Saxaafadda ama warbaahinta, dhab iyo dhalanteedSaxaafaddu wa mihnadda ah in la uruuriyo lakalana shaandheeyo wararka
laguna hubiyo waxii dhab loona soo gudbiyo bulshada.
Badi wararkaasi waa kuwo ku xiran xaaladda taagan markaa ee siyaasadeed,
caalami iyo deegaanba ama arimo ku saabsan ciyaraha dhaqanka iyo arimaha
bulshada.
Taariikhda saxaafaddu waa mid aad u weyn waxaana ay ka bilaabantay
xilligii baabiliyiinta, xilligaas oo ay sameeyeen qoraa maalin walba
qora waxii dhaca una soo gudbiya bulshada. Roomaankuna waxay waxay qori
jireen goaanada golaha odayaasha sharciyada ,heshiisyada, xukunka
garsoorka iyo arimaha muhiimka ah oo ka dhaca imbiraadooriyadaas waxayna
u soo gudbin jireen shacabka arintaas oo soo socotay ilaa ay ka dhacdo
imbiraadooritaddii roomaanku. Ilaa qarniguu 15aad ayey istaagtay
saxaafaddii waxayna dib u soo noolaatay bilowgii qarnigii 16aad markii
gotenberg oo deganaa magaalada minez ee dalkaasi jarmalka uu ikhtiraacay
qalabka wax lagu daabaco (teebka) xilligaas oo la bilaabay in la qoro
wararka markaas ku saabsanaa dhacdooyinka markaas dhacaayey iyo weliba
ogeysiisyo. Sanadkii 1465 ayaa la bilaabay in la la faafiyo joornaalo
daabacan markaas ayeeyna saxaafaddu bilowday hadalhaynteeda dhabta ahayd
waa bilowgii qarnigii 16 aad e. Qarnigii 17 iyo 18aadna waxay ku fiday
yurub iyo amarykanba waxaana markaasi dad badani bilaabeen inay
saxaafadda ka dhigtaan mihnad ay ka raadiyaan nololmaalmeedkooda.
Kacaankii faransiskuna waxaau ka mid ahaa kuwii saxaafadda casriga ah
soo saaray halka magaalada London ay ahayd xarun saxaafadeed.
Saxaafadda caalamka kuwii ugu horeeyey waxaa ka mid ahaa kuwan.
1702 Daily Courant jariidad maalmeedkii ugu horeysay caalamka.
1788 waxaa soo baxaday jariisdada Times.
1805 waxa soo baxday Courier.
Dunida muslinka jariidadii ugu horeysay waxaa waxaa soo saaray Maxamad
Cali Baasha oo xukumaayey dalkaasi masaarida.
Wadamada carbeed ee jaraaidka soo saaray kuwii ugu horeeyey ee masar ku
xigay waxaa ka mid ah :Ciraaq,Algeria ,Lubnaan, Tuunis,Liibiya iyo
Suuriya.
Soomaalida haddaan u soo laabano ma aaminsani inay jirto saxaafad ka
qadiimsan habkii qadiimiga ahaa ee aan ilaa maanta isticmaalno oo ahaa
maxaa la sheegay ee warka la isugu gudbin jirey afka isagoo aan lagu
darin waxna laga dhimin , waana runtii saxaafadda aan maqlo ama arko oo
ugu hufan saxaafadda caalmaka.Waxaase dhibaato ay ka jirtaa saxaafadda
m,aanta ee soomaaliya oo isugu soo biyo shubatay in reer walbaa uu
yeesho ilaa 8 bog oo kuwa internetka ah oo ay ku qoraan waxii ay doonaan
dhab iyo dhalanteedba aanna laga xishoon waxa la qoraayo ilaa aad gaarto
in qaarkood aad ka qaaddo madaxwareer. Bal u fiirsada saxaafadda
soomaalida ee maanta ma laha in yar mooyaane wax dhadhan ah ama macaan
ay kugu soo jiitaan waxaana ay ka dhamaan waayeey beesha reer hebel iyo
anagoo ah reer warfaa iyo siyaasad nin nebcaysi ah halkaasoo uu ku lumay
qiimihii saxaafigu . Waxaan maqaalkan ugu baaqayaa umadda soomaliyeed in
ay saxaafdda kala bartaan tan dhabta ah iyo tan dhalanteedka ah lagana
fogaado kuwa wararkoodu yihiin micno la,aan inay wax dumiyaan mooyaane
aan aqoon inay wax dhisaan, lagana feejignado fidmo iyo been iyo in la
is nebcaysiiyo umadda soomaaliyeed. Dhalinyarda maanta ah
saxaafiyiintana waxaan leeyahay saxaafi ma aha nin kasta oo wax iska
qora waxuu doonona sheega.
Waxaan fursadda ku xusayaa saxaafi soomaaliyeed oo ka dhex muuqda bahda
saxaafdda soomaaliyeed in kastoo aanu arimaha soomaalida gaar wax uga
qorin wa walaalkeen Raage Oomaar oo runtii ah saxaafi alle u siiyey hibo
saxaafadda iyo fankeeda una guta wajigeeda saxa ah iyadoo aanu marin
wadada ay mareen kuwo badan oo dheh dabaalnaaya saxaafdda dhalanteedka
ah.
Waxaa jira iyana dhalinyaro badan oo soomaaliyeed oo saxaafiyiin ah oo u
guta howshooda sida dhabta ah waase kuwo aad u yar waxaan alle inooga
baryayaa in ay saxaafadeenu noqoto mid dhab ah oo aan ahayn dhalanteed.
Maxamad Bashiir Jaamac
gumburi1885@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan