SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Xaflad lagu maamuusayay gabagabada shir sanadeedka ururka Suxufiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed oo ka dhacday Hotelka Jeddah ee magaalad Muqdisho (Cabdi Casiis Goodax iyo Maxamuud Ismaaciil oo xubno ka noqday SSPA iyo AIPS)

Xaflad ballaaran oo lagu maamuusayay gabagabada shir sanadeedka iyo Congress-ka aan caadiga ahayn ee Ururka Suxufiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed oo socday intii u dhaxeysay 12--16/01/08 ayaa maanta ka dhacday hoolka shirarka ee Hotelka Jeddah ee magaalada Muqdisho, xafladaas oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayna ka soo qeyb galeen marti sharaf aad u fara badan. 

Furitaanka xafladaasi waxaa ugu horeyntii gabay aad u qiimo badan oo lagu muujinayo waxqabadka ururka Suxufiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed ku soo bandhigay Agaasimihii qeybta Folkolor Dance Abwaanka weyn Axmadey Cabdi Gaashaan, gabaygaas oo ay si weyn u jecleysteen dhammaan marti sharaftii ka soo qeyb gashay xafladaas, wuxuuna gabaygaasi ka tarjumayay sida Saxaafadda Isboortiga iyo Guddiga Olombikada Soomaaliyeedba ugu heelan yihiin taageerida nabadda, is dhexgalka bulshada iyo la dagaalanka caadooyinka xunxun ee qabyaaladu ka mid tahay.

Intaa kadib waxaa hadalkii qaatay Guddoomiye K/Xigeenka Koowaad ee Ururka Suxufiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed ahna madaxa xiriirka caalamiga ah Shaafici Muxudiin Islow oo ka warbixiyay taariikhda iyo waxqabadka ururka isla markaana soo bandhigay qorshe howleedka sanadkan 2008, wuxuuna ammaan u soo jeediyay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Md. Abkow oo ururka Suxufiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed ku dhiirigeliyay soo ururinta taariikhdii hore ee Isboortiga Soomaaliyeed iyo waliba cayaartoydii doorka lixaadka leh ka soo qaatay asaaskii ciyaarihii kala duwanaa ee dalka Soomaaliya.

Md. Shaafici ayaa sidoo kale mahad celin ballaaran u jeediyay Yaxye Maxamed Abuukar (Yaxye Aayow) oo ah xubin ka tirsan guddiga fulinta ee Xiriirka K/Cagta ee Soomaaliya, wakhti badana u huray sidii ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed u heli lahaa taariikhda asaasayaasha Isboortiga Soomaaliyeed iyo raggii ugu horeeyay ee ku soo caan baxay ciyaaraha kala duwan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Miire Cabdulle Bariire, Cumar Muuse Jimcaale (Ma jabe), Maxamed Cumar Abooki Bagaash, Maclow Salaad Buuna, Kabiirow, Alladii iyo qaar kale oo fara badan.

Waxaa kaloo xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed Muuse Maxamed Cusmaan oo mahad ballaaran u jeediyay guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo mar walba gacan ka geysta howlaha ururku u hayo bulshada Soomaaliyeed.

 Guddoomiyuhu waxaa uu munaasabada ka sheegay in ay ururka xubno ka noqdeen qoraayaal isboorti oo Soomaaliyeed oo ku sugan dalal kala duwan oo ku yaala qaarada Yurub,waxaana uu rajeeyay in ay wax weyn kusoo kordhin doonaan wax qaabdka iyo howlaha baaxada leh ee horyaala ururka saxafiyinta Isboortiga Soomaaliyeed.

"Waxaa farxad noo ah in aan halkan ka sheego in mudadii uu shirkeenu socday ay xubnaha gudiga fulinta Ururku cod buuxa ku ansixiyeen xubno cusub oo nagusoo biiray oo kala ah Cabdi Casiis Goodax Barre oo noqday guddoomiye ku xigeenka SSPA ee dhinacyada horumarinta iyo dhaqaalaha iyo Tifaftiraha Website-ka Cayaaraha Maxamuud Ismaaciil,waxaana labadan masuul ay maanta wixii ka dambeeyay xubno buuxa ka yihiin SSPA iyo AIPS"ayuu yiri guddoomiyaha Ururka saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed Muuse.

Maxamuud Ismaaciil ayaa amaan gaar ahaaneed halkaa looga jeediyay taas oo uu ku muteystay in uu yahay aas aasaha website-kii ugu horeeyay ee arrimaha cayaaraha ka hadla (Cayaaraha.com),kaas oo qeyb weyn ka qatay horumarinta iyo dhiirrigelinta Isboortiga Soomaaliyeed.

Taariikhaha aanu ururinay waxaa ka mid ah kooxdii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo ka adkaata koox ajnabi ah sanadkii 1942-kii, kooxdaas oo ka guuleysatay koox ku ciyaareysay magaca gumeysiga Ingiriiska, guushaas oo sababtay in calankii Ingiriiska muddo 24-saacadood ah hoos loo dhigo" ayuu yiri Muuse Maxamed Cusmaan Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed., iyadoo kadib hadalkii uu qaatay Guddoomiye K/Xigeenka GOS ee dhinaca xiriirada Md. Xaaji Cabdi Cilmi Warsame. 

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka hadlay Guddoomiye K/Xigeenka Koowaad ee GOS ahna Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga Md. Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ammaan u soo jeediyay Ururka Suxufiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed, wuxuuna ku booriyay inay halkooda ka sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta isboortiga Soomaaliyeed si loo gaaro hadafka laga leeyahay Isboortiga Soomaaliyeed ee ah in lagu dhaliyo nabad iyo is dhexgal bulsho.

Dhinaca kale, waxaa isna xafladaasi dhinaca Isgaarsiinta uga qeyb galay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Isboortiga Adduunka Gianni Merlo oo u mahad celiyay dhammaan xubnaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo ka qeyb galayaasha munaasabadda lagu soo gabagabeynayay shir sanadeedka iyo Congress-ka aan caadiga ahayn ee ururka Suxufiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed. 

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Dr. C/raxmaan Cali Cawaale Xabeeb (Dr. Xabeeb) oo ah Agaasimaha Isbitaalka Dhimirka ee magaalada Muqdisho qeyb weyn ka qaatay kor u qaadida caafimaadka shacabka magaalada Muqdisho, wuxuuna Dr. Xabeeb u taagnaa xalinta dhibaatooyinka caafimaad ee la soo gudboonaaday shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna abuuray Isbitaalkii ugu horeeyay ee lagu daweeyay cudurka daacuun caloolaha, sidoo kale wuxuu sameeyay isbitaal lagu daweeyo dadka ay qaniinaan eeyaha sumeysan ee qaba cudurka loo yaqaan Rabiya, wuxuu kaloo furay Isbitaal lagu daweeyo dadka qaba cudurada dhimirka, kaasoo ah isbitaalka kaliya ee ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya laguna daweeyay tan iyo markii la furay dad ka badan 3700 oo qof, iyadoo haatanna ay jiifaan 330-qof oo qaba cudurka dhimirka, wuxuuna ugu dambeyntii sheegay in Isboortigu qeyb weyn ka qaato la dagaalanka waxaabaha dhaliya cudurada dhimirka, noocyada kala duwan ee muqaadaraadka iyo jaadka.

Gabagabadii waxaa xafladaasi hadal qiimo leh ka soo jeediyay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Md. C/qaadir Gacal Abkow oo mahad ballaaran u jeediyay ururka Suxufiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed oo door lixaad leh ka soo qaatay horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed, wuxuuna ugu hambalyeeyay xafladda ballaaran ee ay sida weyn u soo agaasimeen, wuxuuna ugu dambeyntii u rajeeyay inay dadaalkooda sii kordhiyaan isla markaana aysan ka daalin kor u qaadida Isboortiga Soomaaliya. 

Waxaa Diyaariyay: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra) 
Deputy General Secretary of SSPA

Waxaa soo tebiyey: agodah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com