SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaramada Midoobay Oo Shaaca Ka Qaaday In Xalka Soomaaliya Ku jiro In Laysu Keeno Dhinacyada Siyaasada Isku Haya.

Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya Ahmedu Ould ayaa shaaca ka qaaday inay xooga saarayaan sidii ay isugu keeni lahaayeen dowlada FKMG ah iyo kooxaha kasoo horjeeda sidii khilaafka gaamuray ee dalka soomaaiya ka jira wada hadal loogu dhamayn lahaa.

Mr ,Ould ayaa intaas raaciyey ay Muhiim tahay inay qaybaha kala duwan ee siyaasada soomaaliya isku hayo ay miisak wada hadalka isugu yimaadaan islamrkaana ay ka go,an tahay sidii loosoo af jari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan xoogaga mucaaridka iyo weliba dowlada FKMG ah .

Wakiilka ayaa carabka ku adkeeyey in wadanka soomaaliya mudo dheer ku jiray arimo siyaasadeed oo cakiran islamrkaana ay xooga saarayaan waxii iminka ka dambeeya in laysu keeno mucaaridka ,dowlada FKMG iyo weliba xubnaha muhiimka ah ee siyaasada ka dhex muuqda waxaanuna muhiimada Kowaad Sinaynaa sidii laysugu keeni lahaa Qaybaha Kala Duwan Ee siyaasada soomaalida Sida Qurba Joogta Iyo Mucaaradka Iyo Dadka Kale Ee Muhiimka U ah Xal U Helida Arimaha Soomaaliya Arintaas ayaana keeni karta xal waara oo dalka soomaaliya ku xasilo .

Sidoo Kale Ahmeduo Ould ayaa Sheegay In Soomaaliya ay Ka Dhaqaalo Badantahay Wadamo Badan oo Caalamka Kamid ah Balse Waxa Gadaal U Dhigay ay Tahay Oo Kaliya Colaadaha Iyo Is Af Garan Waaga Siyaasadeed Ee Ka Jira Dalka Soomaaliya Mudo dheer.

Dhinaca kale masuulka wakiilka uga ah soomaaliya Qarmada midoobay ayaa tibaaxay inuu aad ugu kalsoon yahay inuu isu keeni karo xoogaga siyaasada soomaaliya isku haya ee dowlada KMG ah iyo dadka ka soo horjeeda.

Isku soo wada duuboo hadalka wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili ay magaalada muqdisho oo xarun u ah dalka ka jiraan dagaalo xoogan oo u dhexeeya xoogaga diidan joogitaanka ciidamada ethiopia iyo weliba siyaasada dowlada iyo ciidamada isabaahaysiga ah ee dowlada KMG iyo kuwa ethiopia.

Gaari Ural Ah Oo Ay Saarnaayeen Ciidamo Ethiopian ah Oo Lagu Qarxiyey Isgoyska Fagax Ee Waqooyiga Muqdisho.

Qarax Xoogan Oo Nooca miinada Gacanta Laga Hago ayaa maanta lala Beegsaday Baabuur ay Wateen Ciidamada Ethiopian ah oo nooca loo yaqaano Uralka Oo Marayay isgoyska Fagax Ee Degmada Yaaqshiid.
Qaraxan oo gil giley agagaarka deegaanka baabuurkaasi ku Qarxay ayaa Dad Goob Joogayaal ah waxay saxaafadau sheegeen In ay Arkeen Gaari nooca loo yaqaano Uuraalka oo ay Ka Buuxaan Ciidamo Ethiopian ah oo Mar qudha Hawada Isku Shareeray Kadib Markii lala Beegsaday Nooc Miinadda Gacanta Laga Hago ah islamrkaana uu halkaasi ku shuf beelay gaarigaasi iyo waxii saarnaaba .

Ma Cada Ilaa iyo iminka Tirada dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray ciidamada ethiopianka ee saarnaa gaariga Uralka ah ee qaraxa lala beegsaday waloow uu shuf beelay gaadhigaasi iyo waxii saarnaaba .
Sidoo kale qaraxa kadib ayaa waxaa goobtaasi isku gadaamay ciidamo kale oo ethiopian ah oo watey gawaarida dagaalka ee halkaasi durbadiiba soo gaaray taasoo ay ku faafeen deegaanada iyo wadooyinka ku dhow dhow islamrkaana ay halkaasi ka bilaabeen baaritaano kala cayrin dadka shacabka ah oo aan la ogayn inay dad rayid ah ku laayeen iyo in kale .

Ciidamada ethiopianka ayaa badanaaba dadka rayidka ah u gaysta marka xoogaga kasoo horjeedaa ay qarax ama dagaal kala hor yimaadaan aargoosasho xasuuq ah islamrkaana aan u kala aabe yeelin iyadoo maanta qaraxan loo gaystay baabuurka Uralka ah ee ku shuf beelay isgoyska fagax bartamaheeda aan la ogayn ciidamada gurmadka ah ee ethiopianku waxay shacabka u gaysteen .

yaasiin faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com