SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

“Soomaaliya laguma xukumi karo Qabiil iyo qori caaradiis” Sidaa waxaa yiri mid kamida xildhibaanadda baarlamaanka oo sheegay in uu isku soo sharaxi doono Jagadda Madaxweynaha sanadka 2009.

Xildhibaan Cabdinaasir Saciid Seef (Cabdi Dheeg) oo ka mida xildhibaanadda baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya kuna sugan magaaladda Nairobi ayaa halkaa ku qabtay shir jaraa’id Serena Hotel oo uu kaga hadlay arimo dhowr ah.

Xildhibaanka ayaa ku sheegay ujeedadda shirkiisa jaraa’id in uu doonayo in uu ku shaaciyo musharaxnimadiisa jagadda madaxweynaha ee lagu wado in ay dhacdo sanadka soo aadan ee 2009, iyadoo halkaana ay saxaafadda su’aalo dhowr ah ku weydiisay.

”Anigoo ah Cabdinaasir Saciid Seef (Cabdi Dheeg) waxaan cadeynayaa in aan u taaganahay qabashadda jagadda madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ahay hadda laga bilaabo musharax doonayo in uu qabto jagadaas, Soomaaliya waxay u baahan tahay isbadal, Soomaaliyana lagumana xukumi karo qabiil, qabsi iyo qori caaradiis, waxaana isku heystaa in aan ahay ninka hadda mudan in uu qabto jagadaas maadaama aan ka soo jeedo beesha shanaad ama loo yaqaan Ethnic Minority, wadankana aanan wax danbi ah ka galin”. Ayuu yiri xildhibaan cabdi dheeg.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale shaagay in uu Illaah ku kalsoonyahay, umadda Soomaaliyeedna taageero ka doonayo rajadiisana ay aad u sareyso isagoo tilmaamay in uu isku kalsoonyahay hadii uu ku guuleysto qabashadda jagadaasna uu wadanka u qaban doono waxyaabo badan gaar ahaan uu ilaalin doono Midnimadda umadda Soomaaliyeed, dib u heshiisiin xalaal ah, iyo in dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan kana bara kacay guryahoodii dib loogu soo celiyo.

Waxaa kaloo wax laga weydiiyay sida uu u arko ilaa hadda raga isku soo sharaxay sidoo kale jagadaas oo ay ka mid yihiin R/wasaarihii hore ee xukuumadda federaalka Cali maxamed Geeddi iyo wasiirkii hore ee arimaha gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmadheere sida ay qortay jariiradda sharqul-Awsat “Qiyaamul Layl Maa yamshii Fii Nahaar, umadda Soomaaliyeed waxay u baahantahay sidaan horey idinkugu sheegay isbadal, waxayna sidoo u baahan tahay hogaan cusub oo nadiif ah, dadka is moodaya in lagala dardaarmay xukuunka ama ay xaq u leeyihiin ha ogaadaadaan in aan anaguna ka liidan umaddana danbi ka galin, aduunka isbadal baa ka soconaya dimuqraadiyad iyo cadaalad baa loo baahan yahay taa ayaana xooga saari doonaa insha allah.” ayuu sheegay xildhibaanka in cid walboo Soomaaliya ah ay xaq u leedahay in ay u tar tanto jagadaas balse umaddu Soomaaliyeed ay xaq u leyihiin in ay doortaan hogaankooda.

Sidoo Kale xildhibaan Cabdi dheeg ayaa ka hadlay sida uu u arko xukuumadda tiradda yare e uu soo dhisay R/wasaare Nuur Cadde, waxuuna sheegay in uu aad u soo dhaweynayo uuna u arko horumar aad qaali u ah, waxuuna intaa ku daray in uu ka rajaynayo waxqabad balaaran maadaama rag uu ku sheegay rugcadaa ay haatan ka dhex muuqdaan xukuumadda.

Dhanka Kale waxaa ka mid ahaa waxyaabihii wax laga weydiiyay ajandahiisa ku aadan hadii uu ku guuleysto jagadda madaxweynanimadda Soomaaliya isagoo sheegay in isbadal weyn la dareemi doono dhanka amaanka (Security) oo uu sheegay in baahida ugu weyn ee hadda taagan ay tahay in amaan, nabadgelyo, caafimaad, waxbarasho iyo dhaqaale dadku helaan si ay umaddu u ilaawdo dhibaatadii badneed ee soo martay,

”Haa aniga da’ahaan waan ka yarahay dhamaan musharaxiinta hadda taagan waxaana jiraa 45 sano waana hubaa in aan wax badan ka badali doono horumarka umadda Soomaaliyeed, sidoo kale Waxaan balan qaadayaa Saxaafad xor ah iyo dimuquraadiyad” ayuu tiri musharaxa Cabdi Dheeg mar wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa siyaasadda.

Xildhibaanka ayaa haatan sheegay in uu bilaabay dhaq dhaqaaqiisii ugu horeeyay ee musharaxnimadda isagoo shaagay in dhawaan uu u socdaalo doono wadanka ingiriiska siina mari doono wadamo badan oo carab ah oo uu ka helay martiqaad halkaana uu kula sii kulmi doono jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku nool, Xildhibaanka ayaa intaa sii raaciyay in gudaha baarlamaanka uu sidoo kale ku leeyahay asxaab iyo taageerayaal fara badan.

Waxuu kaloo shaagay in ayaantaan uu kulamo la lahaa Contact groupka kooxaha daneeya arimaha Soomaaliya iyo safaaraddaha mareykanka, Ingiriiska iyo kuwo kaloo badan isagoo sheegay in ay isla soo qaadeen arimaha dalka soomaaliya oo uu sheegay in intabadanba uu siin jiray warbixinadda maadaama uu sidoo kale uu qaabilsanaa xiriirka arimaha dibadda ee dowladda KMG ah.

Si kastaba Musharaxa Cabdinaasir saciid Seef (Cabdi Dheeg) oo ah haatan xildhibaan ka tirsan baarlamaanka soomaaliya, sidoo kalena mar wasiir kuxigeenkii dhalinyaradda iyo Sportska ka soo noqday dowladdi Carta guddiyo kala duwan oo ka tirsan baarlamaankana ka mid noqday ayaa haatan si cad ugu dhawaaqay in uu ka mid yahay Musharaxiinta u taagan jaggada madaxweyne ee doorashadda 2009,

Mohamed Zaki
E-mail Mah_ed229@hotmail.com
Tel+254729733063

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com