EEY KU GANACSANAYEEN AYAA RAG SOOMAALI AH OO 60 KOR U DHAAFAYA EEY MAALINTII LABAAD SI MAGANGALYO AH UGU HOYONAYAAN SALDHIG POLICE-KA OO KU YAALA TUULADA JEFFREY'S BAY, K/AFRIKA. IYAGOO HOY LA'AAN AH.

Arrintani ayaa ka dambeeysay kadib markii nin soomaali ah uu toogasho ku diley ilmo 15 jir ah isku dayay in uu hilbo bacaysan kala cararo tukaankiisa, dhimashadii wiilkana eey sababtay in kumanaan dadweyne caraysan eey cagta mariyaan dhamaan ganacsiyadii soomaalidu tuulada Jaffrey's Bay ee loo fasax tago, gobolka eastern cape , K/Afrika. ugu yaraan illaa 40 tukaan ayaa lagu boobey falka dadweyne oo eey saraakiisha ku tilmaameen (mob justice), sida uu ii xaqiijiyey gudoomiyaha jaaliyada soomaalida gobolkaasi Qaasim Boosh, ku dhawaad R1.5 milyan lacagta dalkani hanti gaareysa eey ku baaba'dey.

"dadka deegaanka waxay kula taliyeen soomaalida ineeysan soo laaban,hadii eey soo laabtaane wixii kasoo gaara iyaga ayaa mas'uul ka ah" ayuu yiri Priscilla Naidu oo ka tirsan police-ka dalkani oo saxaafada la hadlay, ugu yaraan labbo qof oo soomali ah oo ninkii falka geystay uu ka midyahay ayaa xabsiga ku jira, maxkamadna la keeni rabaa maalinta jimcaha ah, hey'ada xaquuqda aadanaha u dooda ayaa cambaareysay dhacdadani, kuna sheegtay fal midab takoor ah, balse la daandaansaday.

C/nasir saxansoxo. somalitalk.com, johansburg

GANACSIYO ILLAA 50 GAARAYA OO EEY SOOMAALIDA LEEDAHAY OO DADWEYNE CARAYSAN EEY CAGTA MARIYEEN DALKA K/AFRIKA.

DALKA K/AFRIKA DAD CARAYSAN AYAA CAGTA MARIYAY ILLAA 50 GANACSIYO SOOMAALI LEEDAHAY, KADIB MARKII NIN SOOMAALI AH UU TOOGASHO KU DILEY NIN DADKA DEEGAANKA AH OO TUKAAN UU JOOGEY KA DAFAY 2 BAC OO HILIBKA DIGAAGA AH.

Arbaca: Jan 16, 2008: Abaaro 4:30 galabnimo ayaa nin dadka deegaanka u dhashay uu tukaan nin soomali ah leeyahay kala caracaray labbo bac oo ah hilibka digaaga dalkani si weyn looga cuno, hase yeeshee inta uusanba dhowr talaabo la dhaqaqin ayaa ninkii soomaliga ahaa oo bastoolad ku hubeysnaa uu toogasho labbo xabadood ku diley ninkii hilibka dafay, isla markiiba waxa goobta yimid ciidamada nabad sugida iyo gawariga gargaarka degdega ah ee Dhuudhaada loo yaqano oo meydka ninkii meesha ka qadey, halka police-ka eey guda galeen baaritaano arrinta ku saabsan, balse sida uu qadka taleefoonka iigu sheegey gudoomiyaha jaaliyada soomalida dalkani SASA qeybteeda gobolka Eastern cape mudane Qaasim boosh cali oo goobta markiiba tagay, police-ka oo tiro ahaan dhanaa 25 xubnood ayaa xakamayn waayay kumanaan dadka deegaanka ah oo eey carradu eey madax martay, abaaro 2dii fiidnimana cagta mariyay dhamaan tukaamadii eey soomaalida tuuladasi ku lahayd si rabshado iyo mudaharadyo wadata, tirada tukamada la boobey ayuu iigu sheegey illaa 50 tukaan oo ahaa dhamaan kuwii meesha eey soomaalidu ku lahayd, ma jirto wax dhaawac iyo dhimasho ah oo soomaalidu soo gaaray, illaa 60 soomaalida tukaamada laga boobey ah ayaa si magangalyo doonimo ah xalayto ugu hoyday saldhiga police-ka kadib markii eey lafahooda u baqeen, Qaasim ayaa intasi ku daray in qasaaraha maliyad ahaan ka dhashay meesha eey ku qayaaseen illaa R1.5 milyan lacagta dalkani ah.

Qaasim Boosh Cali, oo sii hadlayay ayaa yiri 'markii aan meesha qeylo dhaan iiga timid ugu tagay, oo aan damcay in aan xaalada galo oo aan dhexdhexaadiyo, nafteydii ayaa halis gasahy, oo dadweyne caraysan ayaa igu soo xoomeu soomaali ahaan oo damcay ineey burburiyaan muraayadihii gaarigii aan ku joogey, police-ka ayaa illaah ii bixiyay oo iga badbaadaiyey meesha", wuxuu intaasi ku daray in police-ku eey xabsiga u taxaabeen illaa 2 qof soomaali ah oo midkood uu uu yahay ninkii dilka geystay, oo usaan magaciisa ii sheegin, halka ninka kale eey police-ku xireen isagoo tacshiirad ku ridaya dadweynihii caraysnaa ee damacsanaa in eey tukaankiisa boobaan, magaciisan wuxuu iigu sheegey jibriil maxamed adoon. , Qaasim Boosh ayaa balan qaadey in eey xaalad gali donan oo isla maantaba eey soo damiinan doonan raga xiran, kana shaqayn doonan sidii dib u dajin loogu samayn lahaa dadka soomalida ee bara kacay, oo ugu yaraan dib eey ganacsiyadooda u bilaabi lahaayeen.

Waa dhacdaddii 5aad oo dad soomaali ah lagu boobo ganacsiyo tiradan leh mudoo 2 sanno gudahood ah, tii ugu dambeysay ee isla gobolkani ka dhacday, waxay dhacday qudha hal sanno ka hor maanta, waxayna ka dhacday tuulo aan taniba ka fogeyn oo lagu magacaabo Matherwell, sababtuna waxay aheyd wiil arday 15 jir ah oo dadka deegaanka ah oo ku dhintey tacshiirad eey is weeydaarsanayeen dad ganacsato soomaaliyeed ah iyo burcad hubeysan oo rabtay ineey tukaanka dhacdo, isla gobolkaasi tuulada Nasna aya sidaasi kaale sanad iyo billo ka hor eey dad caraysani boobeen, sidoo kale dad caraysan ayaa tiro tukaamo soomaali eey leedahay boobey magaalada Khutson oo ka tirsan gobolka barwaaqo sooranka ee Gauteng, balse markani rabshaduhu waxay ahaayeen kuwo dowlada looga soo horjeeday, sidoo kale bishii august 2006dii magaalada cape town tuulo ku taala oo la yiraahdo Masipuleli, oo dhacda Marajal-baxreynka ayay dad caraysani boobeen 70 ganacsi oo eey soomali leedahay. sidoo kale tan iyo intii eey bishani sanadka cusub bilaabatay dhowr dhacdo oo dad ajaaniib ah ganacsiyadooda lagu boobey ayaa dalka ka dhacday oo eey saxaafadu tabisey, dadkani ayaa u kala dhasahy dalalka Muzambique iyo Zimbabwe laguna eedeeyey in eey si qaldan u dileen dad deegaanka u dhasahy iyagoo tuugonimo ku eedeynaya.

Sikastaba ha ahaatee ururada iyo jaaliyadaha soomaalida sida SASA oo kale ayaa inta baddan ku guuleysta in eey xaliyaan arrimaha noocan oo kale ah, iyagoo kaashana dowlada iyo hey'adaha an dowliga aheyn , balse sida uu leeyahay Axmed dowlo oo xog-haye guud ka ah SASA waxaa sii kordhaya walwalka ey ka qabaan badqabka dadka soomaalida ah ee dalkani ku nool, oo uu yiri maalin kasta dalka xuduudihiisa ayay soo talaabayaan, iyagoon talo bixin wanaagsan ka qaadan xaalada meelaha eey galayaan ayay galaan meelo halis ah oo xittaa police-ka eeysan ka howl galin ayuu yirri dawlo, wuxuu sheegey in dadka eey heyso wacyi la'aan iyo meel wax looga sheego, sidaasi darteedna eey iminka hawada galiyeen website lagu magacaabo SOMALIA.CO.ZA oo uu yiri howl ayaa ku socota, ujeedkun uu yahay in dadka soomaalida ah lagala hadlo oo laga wacyi galiyo .

GUJIDoodFuran: Jawaabaha Dadweynaha..... Guji...

C/nasir Axmed sh. (saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com , Tell: +27767059384.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com